You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.

Take me to the main website

Wasiirkii Gaashaandhigga ee Somaliland oo iscasilay

Tebin toos ah

Tebin toos ah

  1. Mareykanka oo war ka soo saaray heshiiskii is-afgarad ee lagu gaaray Addis Ababa

    Waxaa weli isa soo taraya falcelinada ka dhalanaya heshiiskii is-afgarad ee ay dhawaan magaalada Addis Ababa ku gaareen, jamhuuriyadda gooni isu taageeda ku dhawaaqday ee Somaliland iyo Itoobiya. Mareykanka iyo jaamacadda Carabta ayaa u dambeeyay. Cabdiraxmaan Dhimbiil ayaa faahfaahinaya waxa uu Mareykanka ka yiri heshiiskaasi iyo dabcan wararkii ugu dambeeyay.

  2. Faa'iidooyinka laga helo cunista ukunta imisa ayaana maalintii la cuni karaa

  3. Xasan Nasrallah oo Xamaas uga tacsiyeeyay dilkii Al-Arouri

    Hassan Nasrallah ayaa ka jawaabay dilkii shalay Beyruut loogu geystay sarkaal sare oo ka tirsanaa Xamaas Salex Al-Arouri, isagoo ku eedeeyay Isra’iil inay ka dambeysay weerarka.

    Hogaamiyaha Xisbullaah ayaa sheegay inuu u tacsiyeynayo Xamaas, wuxuuna dilka ku tilmaamay "gardarrada cad ee Israa'iil ku hayso [xaafadda] Dahiyeh ee magaalada Beirut ".

    Ururka Xisbullah ayaa horey uga digay Israa’iil in ay weeraro ka geystaan Lubnaan, inkastoo Israa’iil aysan qiran in ay ku lug leedahay dilka Al-Arouri.

  4. Ololaha diblomaasiyadeed ee dawladda Soomaaliya wax ma ka baddali doonaa doonista Itoobiya

  5. War deg deg ah, Qudbaddi la sugayey ee Hogaamiyaha Xisbullaah oo hadda bilaabatay

    Hoggaamiyaha kooxda hubeysan ee Xisbullah, Xasan Nasrallah, ayaa khudbad ka billaabay dalka Lubnaan.

    Xisbullah waa xulafada muhiimka ah ee Iiraan iyo Xamaas, sidoo kale waa militariga ugu awooda badan Lubnaan. Waxaa kale oo ay tilmaamaan urur argagixiso dalal badan, oo ay ku jiraan US, UK, EU, Jaamacadda Carabta iyo dhawr waddan oo Carbeed.

    Rasaasta ay is weydaarsanayaan maleeshiyaadka Iiraan ay taageerto iyo Israa’iil ayaa bilihii lasoo dhaafay ka dhacaysay xadka, taasoo jawaab u ah dagaalka Qasa.

    Qudbada Nasrallah ayaa horay loo qorsheeyay sanadguuradii afaraad ee ka soo wareegatay dilkii Jeneraalkii ugu sareeyay Iiraan Qaasim Suleymaani oo lagu dilay duqeyn cirka ah oo Mareykanku uu ka fuliyay Ciraaq. Xuska dhimashadiisa ayaa lagu weeraray "Weerar Argagixiso" horaantii maanta, sida ay sheegeen saraakiisha Iiraan, taasoo keentay in wax ka badan 100 qof ay ku dhintaan koonfurta Iiraan.

    Laakin ka dib dilkii shalay lagu dilay Magaalada Beirut siyaasiga sare ee Xamaas Salex Al-Arouri, dad badan ayaa filanaya in Nasrallah uu jawaab ka bixiyo weerarka Beirut. Waxa uu hore u sheegay in falcelin adag laga bixin doono dil kasta oo Israa’iil ka gaysato dhulka Lubnaan.

