You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.

Take me to the main website

Wasiirkii Gaashaandhigga ee Somaliland oo iscasilay

Tebin toos ah

Tebin toos ah

  1. Faransiiska oo dib u celinaya diyaarad sidday boqolaal tahriibayaal ah

    In ka badan saddex boqol oo rakaab Hindi ah oo saarnaa diyaarad ku sii jeedday dalka Nicaragua oo lagu xayiray Faransiiska sababo la xiriira walaac laga qabo tahriibinta dadka ayaa dib loogu celinayaa Mumbai.

    Diyaaradan oo ka soo duushay Dubai, ayaa lagu qabtay magaalada Vatry ee waqooyi bari Faransiiska, maalintii Khamiista, kadib markii ay halkaas ugusoo degtay shidaal qaadasho.

    Dacwad oogayaasha Faransiiska ayaa laba maalmood su’aalo weydiinayey rakaabka kadib markii si qarsoodi ah loo ogaaday in qaarkood la tahriibinayey, Maraykanka-na loo waday.

    Laba ka mid ah dadkii diyaaradda saarnaa ayaa weli ku jira gacanta Faransiiska. Wararka ayaa sheegaya in laga yaabo in lagu soo oogo dambi ah inay maleegayeen inay gacan ka geysteen ajaaniibta aan sharciga heysan ee soo galaya dalka.

  2. Ma dhibaato caafimaad ayay leedahay cabidda shiishadda?

  3. Dal dadkiisa doonaya in ay ku biiraan shaqaalaha dawladda ku xiraya mashiin lagu ogaanayo in ay been sheegayaan

    Dadka codsanaya in ay ku biiraan shaqaalaha rayidka ah ee dalka Kyrgyzstan ayaa la marsiinayaa tijaabada been qabadka, iyada oo la isku dayayo in arrintani ay wax ka qabato musuqmaasuqa.

    Kyrgyzstan ayaa lagu qiimeeyaa in ay ka mid tahay dalalka ugu musuq-maasuqa badan caalamka, waxaana madaxweynaheedu uu arrintan ku eedeeyay in ay sabab u tahay heerka sare ee saboolnimada.

    Waxaa jiray isku dayo hore oo lagu doonayay in lagu soo bandhigo qalabka been qabadka oo loogu talagalay saraakiisha Kyrgysztan, laakiin tani waxaa noqotay in laga tago, kadib markii la waydiiyay dakhligooda waxay tijaabadan lagu ogaaday in boqolkiiba siddeetan ay ka been sheegeen mushaharkooda.

    Mashiinta been qabadka ayaa qofka lagu xiro, waxa heer saxnaantiisu sarayso lagu ogaanayaa in qofku been sheegayo marka uu hadlayo iyo in kale.

  4. Dawladda Soomaaliya oo eray bixin kasoo saartay ururka EAC ee ay dhawaan ku biirtay

    Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya ayaa warsaxaafadeed kasoo baxay waxay kusoo saartay eray bixin loo sameeyay magaca ururka EAC oo ay Soomaaliya ku biirtay bishii Nofambar.

    Qoraal uu telefishanka dawladda Soomaaliya baahiyey ayey wasaaraddu kaga codsatay dhammaan hay’adaha dawladda Soomaaliya iyo warbaahintu in ay adeegsadaan magaca, “Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika, waxaana loo soo soo gaabin karaa Urur Goboleedka Bariga Afrika”.

    “Waxaa la farayaa dhammaan mas’uuliyiinta hay’adaha kala duwan iyo warbaahinta inay sidaa u adeegsadaan marka ay qorayaan ama ka hadlayaan urur goboleedkan aan dhowaan ku biirney” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

  5. Dad la sheegay in Soomaali ay ka mid yihiin oo shiishad loo soo qabtay

    Sida ay baahiyeen warbaahinta dalka Kenya, dhowr iyo labaatan qof ayaa xabsiga loo taxaabay,iyadoo sidoo kale 117 xabbo oo haamaha shiishadda ah lagala wareegay dadkaas.

    Dadkaan ayaa laga soo qabtay xaruun ku taalla xafadda Kilimani kadib howlgal habeenimadii Jimcaha ay sameeyeen saraakiil ka tirsan Hay’adda Qaranka u qaabilsan la dagaalanka Maandooriyaha ee magaceeda loo soo gaabiyo NACADA.

    Maamulaha guud ee NACADA, Anthony Omerikwa ayaa hoggaaminayay howlgalka ka dhacay beerta lagu damaashaado ee Yejoka oo ku taal xaafadda Kilimani ee magaalada Nairobi, oo ah goob caan ah oo ay isugu yimaadaan dadka isticmaala Shiishada.

    Kenya ayaa mamnuucday shiishada sanadkii 2017-kii hase-yeeshee waxaa weli meelaha qaar laga adeegsadaa shiishadda.

    NACADA ayaa sheegtay in ay ballaarineyso howlgalkeeda ka hortagga maandooriyaha iyo waxyaabaha kale ee la xiriira.

