Jacob Zuma oo mar kale miiska saaran loona haysto fadeexado musuqmaasuq

Xigashada Sawirka, Reuters
Madaxwaynihii hore ee Koonfur Afrika Jacob Zuma yaa lagu wadaa in su'aalo la xiriira eedeymo musuqmaasuq la waydiiyo iyada oo telfishinda dalkaasi si toos ah looga daawanayo maanta iyo guud ahaan toddobadka oo dhan.
Madaxwaynihii hore ee Koonfur Afrika, Jacob Zuma, ayaa lagula xisaabtamayaa shacabka hortiisa ,waxa uuna hortagi doonaa guddi baaritaan oo uu hogaaminayo garsoore.
Waxaa Zuma wax laga waydiin doonaa falal musuqmaasuq oo baahsan oo dhacay 9 sano ee uu awooda dalkaasi hayay.
Ka dib muddo bilooyiin ah oo marqaatiyada iyo su'aalo waydiinta laga baahinayay Telefishinada ayaa waxa saraakiil badan oo sarsare lala xiriiriyay falal musuqmaasuq.
Balse Mr Zuma ayaa ku qoslay eedeeymaha loo soo jeediyay waxuuna ku adkaystay in uusan wax dambi ah galin.
Waxaa laga yaabaa in uu diido in uu la shaqeeyo guddiga baaritaanka samaynaya eedeeymaha musuqmaasuq.
Zuma ayaa ku andacooday in uu yahay dhibane shirqool siyaasadeed loo maleegay.
Xaaladda dalka Koonfur afrika ayaa ah mid cakiran islamarkana waxay dadka si wayn dhagta ugu taagayaan su'aala waydiinta Mr Zuma.
Madaxwaynaha Koonfur Afrika Cyril Ramaphosa ayaa ballanqaaday in uu nadiifin doono haya'adaha dalkaasi uuna mideyn doono xisbiga talada haya ee ANC.
Balse waxaa cad in shaqsiyaad awood leh oo lagu eedeeyay musuqmaasuq ay soo rogaalceliyeen,islamarkana ay isku dayayaan in ay minja-xaabiyaan dowladda ayna la wareegaan awooda xisbiga ANC.