  6. War deg deg ah, Dhawaaqa digniinta gantaallada oo laga maqlay guud ahaan xuduudka waqooyi ee Israa'iil

    Dhawaaqa digniinta gantaallada ayaa laga maqlay guud ahaan xuduudka waqooyi ee Israa'iil ay la wadaagto Lubnaan.

    Digniintan ayaa ka dhacday shan goobood oo ay ku jiraan Metzuba, Rosh Hanikra iyo Shlomi, oo ah magaalo ay maamulka Israa’iil sheegeen in lagu garaacay gantaallada lidka taangiyada ee Xisbullaah ay talaadadii ka soo tuurtay Lubnaan.

  7. Dawladda Soomaaliya oo jawaab adag kasoo saartay hadalkii kasoo baxay IGAD

    Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa si adag uga soo horjeesatay bayaan uu maanta soo saaray Xoghayaha fulinta Urur goboleedka IGAD, iyadoo u aragta mid u xaglinaya dowladda Ethiopia.War qoraal ah oo ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha dibadda ee Soomaaliya ayaa lagu yiri” Waxaan ugu baaqaynaa Xoghayaha Fulinta IGAD inuu si degdeg ah raaligelin uga bixiyo hadalkaas, uuna ka qaado talaabada ku habboon”.

    Waxaa lagu sheegay warsaxaafadeedka in Dawladda Soomaaliya ay “fahansan tahay muhiimadda xisiloonidu u leedahay gobolka” ayna mar walba ahayd xubin firranfircoon oo ka shaqaysa dedaallada nabadda iyo isdhex galka gobolka.

    Tan ayaa kusoo aadeysa iyada oo dawladda Soomaaliya ay kulan ugu yeedhay dhamaan dan jirayaasha caalamka u fadhiya Soomaaliya, kulankan oo sida la aaminsan yahay lagaga hadlayo heshiiska is-afgarad ee ay gaadheen Itoobiya iyo Somaliland oo ka cadheysiisyey Dawladda Fedaraalka ah ee Soomaaliya.

  8. Qaramada Midoobey oo yeelanaya shir looga hadli doono weerrarada Xuutiyiinta

    Waxaa caawa fiidkii magaalada New York ka dhacaya shir ay yeelanayaan golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay, kaasoo ay dublamaasiyiintu sheegeen in looga hadli doono weerarrada ay kooxaha Xuutiyiinta Yemen ka wadaan badda cas.

    Talaadadii, Taliska Dhexe ee Mareykanka (Centcom) ayaa sheegay in xoogagga Xuutiyiintu ay soo rideen laba gantaal oo nooca ballistigga ah iyo maraakiib ganacsi oo badan oo la sheegay in ay saameyn ku yeesheen biyaha ku xeeran. Wax khasaare ah lama soo sheegin

    Arrintan ayaa ka dambeysay markii diyaaradaha qumaatiga u kaca ee Mareykanku ay quusiyeen doonyo ay leeyihiin Xuuthiyiinta oo ay sheegtay in ay rasaas ku fureen oo ay isku dayayeen in ay fuulaan markab laga leeyahay dalka Denmark maalintii Axadda.

    Weerarada gantaalada iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee lala beegsanayo maraakiibta ganacsiga ayaa tan iyo bartamihii bishii Nofambar ka socday deegaanada ay maamulaan Xuutiyiinta Yemen, iyagoo weeraraya maraakiibta mara marinka Bab al-Mandab ee u dhow.

    Iyada oo laga jawaabayo, dawladda Maraykanku waxay samaysay isbahaysi caalami ah bishii Disembar si ay u ilaaliyaan marinka muhiimka ah ee badda - kaas oo isku xira suuqyada Aasiya iyo Yurub iyada oo la sii marayo marinka Suweys ee Masar iyo sidoo kale marin muhiim ah oo shixnadaha shidaalka ah ee Khaliijka.

