You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Boqollaal qof oo ku dhintay duqeyn ka dhacday cusbitaal ku yaalla Qasa iyo xaaladihii ugu dambeyay
Ku soo dhowaada tebinta tooska ah ee maanta
Tebin toos ah
Waxaa bilaabatay ku dhawaaqista xukunka 11 eedeysane oo loo haystay Musuq-Maasuq iyo wax isdaba marin
Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa goor dhow bilowday ku dhawaaqista xukunka kow iyo toban eedeysane ee loo haystay Musuq-Maasuq, wax is daba marin, dayacaad masuuliyadeed, been abuur dukumenti, iyo ku takrifal hanti dadweyne.
Xubnaha eedeysanayaasha ah ayaa xillal kala duwan ka hayay wasaarado iyo hay’ado kuwa dawladda Soomaaliya ah.
Dhagaysiga dacwadda 11 ka eedeysane loo haystay ayaa la soo gabagabeeyay, waxana maanta lagu dhawaaqi doonaa xukunka raggan.
Halkan kala soco waxa ka soo baxa go'aanka maxkamadda.
Maxaa goor dhow laga filayaa go'aanka kama dambeysta ah ee eedeysanayaasha musuq-maasuqa loo haytso?
Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa maanta lagu wadaa inay ku dhawaaqdo xukunka 11 eedeysane oo loo haysto musuq-maasuq iyo wax isdaba marin.
Xubnaha eedeysanayaasha ah oo xillal kala duwan ka hayay Wasaaraddo iyo Hay’addo kuwa dawladda ah, ayaa Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranku ku soo eedeeyay Musuq-Maasuq iyo dayacaad masuuliyadeed, been abuur dukumenti, iyo ku Takrifal hanti dadweyne.
Dhagaysiga dacwadda 11 ka eedeysane loo haystay ayaa la soo gabagabeeyay, waxana maanta lagu dhawaaqi doonaa xukunka raggan. Weriyaha BBC-da ee Muqdisho Ibraahim Maxamed Aadan ayaa faahfaahintan warkan inoo haya.
Dhuusamareeb: Faahfaahinta gawaarida walxaha qarxa siday ee laga hor tagay
Ciidamada ammaanka ayaa saaka ka hor tagay laba gaari oo al-shabaab ay ka soo buuxiyeen waxyaabaha qarxa oo ay doonayeen inay gudaha u galiyaan magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug.
Ciimada ayaa la sheegay inay hayeen xogta gawaaridaas waxaa ayna ku guulaysteen in labada gaariba ay ka hortagaan isla markaana ku fashiliyaan banaanka hore ee magaalada Dhuusamareeb.
Sadex askari ayaa dhaawac soo gaaray intii ay ciidamadu ku guda jireen ka hortagga qaraxaasi.
Ciidamada dowladda iyo miliishiyooyinka deegaanka ayaa mudooyinkii ugu dambeeyay al-shabaab ka saaray deegaano dhowr ah oo ka tirsan Galmudug.
Dawo cusub oo loo helay dhalmo la'aanta ragga
Iiraan oo hawada u dirtay dayax-gacmeedkii saddexaad
Warbaahinta dowladda Iran ayaa sheegtay in Ilaalada Kacaanka Iran ay ku guuleysteen inay dayax-gacmeedkii saddexaad ee militariga ay hawada u diraan
Dayax-gacmeedka oo ah nooca sawirka qaada oo loyaqaan Noor 3 wuxuu ku wareegayaa qiyaastii afar boqol iyo konton kiiloomitir oo ka sarreeya oogada dhulka.
Milatariga Maraykanka ayaa sheegay in isla tignoolajiyada ballistic-ga riddada dheer ay u suurtagelin karto Tehran in ay riddo hubka riddada dheer – oo ay ku jiraan madaxyada nukliyeerka.
Iran, oo leh mid ka mid ah barnaamijyada gantaallada ugu weyn ee Bariga Dhexe, ayaa ku adkeysaneysa inaysan wadin horumarinta hubka nukliyeerka.
Xafladihii aroosyada Soomaalida ee farxaddoodii ay murugo isu beddeshay
Maxaa ka jira in Farxiya Kabayare ay fanka ka baxday?
Waxaa baraha bulshada Soomaalida leysla dhex marayay in fannaanadda Farxiya Kabayare ay ka baxday fanka.
