Waxaa laga yaabaa inaysan fududeyn inaad hesho shaqadii aad ku hanweyneyd, haddana waxaaba ka sii daran haddii aadan aqoon waxa ay badrooniyaashu doonayaan.
Qaabka shaqaaleysiinta ee dunida - ee shirkadaha waaweyn iyo kuwa yaryarba - waa ganacsi si dhaqso ah iisu beddelaya.
Balse waxaa jira hal shey oo aanan la yareysan karin: waa wareysiga fool-ka-foolka ah.
"Weli waa waxa ugu muhiimsan marka laga hadlayo hannaanka shaqaaleysiinta," ayuu yiri Jen Tippin, oo ah khabiir dhanka shaqaaleysiinta ah oo ka tirsan Lloyds Banking Group.
Waxay aaminsan tahay in awoodda aad u leedahay inaan su`aalaha uga jawaabto qof amaba guddi hortiisa ay dhisi karto amaba ay burburin karto xirfaddaada.
Sidaas daraaddeed, waxaan halkan kuugu heynaa talooyin kaa caawinaya inaad meel iska saarto wareysigaas:
Waxaa kaliya oo jira hal waddo oo aad ku ogaan karto waxa aad la kulmi doonto - samee baaritaan
Wax ka ogow cidda su`aalaha ku weydiin doonta waxna ka baro iyaga intaad awooddo.
Si qoto dheer u baar shirkadda: Maxay qabataa? Yaa ka mas`uul ah? waa kuwee shirkadaha ugu waaweyn ee ay tartanka kula jirto?
Meesha ugu habboon ee baaritaankaas laga bilaabana waa website-ka shirkadda.
Sii diyaarso qoraallo, baro magacyada iskuna diyaari marka uu wareysigu dhammaado inaad weydiiso su`aalo muujinaya baaxadda uu la'eg yahay baaritaanka aad sameysay.
Waa wax aad sameyn karto maalin kahor maalinta wareysiga si aad u diyaar garowdo una noqoto qof isku kalsoon.
Maxaadan saaxiibbadaa ula sameynin tijaabo wareysiga ku saabsan?
Diyaarso liis ay kuugu qoran yihiin su`aalaha macquulka ah ee lagu weydiin karo isla markaana isku day inaad jawaabahood sii muraajaceysato.
Haddii ay kugu adkaato waxaa jira meelo badan oo baraha bulshada ah oo aad ka heli karto qaar ka mid ah su`aalaha wareysiga la isku weydiin karo.
Markaad diyaarsaneyso jawaabahaaga, u feker sida inaad sheekeyneyso: diyaarso tusaalooyin habboon oo aad ku muujineyso halka, goorta, iyo qaabka aad uga soo bixi karto dhammaan xirfadaha laga doonayo qofka.
Tusaalooyinka la xiriira guulahaagii iyo khibradahaagii hore waa inay ka turjumaan waxa aad ku kordhisay meeshii hore ee aad ka shaqeyn jirtay iyo waxa aad ku soo biirin karto shirkadda aad shaqada ka dooneyso.