Daadadka Urdun: 11 qof oo ku dhimatay iyo dalxiisayaasha oo laga saaray Petra
Daadad ku dhuftay dalka Urdun ayaa la sheegay iney ku dhinteen 11 qof ku dhawaad 4,000 oo dalxiisayaal ahna laga daad gureeyey magaalada qadiimka ee Petra.
Shaqaalaha gurmadka oo adeegsanaya diyaaradaha Helikoptarka ayaa baadi goobaya 5 qof oo gaari wada saarnaa oo uu daad ku qaaday Madaba oo koonfur-galbeed kaga beegan caasimadda Cummaan.
Magaalada xeebta ee Caqaba oo ay iyaduna daadaku si weyn u saameeyeen waxaa lagu soo rogay xaalad degdeg ah.
Daadadkan ayaa imanaya laba toddobad un kaddib marki ay daadad noocan ah ay ku dhinteen 21 qof oo carruur u badan ay ku qaadeen meel u dhaw Baxral Mowd.
Haweeney afhayeen u ah difaaca bulshada rayadaka ah oo u warrantay wakaaladda wararka ee AFP ayaa waxay sheegtay dadka daadadka ay ku dileen deegaanka Dabaa oo ku yaalla Koonfurta Cummaan ay ka mid yihiin carruur.
Waxayna intaa ku dartay "waddada halbowlaha ee caasimadda ku xirta koonfurta dalka iney gabi ahaanba go'day".

Xigashada Sawirka, Via Jordan Ministry of Communications
Daadadka ku dhuftay magaalada Petra meelaha qaar waxay ay ku socdeen joog dhan 4 mitir sida lagu baahiyey telefishiinka dowladda.
Jumana Ghunaimat oo ah haweeney u hadasha dowladda ayaa sheegtay "in dalxiisayaashi ku sugnaa maglaalada Petra loo qaaday magaalooyin ay daadadku saameynin".
Maantana waxaa la filayaa ayey tiri iney roobab waaweyn ka da'aan dalka Urdun halkaasina ay ka dhashaan daadad horleh sidaa darteed dadka deggan deegaannada ay roobabka ma hiigaan ah ka da'ayaan ay guriyahooda ka baxaan ayey u soo jeedisay.
Dalka Urdun waxaa muddo toddobaad ah ka da'ayey roobab aad u weyn. Shacabka dalkaasina waxay aad uga caroodeen 18 carrruur ah oo bas ay saarnaayeen uu daadku qaaday bishi hore iyaga oo weliba dalbanayey wasiirrada waxbarashada iyo dalxiiska iney iscasilaan.

Xigashada Sawirka, Reuters














