Sidee ayaa carruurtan looga soo furdaamin karaa xeryaha qoysaska Daacish ee Suuriya?

Syria

Xigashada Sawirka, JEWAN ABDI/BBC

    • Author, Reality Check team
    • Role, BBC News
  • Published

Kiiska saddex carruur ah oo la rumeysan yahay inay ka soo jeedaan UK, kuna xayirnaa Suuriya kaddib markii waaliddiintooda ay ku biireen "ururka Daacish" isla markaana ay halkaas ku geeriyoodeen, ayaa waxay su`aal ka dhalatay sidii dib u dejin loogu sameyn lahaa.

Carruurtan oo kala ah, Amira, Heba iyo Hamza, ayaa dhowaan lagu soo qaatay warbixin ay BBC ka sameysay xero ku taalla Suuriya oo ay ku jiraan qoysaska dagaalyahannada Daacish.

Sidaas darraaddeed habkee loo marayaa dib u soo celintooda - maxaase caqabado ah oo ka dhalan kara?

In loo maro hab diblomaasiyadeed

Xeryaha ku yaalla waqooyiga Suuriya ayaa waxaa ku jira qoysaska Daacish waxaana gacanta ku haya xoogagga ay Kurdiyiintu hoggaamiyaan, kuwaasoo marar badan dalalka Yurub ugu baaqay inay kaxaystaan muwaadiniintooda.

Dalal badan ayaa ka cago jiiday inay soo celiyaan taageerayaasha Daacish sababo la xiriira bulshada oo ka soo horjeedda arrintaasi iyo sababo dhanka sharciga ah.

Muwaadiniinta ajnabiga ah ee dibadda ku nool ayaa caawinaad ka hela safaaradaha waxayna tan caadi ahaan u baahan tahay in si toos ah loola xiriiro dadka ku jira xeryaha.

Si kastaba, tani waa mid adag maadaama dalal badan ay xireen safaaradahooda ku yaallay Suuriya.

Dalalka qaar ayaa caddeeyay inay rumeysan yihiin inay khatar tahay in saraakiishooda ay u diraan goobo dagaal.

Iyadoo rabshadaha ka socda waqooyiga Suuriya ay sii karaar qaateen, ayaa waxaa xaladda adkeynaya heerka ammaan-darrada ee gudaha iyo bannaanka xeryaha.

Mother and child in camp in northern Syria

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Ilaa 70,000 oo haween iyo carruur ah ayaa ku jira xerada al-Hol camp, oo ah tan ugu weyn waqooyiga Suuriya.

Australia ayaa sheegtay inaysan qaadaneynin khatarta ah in dad ay u dirto xeryaha si carruurta loo badbaadiyo.

"Waa goob aad u khatar badan. Khatar uma gelin doonno nolosha dadka kale ee Australia u dhashay. Waa un intaas," ayay tiri wasiirka arrimaha dibadda Linda Reynolds.

In la sameeyo sharciga lagu laabanayo

Haddii ay saraakiisha dibulomaasiyiintu ku guuleystaan inay xiriir sameeyaan, marxaladda labaad waxay noqoneysaa in la sameeyo caddeynta waalidnimada iyo dhalashada ilmaha.

Balse tani way adkaan kartaa haddii

  • waalidiintu aysan haysan dukumentiyada dhalashada
  • carruurtu ay iska dhaleen waaliddiin labo dal ka soo kala jeeda
  • carruurtu ay yihiin kuwo agoon ah oo uusan jirin qof qaangaar ah oo wakiil ka ah
  • uusan jirin baaritaanka hidda-sidaha DNA si loo ogaado waalidka dhalay

Dalka UK, dowladda ayaa sheegtay inay aad u adkaan karto in la hubiyo dhalashada carruurta.

Warbixin ay bishii July soo saartay, Xarunta Caalamiga ah ee King's College ayaa lagu sheegay in keliya afar carruur ah dib loogu celiyay UK, balse waxay sidoo kale sheegeen in tiradan laga yaabo inaysan noqon mid sax ah.

Bishii February, xoghayihii hore ee arrimaha gudaha UK, Sajid Javid, ayaa baarlamaanka u sheegay inuusan wax damqasho ah u heynin carruur ku xayiran goob dagaal.

Kiiskae Shamima Begum, ee lagala laabtay dhalashada UK si looga hortago soo laabashadeeda, dowladda ayaa sheegtay in cunugga u dhashay horraantii sanadkan uu ahaan doono British.

Balse cunugga ayaa ku dhintay xero qaxooti oo ku taalla Suuriya, isagoo jira wax ka yar saddex toddobaad.

Child after fall of IS stronghold

Xigashada Sawirka, Getty Images

Markaas kaddib, dowladda UK ayaa sheegtay inay khatar ahaan lahayd in saraakiil loo diro xerada ay ku sugneyd Shamima Begum si ilmaha yar loo badbaadiyo.

In loo celiyo dalalka kale

Tiro carruur ah oo dalal kala duwan ka soo jeeda ayaa dib u dejin loo sameeyay sanadkan.

Ruushka ayaa soo qaaday 145 ilaa 200 oo carruur ah.

Dhowr dal oo bartamaha Aasiya ku yaalla ayaa sidoo kale soo celiyay carruur.

Bishii May, Kazakhstan ayaa soo qaadatay ilaa 230 oo muwaaddiniinteeda ah - oo badankood carruur ahaa - kuna jiray xeryo ku yaalla Suuriya.

Austria ayaa iyadana aqbashay soo celinta labo carruur oo agoon ah kaddib markii la marsiiyay baaritaan isla markaana ay maxkamad xukmisay cedda qaadan doonto carruurta marka la soo celiyo.

Jarmalka ayaa sidoo kale soo qaaday carruur, sidaas oo kalena waxaa sameeyay Faransiiska, Belgium, Sweden iyo Norway.