  9. War deg deg ah, Qaraxyo ay ku dhinteen tobanaan qof oo ka dhacay Iiraan

    Ugu yaraan konton qof ayaa ku dhintay tiro kalena way ku dhaawacmeen laba qarax oo ka dhacay badhtamaha Iiraan meel u dhow qabriga taliyihii ugu sarreeyay ee Ilaalada Kacaanka.

    Telefeshinka dowladda ayaa sheegay in qaraxyadu ay si xiriir ah uga dhaceen magaalada Kerman, xilli ay socotay xaflad lagu xusayay dilkii Qassem Soleimani oo ay 2020-kii fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Mareykanku.

    Muuqaallada baraha bulshada ayaa muujinaya baabuurta ambalaasta oo ku sii jeeda qabuuraha, halkaas oo ay isugu soo baxeen boqolaal Iiraaniyiin ah si ay u xusaan sannad-guuradii afraad ee geeridii Soleimani. Maamulka Kerman ayaa sheegay in qaraxyada ay ka dambeeyeen dad is qarxiyay.

  10. Golaha wasiirada Somaliland oo go'aanno kasoo saaray heshiiska muranka dhaliyey ee ay la galeen Itoobiya

    Go’aanno kasoo baxay golaha wasiirada ee jamhuuriyadda gooni isutaageeda ku dhawaaqday ee Somaliland ayaa lagu sheegay “In ay dawladdu (Somaliland) gacanta ku hayso hantida ma guurtada ah, kirayna karto kuna badalan karto qiime u dhigma”

    Bayaanka uu soo saaray goluhu ayaa lagu yiri: “Golaha wasiirada Somaliland waxa uu si buuxda u taageerayaa unasoo dhawaynayaa heshiiska is-afgarad (Mou) ee 1dii bishii kowaad ee 2024 ku dhex maray magaalada Addis Ababa Madaxweynaha JSL Muuse Biixi Cabdi iyo raysal wasaaraha Itoobiya Abey Axmed”.

    Goa’aamada oo uu akhrinayey wasiirka warfaafinta Somaliland Cali Xasan maxamed ayaa lagu cambaareeyay “hadallada iyo dhawaaqyada kasoo baxaya dawladda Somaaliya” ee ku saabsan heshiishkan.

    Tan ayaa kusoo aadaysa iyada oo goor dhow uu bayaan kasoo saaray is-afgaradkan urur goboleedka IGAD oo ay Soomaaliya iyo Itoobiyaba ka wada tirsan yihiin kaas oo lagu baaqay in wadahadal lagu dhameeyo khilaafka ka dhashay heshiiskan is-afgarad oo ka cadhaysiiyey Dawladda Federaalka Soomaaliya.

  11. War deg deg ah, IGAD oo ka hadashay heshiiska is-afgarad ee Itoobiya iyo Somaliland

    Xoghayaha fulinta ee urur goboleedka IGAD Dr. Workneh Gebeyehu ayaa “walaac xoogan ka muujiyay isbedeladii ugu dambeeyay ee ku yimid xiriirka u dhaxeeya dowladda federaalka Itoobiya iyo dowladda federaalka Soomaaliya (DFS)” sidaas waxaa lagu yiri bayaan kasoo baxay IGAD.

    Waxaa Bayaanka sidoo kale lagu yiri: “Marka la eego duruufaha jira, Xoghayaha Fulintu waxa uu u soo jeedinayaa madaxda IGAD in gacanta lagu dhigo, wuxuuna ka codsaday labada waddan ee walaalaha ah in ay iska kaashadaan sidii xaaladda nabad iyo isafgarad loogu xallin lahaa, iyadoo la ilaalinayo qiyamka la wadaago ee mideeya qoyska IGAD”.

    Xoghayaha fulinta ee Igad ayaa ku baaqay in madaxda IGAD ay ka fadhiistaan arrinkan isla markaana nabada iyo wada hadal lagu xalliyo khilaafka.

