You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Heesaaga Drage oo gabadh heestiisa qaadday ka caawiyay in ay wadne cusub hesho
Gabar si aad ah u xanuunsaneyd ayaa martay qalliin xaga wadnaha ah oo lagu guuleystay maalmo ka dib markii uu booqday fannaanka Drake.
"Sofia way ka soo baxday qalliinki! Qalliinka si fiican ayuu u dhacay. Runti waxay heshay wadne fiican oo xoog leh," waxaa sidaas lagu qoray farriin la soo dhigay boga ay internet-ka ku leedahay Sofia Sanchez, kaasoo ay ku dalban jirtay dhaqaalaha ku baxaya qalliinkeeda.
Gabadhaan mareykanka u dhalatay oo 11 sano jir ah ayaa waxaa horay ugu dhacay nooc ka mid ah cudurrada wadna xanuunka oo ay aad ula il darneyd.
Isbuucii la soo shaafay waxay internet-ka ku shaacisay sawirro ay isla galeen iyada iyo Drake oo ah fannaan u dhashay dalka Canada.
Drake ayaa gabadhaan oo ka mid ah taageerayaashiisa ku booqday isbitaalka carruurta ee magaalada Chicago.
Warka ku saabsan in Sofia ay heleysay wadne cusub ayaa lagu sheegay muuqaal qiiro badan oo la soo dhigay barta Instagram-ka.
Sofia ayaa sheegtay in mid ka mid ah waxyaabihii ay rajeyneysay xuska sannad guurada dhalasheeda - oo ah la kulanka Drake- uu dhacay, balse ay wali sugeysay rajada labaad, oo ahayd iney hesho wadne cusub.
"Qiyaas maxaa dhacay?" hooyadeed ayaa ku tiri. "Taasna way dhacday maanta."
"Ma waxaan helayaa wadne hooyo? Alla Rabiyoow," sidaas ayay iyadoo farxad la ooyeysa tiri markii ay maqashay warka farxadda leh.
Gabadhaan yar ayaa caalamka oo dhan laga bartay ka dib markii ay la kulantay fannaanka caanka ah ee Drake.
Heesaaga ayaa go'aansaday in uu booqdo gabdhaan 11 jirka ah ka dib markii uu arkay muuqaal ay sannad guurada dhalashadeeda soo dhigtay barta uu internet-ka ku leeyahay isbitaalkii ay ku jirtay.
"Waxaan halkaan joogay toddoba isbuuc waxaana sugayay qalliin dhanka wadnaha ah sababtoo ah wadnaheyga ma caafimaad qabo," ayay tiri Sofia.
Waxay sidoo kale sameysay xujada heesta Kiki - oo ah erayo ku jiray hees uu qaaday Drake, taasoo sababtay inuu arko oo uu la kulankeeda go'aansado.
Drake, oo magaalada Chicago u joogay bandhigyo xiriir ah ayaa u rumeeyay rajadeedii ay ku duceysatay maalintii sannad guurada dhalashadeeda.
Sidoo kale isagoo jawaab ka bixinaya muuqaalka qiirada leh ee ay soo saartay ayuu hadallo u jeediyay isagoo ku sugan bandhig habeenkii Salaasada ka dhacayay magaalada New York,
"Sofia, haddii ay muuqaalkaan ku soo gaarsiiyaan ogow waan ku jeclahay waana kugu faraxsanahay," ayuu yiri isagoo masraxa taagan.
Drake ayaa aad loogu yaqaannaa inuu naxariis badanyahay oo uu marar badan ka fal celiyo arrimahaasoo kale.
Bishii Febraayo, gabar ardayad ah ayuu siiyay deeq wax barasho oo ku kaceysay $50,000 (£36,000) ka dib markii uu akhriyay qoraal ay sameysay.
Sidoo kalena muuqaalkii uu fannaankan sameeyay ee heesta God's Plan ayuu uga yaabsaday shacabka Miami, isagoo go'aansaday inuu deeq ahaan u bixiyo guud ahaan lacagtii miisaaniyadda u ahayd muuqaalkaas oo gaareysay $1m (£780,000).