You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.

Take me to the main website

Boqollaal qof oo ku dhintay duqeyn ka dhacday cusbitaal ku yaalla Qasa iyo xaaladihii ugu dambeyay

Ku soo dhowaada tebinta tooska ah ee maanta

Tebin toos ah

  1. DAAWO:Muuqaal laga soo duubay NewYork oo muujinaya saameynta roobab mahigaan ah oo halkaa ka da'ay

    Roobab mahiigaan ah ayaa magaalada New York ayaa waddooyinka qarkood isusocodkooda adkeeyay iyadoo meelo badan ay daadad ku dhufteen daadad.

  2. Faa’idooyinka caafimaad ee laga helo shaaha sanjabiisha lagu daray

    Shaaha sanjabiisha leh waxaa lagu diyaariyaa iyadoo lagu kariyaa sinjabiil laa qalajiyey ama mid qoyan, caleenta shaaha iyo biyo kulul, dhowr daqiiqo kadib shaahi waa diyaar, taasoo u oggolaanaysa in saliidda sinjabiilku ay ku dhex karto biyaha ka hor inta aan la cabbin shaaha.

    Shaaha sanjabiilka leh wuxuu leeyahay dhadhan diirran, oo xoogaa kuleyl leh, qofka xitaa wuxuu adeegsan karaan sanjabiisha qoyan midda budada ah, waxaa wanaagsan in qofka uu isticmaalo subixii hore.

    Taariikhda sanjabiisha

    Taariikhda shaaha sanjabiilku waxa uu soo jiray ilaa 5,000 oo sano ka hor ilaa Shiinaha, halkaas oo dhaqan ahaan looga isticmaali jiray dawo ahaan . markii dambana Sanjabiishu waxaa la geeyay qaaradda Yurub oo lagu darsan jiray cuntada.

    Faa'idooyinka caafimaad ee laga helo shaaha sanjabiisha leh

    Wuxuu yareeya xanuunada ku dhaca dheefshiidka

    Shaaha sanjabiilka wuxuu caan ku yahay awoodda uu u leeyahay inuu dejiyo dhibaatooyinka dheefshiidka, iyo gaar ahaan, wuxuu qofka ka caawiyaa yaraynta lallabada.

    Mid ka mid ah daraasadaha lagu sameeyay waxtarka shaaha sanjabiisha leh ayaa xitaa soo jeedinaysaa in laga yaabo in uu leehay waxtarka dawooyinka qaar, laakiin qofka xooggaa wuxuu kala kulmi karaa saameyn xun sida in qofka uu dareemo qandho subixii hore.

    Wuxuu ka hortagga xasaasiyadda

    Sanjabiilku waxaa ku jiraa maaddooyin muhiim ah oo naqafo leh oo loo yaqaanno gingerols, cilmi-baaristana waxay muujisay in maaddooyinkan ay ka hortaggaan in bakteeriyada ay jirka ku faafto.

    Wuxuu sidoo kale ka hortaggaa dhibaatooyinka ka dhasha xasaasiyadda, marka uu qofka cabbo shaaha sanjabiisha leh wuxuu qofka ka caawinaya sare u qaadidda caafimaadka jirka.

    Wuxuu yareeyaa halista dhiig-karka

    Daraasad la sameeyay sanadkii 2017-kii ayaa lagu ogaaday in dadka maalin kasta isticmaala sanjabiisha ay ku yartahay halista ah in uu ku dhaco xanuunka dhiig-karka.

    Inkasta oo aysan daraasadda si gaar ah u eegin shaaha sanjabiisha leh, haddana waxa laga yaabaa inay ku caawiso cabidda shaaha sanjibiisha leh waa haddii aad qabto dhiig-kar.Sii akhri

  3. Dilkii Tupac Shakur ee 1996-dii oo hadda qof loo soo xiray

    Booliska Mareykanka ayaa ku eedeeyay hogaamiyihii hore ee kooxaha burcadda ah dil sanadii 1996-dii loo geystay fannaanka caanka ah ee Tupac Shakur, taasi oo ah guul laga gaaray kiis in muddo ah socday oo weli ay hareeyeen shacabka.

