Dhallinyaradan Soomaaliyeed oo iyagoo maxaabiis ah haddana Musqtaqbalkooda dhisaya

Published

Maxaabiista ku xiran deegaannada Soomaaliya intooda badan waxay dhibaatooyin kula kulmaan jeelka, laakiin xabsi ku yaalla magaalada Garoowe ee maamulka Puntland ayaa ka mid ah kuwa dhif iyo naadirka ah ee dadka maxaabiista ah siiya fursado ay ku dhistaan mustaqbal wanaagsan marka ay ka baxan xabsiga, sida uu ku soo warramay wariye Axmed Cawil oo BBC-da uga soo warrama deeganaada Puntland, booqday na xabsigaasi.

Dhallinyarada ku jirta xabsigan ayaa u muuqda kuwo ka faa'iideysta wakhtiga ay halkaas ku qaadanayaan, si ay u dhistaan xirfado ay noloshooda horumar ku gaarsiin karaan, haddii ay ka baxaan xabsiga.

Dadkan aya hela wax barasho isugu jirto diini iyo maadi iyo sidoo kale xirfado muhiim ah oo ay ka mid yihiin beer falashada, farsamada korontada, biyo galinta, sameynta bulukeetiga guryaha lagu dhiso iyo waxyaabo kale.

Qaar badan oo kamid ah ayaa muddo dheer xirnaa, waxayna macallimiin ku noqdeen culuumta kala duwan, iyagoo hadda aqoontooda uga faa'ideeya, oo sii bara maxaabiista cusub ee ku soo biirta.

Howsha ay qabtaan maxaabiistan ayaa qeyb ka noqota dhismaha iyo horumarka magaalada Garowe.

Siciid Maxamed Cabdulle oo ka mid ah maxaabiista macallimiinta ka ah xabsiga oo BBC-da la hadlay ayaa yiri sidatan

"Waan iska barwaaqeysannahay, xorriyad oo kaliya ayaa naga maqan mooyee sida kale caadi ayaan nahay. Anigu waxaan ahay injineerka meeshan ka haya shaqada sameynta bulukeetiyada loo iib geeyo magaalada qeybeheeda kala duwan. Anigoo maxbuus ah ayaan maxaabiista qaarkood macallin u ahay". Waxaa sidaasi yiri Siciid Maxamed Cabdulle.

Siciid oo horay u ahaa darawal gaadiidka dadweynaha kaxeeya ayaa xabsigan ku jiray muddo 8 sano ah, ka dib markii loo soo xiray dambi la xiriiray mas'uuliyadda 8 ruux oo ku dhimatay shil uu galay gaari uu isagu waday.

Ciidammada ku sugan xabsiga ayaa aad u feejigan si buuxdana u ilaaliya amniga maxaabiista.

Taliyaha ciidammada asluubta ee Puntland, Janaraal Cali Nuur ayay BBC-da weydiisay xirfadaha xabsigaasi lagu baro maxaabiista:

''Waxbarashada aasaasiga ah iyo xirfadaha kala duwanba halkan waa lagu baraa dadka maxaabiista ah, waxaa ka mid ah harqaanka, korontada, biyo galinta, intaasi oo dhan xabsiga ayaad ugu tageysaa''.

Maxaabiistaasi ayaa waxaa ka mid ah dhallinyaro lagu eedeeyay falalka burcad badeednimada, kuwaasi oo laga soo qabtay waddamo ka baxsan Soomaaliya.