You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.

Take me to the main website

Wasiirkii Gaashaandhigga ee Somaliland oo iscasilay

Tebin toos ah

Tebin toos ah

  1. Faa'iidooyinka aan lagu baraarugsanyn ee laga helo mooska?

    Moosku wuxuu ka mid yahay khudradaha adduunka ugu caansan, oo ay ka buuxaan faytamiino iyo macdanno.

    Faa’iidooyinka caafimaad ee Mooska waxaa ka mid ah:

    1:Wuxuu isu-miisaama dheecanada jidhka “hormones”:mooska waxa ku jira xaddi badan oo maaddooyinka Potassium iyo Vitamin B6 ah kuwaas oo sare u qaada soo saarista xaddiga dheecaan walba ee loo baahanyahay.

    Sida ay sheegeen Khubarada xagga cuntadda, waxaa mooska ku badan walaxda macdanta Potassium, oo jirka bini'aadamka u baahan yahay sida ay sheegtay Catherine Collins, oo ka tirsan Isbitaalka St George ee London.

  2. Eey ruugay 4000 oo dollar uu lahaa qofkii xanaaneynayay

    Horraantii Disembar, Clayton Law iyo xaaskiisa waxay dhigeen baqshad ay ku jirto $4,000 mid kamid ah armaajooyinka jikada, ka dibna, waxay arkeen eygooda oo lacagtaas cunaya.

    Lammaanaha ayaa isla markiiba wacay dhakhtarka xoolaha ee Cecil si ay u ogaadaan in uu u baahan yahay wax daaweyn ah.

    Takhtarka xoolaha ee Cecil ayaa u sheegay lamaanaha in xayawaankooda uu fiicnaan doono.

    Lammaanaha ayaa markaa bilaabay shaqo aysan fileyn oo aad adag: iyagoo isku tolaya lacagta eyga jeexjeexay..

  3. Cilmi baaris: Shimbiro Soomaaliya ay caan ku tahay oo laga cabsi qabo in Afrika ay dabar go'aan

  4. Ciyaarta Koonfur Galbeed iyo Jubaland oo soo dhamaatay

    Ciyaarta oo daqiiqado ka hor soo dhamaatay ayaa waxay ku soo idlaatay Koonfur Galbeed 2-1 Jubbaland.

  5. Ciidamada badda Hindiya oo la wareegay markab ay burcad badeeddu weerar ku qaadeen

    Ciidamada Kumaandooska Hindiya ayaa la sheegay in ay la waregeen Markab ay kooxo burcad badeed ah kasoo afduubteen xeebaha Soomaaliya, sida ay sheegeen saraakiisha.

    Waxa ay la wareegeen markabka ka dib markii ay uga digeen burcad badeeda in ay isaga baxaan, sida lagu yiri war qoraal ah oo kasoo baxay.

    15-kii shaqaale ee Hindida ahaa ee la socday doonida ayaa la sheegay in aysan waxba gaarin.

    Diyaarad roondo ah ayaa loo diray si ay xiriir ula samayso iyaga oo uu raacay INS Chennai oo ah gantaalaha wax burburiya.

  6. Dhul-gariirkii Japan: Fiidiyow ayaa muujinaya dhismayaal ku yaalla Wajima oo biyaha la tageen.

  7. Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya oo go'aanno ka soo saaray ciyaartii Banaadir iyo HirShabelle

    Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya ayaa war ka soo saaray rabshadihii shalay ka dhacay Garoonka Stadium Muqdisho.

    Xiriirka Kubadda Cagta ayaa sidoo kale shaaciyay natiijada kulankii shalay kadib markii loo joojiyay rabshado hareeyay garoonka, ayada oo uu dhibcaha kulankaas siiyay xulka dowlad-goboleedka HirShabeelle, taasi oo ganaax looga dhigay taageerayaasha gobolka Banaadir oo xiriirku caddeeyey in ciyaartu ka socon weysay dhankooda.