    Halyeyga hip-hop-ka ee ku dhashay New York ayaa lagu toogtay afar jeer isagoo 25 jir ah weerar baabuur oo ka dhacay Las Vegas.

    Jimcihii, xeerbeegtida weyn ee Nevada ayaa ku soo oogay Duane "Keffe D" Davis, oo 60 jir ah, hal dambi oo dil ah oo loo adeegsaday hubka wax dila.

    Booliska ayaa sheegay in uu qorsheeyay dilka kadib markii wiil uu adeer u yahay uu ku lug lahaa dagaal uu la galay Shakuur xilli uu ku sugnaa goob khamaarka lagu ciyaaro.

    Davis ayaa laga soo qabtay meel u dhow gurigiisa Las Vegas subaxnimadii hore ee jimcaha, waxaana maxkamad uu kasoo muuqan doonaa maalmo gudahood.

  4. Ma Dawo cusub ayaa loo helay dhalmo la'aanta ragga?

    Dhalmo la’aanta waxay saameysaa toddobo boqolkiiba dhedigga dunida ku nool. Laakiin hadda mashiino casriga ah ee Garaadka Macamalka (artificial intelligence, AI) ayaa hadda muujinaya rajo ah inay dhibaatadaas wax ka qaban karaan.

    Dhibaatada dhalmo la'aanta ee ku dhacda ragga qaar waxa ay walaac aad u wayn ku keentaa lamaaneyaasha isguursada, waana mid ka mid ah sababaha ugu waawayn ee keena furriinka.

    Guurka kaddib, ragga ay caqabaddaas caafimaad haysato xaasaskooda uma suurtagasho in ay uur yeeshaan.

    Dalalka qaar, lamaaneyaasha arrintan la kulma waxaa xitaa soo kala dhex gala shaki aad u wayn oo la xiriira gogol dhaaf.

    Sida uu sheegay Dhakhtar Steven Vasilscue, barnaamijka Garaadka Macamalka ee isaga iyo saaxiibadii soo saareen waxa uu ku ogaan karaa shahwada ragga aan dhaleynin kun jeer in ka degdeg badan indhaha qof loo tababaray helista.

    “Waxay muujin kartaa awoodda manida ka hor inta dhakhtarka bilaabin waxa uu raadinayo,” waxaa sidas yiri Dhakhtar Vasilescu oo ah khabiir farsamada caafimaadka oo ka tirsan jaamacadda Tiknolojiyada Sydney (UTS) ee Australia iyo islamarkaas na ah aasaasaha shirkadda NeoGenix Bioscience.

    Barnaamijka uu soo saaray isaga iyo saaxiibadii magaciisu waa SpermSearch.

    Waxaa loogu talogalay in uu ka caawiyo ragga shahwadoodu shaqeyneyn oo ah 10 boqolkiiba, waana xaalad loogu yeero Azoospermia (NOA).Sii akhri

  5. Hogaamiyaha mucaaradka Tunisia ee xiran ayaa qorsheynaya in uu cuntada ka soomo

    Hogaamiyaha xabsiga loo taxaabay ee xisbiga mucaaradka ugu weyn Tunisia ayaa sheegay inuu cuntada ka soomay ilaa laga qaado xayiraadaha saaran isaga iyo maxaabiista kale.

    82-jir Rached Ghannouchi - oo hogaamiya xisbiga dhexdhexaadka ah ee Islamist Ennahda - ayaa la xiray bishii Abriil waxaana lagu xukumay hal sano oo xarig ah ka dib markii lagu eedeeyay kicin dadaweyne. Waa shaqsiga ugu magaca weyn iyo in ka badan labaatan qof oo dhaleeceeyay madaxweynaha Tunisia, Kais Saied, oo la xiray sanadkan.

    Madaxweyne Saacid – oo la doortay 2019-ka – ayaa lagu eedeyay inuu kor u qaaday awoodiisa– tan iyo markii uu kala diray baarlamaanka dalka, uu xakameeyay garsoorka iyo inuu naftiisa siiyay awood uu dalka ku xukumo dekreeto la soo saaro.

