You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Wasiirkii Gaashaandhigga ee Somaliland oo iscasilay
Tebin toos ah
Tebin toos ah
Wax ka ogow faa'iidooyinka uu kuu leeyahay cambaha
Cambaha waa geed-mirood ka mid ah kuwa muddada dheer qaata inay diyaar noqdaan.
Qolofka cambaha iyo qaabka ayaa kala duwan marka loo eego dalalka. Qaarkood waa kuwo kuusan oo jaalle ah, qaarna waa kuwo dhaadheer oo cagaar ama guduud ah.
Cambuhu wuxuu gaar u yahay Koofurta Aasiya, balse wuxuu haatan ka baxaa dalal badan oo Soomaaliya ay ka mid tahay.
Siyaabo kala duwan ayaa loo isticmaalaa, waxaa laga shiitaa cabitaan, halka dadka qaarna ay ansalaatada ku darsadaan.
Nafaqooyinka ku jira
- 80g oo cambe ah waxaa ku jira:
- 0.7g borotiin
- 0.3g dufan
- 11.2g karbohaydaraat
- 1.3g faybar
- 134mg potassium
- 29mg fitamiin C
“Waxaan dareemay xishood iyo cidlo” haweeneyda keliya ee ku jirta baarlamaanka Puntland oo BBC-da la hadashay
Carrefour oo jojineysa iibka cabitaanka Pepsi
Supermarket-ka Faransiiska laga leeyahay ee Carrefour ayaa joojiyay bakhaarradiisa ku yaalla Spain, Talyaaniga iyo Biljamka ka joojiyay badeecadaha sida Pepsi soda, Doritos iyo Quaker cereals. Pepsi waxa ay sheegtay in ay sii wadi doonto in ay isku dayaan in ay ka wada xaajoodaan arrintan. Arrintan ayaa timid iyadoo qiimaha cuntadu ay cirka isku sii shareereyso.
Xisbullah oo duqeeysay saldhig laga hago hawada Israa'iil
Xisbullah ayaa in ka badan 60 gantaal ku ridday "saldhigga laga hago hawada Israa'iil" taasoo ay ku tilmaantay "hordhac" falcelin ah kadib dilkii Saleh Al-Arouri, oo ahaa ku xigeenka madaxa xafiiska siyaasadda ee dhaqdhaqaaqa Xamaas ee Beirut.
Bayaan uu soo saaray ururka Xisbullah, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee France-Press, ayaa lagu yiri, “Iyadoo ay qayb ka tahay fal-dambiyeedkii bilowga ahaa ee lagu dilay hoggaamiyihii weynaa ee Sheekh Saalax Al-Arouri iyo walaalihiis ku shahiiday ee ka dhacay duleedka koonfureed ee magaalada Beyruut, waxay iska caabintu la beegsatay saldhigga laga hago hawada Meron oo leh 62 gantaal oo noocyo kala duwan leh."
Saldhigga Meron waa mid ka mid ah labada saldhig ee ugu waaweyn ee Israel u adeegsato xarumaha maamulka, ilaalinta iyo hagidda hawada, wuxuuna ku yaallaa dusha buurta Jarmaq ee waqooyiga.
Sida ay ku warantay wakaaladda wararka ee France-Press, ciidamada Israa’iil ayaa ku dhawaaqay in ay ogaadeen ku dhawaad 40 gantaal oo laga soo riday dhulka Lubnaan subaxnimadii Sabtida ee deegaanka Mount Meron ee waqooyiga.
Dhawaqa Seeriga ayaa laga maqlay magaalooyinka waqooyiga Israa'iil, iyo buuraha Golan ee Suuriya ee ay Israa'iil haysato.
Blinken oo dhiggiisa Turkiga ee Istanbul kala hadlay dagaalka Gaza
Wasiirka arrimaha dibadda ee Turkiga Hakan Fidan ayaa maanta kala hadlay dhiggiisa Mareykanka Anthony Blinken dagaalka iyo dhibaatooyinka bini’aadantinimo ee Gaza, sida ay sheegtay wasaaradda arrimaha dibadda ee Turkiga.
