Maqaayadda macaamiisheeda aysan lacagta bixinin !

Xigashada Sawirka, Phil Coomes
Maalin caadi ah ayay ka tahay maqaayad ku taalla waqooyi-bari London.
Sawaxan ayaa baxaya iyadoo dadku ay cunteynayaan lana sheekeysanayaan kuwa agfadhiya miisaska ku dheggan, carruurta ayaa iyaguna buuqaya oo salaamaya saaxiibbadood ka yimid iskuulka oo maqaayadda imaanaya.
Balse maqaayadda Eggs & Bread (Ukun iyo Rooti) ee ku taalla Walthamstow ma aha oo keliya meel aad ka cuni karto quraac xilligeeda dhaaftay.
Macaamiisha ayaa fadhiisan kara, ku raaxeysan kara quraac macaan iskana tegi kara - iyagoo aan lacag bixin.
Mashruucan wuxuu ka mid yahay dhowr mashaariic oo aan faa`iido-doon ahayn, ee maqaayadaha ku shaqeeya habka "bixi-waxa-aad-jeceshahay" ee ku soo badanaya UK.
Macaamiisha ayaa laga codsadaa inay ku deeqaan inta ay jecel yihiin - amaba ay awoodaan - marka ay maqaayadda yimaadaan.
Haddii aysan bixin karinna? Dhib ma jiro, waa ay iska baxayaan.

Xigashada Sawirka, Phil Coomes
Bannaanka maqaayadda waxaa ku dheggan boor ay ku qoran tahay cuntada ay maqaayaddu hayso oo ah - ukun biyo lagu kariyay, rooti iyo shurbad, shaah, kafey iyo cabitaanka oronjada.
Kuwa awooda waxaa laga codsadaa in waxa ay jecelyihiin ay ku ridaan sanduuq derbiga ku dheggan, sidaas daraaddeed cidna ma ogaan karto waxa uu qofku bixiyay ama inuusanba bixin.

Xigashada Sawirka, Phil Coomes
Mr. Guy, oo caymiska ka shaqeeya, ayaa go`aansaday inuu furo maqaayadda Eggs & Bread, oo aan faa`iido-doon ahayn.
Maqaayadda, ayuu sheegay, inay tahay mid dadka simeysa, oo u oggolaaneysa dhammaan bulshada qaybaheeda kala duwan inay maqaayadda yimaadaan, ku sheekeystaan kana quraacdaan iyagoo aanan lacag ka fekerin.
Sheilla Addy-Tely, oo ah qoraa, waxay iyada iyo wiilkeeda lix-sano-jirka ah Ethan maqaayadda tagaan toddobaadkiibalabo ama saddex jeer, kahor inta uusan wiilkeeda iskuulka aadin.
"Mararka qaar waxaa u imaannaa inay tahay quraacda ugu fudud ee la heli karo, marka ay lacag la`aanta jirtana waan iska imaannaa," ayay tiri.
Maqaayadda waxay sidoo kale caan ku tahay in macaamiishu ay iyaga adeegtaan, oo ay quraacdooda diyaarsadaan.

Xigashada Sawirka, Phil Coomes
Meelaha kale, mashaariicda noocan oo kale ah ayaa waxaa looga hirgeliyay inay caawiyaan dadka aanan awoodin inay quraac helaan amaba sababo dhanka deegaanka ah.
Kuwo badan ayaa isticmaala cunto laga keenay dukaamada waaweyn iyo maqaayadaha, oo si aysan cuntadaas u hallaabin u bixiya deeq ahaan.

Xigashada Sawirka, Phil Coomes
Maqaayadda ToastLoveCoffee ee ku taalla Leeds dhammaan cuntada taalla waxaa ku deeqay dukaamada, waana lacag la`aan. Maqaayadda waxaa la furay bishii July 2016.

Xigashada Sawirka, The Real Junk Food Project
Haddii aan u laabanno Eggs & Bread, milkiilaha Guy Wilson ayaa yiri: "Waxa aan bulshada u fidineyno waa adeegyo ay u baahan yihiin."
Isaga ayaa hadda maalgeliya mashruuca isla arkaana shaqaalaha siiya lacagtooda.

Xigashada Sawirka, Phil Coomes












