Waa kuma ninka laf dhuun gashay ku noqday Erdogan?

Xigashada Sawirka, AFP
Waxay ahayd riyo u rumoowday Akram Imam Ogle markii la shaaciyay natiijada doorashada duqa magaalada Istanbul.
Wuxuu ahaa nin aanan wax badan laga aqoonin markii hore ka hor intii uusan soo galin loolanka doorashada.
Muddo badan oo sannooyin ah Turkiga waxaa hareeyay arrimo ay ka midyihiin isku day afgembi, weeraro argagixiso, duqeymo , hirar dad muhaajiriin ah, ayaa waxa ay horseedeen in dadka ay dareemaan kala qeybsanaan badan, iyada oo qaarna ay u taageereen madaxweyne Erdogan, qaarna kasoo horjeedsadeen.
Xisbiyada mucaaradka ayaa intii muddo ahba muujinayay rajo ah in ay guulaysan doonaan, ugu dambeyntiina waxa ay heleen qof ay ku dabo safan karaan.
Akram Imam Ogle waa 49 jir ah, wuxuu si lama filaan u kasbaday taageerada dadka intooda badan, isaga oo had iyo jeer ku dedaalayay fariimaha dhanka wanaagsan.
Doorashooyinkii dhacay bishii Maarso waxa ay ahaayeen kuwa natiijada aad la'isugu dhowyahay maadaamaa uu wajahayay Ra'isulwasaarihii hore Binali Yildirim, kaas oo ka mid ah madaxda iyo asaasayaasha xisbiga AP Party ee madaxweyne Erdogan.
Waxa uu horey cod aan sidaas u badnayn oo ka dheer kuwii musharixii la tartamayay oo heystay taageeradii dowladda iyo waliba tabintii wararka warbaahinta ay dowladda wada maamusho. Wuxuu heley 13,000 kun oo dheeraad ah.
Dowladda ayaa dood ka keentay natiijadii doorashada, guddiga doorashada ayaa go'aamiyay in doorashada lagu celiyo.
Markiisa lagu celiyay waxa uu heley 800 kun oo codad ah oo dheeraad ah, taas oo guushiisa ka dhigtay mid aqlabiyad balaaran ah, waxayna dad badan u arkeen in dadka ay ka falceliyeen dhaqankii xisbiga talada haya uu guusha ugu diiday Mudane Akram.
Erdogan ma ahan nin si sahlan ku wareejinaya magaalada Istanbul, wuxuuna u diyaargaroobay in uu si kasta gacanta xisbigiisa ugu soo celiyo maamulka magaalada "Qof kasta oo ku guuleysta magaalada Istanbul, Turkigana isaga ayaa ku guuleystay" ayuu yiri Erdogan. r.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Erdogan ayaa mar duq magaalo kasoo ahaa Istanbul, waana halkii uu siyaasadda kasoo galay, mana ahan arrin sahlan in xisbigiisa uu lumiyo maamulka magaalada.
Mar uu taageerayaashiisa la hadlayay xilligii ololaha, duqa cusub ee Istanbul ayaa yiri "Waan jeclahay in aan dadka xabadka galiyo, qof kasta oo iga soo horjeeda oon ka guuleystana xabadka ayaan galin doonaa" ayuu yiri.
Dowladda ayaa isaga ku eedeysay in uu yahay Argagixiso , nin taageeray afgambigii dhicisoobay, islamarkaasna yahay nin reer Giriig ah, Maraykankana uu dabada ka riixayo iyo waliba madaxweynaha Masar Cabdifataax Siisii.
"Erdogan aad ayuu uga welwelsanyahay ninkan" ayuu yiri Muraad Yetkin oo horey u ahaa tifaftirihii Hurriyet Daily News.

Xigashada Sawirka, Reuters
"Wuxuu ciyaarayaa kaar kasta oo suurtogal ah, haddii uu guul daraysto, waa biloowga dhammaadka kobocii siyaasadda ee aan hakadka lahayn ee rubuc qarnigii lasoo dhaafay, xaqiiqda waxa ay tahay madaxwweyne wuu sii ahaan doonaa, balse dowlad awood qeybsi ku dhisan ayay noqon doontaa". ayuu yiri Muraad.
Tan waxaa kale oo ka faa'iideysanaya dadka isaga ku kacsan ee xisbiga ay ka wada tirsanyihiin.
Ra'isulwasaarihii hore Axmed Davutoglu ayaa la sheegay in uu qorsheynayo in uu samaysto xisbi cusub , wuxuuna rajaynayaa in uu badelo Erdogan.