Blinken ayaa magaalada Istanbul kula yeeshay Fidan wadahadallo qaatay muddo labo saacadood ah, walina lama shaacin waxyaabaha ay ka wadahadleen. Maalmaha soo socda, Blinken wuxuu sii wadi doonaa inuu booqdo dalalka Carabta, Israel, iyo Daanta Galbeed ee la haysto, inta lagu guda jiro wuxuu qaadi doonaa hal fariin, taas oo ah in Washington aysan dooneynin sii hurinta gobolka ee colaadda Gaza.
Blinken ayaa rajeynaya inuu horumar ka sameeyo wadahadalada ku saabsan sida loo maamuli karo Gaza dagaalka kadib.
Mareykanka oo sheegay in Ruushka uu adeegsanaayo gantaallada riddada dheer ee Kuuriyada Waqooyi
Mareykanka oo sheegay in Ruushka uu adeegsanaayo gantaallada riddada dheer ee Kuuriyada Waqooyi Mareykanka ayaa sheegay in Ruushka uu u adeegsaday gantaalada riddada dheer oo ay siisay Kuuriyada Waqooyi si uga caawiyaan dagaalka ay kula jirto Ukraine.
Afhayeenka Golaha Amniga Qaranka John Kirby ayaa arrintan ku tilmaamay "mid muhiim ah oo quseysa xiisadda la xiriirta taageerada Pyongyang ee Ruushka. Waxa uu sheegay in Mareykanka uu arrintan horgeyn doono Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, isla markaana uu cunaqabateyn dheeraad ah ku soo rogi doono dadka ka shaqeeya fududeynta isu gudbinta hubka.
Moscow waa ay diidday wax wada shaqayn ah oo ka dhaxeeya iyada iyo Pyongyang .
Dagaalka Ukraine: Qaar ka mid ah dadka deegaanka oo isaga baxay Belgorod kadib weeraro dad ku dinteen
Ruushka ayaa bilaabay inuu ka raro qaar ka mid ah dadka deggan magaalada Belgorod ka dib weerarro lagu dilay dilay oo dhanka Ukraine ka yimid.
Jimcihii, barasaabka magaalada Vyacheslav Gladkov ayaa sheegay in dhowr qoys ay ka baxeen magaalada - oo ku dhow xadka Ukraine.
Toddobaadkii hore, 25 qof ayaa lagu dilay in ka badan 100 kalena waa lagu dhaawacay mid ka mid ah weerarradii ugu dhimashada badnaa ee lagu qaado Ruushka tan iyo markii uu gudaha u galay Ukraine bishii Febraayo 2022.
Daawo diyaarad iyada oo hawada ku jirtay ay daaqad ka go'day
Diyaarad rakaab ah ayaa hawada ku lumisay mid ka mid ah daaqadaheeda, taasoo ku khasabtay in ay si degdeg ah ugu degto gobolka Oregon ee dalka Maraykanka Jimcihii.
Diyaaradda Alaska Airlines oo ah noocay ay samayso shirkadda Boeing ee 737 Max 9 ayaa ku soo laabatay Portland, 35 daqiiqo markay socotay duulimaadkeedii Kalifornia ka dib markii qaybta bannaanka, oo ay ku jirto daaqad, ay soo dhacday.
Alaska waxay sheegtay in diyaaradda oo ay saarnaayeen 177 rakaab ah iyo shaqaalihii diyaaradda "ay si nabad ah u degtay".
Shirkaddu waxay sheegtay in ay si ku meel gaar ah u joojin doonto dhammaan 65 ka mid ah diyaaradaheeda 737 Max 9 si ay baaritaanno ugu sameyso.
Boeing waxay sheegtay inay ka warhayso dhacdadan ayna "ka shaqaynayso sidii ay xog dheeraad ah u ururin lahayd".
Soomaaliya ma ka mid tahay dalalka aan looga baahneyn dal-ku-galka Kenya
Maraykanka oo Turkiga kala hadlay arrimaha Qassa
Xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa kala hadlay madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan arrimo ku saabsan Qasa sabtida maanta, ka hor inta uusan u safrin Crete si uu uga hadlo walaaca Giriiga ee ku saabsan ka iibinta diyaaradaha dagaalka Mareykanka ee Ankara.
Antony Blinken ayaa goor dambe oo jimcihii ah soo gaaray Istanbul, lugtii koowaad ee safar uu ku tagay Israa’iil iyo Daanta Galbeed iyo shan waddan oo Carab ah.