Qoraal la soo dhigay bog uu ku qoran yahay magaca fannaanadda ayay dad badan isla soo wadaageen, hase yeeshee Farxiya ayaa arrintaasi ka hadashay. “Waxba kama jiraan inaan fanka ka baxay, waa dad doonaya inay aniga iska key dhibaan” ayay tiri ay mar ay BBC-da la hadashay.
Maalin kahor ayay ahayd markii fannaanadda reer Hargeisa ee Najma Nashaad ay shaacisay inay fanka ka baxday, kaddib geeridii ku timid dhalinyaro ka tirsanaa Waqal Studio oo shil gaari ku dhintay.
Eyga Biden oo markii labaad qaniinay ilaalada gaarka ah ee madaxweynaha
Eyga qoyska Biden ee labo jirka ah oo ah nooca Jarmal Shepherd, ayaa mar kale qaniinay wakiil kale oo kamid ah oo adeegga sirta ah ee madaxweynaha.
Weerarka ayaa dhacay habeenimadii Isniinta, waxaana sarkaalka lagu daweeyay goobta, sida lagu sheegay bayaan ay soo saartay waaxda sirdoonka Talaadadii. Tani waa markii 11-aad ee eygu uu qaniino waardiyaha Aqalka Cad ama guriga qoyska Biden.
Xoghayaha warfaafinta ee Aqalka Cad ayaa horay ugu eedeeyay weraradaasi inay ka dambeeyaan culeyska nolosha ee Aqalka Cad.
"Sida aad wada ogtihiin, dhismaha Aqalka Cad wuxuu noqon karaa mid gaar ah oo walaac badan leh. Taasi waa wax aan hubo inaad dhammaantiin fahmi kartaan," ayay tiri bishii Luulyo.
Dhacdooyinka kale ee qaniinyada ayaa ka dhacay guriga madaxweynaha iyo marwada koowaad ee Delaware.
Wiilal walaalo ah oo garaacis nafta uga qaaday nin uu xiriir jaceyl kala dhaxeeyay hooyadood
Booliska Mbeere South, ee ismaamulka Embu ee dalka Kenya, ayaa gacanta ku haya labo wiil oo walaalo ah oo da’doodu tahay 19 iyo 30 jir, kuwaas oo lagu eedeeyay in ay garaacis ku dileen nin ay hoyadood xiriir jaceyl kala dhaxeeyay, tuulada Itherembu, ee deegaanka Mariari.
Taliyaha Boliska Koonfurta Mbeere Harrison Njuguna ayaa sheegay in Saraakiisha DCI-da ee Saldhigga Boliska ee Kiritiri ay bilaabeen baaritaano ay ku doonayaan inay ku soo fur-furaan waxa keenay dhimashada ninkan 45-jirka ah. "Waan haynaa labada walaalaha ah, waxaana ogolaansho weydiisan doonaa maxkamadaha sharciga ee Siakago si aan u sii haysano, anagoo wadno macluumaad dheeri ah oo horseedi doona baaritaan dhameystiran," ayuu yiri Njuguna.
Njuguna ayaa sheegay in mid ka mid ah walaalaha oo lagu magacaabo David Kinyua, oo 30 jir ah uu isku dhiibay booliska magaalada Kiritiri (20km u jirta guriga) halka midka kalena Kelvin Macharia (19 jir) laga soo qabtay gurigiisa isagoo hurda, waxaana gacanta ku dhigay taliyaha deegaanka iyo dadka tuulada.
Sida uu sheegay qof tuuladaas ku nool oo arrinta si gaar ah u eegayay, labada walaalo waxay damceen inay eryaan Mwangi{Ninka la dilay}, oo guriga hooyadood soo galay habeenimadii Axadda si uu u seexdo.
"Walaalaha waxay ka codsadeen ninka inuu baxo, laakiin Mwangi ayaa iska caabiyay, wuxuuna diyaar u ahaa dagaal, laakiin, nasiib daro, waxaa ka awood batay labadii walaalo ahaa iyagoo u adeegsaday budad ay dhowr jeer la dhaceen" ayuu yiri qofkaas tuulada kunool.
Xuska Mowliidka: Sidee ayey madaahiibta diinta Islaamka ugu kala duwan yihiin?
