Xaaladda siyaasadeed ee Madagascar oo sii cakirmaysa

Khariirad
Published

Wasiirka gashandhiga ee dalka Madagascar ayaa ku hanjabay inuu adeegsan doono Milateriga dalka, haddii aan xal laga gaarin mashaakilka siyaasadeed ee taagan kahor doorashada.

Dhowrkii toddobaad ee lasoo dhaafay waxaa dalkaasi ka dhacayay dibadbaxyo looga soo horjeedo dedaallo ay dowlada dalkaasi ku dooneysay inay hogaamiyaaha mucaaradka kaga hor istaagto inuu ka qeybgalo doorashada, waxaan toddobaadkii hore ay maxkamadda dastuurka ee dalka Madagascar ku amartay madaxweynaha dalkaasi inuu soo dhiso dowlad midnima qaran.

Wasiirk difaaca ayaa ku baaqay in hogaamiyeyaasha dalku ay soo afjaraan qalalaasaha siyaasadeed, haddii si kale loo dhigana in ay dhinac iska dhigaan kala aragti duwanaanshahooda ayna dhisaan dawlad loo dhan yahay oo qaran.

Jeneraal Beni Xavier Rasolofonirina ayaa sheegay in haddii aysan xal keenin ay laamaha ammaanku ugu dambayn soo farogalindoonaan xaaladda.

Hanjabaadiisan ayaa timid ku dhawaad toban sano ka dib markii afgambi ka dhacay madagaskar uu mashaakil badan gaystay.

Doorashooyin ayaa lagu wadaa in ay dalkaas ka dhacaan qaybaha dambe ee sannadkan, balse siyaasiyiin iska soo horjeeda ayaa raba in midba midka kale uu u adeegsado maxkamadaha si uu u wiiqo.

Waxaa jirta caro isa soo taraysa oo loo qabo siyaasiyiinta, mana cadda goorta ay fursad heli doonaan shacabka Madagaskar.