  6. Xaaska madaxweynihii Gabon ee xilka laga tuuray oo dacwad lagu soo oogay

    Sylvia Bongo, oo ah xaaska madaxweynihii xilka laga tuuray ee Gabon, Ali Bongo, ayaa lagu soo oogay dacwado la xiriira lacag dhaqis, hanti la xaday, been abuur iyo isticmaal lacago been abuur ah.

    Dacwad oogaha guud ee dalka Andre Patrick Roponat ayaa Jimcihii ku dhawaaqay in kiiska Sylvia Bongo la horgeeyay garsooraha dambi baarista ah maalin ka hor. Waxa uu sidoo kale sheegay in amarkii lagu xiray gurigeeda la fulinayo.

    Eedeymahan ayaa daba socday toddobaadyo hubanti la'aan ah oo ku saabsan halka ay ku sugan tahay Mrs Bongo, kaddib markii lagu riday xabsi guri 30-kii Agoosto markii ay ciidamadu xukunka ka tuureen ninkeeda.

    Go’aanka dacwadda lagu soo oogay marwadii hore ee madaxweynaha ayaa timid kadib markii wiilkeeda Noureddin Bongo Valentin sidoo kale lagu soo eedeeyay musuqmaasuq, wax isdaba marin iyo in xabsiga la dhigay.

  7. Dibadbax lagu taageerayo militariga oo Burkina Faso ka socda

    Dibadbax lagu taageerayo militariga ayaa ka socda Burkina Faso, kaasoo lagu xusayo sanadguuradii koowaad ee ka soo wareegtay afgambigii uu xukunka kula wareegay Capt Ibrahim Traore.

    Arintan ayaa timid ka dib markii ciidamada milatariga ay sheegeen in la fashiliyay isku daygii afgambi maalintii talaadada.

    Boqolaal qof ayaa isugu soo baxay fagaaraha qaranka ee magaalada caasimadda ah ee Ouagadougou iyo dhowr magaalo oo kale, kuwaasi oo dhageysanaya baaqa ka soo yeeray qabanqaabiyeyaasha ku andacoonaya in quwado shisheeye ay ka dambeeyaan dadaallada lagu doonayo in xukunka looga tuuro ciidamada milateriga.

  8. Waa kuma ninka Soomaaliga ah ee lagu tilmaamay baadari kaniisadda hugaamiya?

  9. NISA oo sheegtay inay qabatay shakhsigii Al- Shabaab hubka iyo waxyaabaha qarxa dibbada uga soo iibin jiray

    Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Soomaaliya ee NISA ayaa sheegtay inay gacanta ku soo dhigtay Sakariye Kamaal Suufi Abba-Sheekh (Saki) oo lagu sheegay inuu yahay shaqsigii ugu muhiimsanaa ee Alshabaab hubka iyo waxyaabaha qaraxyada laga sameeyo uga soo iibin jiray dibadda.

    Sakariye Kamaal oo ah 28-Jir Soomaali ah, ayaa hay’adda NISA waxay sheegtay inay in muddo ah dabagal ku heysay, waxayna sheegtay inay gacanta kusoo dhigtay xilli uu qorshaynayay in uu si dhuumaalaysi ah ugu sii gudbo goobaha ay Alshabaab kaga sugan yihiin gudaha Soomaaliya.Warbixinta ay NISA soo saartay ayaa waxaa lagu sheegay, in Sakariye uu ahaa maskaxdii ugu weyneyd ee koox isku xiran oo dalka dibaddiisa kasoo iibiyay saanad ciidan oo loo waday Alshabaab laguna soo dhex-qariyay shixnado ganacsi, kuwaas oo bishii May ee sanadkan ay ciidanka Hay'adda NISA ku qabteen dekadda iyo garoonka diyaaradaha ee Muqdisho.

    NISA ayaa sidoo kale sheegtay in ninkan dhawaan loo gudbin doonaa Hay'adaha Garsoorka dalka Soomaaliya.

    Warbaahinta Daily Nation oo soo xiganeysa qoyska Zakariya ayaa sheegtay in Zakariya ay bishan September xireen ciidamo ka tirsan booliska qeybta la dagaallaanka aragagixisada tan iyo markaasna la la’yahay.