Al-shabaab oo bar koontarool ka sameystay deegaanka la yiraahdo Geedweyne
Warrarka laga helayo Gobolka Gedo ee Soomaaliya ayaa sheegaya in kooxo hubeysan oo ka tirsan Al-Shabaab ay jidgooyo dhigteen wadada u dhaxeysa degmooyinka Luuq iyo Doolow, halkaas oo ay gaadiidka uga qaadaan lacago lagu sheegay canshuur.
Ciidanka Al-Shabaab waxa la sheegay in ay bar koontarool ka sameysteen deegaanka la yiraahdo Geedweyne, halkaas oo dadka shacabka ee doonaya inay isaga kala gudbaan labada magaalo, kahor safarkooda ay xogta gaadiidka iyo dadka la socdaanba ay ogeysiiyaan kooxda.
Gudoomiye Kuxigeenka Gobolka Gedo Cismaan Nuur Xaaji (Macalimuu) ayaa sheegay in ay bilaabayaan qorshe Al-Shabaab looga nadiifinayo wadada u dhaxeysa Doolow iyo Luuq, guud ahaana looga saarayo gobolka.
War deg deg ah, DEGDEG: Madaxweynaha xiriirka kubbadda cagta Afrika oo ku dhawaaqay waddanka marti-gelinaya Koobka Qaramada Afrika ee 2025 iyo 2027
Madaxweynaha xiriirka kubbadda cagta Afrika, Patrice Motsepe, ayaa hadda ku dhawaaqay waddanka marti-gelinaya Koobka Qaramada Afrika ee 2025 iyo 2027 (Afcon).
Sida la filayay, tartanka 2025 ayaa lagu qaban doonaa Morocco.
Waxa ay noqon doontaa markii labaad ee dalka kuyaalla waqooyiga Afrika uu martigeliyo tartanka isagoo markii ugu horeysay qabtay 1988.
Dalalkii kale ee 2025 (Algeria, Zambia iyo Benin / Nigeria bid) ayaa dhamaantood ku heshiiyey inay tartanka kabaxaan taas oo keentay in Morocco ay qaadato.
Waxay Morocco u ogolaan doontaa fursad weyn oo ay ku keeni karto Koobka Adduunka Afrika ee 2030-ka taasoo qayb ka ah dalabkooda wadajirka ah.
Iskuul Kenya ku yaalla oo lagu ganaaxay in uu wadaagay sawirada ardayda
Waaxda maamusha dhijitaalka ee Kenya ayaa iskuul ku ganaaxay lacag dhan $31,000 (£25,000) ka dib markii ay bartooda bulshada soo galiyeen sawirada ardayda iyaga oo aan ogolaansho ka haysan waalidkooda.
Tallaabadan ayaa noqonaysa tii ugu horreysay ee nooceeda ah oo uu sameeyo Xafiiska Guddoomiyaha Ilaalinta Xogta ee dhawaan la sameeyay.
Goob lagu caweeyo iyo shirkad deynta bixisa ayaa sidoo kale lagu ganaaxay $12,500 iyo $20,000.
Sida laga soo xigtay maamulaha, goobta lagu caweeyo ayaa waxay bartooda soo galiyeen sawirka macmiilka iyaga oo aan fasax ka haysan.
Qaar ka mid ah xarumahan ayaa hadda daabacay ogeysiisyo ah in qof kasta oo soo gala xaruntooda uu oggolaado in la sawiro,muqaal laga duubo iyada oo aan wax magdhow ah la siin iyo in ciddii diidan sharcigooda aysan soo gelin goobahooda.
Hargab shimbireedka dilay in kaban 2 milyan oo digaaga ah ee ka dilaacay Koonfur Afrika
Namibia ayaa hakisay wax soo saarka digaaga nool iyo dhammaan wax soo saarka digaaga ee ka iman jiray dalka ay jaarka yihiin ee Koonfur Afrika kadib markii uu ka dilaacay hargab shimbireed ba'an.
Sida ay sheegtay wasaaradda beeraha ee Namibia,Joojinta waxaa sabab u ah "faafidda naxdinta leh" ee hargabka loo yaqaan (HPAI) ee aadka u faafa ee Koonfur Afrika.
Kiisaska cusub ayaa laga soo sheegay dhammaan noocyada digaaga ee gobollada Kwazulu-Natal, Western Cape, Gobolka Free, Gauteng, Limpopo, Mpumalanga iyo Waqooyi Galbeed siday u kala horreeyaan," ayay wasaaradda ku soo qortay Facebook.
