You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Gabar shaqada uga tagtay khilaaf kala dhaxeeya xaaska Trump
Ku xigeenka la taliyaha arrimaha amniga qaranka ee aqalka Cad ee Mareykanka looga arrimiyo, Mira Ricardel, ayaa xilkaasi iska casishay ka dib markii ay isku dhaceen xaaska madaxweyne Trump, Melania Trump oo ah marwada koowaad ee dalkaasi Mareykanka.
Haweeney afhayeen u ah aqalka cad ayaa sheegtay in Ricardel ay "shaqada uga tagtay si ay xil kale uga qabato isla maamulka madaxweyne Trump". Balse wax tafaasiil ah kama aysan bixin xilka ay ku wareegeyso.
Melania Trump oo ah xaaska madaxweyne Trump ayaa usbuucan sheegtay in Ricardel "aysan marnaba u qalmin in ay ka shaqeyso aqalka cad ee Mareykanka looga arrimiyo".
Melina iyo ku xigeenka la taliyaha arrimaha amniga qaranka ee aqalka Cad, Mira Ricardel, ayaa lagu soo waramayaa in ay isku dhaceen xilligii Melina ay booqashada ku mareysay qaaradda Afrika bishii Oktoobar ee aynu ka soo gudubnay.
Xil ka qaadista Ricardel ayaa ku soo beegmaya xilli ay soo baxayaan warar sheegaya in madaxweyne Trump uu doonayo in uu isku shaandheyn ku sameeyo shaqaalaha Aqalka Cad.
Wararka ayaa sheegaya in Trump ay suurtagal tahay in uu doonayo in uu xilka ka qaado agaasimaha madaxtooyada John Kelly ama xoghayaha waaxda arrimaha amniga gudaha, Kirstjen Nielsen,.
Maxay isku khilaafeen Ricardel iyo Melania Trump?
Iscasilaadda Ricardel ayaa lagu shaaciyay warbixin qoraal ah oo shalay oo arbaca ahayd ay soo saartay afhayeenka Aqalka Cad, Sarah Sanders.
Sanders ayaa warbixintaasi ku sheegtay in Ricardel "ay sii caawin doonto madaxweynaha".
Horraantii usbuucan ayaa warbaahinta Mareykanka waxa ay sheegtay in Melina iyo Ricardel ay ku murmeen qaabka loo kala fariisanayo gudaha diyaaradda.
Melina ayaa markii ay Afrika booqashada ku maraysay ayaa wareysi ay siisay ABC waxa ay ku sheegtay in ay jiraan dad ka shaqeeya Aqalka Cad oo aysan aamini karin.
Waxa ay sheegtay in ay madaxweynuhu siisay talo wanaagsan ka dibna uu go'aanka isagu gaarayo.
Jariiradda The Wall Street Journal ayaa mar sii horreysay shaacisay in kooxda Trump ay rumeysan yihiin in Ricardel ay ka dambeysay warar badan oo wax u dhimaya sumcadda xaaska Trump iyo shaqaalaheeda.