    Qoyska ayaa sheegay inay wiilkooda ay ka raadiyeen dhowr xarun oo boolis ah balse ay ka soo waayeen, sida ay daabacday warbaahinta Daily Nation.

    Waxa ay ahyad in 22-kii bishan September uu ka soo muuqdo maxkamadda oo uu ka ballansanaa.

    Zakariya ayaa bishii May lagu soo eedeeyay in uu si sharci darro ah qalab ciidan iyo walxaha qarxa ugu raray kooxda al-Shabaab ee ka dagaallanta Soomaaliya balse waxaa markii dambe lagu sii daayay lacag dhan 1 milyan oo Shillinka Kenya ah.

    Waxa uu ku dhashay Xaafadda Mjengo ee magaalada Mombasa balse waxa uu ku noolaa magaalada Lamu.

    Dhanka kale 18-kii bishii May ayay ciidamada Hay'adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Soomaaliya ee NISA sheegeen inay gacanta ku dhigeen 'saanad ciidan oo loo waday al-Shabaab’, kuwaas oo laga soo dejiyay garoonka iyo dekedda Muqdisho, sida uu sheegay wasiiru dowlaha Amniga Maxamed Cali Xagaa.

    Lama hubo in isla Zakariyte uu ka dambeeyay arrintaas.

    Eedeysanaha ayaa xabsiga laga sii daayay ka dib markii uu muddo bil ah ku jiray, iyadoo baarayaashu ay sii wadeen baaritaanka ku aaddan doorkii uu ku lahaa shixnad militari oo loo soo daabulay Soomaaliya.

  10. War deg deg ah, Faafaahin ka soo baxday qaraxa goor dhaw ka dhacay Muqdisho

    Afhayeenka booliska Soomaaliya dhamme Saddiiq Aadan Cali oo war saxafadeed ka soo saaray qaraxa ayaa sheegay in qaraxa ay ku dhinteen 5 qof halka 6 kalena ay ku dhaawacmeen oo dhamaantood ahaa dadkii goobta ku shaah cabayay iyo qofkii ismiidaamiyay.

    “ Maanta 29/Sep/2023 abaare 16:10 PM, ayaa qof naftii halige [Al-shabaab] ka tirsan isku qarxiyay maqaayad lagu shaah cabo oo ku taala Baar Bulsho Degmada Howlwadaag. “ayaa ku qornaa war saxaafadeedka uu soo saaray afhayeenka booliska Soomaaliya.

  11. Qarax is-miidaamin ah oo goordhow ka dhacay magaalada Muqdisho

    Qaraxaas waxaa fuliyey qof is-miidaamiyey, wuxuuna ka dhacay maqaayad u dhow Baar-bulsho oo ku taalla isgoyska Sayidka.

    Maqaayadda uu beegsaday ninkaas waxaa la sheegay inay aheyd mid ay bulsho badan ku sugneed.

    Waxaa jiro dhaawac iyo dhimasho balse lama oga tirada rasmiga ah ee dadka waxyeelafda ka soo gaartay qaraxaas.

  12. Sababta kaneecada u qaniinto dadka qaar in ka badan dadka kale

    Ma ka mid tahay dadka ay joogtada u qaniinto kaneecada iyadoo dadka hareerahaaga fadhiya aysan sidaada oo kale u qaniinin?

    Seynisyahanada ayaa muddo dheer ogaa in kaneecada aysan isku si dadka oo dhan u qaniinin oo dadka qaar ay ku badan tahay qaniinyada.

    Cilmibaarisyo badan oo la sameeyay ayaa muujinaya in dadka qaar ay soo jiitaan kaneecada sababo la xiriira shiirka jirkooda. Qubarada ayaa ku taliyay habab looga badbaadi karo qaniinyada kaneecada.

    Maxay kaneecada dadka qaar u qaniintaa marar badan?

    Cilmibaaris ay sameysa jaamacadda Rockefeller ee New York taas oo lagu sameeyay shiirka jirka bani’aadanka iyo sida uu kaneecada u soo jiito ayaa natiijada ka soo baxday cilimibaarista waxaa lagu ogaaday waxyaabo badan.