  6. War deg deg ah, Tirada dadka ku dhintay weerarka Al-Maghazi oo korortay

    Wasiirka caafimaadka ee Qasa ee Xamaas ay maamusho ayaa sheegay in weerarka Israa’iil ku qaaday xerada qaxootiga ee Al-Maghazi oo ku taalla Marinka Qasa dadka ku dhintay ay tiradoodu korortay oo ay hadda gaartay 78 qof.

    Tiradaan ayaa sii kordheynaysa guudahaan dadka Falastiiniyiinta ah ee Qasa lagu dilay.

    Mlatariga Israa’iil ayaa sheegay in ay eegayaan sida weerarku u dhacay.

  7. Markab lagu weerary xeebaha Hindiya iyo dalka lagu tuhmayo

    Markab nooca Kiimikada xambaar ah ayaa lagu weeraray diyaarad Drone oo la sheegay in ay ka timid dhanka dalka Iran, xilli uu marayay Badweynta Hindiya Sabtidii, sida ay sheegeen militariga Mareykanka.

    Pentagon-ka Mareykanka ayaa sheegay in markabka Chem Pluto lagu weeraray meel ka baxsan xeebaha Hindiya.Dab ka kacay markabka ayaa la damiyay markii dambe. Ma jirin wax khasaare ah oo ka dhashay. Iran ayaan wax war ah ka soo saarin dhacdadan.

    Dhawaanahan waxaa ka dhacayay weeraro is xigxigay oo ay fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo gantaalaha oo lala beegsaday maraakiib marayay badda cas oo ay fuliyeen fallaagada Xuutiyiinta Yemen ee ay taageerto Iran.

  8. War deg deg ah, Israa'iil oo hanjabtay iyo ciidamdeeda oo qirtay in dagaalku aanu noqon sidii ay moodayeen markii hore

    Ciidamada Israa’iil ayaa wacad ku maray in ay sii wadi doonaan howlgallada ay ka wadaan gudaha Qasa, balse waxa ay qirteen in dagaalku qaatay waqti adag oo markii hore filashadu sidaan ma aheyn.

    Afhayeenka ciidamada Israa’iil ayaa sheegay in ay ballaarinayaan "howlgalka dhulka ee koonfurta iyo waqooyiga marinka Qasa."

    Sidaas oo ay tahay ayaa madaxweynaha Maraykanku Joe Biden waxaa uu sheegay inuu kala hadlay ra'iisul wasaaraha Israa'iil "muhiimadda" ay leedahay ilaalinta rayidka.

    Benjamin Netanyahu oo ka jawaabayay hadalkaas ayaa sheegay in dagaalku uu sii socon doono ilaa laga gaarayo hadafka ay dowladdiisu ka leedahay dagaalka.

    Madaxweyne Biden ayaa sidoo kale u sheegay wariyaasha in uusan ka codsan Mr. Netanyahu in uu joojiyo dagaalka.

    Jimcihii, Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa ansixiyay istaraatiijiyad ku baaqaysa in gargaar dheeraad ah loo diro Qasa.

  9. Dhageyso: Sida looga falceliyay go'aankii isimada SSC-khaatumo

    Qaar ka mid ah murashaxiinta mucaaradka ah ee Puntland oo xalay war soo saaray ayaa sheegay in hadalkii dhawaan ka soo yeeray isimada dhaqanka ee SSC- Khaatumo ay isxtiraamayaan hase-yeeshee ay muhiim tahay in heshiis loo dhanyahay laga gaaro arrinta ku saabsan soo xulista xildhibaannada SSC.

    Dhanka kale guddoomiye kuxigeenka maxkamada sare ee Puntland, Axmed Sheekh Cumar Xasan ayaa sheegay in go'aanka isimada Khaatumo uu yahay mid ka hor imaanaya heshiisyadii hore loo gaaray, isagoo intaa raaciyay in waqtiga uu go'aanku ku soo aaday uu yahay xilli aan ku habbooneyn.

  10. Xamaas oo ka hadashay dadka xerada qaxootiga ee Marinka Qasa lagu laayay

    Wasaaradda caafimaadka ee Qasa ee Xamaas ay maamusho ayaa sheegtay in duqeyn ay diyaaradaha Israa'iil ka gaysteen xerada qaxootiga ee Al-Maghazi oo ku taalla bartamaha Marinka Qasa ay ku dhinteen ugu yaraan 70 qof .

    Afhayeen u hadlay wasaaradda caafimaadka Xamaas ayaa sheegay in falkaan lagu dilay toddobaatanka qof uu kordhinayo guudahaan tirada dhimashada ee Qasa.

    Milatariga Israa'iil ayaa sheegay in ay eegayaan wararka ku saabsan weerarka dadka badan ku dhinteen.

    Tobannaan qof oo ku dhawaacmay duqeynta ayaa loola cararay isbitaal u dhow xerada Maghazi oo lagu magacaabo Al-Aqsaa.

    Sawirro iyo muuqaallo la baahiyay ayaa muujinaya carruur duqeynta dhaawacyo ka soo gaareen oo dhiig qariyay kuwaas oo dhanka isbitaalka loola ordayo si loo dabiibo.

  11. , Ku soo dhawaada tebinteenna tooska ah ee saaka iyo wararka caalamka