Lammaane reer miyi ah oo jacaylka wax badan ka garanaya

Published

Waxaa aad u yar in la'arko dad muddo badan wada noolaa oo aan khilaaf soo kala dhax galin taasna waa dabeecadda bini'aadanku u badan yahay, Balse lammaane deggan magaalada Qabridahar ee Dowlad deegaanka Soomaalida ayaa is qabay muddo 56 sano ah.

Lammaanahan oo ay sheekadooda soo jiidatay dad badan ayaa BBC-da u sheegay in waligoodba uusan khilaaf dhexmarin.

Bulshada ayaa badanaa aaminsan inay dhif iyo nadir tahay in la helo qoys Soomaaliyeed oo haddana reer miyi ah kana dhexeeyo jacayl iyo Isfahan aad u weyn oo soo jiidanaya shacabka ku nool agagaarkooda.

"Waxaanu ahayn dad reer miyi ah, waxaan ahayn dad isjecel oo aad isku fahansan, aniga oo 14 sano jira Ayaan guursaday, aad ayuu ii caawin jiray , marka aan xanuunsado aad ayuu ii caawin jiray, anaga oo aanan isku dhicin ayey ilmaheena noo koreen, intii aan la noola wax dhib ah kalama kulmin, aasaaska nolol fiican iyo in ilmo wanaagsan la koriyo ayaa ah in ay ku koraan guri ku dhisan ixtiraam, Isfahan iyo jacayl." Ayey tiri.

"Xaaskayga oo jiran ayaa waxa dabka noo shiday inan yar, markaas ayaa waxaan arkay wiilkii oo guban rabo, waxaan go'aan ku gaaray inaan cuntada kariyo aniga marka ay xaaskayga xanuunsato, waxaa jirta inay jiraan rag xaasaskooda gacmaha u qaado balse weligay taasi ma aanan samaynin." Ayuu yiri.

Sidee ayey dadka u arkaan jacaylka qoyskan dhexyaala?

"Waxaa muhiim ah in laba qof oo ay nolosha ka dhexayso ay samaystaan nolol wanaagsan, qoyskan dad badan ayey dhiiragelin u yihiin marka waxaan qoysaska da'da yar ku waaninayaa inay isku samraan oo ay dadaalan oo ay mustaqbalkooda ka fikiraan, waxaan aaminsanahay in carruurta dahriibayso waxay u badanyihiin carruur aanan si fiican loo korinin oo aan guryahooda si wanaagsan looga tarbiyeynaynin, waxay u dhawdahay inay arkeen waalidkood oo isfurayo oo ay taasi niyad jab ku abuurto." Ayey tiri Maryam.