You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.

Take me to the main website

Boqollaal qof oo ku dhintay duqeyn ka dhacday cusbitaal ku yaalla Qasa iyo xaaladihii ugu dambeyay

Ku soo dhowaada tebinta tooska ah ee maanta

Tebin toos ah

  1. Sawir muujinaya goobaha ay ku dagaalamayaan Xamaas iyo Israa'iil

    Sida aan horay idinkugu sheegnay Israa'iil waxay sheegtay in ilaa sideed goobaad ayay ku dagaalamayaan Xamaas iyo ciidamadoodu.

    Dhanka kale Xamaas waxay sheegtay in 'dagaal qaraar' uu socdo.

    Hadaba kuwani waa sideeda goob ee dagaalku ka socda.

  2. Madaxweyne Xasan Sheekh oo hoggaaminta dagaalka Galmudug ka socda ku wareejiyay Madaxweyne Qoorqoor kaddib markii uu u dhoofay Ereteriya

    Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa saaka ka dhoofay garoonka diyaaraddaha ee Aden Cabdulle, isagoo ku sii jeeda dalka Ereteriya.

    Warfaafinta Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegtay in safarka Madaxweynaha oo ah mid shaqo looga gol leeyahay sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada wadan ee dhinacyada amniga iyo difaaca si loo xoojiyo amniga mandiqada.

    Kumannaan ka tirsan ciidanka Soomaaliya ayaa tababbar ku qaadanaya ama ku qaatay dalka Ereteriya.

    Xiriirka labada wadan ayaa dib u bilowday xiligii Dawladdii hore ee Madaxweyne Maxamed Cabdillaahi Farmaajo, markaas oo illaa shan kun oo askari oo Soomaali ah tababar loogu qaaday Ereteriya.

    Warfaafinta Madaxtooyada ayaa sheegtay in dagaalkii uu hoggaaminayay Madaxweyne Xasan Sheekh ee ka socday Galmudug loo xil saaray Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye (QoorQoor), marka uu Madaxweyne Xasan soo laabatana uu halkiisa ka sii ambaqaadi hoggaanka dagaalka.

  3. War deg deg ah, 313 Falastiiniyiin ah oo lagu dilay Marinka Qasa

    Tirada guud, 313 Falastiiniyiin ah ayaa la dilay, ku dhawaad 2,000 oo kalena waa lagu dhaawacay Marinka Qasa oo ay ku socoto duqeynta aargudashada ah ee Israa’iil tan iyo Sabtidii sida laga soo xigtay Wasaaradda Caafimaadka ee Falastiin.

  4. War deg deg ah, Ugu yaraan 300 oo Israa’iiliyiin ah ayaa la dilay – Safaraadda Israa’iil ee Turkiga

    Ugu yaraan 300 oo Israa’iiliyiin ah ayaa la dilay illaa hadda, iyadoo tobannaan kale la qafaashay sida laga soo xigtay safaaradda Israa’iil ee Turkiga oo soo werinaysay Wasaaradda Caafimaadka Israa’iil.

    Ku dhawaad 2,000 oo qof ayaa lagu daweeyay isbitaallada, iyadoo 19 kamid ah ay xaaladdoodu cuslayd, sida ay sheegtay Wasaaradda Caafimaadka Israa’iil.

    Tiradan si rasmi ah uma xaqiijin Israa’iil.

  5. Qasa saaka way ka duwan tahay sidii shalay

    Afar iyo labaatan saac kahor waxan arkaynay dadka reer Qasa oo u dabbaal degaya Xamaas oo kumannaan gantaal ku ridaysa Israa’iil.

    Saaka, sawirka Qasa waa taas caksigeed.

    Dadka guryahooda ayay ku jiraan, waxa la maqalayaa dhaawaqa qaraxyo waaweyn, iyadoo qaac madow uu hawada isku shareerray.

    Inta badan korontada ayaa ka maqan, Israa’iil ayaana jartay, biyaha ayaa yaraaday tan shalay.

    Mid kamid ah weerarrada cirka ah ee saaka lagu qaaday Qasa waxa lala eegtay dhismaha dheer ee Watan oo ay yaalaan qalabka inta badan bixiya internet ka magaalada.

  6. Ciidamada Israa’iil iyo dagaalyahannada Xamaas oo wali ku dagaalamaya illaa 8 goobood

    Israa’iil ayaa sheegaysa in illaa 8 goobood ay kula dagaallamayaan Xamaas kaddib weerarkii shalay lagu qaaday gudaha Israa’iil.

    Afhayeenka milatariga Israa’iil Korneyl Richard Hecht ayaa sheegay in ay dib ula wareegeen 22 goobood oo ay horey u qabsadeen dagaalyahannada Xamaas, laakiin ay wali kula dagaalamayaan illaa 8 goobood.

    Maamulayaasha Israa’iil ayaa si tartiib tartiib ah uga saaraya dadka dagan Marinka Qasa iyo dhulka ku teedsan. Hecht kama jawaabin su’aallaha ku saabsanaa tirada dadka la daad gureeyay.

    Sidoo kale waxa uu sheegay in Israa’iil ay diyaar u tahay inay ka jawaab celiso weerarka Lubnaan, laakiin ma sheegin wax qorshe ah oo weerar dhinaca dhulka ah.

    Israa’iil “wali waxay ku jirtaa dagaal…. Wali waxay waddaa dadaal ay si buuxda uga soo ceshanayso dhulkeeda iyo bulshadeeda ururka Xamaas” ayuu yiri Afhayeenka milatariga Israa’iil.