Booqashadii afraad ee Blinken tan iyo markii uu dagaalka Qasa billowday saddex bilood ka hor ayaa ku soo beegantay iyadoo ay sii kordhayso cabsida laga qabo in colaaddu ay ku baahdo bariga dhexe.
Dalal ka tirsan Midowga Yurub oo si gooni gooni ah uga hadlay Khilaafka Soomaaliya iyo Itoobiya
Midowga Yurub ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in uu ixtiraamayo “midnimada dhuleed iyo madax-banaanida Soomaaliya”, hase yeeshee waxaa jira dalal xubno ka ah ururkan oo si gooni ah uga hadlay khilaafka Soomaaliya iyo Itoobiya ee ku salaysan heshiiska is-afgarad ee Muuse Biixi iyo Abey Axmed 1-dii Janaayo ku dhex maray Addis Ababa.
Safaaradda Talyaaniga ee Soomaaliya oo barteed X (Twitter-kii hore) ku tixraacday baaqii Midowga Yurub ee ku aadanaa khilaafka Itoobiya iyo Soomaaliya ayaa tiri: “Safaaradda Talyaaniga ee Muqdisho waxay la wadaagtaa baaqa Midowga Yurub ee taageerada buuxda ee midnimada, madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya”.
Boqortooyada Denmark ee woqooyiga Yurub ayaa iyaduna si gaar ah uga hadashay arrinkan iyada oo ku biirtay waxa ay ku tilmaantay “xulafada caalamiga ah ee sida qotoda dheer uga walaacsan xiisadda Geeska Afrika ee sii xumaanaysa”.
Safaaradda Dalkan ee Soomaaliya oo sidoo kale barteeda X ku daabacday qoraal ayaa tiri: “Waxaan carrabka ku adkeyneynaa ixtiraamka buuxa ee aan u hayno midnimada dhuleed iyo madax-banaanida Soomaaliya, waxaana ku boorineynaa dhinacyada in ay ilaaliyaan nabadda, raadiyaanna wadahadal xal nabadeed oo waara looga gaaro khilaafka”.
Dalka Holand/Netherland ayaa sidaas si la mid ah bartiisa X ku muujiyey mowqifkiisa dal ahaaneed ee ku aaddan arrinkan.
“Netherland waxay ku biiraysaa Saaxiibada caalamiga ah si aan u xaqiijino in aan si buuxda u taageersannahay midnimada, madaxbanaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya”.
Dhammaan dalalkan ayaa ku baaqay in la ilaaliyo nabadda Geeska Afrika, wadahadalna lagu dhameeyo arrimaha jira.
Maxkamad go'aan ka gaaraysa in Trump uu isasoo sharrixi karo doorashada sannadkan ee Maraykanka
Maxkamada sare ee dalka Mareykanka ayaa sheegtay in ay dhageysan doonto dacwad taariikhi ah oo lagu go’aamin doono in Donald Trump uu u tartami karo madaxtinimada dalka Mareykanka iyo in kale.
Garsoorayaasha ayaa isku raacay in la qaado racfaanka Mr Trump ee ka dhanka ah go'aanka Colorado ee looga saarayo doorashada 2024 ee gobolkaas.
Kiiska ayaa la dhageysan doonaa bisha Febraayo, waxaana xukunka uu ka dhaqan geli doonaa dalka oo dhan.
Dacwooyin ka socda gobolo badan ayaa doonaya in Trump loo diido doorashada, iyaga oo ku andacoonaya in uu ku lug lahaa kacdoonno rabshado ka dhacay dhismaha dawladda ee Capitol saddex sano ka hor.
Caqabadaha dhanka sharciga ah waxay ku xiran yihiin in wax ka beddelka dastuurka ee xilligii dagaalladii sokeeye uu Mr Trump ka dhigayo mid aan u qalmin inuu isu soo sharaxo.
Dawladaha daneeya Soomaaliya ee aan weli ka hadlin heshiiska is-afgarad iyo sababta
Heshiiskii is-afgarad ee dhex maray Itoobiya iyo jamhuuriyadda gooni isutaageeda ku dhawaaqday ee Somaliland, waxa uu dhaliyey hadal hayn iyo su’aalo, waxaase jira su’aale kale oo aan weli laga jawaabin kuwaas oo ku saabsan, dawladaha daneeya siyaasadda Soomaaliya qaarkoodna ay saaxiibaha yihiin ee an weli ka hadlin arrinkan iyo waxa ay noqon karto sababtu.
