Weerar lagu qaaday maqaayad ku taalla Beledweyne

Published
Ugu yaraan saddex qof ayaa ku dhintay halka 15 kalena ay ku dhaawacmeen weerar ismaadin ah oo ka dhacay magaalada Beledweyne ee bartamaha Soomaaliya.
Qofka is miidaamiyay ayaa isku qarxiyay maqaayad ku taalla bannaanka xarunta maamulka gobolkaasi.
Kooxda Al Shabaab ayaa sheegatay inay fulisay qaraxa. Kooxda ayaa si joogto ah weerarro is miidaamin ah uga fuliya magaalada caasimadda ah ee Muqdisho iyo qaybo ka tirsan Soomaaliya. Waa weerarkii ugu horreeyay ee ka dhaca Beledweyne dhowr bilood kaddib.