  8. Mas sun ah ayaa laga helay suuliga dadweynaha ee Australia

  9. Wararkii ugu dambeeyay ee dhul-gariirka Japan

    Samatabbixiyeyaasha Japan ayaa ku dadaalaya sidii ay u heli lahaayeen 242 qof oo la la’yahay ka dib dhulgariir aad u xun oo ku dhuftay maalinta sanadka cusub.

    Jimcihii, tirada dhimashada dhulgariirkii 7.6 magnitude ee jasiiradda fog ee Noto ayaa kor u kacday oo gaaraty 92.

    Ciidamada Isdifaaca ee Japan ayaa laba jibaaray tirada ciidamada ka qeyb qaadanaya samata bixinta iyo gargaarka iyagoo gaarsiiyay 4,600, sida ay ku warantay wakaalada wararka ee Kyodo.

  10. Daawo: Nin maxkamad gudaheeda ku weeraray haweeney garsoore ah

    Ninka weerarka geystay ayaa lagu magacaabaa Deobra Delone Redden, wuxuuna weerar ku qaaday haweeney garsoore ahayd. Dhaawac ayaana soo gaaray garoosre Judge Mary Kay Holthus.

  11. Taariikhda iyo awoodda ciidanka badda ee Itoobiya

  12. Waxa uu Turkiga ka yiri heshiiskii is-afgarad ee Somaliland iyo Itoobiya?

    Heshiiskii is-afgarad ee dhex maray dalka Itoobiya iyo jamhuuriyadda gooni isutaageeda ku dhawaaqday ee Somaliland, waxa uu dhaliyey hadal hayn badan.

    Tan iyo intii uu soo baxay heshiiskaas ku saabsan deked ay Itoobiya hesho iyo aqoonsiga Somaliland, waxaa isasoo tarayey falcelinneda ka imanayey qaar ka mid ah waddammada beesha caalamka iyo gudahaba.

    Turkiga oo la filayey in uu arrinkan ka hadlo ayaan ka mid nqon dalalka sida degdegga ah uga falceliyey, haseyeeshee afar maalmood kadib ayuu war kasoo saaray, iyada oo wasaaradda arrimaha dibadda ee Turkigu ay sheegtay in ay ka walaacsan tahay heshiiskan is-afgarad ee ay dhinacyadu gaareen iyada oo “aysan ogeyn ogolaanshana laga haysan Dawladda Soomaaliya”.

    “Waxaan mar kale xaqiijineynaa sida ay nooga go’an tahay midnimada, madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Waxaan ku nuuxnuuxsanaynaa in mowqifkani uu sidoo kale shardi u yahay sharciga caalamiga ah” ayaa lagusii daray bayaanka kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee Turkiga.

    Waxaa xusid mudan in uu Turkigu gadhwadeen ka ahaa, wadahadalladii u dhexeeyay DFS iyo Somaliland, taas oo sida uu qabo Axmed Zaki keeni kartay in uu mowqifkiisa ku degdegin Turkigu.

    Waxaad sidoo kale aqrisan kartaa:

  13. Kooxda Daacish oo sheegatay mas'uuliyadda qaraxyadii ka dhacay Iiraan

    Kooxda isugu yeerta Dowladda Islaamka ee (IS) ama Daacish ayaa sheegatay mas'uuliyadda qaraxyadii ka dhacay dalka Iiraan.

    Hogaamiyaha ruuxiga ah ee Iran, Ayatollah Ali Khamenei, ayaa wacad ku maray inuu si adag ugu jawaabi doono qaraxyada lala beegsaday munaasabadda sanad guuradii sadexdaad ee ka soo wareegtay dilkii Qasem Suleimani oo Mareykanku dilay sanado kahor.

    Qaraxa ayaa ka dhacay magaalada Kerman ee koonfurta Iiraan, waxaa ku dhintay dad gaaraya 84 qof waxaana ku dhaawacmay tiro intaas ka badan.

    Kooxda Daacish ayaa sheegashadeeda ku sheegtay bogga lagu wada xirriiro ee Telegram-ka.