    Dadka qaar jirkood boqol jeer ayuu soo jiitada kaneecada si ka badan kuwa kale.

    Baaris ay seynisyahada ku sameeyeen waxa sababa arintaas ayey ku ogaadeen in maqaarka jirka dadka kaneecada soo jiita ay ku badan tahay saliidda jirka bani’aadamka ka soo baxda marka ay dhididaan ee wadata curiyaha carboxylic acid.

    Cilmibaarista ayaa sidoo kale sheegtay in cadadda walxahan aysan muddo isbedellin. Waxaa loola jeedaa in dadkaas uu jirkooda aad u sii jooto kaneecada inta ay nool yihiin, aad ayeyna aad u qaniinto kaneecada.

    Balse seynisyahanada ayaa si weyn u rajeynaya inay soo saaraan wax looga hortago qaniinyada kaneecada taas oo ah in horta la ogaado waxa ku jira shiirka soo jiita kaneecada.Sii akhri

  13. Marooko oo 1.3 bilyan ka heshay IMF

    Sanduuqa Lacagta Adduunka (IMF) ayaa ansixiyay $1.3bn (£1bn) amaah ah oo lagu caawinayo Morocco si ay u wanaajiso diyaargarowgeeda ka hortagga masiibooyinka dabiiciga ah, saddex toddobaad ka dib markii dhulgariir uu dilay ku dhawaad ​​3,000 oo qof oo ka dhacay waddanka.

    Qaar ka mid ah dadka reer Morocco ayaa ku dhaleeceeyay dowladda sida ay u maareysay dhulgariirkii 8-dii Sebtember ee kabilaabmay buuraha High Atlas, iyaga oo ku tilmaamay jawaabta ay dowladda bixisay mid gaabis aheyd.

    Maalintii Khamiista IMF waxay sheegtay in qaabeynta amaahda ee 18-ka bilood ah ay ka caawin doonto Morocco u gudubka dhaqaalaha cagaaran - iyada oo la tacaaleysa " dayac-tirka cimilada", "adkeysiga isbeddelka cimilada", iyo wax ka qabashada kaarboonka hawada lagu sii daayo.

  14. Maxaad ka taqaanaa mirahan faa’iidada u leh caafimaadka taranka?

    Miraha Blackcurrant, sidoo kale loo yaqaan Sabiibka Madow, waa miro aan tiro badnayn, oo aanan dibadda loogga dhoofin gudaha dalka UK, laakiin sidoo kale waxaa laga helaa dalalka Hindiya iyo Pakistan, waxaana loo isticmaalaa siyaabo kala duwan.

    Sida ay khubarradu sheegeen, Sabiibka Madow, ayaa waxa ku jira afar nooc oo ah fitamiin-ka C, oo in ka badan tan saliidda Macsarada laga helo oo kale ah, halka sidoo kale laga helo walxaha laga sameeyo dawada ka difaacda unugyada waxyeelada.

    Blackcurrant ayaa waxa kale oo loo isticmaali karaa arrimo caafimaad mustaqbalka. Waxyaabo Isku-dhafan oo laga soo qaaday, ayaa la tijaabinayaa, si loo arko sida looggu isticmaali karo daweynta dhiig-karka iyo cudurrada dhimirka.

    Maxay tahay sababta Sabiibka Madow uu faa'iido inoogu leeyahay?

    Cabitaanka Blackcurrant, ayaa waxaa la siiyay carruurta Ingiriiska intii lagu jiray Dagaalkii Labaad ee adduunka, sababo la xiriira in mirahani ay ku jiraan fitamiin C oo aad u sarreeya.

    Professor Cassidy, ayaa sheegay in mirahani uu wanaajiyo Qulqulka Dhiigga, taasoo sidoo kale u leh faa'iidooyin caafimaadka. Tobankii sano ee la soo dhaafay, caddeynta maadada ku jirta mirahan, ayaa sii korodhay. Waxa la muujiyay inay si gaar ah waxtar ugu leedahay caafimaadka Wadnaha iyo Maskaxda, halka dhawaanahanna la ogaaday in sidoo kale ay u wanaagsan tahay xanuunnada, sida Parkinson ama Shalalka..'