    “IGAD waxay weli ku adkaysanaysaa sida ay uga go'an tahay horumarinta nabadda, xasilloonida, iskaashiga, iyo is-dhexgalka gobolka” ayaa lagusoo gabagabeeyay bayaanka.

  12. Farriinta Israa'iil iyo qorshaha dagaalka ee sanadkan 2024-ka

  13. Jawaabta Xisbullah waxay bedeli kartaa qaabka dagaalka

    Madaxa wararka caalamiga ah ee BBC Lyse Doucet ayaa falanqaynaysa sida ay jawaabta Xisbullaah u badali karto qaabka dagaalka:

    Israa'iil waxay "tilaabo ka qaadi doontaa hoggaamiyeyaasha Hamas meel kasta oo ay joogaan". Taasi waxay ahayd digniintii Ra'iisul Wasaare Benjamin Netanyahu bishii November.

    Saleh al-Arouri, oo ahaa ku xigeenkii hogaamiyaha Xamaas ee lagu dilay Beirut shalay, ayaa la ogaaday in uu ku jiray liiska dadka ay khaarijinayso Israa’iil . Wuxuu sidoo kale ku jiray liiska madow ee Mareykanka, iyadoo madaxiisa la dul dhigay $5m tan iyo 2018.

    Israa'iil inta badan ma xaqiijiso ama ma diiddo hawlgalladan oo kale, laakiin iskahorimaadkan dheer ayaa ah taariikh dilal qorsheysan.

    Xitaa ka hor inta uusan qarxin dagaalka Xamaas, hogaamiyaha Xisbullaah Hassan Nasrallah ayaa ka digay in weerar kasta oo lala beegsado dhulka Lubnaan uu dhalin doono "jawaab awood leh" isaga iyo xulafadiisa Iiraan waxay ogyihiin jawaabtoodu hadda inay bedeli karto qaabka dagaalkan.

    Xisbullaah ayaa isku dayday in ay ku soo koobto hawlgalladeeda xadka koonfureed ee ay la wadaagto Israa’iil si ay uga fogaato in ay Lubnaan u soo jiido isku dhac khasaare badan. Laakiin weerarkan, oo ka dhacay xaafadaha koonfureed ee Beirut, ee ka dhanka ah sarkaalka Xamaas ee xidhiidhka muhiimka u ahaa Xisbullah iyo Iiraan, ayaa badalay shaxdooda.

    Dhimashada Al-Arouri waa inay sidoo kale soo jeedisaa feejignaanta Turkiga iyo Qatar oo ay sidoo kale deggan yihiin hoggaamiyeyaasha Xamaas, iyagoo aaminsan inay halkaas ammaan ku ahaan doonaan.

    Baaqyada is xakamaynta ayaa kor u kaca marka hadka xiisaddu ku fido gobolkan oo uu sii dheeraado siina madoobaado.

  14. Madaxweynaha Somaliland oo gaaray magaalada Jigjiga

    Wefdi uu hogaaminayo madaxweynaha jamhuuriyadda gooni isu taageeda ku dhawaaqday ee Somaliland, Muse Biixi Cabdi ayaa gaaray magaalada Jigjiga ee Dowlad Deeganka Soomaalida Itoobiya.

    Waxaa halkaas ku soo dhoweeyay madaxweynaha Dowlad Deegaanka, Mustafe Muxumed Cumar.

    Madaxweyne Muse Biixi ayaa ka yimid dalka Itoobiya, halkaas oo uu maalmahaan ku sugnaa, oo uu heshiis is-afgarad ah kula saxiixday, raysal wasaaraha Itoobiya Dr Aby Axmed, heshiiskaas oo abuuray khilaaf siyaasadeed.

    Halkan ayaan idinkugu soo gudbin doonnaa wixii ka soo kordha safarka Musa Biixi ee Jigjiga.