Dhanka kale kuwa illaa hadda ka hadlay maxaa loo tiirinayaa in ay keentay mowqifka ay ka istaageen iyo sidoo kale maxaa soo baxay oo ah falcelin aan la fileyn?
Weydiimahan waxaa inooga jawaabaya khubaro ku takhasustay siyaasadda iyo xiriirka caalamiga ah oo BBC la hadlay.
Ugu horeyn waxaa ka hadlay isla markaana garab istaag u muujiyey Soomaaliya, ururro iyo dalal la filayey, waana dul istaagi doonnaa, balse marka hore maxay weli u aamusan yihiin Imaaraatka Carabta iyo dalalka xubnaha ka ah urrurada sida, IGAD, EAC, iyo AU marka laga reebo Masar oo aan xusi doonno sababta ay garab istaagga ugu muujisay Soomaaliya. Halkan kasii akhri warbixintan oo dhamaystiran.
Qorshe ku saabsan waxa ay Israa'iil ka yeelayso Qasa dagaalka kadib oo lasoo bandhigay
Wasiirka difaaca Israa'iil Yoav Gallant ayaa soo jeediyay qorshe ku saabsan maamulka mustaqbalka ee Qasa marka uu dhammaado dagaalka u dhexeeya Israa'iil iyo Xamaas.
Soo jeedinta ayu uku sheegay in uu xaddidi doono maamulka Falastiiniyiinta ee dhulka.
Xamaas ma sii maamuli doonto Qasa, Israa’iilna waxay sii hayn doontaa guud ahaan hogaanka ammaanka, ayuu raaciyay.
Dagaalka Qasa ayaa ka barbar socday daabacaadda qorshaha, iyadoo tobanaan qof lagu dilay 24-kii saac ee la soo dhaafay, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee Xamaas ay maamusho.
Xoghayaha Arimaha Dibada ee Maraykanka Antony Blinken ayaa ku soo laabanaya gobolka todobaadkan. Waxaa la filayaa in uu kulamo la qaato mas’uuliyiinta Falastiiniyiinta ee ku sugan Daanta Galbeed ee la haysto iyo madaxda Israa’iil.
Booqashadiisa ayaa ku soo beegantay iyadoo ay sii kordheyso xiisadda gobolka ka dib dilkii hoggaamiyaha sare ee Xamaas Salex Al-Arouri oo Talaadadii lagu dilay caasimadda Lubnaan ee Beirut. Dilkiisa waxaa si weyn loogu eedeeyay Israa’iil. Israa'iil ma aysan xaqiijin mana beenin in ay ku lug leedahay.
Daawo waxa ka dhashay laba tareen oo isku dhacay dalka Indonesia
Dhowr qof ayaa ku dhintay tobanaan kalena waa ay dhaawacmeen ka dib markii ay isku dhaceen laba tareen oo marayay beer bariiska ah oo ku taal gobolka Cicalengka ee dalka Indonesia.
Muuqaal ay duubtay diyaaradda aan duuliyaha lahayn ayaa muujinaya googa’a tareenka safarka degdega ah iyo tareenka rakaabka ah oo isku dhacay.
Muxuu yahay Markabka cusub ee lagu afduubtay xeebaha Eyl ee ciidamada dalkii laga lahaa iyo burcaddu ay is-farasaareen
Subax wanaagsan akhristeyaal. Tebinta tooska ah ee wararka maanta ayaa halkan inoogasii socon doonta.
Maamulka ciyaaraha ee Gobolka Banaadir oo war ka soo saaray go'aan ay maanta soo saareen xiriirka Kubadda cagta Soomaaliya
Maamulka ciyaaraha ee Gobolka Banaadir ayaa racfaan ka qaatay go’aan-kii maanta kasoo baxay xiriirka Kubada cagta Soomaaliya.
Xiriirka Kubadda Cagta ayaa shaaciyay natiijada kulankii shalay kadib markii loo joojiyay rabshado hareeyay garoonka, ayada oo uu dhibcaha kulankaas siiyay xulka dowlad-goboleedka HirShabeelle, taasi oo ganaax looga dhigay taageerayaasha gobolka Banaadir oo xiriirku caddeeyey in ciyaartu ka socon weysay dhankooda.
Sida ay Jabuuti uga hadashay heshiiskii is-afgaradka ee Itoobiya iyo Somaliland