In ka badan laba milyan oo digaag ayaa lagu soo waramayaa inay ilaa hadda u dhinteen cudurka dillaacay.
Muxuu yahay qaladka uu galay weeraryahankan hadal heynta dhaliyay ee keenay in kooxdiisu ku jees jeesto?
Wakiilka ciyaaryahanka reer Nigeria Victor Osimhen, ee u dheela kooxda Napoli, Roberto Calenda ayaa ku hanjabay inuu tallaabo sharci ka qaadi doono kooxda Napoli, kadib markii kooxdaas ay ku jeesjeeseen weeraryahankaas iyagoo muuqaallo soo dhigay baraha bulshada.
Napoli ayaa muuqaal soo dhigtay barta TikTok-ga kooxda, kaas oo muujinaya weeraryahankaas oo qasaarinaya rigoore loo dhigay, kulankii ay la cayaarayeen kooxda Bologna ee ka ciyaarta horyaalka Serie A-da.
Muuqaalka ayaa waxay ku dul qoreen qoraal ah ' fadlan isii rigooraha'. Ha yeeshee kooxda ayaa markii dambe bartaas ka saartay muuqaalka.
'Tallaabo kasto oo sharci ayaan qaadi doonnaa si loo badbaadiyo Victor', ayuu yiri wakiilka ciyaaryahankaads, Calenda.
Ciyaartaas ayaa ku soo idlaatay barbardhac 0-0 ah, waxaana Osimhen cayaarta laga saaray daqiiqaddii 86-aad.
Maxaa ka jira in masuulkaan xilkii looga qaaday booqashadiisii Laascaanood?
Miyey u fiicantahay nimanku inay sarajoog ku kaadshaan
Dhaqamo badan, caruurta waxa la baraa in wiilashu kaadshaan iyagoo taagan halka hablahana ay tahay in ay fadhiistaan.
Laakiin arrintan baahday- sida muuqatana iska qasabka noqotay- ayaa imika ay su'aal gelinayaan khubarada caafimaadka ee dhawr dal.
Kiisaska qaarkood, sababta la bixiyo in dib loo eego sida nimanku u kaadshaan waxay ku salaysantahay caafimaadka iyo fayo dhawrka laakiin kuwo kale waxay sidoo kale u tahay arrin xuquuq siman ah.
Haddaba yaa sax ah? waxaana intaa ka sii muhiimsan, maxaa nimanka u wanaagsan?
Xaaladda caasimadda gobolka Amxaarada oo deggan kadib dagaallo xoggan oo halkaas ka dhacay
Wararka ka imaanaya gobolka Amxaarada ee dalka Itoobiya ayaa sheegaya inay degentahay xaaladda magaalada Gondar ee caasimadda gobolkaas, kadib dagallo xooggan oo halkaas ku dhex maray ciidamada dowladda Itoobiya iyo maleeshiyaad deegaanka ah.
Dadka shacabka ah ee ku nool magaaladaas ayaa BBC-da u sheegay, inay si caadi ah ugu soo laabteen adeegyada qaar balse xiisad ayaa weli taagan maadaama ciidanka dowladda ay xaafadaha magaaladaas ka fulinayaan howlgallo.
Ciidamada difaaca qaranka ayaa ku andacoonaya, inay dileen in ka badan 50 qof oo ah xubno ka tirsan maleeshiyada Fano Axadi, xiligaas oo uu dagaal ka socday gobolka.
BBC-da uma suurtagalin inay si madax banaan u xaqiijiso eedeymahaas sababo la xirriira khadka internetka oo ka go'an magaladaas.
Xagee laga keenay todobada boqol oo neef oo geela ee loogu talo galay xuska Nabiga NNKH ee Muqdisho
Waxaa sanad kasta bisha mowliid meelo badan oo ka mid ah dalalka Islaamka laga xusaa dhalashada Nabiga NNKH, inkastoo ay jiraan dad kale oo kasoo horjeeda fikirkaas. Magaalada Muqdisho ayaa kamid ah magaalooyinka Soomaalida ee laga dareemayo dhaqdhaqaaqa dhalashada rasuulka, waxaana sanadkan xuska loogu talo galay in ka badan 700 oo neef oo geel ah.
Hadaba qabanqabada socota ayaan wax ka weydiinnay, Sheekh Maxamuud Nuur Bukaahari oo ka mid qabanqaabiyayaasha xuskaas.