Carruur miro ay xadeen sannado xabsi ugu jira

.
Qoraalka sawirka, Carruurta qaarkood waxay xabsiga ku jireen 3 sano
Published

Carruur lagu eedeeyay dambi ku saabsan inay xadeen miraha geedka Vanilla ayaa ku jira xabsi ku yaalla waddanka Madagascar, waxaana laga yaabaa inay ilaa 3 sano xirnaadaan, iyagoo aan wax dacwad ah lagusoo oogin.

Jasiiraddan ayaa ah meesha ugu badan caalamka oo dhan ee laga soo saaro miraha geedka Vanilla, waxaana jirta xatooyo badan oo lagu sameeyo mirahaas sida weyn looga daneeyo dunida.

Hase ahaatee, xaaladaha ay carruurtan ku wajahayaan xabsiyada ayaa noqon kara kuwo laga walaaco, iyagoo qaarkood maalintii oo dhan hal wakhti kaliya cunto la siiyo.

Wariyaha BBC-da ee Koonfurta Afrika, Pumza Fihlani ayaa booqasho ku tagtay xabsi lagu magacaabo Antalaha, oo u yaalla gobolka Sava, oo ka mid ah gobollada hodanka ku ah wax soo saarka Vanilla.

In ka badan 180 carruur ah ayaa ka mid ah maxaabiista ku jirta xabsigaas, badankoodna waxay dhibaneyaal u yihiin geedka Vanilla oo ay xadeen.

Ma helaan hoy fiican ama sariir ay ku seexdaan inta ay xabsiga ku jiraan, waxayna ku xeesdaan dhagax shamiito laga sameeyay dushiis.

Mid ka mid ah carruurta halkaas ku jira oo ay da'diisu tahay 16 sano, wuxuu hadda xabsigaas ku xiran yahay muddo saddex sano ah.

Sida carruur badan oo kale, mar kasta wuxuu sheegaa inuusan wax dambi ah geysanin, oo si caddaalad darro ah loo xiray.

Waxaan qarinnay wajigiisa, si aan loo aqoonsanin.

.
Qoraalka sawirka, Ku dhawaad 180 carruur ah ayaa xabsigan kula jira in ka badan 2,000 oo dad waaweyn ah

Isagoo la hadlaya BBC-da ayuu yiri: "Nolosheyda way burburtay, Mararka qaarkood hurdo ma helo habeenkii, maadaama aannaan heysanin meel dhinaca la dhigi karo, oo aan dhagax ka ahayn, marka waan iska fadhinnaa. Halmeel ayaan seexannaa, isla meeshaas ayaa fadhi noo ah, oo wax aan ku cunnaa. Waxaan u xiisay hooyadey iyo qoyskeyga kaleba, sababtoo ah aad bay iiga fog yihiin, ma aannaan is arkin ilaa markii halkan la igu soo xiray, telefoonka kaliya ayaan mar mar ka wada hadalnaa".

Carruurtan waxay xabsiga kula nool yihiin in ka badan 2,000 oo maxaabiis dad waaweyn ah.

Markii tirada carruurta iyo tan dadka waaweyn la isu geeyo waxay kor u dhaafayaan 2,200 oo ruux, laakiin xabsiga waxaa loo dhisay inuu qaado 280 ruux oo kaliya.

Maxaabiista oo dhan hal wakhti ayey wax cunaan maalintii oo dhan.

"Markii aadan heysanin qof ku xannaaneeya, qof raashin kuu keena, qof kaa war qaba marka aad xanuunsan tahay runtii aad bay u adagtahay", ayuu yiri.

.
Qoraalka sawirka, Sannado ayaa carruurtan lagu hayaa xabsiga, markii maxkamad la geeyana ma helaan qareenno u dooda

Vanilla wuxuu ganacsi aad u weyn ka yahay dalka Madagascar.

Halkii kiilo waxaa lagu iibin karaa lacag gaareysa $150 doolar, markii dibadda loo dhoofinayo.

Sidaas awgeedna, mas'uuliyiinta waddankaas waxay si adag ula tacaalaan dadka ku dhiirrada inay xadaan.

"Waxaan ku khasban nahay inaan ilaalinno milkiileyaasha dalagga Vanilla iyo dadka macaamiisha ah ee iibsadaba, waxaa kale oo aan ilaalineynaa qiimaha suuqa iyo habsami u socodka ganacsiga Vanilla. Bani'aadan ahaan si fiican ayaan u fahansanahay xaaladaha ay ku sugan yihiin maxaabiistan, waana taas sababta aan howlwadeennadeena ula dagaallameyno inay dadaalaan intii karaankeenna ah", Sidaas waxaa BBC-da ku tiri Rava Savatsaraha, oo ah madaxa shaqaalaha ee Wasaaradda caddaaladda ee dalka Madagascar.

Waddankan, carruurta xabsiyo waa lagu heyn karaa muddo sannado ah, ka hor inta aan wax dacwad ah lagu soo oogin. Markii ugu dambeyn maxkamad la horgeeyana, ma helaan qareenno u dooda.