Sawirro:Dabaaldegyada maalinta xornimada Pakistan

Published

Dabaaldegyo waaweyn ayaa laga qabtay dalka Pakistan oo ku saabsan xuska maalinta xorriyada dalkaasi oo 70 sano laga joogo.

Dab-rid baaruud ah ayaa cirka loo ridey , iyada oo dadka badankood ay lulayaan calanka Pakistan oo Ingiriiska xornimo ka qaaday sanadkii 1947-dii.

Xigashada Sawirka, EPA

Qoraalka sawirka, Dab-rid baaruud ah ayaa cirka loo ridey , iyada oo dadka badankood ay lulayaan calanka Pakistan oo Ingiriiska xornimo ka qaaday sanadkii 1947-dii.
Dad badan ayaa u daawasho tagay mar calanka Pakistan laga surayay qalcadda Wagah oo ah marinka kaliya ee dhulka ee la'isaga gudbo Pakistan iyo Hindiya.

Xigashada Sawirka, AFP

Qoraalka sawirka, Dad badan ayaa u daawasho tagay mar calanka Pakistan laga surayay qalcadda Wagah oo ah marinka kaliya ee dhulka ee la'isaga gudbo Pakistan iyo Hindiya.
Magaalada Karachi munaasabadda xuska 70 guurada waxaa lagu qabtay madxafka Maxamed Cali Jinnah oo ahaa hoggaamiyihii asaasay Pakistan.

Xigashada Sawirka, EPA

Qoraalka sawirka, Magaalada Karachi munaasabadda xuska 70 guurada waxaa lagu qabtay madxafka Maxamed Cali Jinnah oo ahaa hoggaamiyihii asaasay Pakistan.
Dabaaldegyadan ayaa dhacaya xili Pakistan ay ku jirto qalalaase siyaasadeed kadib markii xilka uu ka dagay Ra'isulwasaarihii hore Nawaz Sharif.

Xigashada Sawirka, EPA

Qoraalka sawirka, Dabaaldegyadan ayaa dhacaya xili Pakistan ay ku jirto qalalaase siyaasadeed kadib markii xilka uu ka dagay Ra'isulwasaarihii hore Nawaz Sharif.
Ra'isulwasaaraha cusub Shahid Khaqan Abbasi ayaa ka qeybgalay munaasabadda oo la ridey 31 madfac , iyada oo diyaarado ay cawada ku sawireen midabada calanka Pakistan oo qaax ah.

Xigashada Sawirka, AFP

Qoraalka sawirka, Ra'isulwasaaraha cusub Shahid Khaqan Abbasi ayaa ka qeybgalay munaasabadda oo la ridey 31 madfac , iyada oo diyaarado ay cawada ku sawireen midabada calanka Pakistan oo qaax ah.
Askari Pakistani ah ayaa hor taagan calanka dalkiisa magaalada Peshawar ee Pakistan.

Xigashada Sawirka, EPA

Qoraalka sawirka, Askari Pakistani ah ayaa hor taagan calanka dalkiisa magaalada Peshawar ee Pakistan.