    Iiraan ayaa markii hore mas'uuliyadda qaraxan ku eedeyneysay Israa'iil iyo Mareykanka.

    Is waxay sidoo kale baahisay magacyada labada qof ee fuliyay weerarka, kuwaas oo ay ku sheegeen inay kala yihiin "Omar al-Muwahhid" iyo "Sayfullah al-Mujahid". Waxay soo bandhigeen muuqaalada raggan oo xiran mask.

    Qaasim Suleymani, wuxuu caan ka ahaa gudaha dalalka Iran, Ciraaq, Lubnaan, Suuriya iyo Yemen oo ah dalal ay ku nool yihiin dadka heysta madhabta shiicada, waxaana aad u xurmeyn jiray hogaamiyeyaasha dalka Iran iyo dadka shiicada.

    Ciidanka uu madaxda ka ahaa ee Qudus, waxay ahaayeen ciidamo qaabilsan hawlgalada dibadda, gaar ahaan dalalka Suuriya, Ciraaq iyo Yemen, waxayna si toos ah uga mar qaataan hogaamiyaha Iran.

    Ciidamada Qudus waxay hawgalo ka sameyaan meelo ka baxsan xuduuda dalka Iran, waxay taageero buuxda u muujiyeen Madaxweynaha Suuriya Bashar al-Assad, xilligii ay xoogaga mucaaradka Suuriya qabsadeen qeybo badan oo kamid ah dalkaas.

  14. Sababta loo hakiyay kulankii Banaadir iyo Hirshabelle iyo waxa laga filayo cayaarta maanta

    Waxaa shalay daqiiqaddii 70aad ee la hakiyay kulan u dhaxeeyay gobolka Banaadir iyo maamul goboleedka Hirshabelle, taas oo ka tirsanayd tartanka maamul goboleedyada Soomaaliya.

    Maantana waxaa cayaari doona Koonfur Galbeed iyo Jubaland. Hadaba sababtii loo baajiyay kulankii shalay iyo cayaaraha maanta dhacayo ayaan ka wareysannay Maxamed Cumar Baakaay oo ka faalooda cayaaraha.

  15. Atooraha caanka ah ee Will Smith oo hadiyad lama filaan ah gudoonsiiyay arday Afrikaan ah

    Jilaaga caanka ah ee filimada Hollywoodka ee u dhashay dalka Mareykanka, Will Smith, ayaa si kadis ah u soo wacay wiil u dhashay dalka Guinea oo baskiil ku maray guud ahaan Afrika si uu jaamacad ugu biro.

    Sanadkii la soo dhaafay, Wilkan oo lagu magacaabo Mamadou Safayou Barry, ayaa qabsaday warbaahinta kadib markii uu jaray masaafo dhan 4,000 oo kilo mitir oo u dhiganta 2,500 oo mayl.

    Wicitaanka oo ahaa muuqaal, ayaa Smith waxaa uu wiilkaas u sheegay inuu ‘aad u soo jiitay dedaalkiisa’, wuxuuna hadiyad ahaan u siiyay baskiil cusub iyo laptop.

    Smith ayaa sheekada wiilkaas ka akhriyay barta Instagramka ee BBC-da bishii Septembar. ‘Waxaan doonayaa in dunidu ogaato sheekadaada’, ayuu yiri.

    Bishii May ee sanadkii hore, wiilkan 25 sano jirka ah ayaa ka soo amba baxay dalka Guinea ee waqooyiga Afrika, wuxuuna baskiil ku maray dalal badan si uu u gaaro magaalada Qaahira isla markaana uu ugu biro jaamacadda Al-Azhar ee ku taala magaalada Qaahira.

    Ma uusan awoodin lacag uu ku tigitka bixiyo diyaaradda, wuxuuna safarka baskiilka ku qaatay muddo afar bilood ah, isago maray dalalka sida Mali, Burkina Faso, Togo, Benin, Niger iyo Chad.

    Saddex mar ayaa la xiray intii uu safarka ku jiray, laba mar oo lagu xiray dalka Burkina Faso iyo mar lagu xiray Togo.