    Mark Williams, borofisar ku takhasusay jimicsiga ee wax ka dhiga Jaamacadda Chichester, ayaa qoray maqaallo dhowr ah oo ku saabsan faa'iidooyinka Sabiibka Madow, gaar ahaan maaddooyinka saafiga ah oo ku jira mirahan.

    Williams ayaa wuxuu hadalkiisa intaa ku daray in haddii qof uu lasoo darso dhibaato ah in uu xadidmo qulqulka dhiigga, waxay la macno tahay in xididkaasi "uusan ururin karin ama qeybin karin dhiigga, waqti ka dibna tani waxay saameyn xun ku leedahay Cadaadiska Dhiigga."

    Sida laga soo xigtay khubarrada, daraasaddan la iska kaashaday, dadka waayeel ah, ayaa la siiyay Sabiibka Madow toddoba maalmood, maalintii u danbeysay bararka xididdada Dhiigga ayaa hoos u dhacay.

    Cilmi-baarista borofisarku, ayaa waxay diiradda saartay shakhsiyaadka caanka ah ee ciyaaraha, sida kuwa buuraha fuula. Tani waxay keentay natiijooyin dhiirigelin leh.

    Cilmi baaris ayaa lagu ogaaday in budada Sabiibka Madow ay caawiso soo kabashada muruqa jimicsiga kadib. Cilmi-baaris dheeraad ah, ayaa sidoo kale muujisay faa'iidooyinka ay mirahani u leeyihiin dadka dadoodu wayn tahay.

    "Waxaa jira caddayn dheeraad ah oo ku saabsan faa'iidooyinka Sabiibka Madow marka loo eego noocyada kale ee Berry, ee ay isku jaadka yihiin," ayuu yiri. Uguma yeeri doono miro ka sarreeya kuwa kale, laakiin faa'iidooyinkeeda lama barbar dhigi karo jaadyada kale ee berry-ga.'Sii akhri

  15. Mareykanka oo cunaqabateyn ku soo rogay wasiirkii hore ee Suudaan

    Mareykanka ayaa cunaqabateyn ku soo rogay wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Suudaan Cali Karti iyo labo shirkadood - oo mid ka mid ah uu fadhigeedu yahay Ruushka - oo uu ku eedeeyay in ay wax u dhimayaan nabadda Suudaan.

    Mr Karti, ayaa kasoo shaqeeyay dowladdii xukunka laga tuuray ee Cumar Al-Bashiir, waa hoggaamiyaha dhaqdhaqaaqa Islaamiga ah ee Suudaan taageersan.

    "[Karti] iyo saraakiishii hore ee taliskii hore waxay hadda caqabad ku yihiin dadaallada lagu doonayo in lagu gaaro xabbad-joojin u dhexeysa Ciidamada Qalabka Sida ee Suudaan (SAF) iyo Ciidamada Taageerada Degdegga ah (RSF)," ayay Waaxda Maaliyadda ku tiri hadal ay soo saartay.

    Dhaqdhaqaaqa Islaamiga ah ee Suudaan ayaa ka jawaabay oo ku tilmaamay cunaqabateynta mid “Calaamad Sharafeed” ah, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee Reuters.

    Sidoo kale waxaa cunaqabateynta lagu soo rogay GSK Advance Company, oo ah shirkad fadhigeedu yahay dalka Suudaan oo ay Hanti-dhowrku sheegtay in loo isticmaalay wadiiqo ay kooxda RSF wax ku soo ibsadaan.

  16. Qarax ka dhacay meel u dhow masjid ku yaala Pakistan oo dad badan ay ku dhinteen

    Ugu yaraan 50 qof ayaa dhintay halka 50 kalena ay ku dhaawacmeen qarax ka dhacay dalka Pakistan, sida uu BBC-da u sheegay mid kamid ah booliska dalkaas.