  15. Saalax al-Arouri: Waa kuma hoggaamiyaha sare ee Xamaas looga dilay Beirut?

  16. Sicir barar xooggan oo ka dhashay buundooyinka Baardheere iyo Buurdhuubo oo weli go'an

    Waxaa weli go'an buundooyinka Baardheere iyo Buurdhuubo ee gobolka Gedo, kuwaas oo burburay kadib roobabkii iyo fatahaadihii dhawaan ku dhuftay deegaanadaasi. Buundooyinkaas go'aan oo muhiim u ahaa isu socodka deegaanada gobolka Gedo ayaa waxaa ka dhashay sicir barar xooggan halka uu hakad galay isu socodka dadka. Hadaba faahfaahin la xirriirta saameynta ka dhalatay bundooyiinka go'an, ayaan ka wareysannay Guddoomiye kuxigeenka gobolka Gedo, Maxamed Xuseen Isaaq ( Al-Qaadi)..

  17. Masar oo 'garab istaag' u muujisay Soomaaliya xili uu taganyahay khilaafka heshiskii Addis Ababa

    Madaxweynaha dalka Masar, Abdul Fattah al-Sisi, ayaa ballan qaaday in dalkiisu taageerayo Soomaaliya, iyadoo uu taaganyahay khilaafka ka dhashay heshiiska is-afgarad ee u dhaxeeya jamhuuriyadda gooni isu taageeda ku dhawaaqday ee Somaliland iyo Itoobiya.

    Wada hadal uu xalay Khadka telefoonka kula yeeshay madaxweynaha Soomaaliya, Xassan Sheekh Maxamuud, ayaa mr al-Sisi waxaa uu uu yiri: "Masar waxay garab istaag u muujinaysaa amniga iyo xasiloonida Soomaaliya", sida uu sheegay afhayeenka al-Sisi, Axmed Famy.

    Afhayeenka ayaa intaa ku daray, in labada hogaamiye ay sidoo kale ka wada hadleen, arrimo la xirriira "horumarka gobolka" iyo xiriirka laba geesoodka ah.

    Madaxweynaha ayaa sidoo kale khadka telefoonka kula hadlay, Amiirka dalka Qadar, Tamim bin Hamad, kaas oo ay ka wada hadleen xiriirka laba dal iyo arrimo danaha labada dhinac khuseeya, sida ay sheegtay madaxtooyada Soomaliya.

    Midowga Yurub ayaa sidoo kale cambaareeyay heshiiska is-afgaradka ee Somaliland iyo Itoobiya iyagoo ku booriyay in la ixtiraamo "midnimada, qarannimada, xuduudaha iyo dhulka Soomaaliya".

    "Tani waxay fure u tahay nabadda iyo xasilloonida gobolka geeska Afrika oo dhan," ayaa lagu yiri bayaan uu soo saaray Midowga Yurub.

  18. Inay Itoobiya bad hesho maxay uga dhigan tahay dalalka deriska?

  19. Daawo: Dhulgariirkii ku dhuftay magaalo xeebeedka dalka Japan

    Dad kor u dhaafaya 60 qof ayaa ku dhintay dhulgariirkii ku dhuftay dalka Japan oo cabbiriisu yahay 7.6 magnitude. Roobab xooggan oo da'ay iyo burburka dhismooyinka iyo waddooyinka ayaa carqaladeynaya howlaha samatabixinta dadka ku go'adoonsan burburka dhismayaasha.

    Halka hoose ka daawo qaabka uu u dhacay dhulgariirka.

  20. Wararkii ugu dambeeyay ee heshiiskii isfgarad ee dhexmaray Somaliland iyo Itoobiya

    Weli waxaa socda falcelinta ka dhalatay heshiiskii isfgarad ee dhexmaray Jamhuuriyadda Iskeed madaxbannaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland Iyo Itoobbiya, xilli xalay golaha wadatashiga qaran ee Soomaaliya ay qodobo ka soo saareen. Cabdiraxmaan Cali Dhimbiil ayaa faahfaahinaya.