"Anigoo cashirkii koobaad ee duulimaadka baranaya ayuu duuliyihii diyaaradda waday miyir daboolmay"

Xigashada Sawirka, Getty Images
Arday duuliyenimo baranaya ayaa si nabadgalyo ah u dajiay diyaaraddii hawada ku jiray ee cashirka duulimaadyada lagu baranayay ka dib markii uu macallinkiisii miyir daboolmay.
Max Sylvester oo reer Australia ah ayaa wacay lambarka waaxda taleefannada duulimaadyada ka jawaaba, isaga oo ku wargaliyay in dhibaato soo wajahday macallinkiisiina uu garabkiisa ku miyir daboolmay.
Waaxda ka jawabta taleefannada garoonka Perth ayaa u tilmaamay sidii uu si nabadgalyo ah garoonka ugu dajin lahaa diyaaradda.
Sylvester ayaa markii dambe lagu ammaanay in uu si degdeg ah uga falceliyay xaaladda ku soo korodhay, isla markaasna degenaansho muujiyay.
Codkii laga duubay markii uu culaysku soo wajahay ayaa markii dambe bulshada lala wadaagay, waxaana la maqli karaa isaga oo marka hore sharaxaya xaaladda macallinkiisa, ka dibna duuliyenimada la wareegaya.
"Wuu igu soo dangiigsaday, waxaan isku dayayaa in aan fadhiisiyo balse wuu igu soo dul dhacayaa haddana," ayuu ku yiri qolyaha taleefoonnada diyaaradaha ka jawaaba.
Markii la waydiiyay in uu yaqaanno duulinta diyaaradda Cessna, wuxuu ku jawaabay "kani cashir kaygii koobaad ayuu ahaa".
Sylvester ayaa horay u qaatay labo cashir oo duulimaadka ku saabsan, balse waxay ahayd markii koobaad ee uu diyaaradda wajaho, waligiina iskuma dayin in uu diyaarad dajiyo.
Ka dib markii uu saacad ku dul wareegayay garoonka Jandakot Airport ee ku yaalla magaalada Perth isaga oo tijaabo samaynayay wuxuu si nabad galyo ah u dajiyay diyaaraddii, waxaana halkaas ku sugayay xubnaha qoyskiisa iyo shaqaalaha gurmadka degdegga ah.
Duuliyihii macallinka ahaa ayaa isbitaal loo sii qaaday isaga oo xaaladdiisu dagan tahay.
"Ma jirto wax dhibaato ah ama burbur ah oo garay diyaaradda, xaqiiqada haddii laga hadlana si wanaagsan ayay u dagtay," ayuu yiri Chuck McElwee oo ah milkiilaha iskuulka duuliyenimada lagu barto.
Wuxuu ammaanay ardaydayga duuliyenimada baranayay iyo shaqaalihii garoonka ee gacan qabtay wuxuuna yiri: "Waxaan idiin sheegayaa, wada shaqayntaas oo kale badanaa lama helo."