    Qaraxa ayaa jimcaha maanta ka dhacay meel u dhow masjid ku yaala gobolka Bolochistan ee Koonfur-galbeed ee dalkaas, iyadoo dadka ay isugu soo baxeen xuska dhalashada nabi Maxamed NNKH.

    Booliska ayaa sheegay in la tuhunsanyahay inuu ahaa qarax ismiidaamin ah oo lagu bartilmaamedsanayay isu soo baxa dalkaas ee magaalada Mastung.

    Mas'uuliyiinta dalkaas ayaa ku dhawaqay xaalad degdeg ah. Dadka ku waxyeeloobay qaraxaas ayaa loola cararay laba isbitaal oo ku yaala dalkaas sida boolisku sheegeen.

    Ma jirto koox ilaa hadda sheegatay mas'uuliyadda qaraxaas.

  17. Boqolaal kooxo jihaadiyiin ah oo weeraray magaalo ku taala Niger

    Dowladda Niger ayaa sheegtay in ugu yaraan 12 askari ay ku dhinteen weerar ay kooxo jihaadiyiin ah ku qaadeen koonfur-galbeed ee dalka.

    Wasaaradda difaaca ayaa shheegtay in todoba kamid ah askartaas ay dhinteen xili ay isku dayayeen inay ka hor tagaan weerarkaas kadib markii ay soo weerareen boqolaal kamid ah raggaas oo watay mooto, dhacdadaas o ka dhcday magaalada Kandadji.

    Shanta askari ee kale ayaa iyaguna geeriyooday iyagoo isku deyaya inay badbaadiyaan ciidamadaas.

    kooxo maxali ah oo gacan saar la leh al-qaacida iyo koox kale oo isugu yeerta dowladda islaamka ayaa ka dagaalama dalkaas oo xuduud dhow la leh dalalka Mali iyo Burkina Faso.

  18. Weli ma kugu dhacday inaad iskala noolaato qof aadan rabin? qisadan waxay ku dhacday gabar Soomaaliyeed.

    Dumar badan oo saluug ka qaba raggooda, ayaa haddana ku qasban in ay la noolaadaan dhibaatooyinka ay tirsanayaan. Kuwo badan waxaa ku kaliffa ubadka ay dhaleen oo ay ka baqayaan in ay ka qaataan haddii ay door bidaan in ay kala tagaan.Kuwo kale waxaa ay dhib kasta u xamilaan biilka ay ka helayaan nimankooda, iyagoo ka walwalaya in aanay dabari karin ubadka haddii ay kala tagaan raggooda.

    Sahra Xasan Daahir oo ah abwaanad ku nool magaalada Hargeysa, inta bandanna maansooyin ka samaysa waayaha dadka ay la kulanto ayaa la sheekaysatay haweenay dhibaato qoys ay haysato. Sahra ayaa maanso ay ka abuurtay dareenka hooyadaas ay ka damqatay uga warrantay wariyaha BBC ee magaalada Hargeysa Sidiiq Burmad.

  19. Tilaabooyin cusub oo ay qaadayaan dalalka Latin Ameerika ee loo sii maro Mareykanka

  20. Kabaha ugu qadiimsan Yurub oo la soo helay

    Seynisyahanada ayaa soo bsaaray kabaha ugu qadiimsan Yurub oo la yiraahdo sandals woven, kuwaas oo laga sameeyay caws oo loo maleynayo inay jiraan ku dhowaad 6,000 oo sano.

    Waxay ka mid ahaayeen waxyaabo qadiimi ah oo laga helay godka fiidmeerta oo ku yaala dalka Spain ka dib markii ay bililiqeysteen kooxo macdan qodayaal ahqarnigii 19-aad, balse waxaa lagu falanqeeyay daraasad cusub.

    Heerkulka gudaha godkaas oo qaboobaa ayaa gacan ka geystay inaysan dhamaan kabahaas.

    Cilmi baarayaasha ayaa sidoo kale soo bandhigay dambiilo iyo qalabyo kale oo ay ka soo saareen godkaas.

    Qaar kamid ah agabyada kale ee laga soo helay godkaas ayaa halkaas yaalay in ka badan 9,000 oo sano.