You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Nin meydka Hooyadii guriga ku haystay muddo saddex sano ah
Booliiska dalka Hindiya ayaa sheegay in ay xireen nin maydka hooyadii Fiirinjiyeer ku hayay muddo saddex sano ah.
Eedeysanahani oo lagu magacaabo Subhabrata Majumdar ayaa maxkamad la soo taagay isaga oo lagu eedeeyay in maydka uu ku riday qaboojiye isaga oo sidoo kale la galiyay goobtaasi waxyaabo Kimiko ah.
Waxa ay booliiska imika baarayaan in qofkani la tuhunsan yahay uu maydka u haystay si ay ugu suuragasho in uu helo lacagta howlgabnimada hooyadii ka dib markii ay dhimatay.
Waxa uu sidoo kale ninkani u muuqdaa in uu rumaysnaa in hooyadii ay dib u dhalanayso haddii uu maydkeeda dhowro oo uu qaboojiye ku hayo.
"Waxa aan helnay dhowr Joornaal oo ka hadlaya maydadka qaboojiyayaasha lagu hayo iyo buugaag ka hadlaysa in dadka maydka ay dib u dhashaan," waxaa sidaasi BBC u sheegay askari ka tirsan booliiska.
Booliiska ayaa waxa ay sheegeen in ay guriga ninkani ay u dhaceen ka dib markii qof aysan aqoon uu soo wacay Arbacadii.
"Waxa aan helnay meydka haweenaydan oo dhex yaalla Firintijeer wayn, waxaa la mariyay waxyaabo Kimiko ah," ayay booliiska intaa ku dareen.
Sida ay wararka sheegayaan Mr Majumdar hooyadii ayaa dhimatay bishii April 2015,qoyska ayaa doorbiday in aan meydkeeda la gubin taa badalkeedana qaboojiye lagu keydiyo.
" Mr Majumdar iyo waalidiintiisa ayaa dhammaan ah howlgab waxa ayna bil waliba heli jireen lacagta howlgabnimada taasi oo aysan heli Karin marka uu qofka dhinto," waxaa sidaasi sheegay Nilanjan Biswas oo ah sargaal ka tirsan booliiska.
"Waxa aan ogaanay in lacagta howlgabnimada la qaadanayay tan iyo inta ay dhimatay." ayuu intaa ku daray.
Aaabaha dhalay Mr Majumdar ayay sidoo kale booliiska su'aalo waydiinayaan.