    Markii uu gaaray Qaahira, jaamacadda ayaa qaabishay, wuxuu baranayaa kuuliyadda shareecada islaamka iyo injineerinka, waxaana la siiyay deeq waxbarasho oo bilaash ah.

  16. Mucaaradka Somaliland oo ka hadlay halka ay ka taaganyihiin heshiiskii is-afgarad ee Somaliland iyo Itoobiya

    Tan iyo intii Jamhuuriyadda gooni isu taageeda ku dhawaaqday ee Somaliland iyo Itoobbiya kala saxiixdeen heshiis isafarad oo ku saabsan deked ay Itoobiya hesho iyo aqoonsiga Somaliland, waxaa isa soo tarayay falcelinneda ka imanayey qaar ka mid ah waddammada beesha caalamka iyo gudahaba.

    Xisbiyada Mucaaradka Somaliland ayaa weli si furan uga hadal halka ay ka taagan yihiin hawshan. Haddaba waxaannu la xiriirnay xoghayaha warfaafinta ee xisbiga Waddani Maxamuud Adan Jaamac Galaal, oo mawqifkooda uga warramay Cabdiraxmaan Bidhaan.

  17. Ingiriiska oo ka hadlay mowqifkiisa heshiiskii is-afgarad ee lagu saxiixay Addis Ababa

    Heshiiskii is-afgarad ee dhex maray dalka Itoobiya iyo jamhuuriyadda gooni isutaageeda ku dhawaaqday ee Somaliland, waxa uu dhaliyey hadal hayn badan.

    Tan iyo intii uu soo baxay heshiiskaas ku saabsan deked ay Itoobiya hesho iyo aqoonsiga Somaliland, waxaa isasoo tarayey falcelinneda ka imanayey qaar ka mid ah waddammada beesha caalamka iyo gudahaba.

    UK ayaa kamid ah dalalkii ugu dambeeyay ee ka falceliyay heshiiskaas is-afgarad isla markaana cadeeyay mowqifkooda aaddan arrintan.

    Waxay shaacisay in ay ka walaacsan tahay xiisadaha ka cusboonaday geeska Afrika, isla markaana ay ixtirimaanayaan midnimada Soomaaliya, sida ay baahisay saafaradda dalkaas ee Soomaaliya.

    Dhanka kale, dowladda UK ayaa sidoo kale dhinacyada ay khuseyso ugu baaqfay in khilaafkooda si nabadeed u xalliyaan.

  18. Soomaaliya ma leedahay Ciidan badeed oo hor istaaga doonista Itoobiya ee badda?

  19. Kumanaan qof oo ka qeyb galaya aaska ku xigeenka hogaamiyaha Xamaas ee Beirut

    Kumanaan qof ayaa ka qeyb galay aaska ku xigeenkii hogaamiyaha kooxda, Saleh al-Arouri, oo ka dhacay Beyruut, labo maalmood ka dib markii lagu dilay weerar ka dhacay caasimadda Lubnaan.

    Dadweyne aad u fara badan ayaa watay boorar uu ku sawiran yahay waxaana ay lulayeen calamada Falastiiniyiinta iyo kuwa Xamaas iaygoo wadooyinka dhex maraayay dhawaaqa muusiga, ducada iyo rasaas culus ayaa la maqlayaa.

  20. Hogaamiyaha Iran oo wacad ku maray inuu jawaab adag ka bixin doono qarax ay ku dhinteen 84 qof

    Hogaamiyaha ruuxiga ah ee Iran Ayatollah Ali Khamenei ayaa wacad ku maray in ay jawaab adag ka bixin doonaan weerar bambaano oo lala beegsaday dad isugu soo baxay xuska sanadguuradii Qasem Soleimani oo uu Mareykanku dilay.

    Weerarkan oo ka dhacay magaalada Kerman ee koonfurta Iran ayaa waxaa ku dhintay 84 qof, waxaana ku dhaawacmay tiro intaas ka badan.

    Kooxda Daacish ayaa sheegtay in ay weerarka fulisay.