  7. Waa tuma haweeneyda saadaalisa musiibooyinka ee haatan Soomaaliya ka hadashay?

  8. Shiinaha oo ugu baaqay bulshada caalamka in si dhakhso ah ay nabad uga ergeeyaan dagaalka Israa’iil iyo Falastiin

    Shiinuhu wuxu ‘si qoto dheer uga walaacsan yahay” xaaladda ka sii daraysa iyo rabshaddaha dhexmaraya Israa’iiliyiinta iyo Falastiiniyiinta sida lagu sheegay warbixin ka soo baxday maanta oo Axada Wasaaradda Arimaha Dibadda ee Shiinaha.

    “Waxan ugu baaqaynaa dhammaan dhinacyada ku lugta leh in ay is dajiyaan, caradooda xakameeyaan, si dhakhso ahna loo joojiyo cadaawadda si loo ilaaliyo rayidka, loogana fogaado in xaaladdu ka sii darto” ayay tiri Wasaaradda Arimaha Dibadda.

    Shiinaha ayaa ugu baaqay bulshada caalamka “in tallaabo degdeg ah la qaado” si “loo helo sidii lagu keeni lahaa nabad waarta”.

  9. Boqollaal qof oo ku dhintay dhulgariir ka dhacay wadanka Afgaanistaan

    Saraakiisha gudaha ee Dawladda Daalibaan ayaa u sheegay bogga BBC bashtu in boqollaal qof ay ku dhinteen, tiro kale oo aad u badanna ay ku dhaawacmeen dhulgariirka ka dhacay Gobolka Herat.

    Qaramada Midoobay ayaa sheegaysa in ugu yaraan 320 qof ay naftooda ku waayeen dhulgariirkii Sabtidii dhacay. In Aayatullah Saabir, taliyaha Dawladda Daalibaan ee Herat, ayaa BBC u sheegay inuu qiyaasayo in 1,500 oo qof ay ku dhinteen illaa 15 tuulo.

    Isagoo booqanayay goobbaha uu dhulgariirku ka dhacay, ayaa intaa ku daray “waxa jira in ka badan 1,500 oo dhimasho”. 15 tuulo waxa ku noolaa 1,700, qiyaastiisana waxa uu rumeysan yahay kaliya inay ka badbaadeen “200 ama 300”.

    Saraakiisha Dawladda Daalibaan ayaa sheegay in ay ka cabsi qabaan in waxyeellada dhulgariirku aad u sareyso maadaama tuulooyin badan ay dhammaantood burbureen.

  10. WAR DEGDEG AH: Israa’iil oo weerar ku qaaday Lubnaan

    Xoogagga Difaaca Israa’iil ayaa sheegay in weerar loo adeegsaday madaafiicda goobta ay ku qaadeen wadanka Lubnaan kaas oo daba socday rasaas lagu soo riday gudaha dhinaca Israa’iil.

    Warkan cusub wixii ka soo kordha hadba sida aan xog u helno ayaan idinkugu soo gudbinaynaa.

  11. Duuliyayaasha Maraykanka oo loo digay marka ay ku dulmarayaan hawada Israa’iil

    Hay’adda Duulista Rayidka Maraykanka ayaa ugu baaqday shirkaddaha duulimaadka Maraykanka iyo duuliyayaashooduba in ay taxadar dheeraada sameeyaan marka ay marayaan hawada Israa’iil.

    Waaxda duulimaadka rayidka ee federaalka ayaa sheegtay in la qaato digniinnaha soo baxaya.

    Dhinaca kale Waaxda Arimaha Dibadda Maraykanka ayaa waydiisatay muwaadiniinteeda ku sugan Israa’iil in ay sii wadaan feejignaantooda, isla markaana ay kordhiyaan amaankooda.

    Shaqaallaha Safaaradda ayaa wali gabaad ku jira.

  12. Maxaan ka ognahay Israa’iiliyiinta la qafaashay ee u gacan galay Xamaas

    Milatariga Israa’iil ayaa sheegay “tiro aan la cayimin” oo isugu jira rayid iyo askar in ay qafaasheen ururka Xamaas ee Falastiin.

    Dadka la qafaashay waxa ku jira caruur, haween, dad da’ ah, iyo kuwa naafo ah.

    Qaar way nool yihiin, qaarna waxa la rumeysan yahay inay dhinteen, sida uu sheegay afhayeenka milatariga Israa’iil Korneyl Jonathan Conricus.

    Tiro muuqaallo ah oo lagu baahiyay internet ka ayaa muujinaya Israa’iiliyiin gacanta ugu jira dagaalyahannada Xamaas.

    Hal muuqaal oo la soo dhigay oo ay xaqiijisay BBC-du ayaa muujinaya gaari lagu dhex kaxaynayo isu soo baxa gudaha Qasa ka dhacay oo sida lahaystayaal Israa’iiliyiin ah.

  13. Dagaal culus oo xalay oo dhan ka socday gudaha Israa’iil

    Dagaallo culus ayaa lagu soo waramayaa in xalay oo dhan ay ku dhexmarayeen ciidamada Isaraa’iil iyo dagaalyahannada Xamaas 22 goobood oo Israa’iil ah, kuwaas oo ay ku jiraan ugu yaraan labo goobood oo la aaminsan yahay in afduub loogu haysto Israa’iiliyiin fara badan sida laga soo xigtay milatariga Israa’iil.

    Sidoo kale la haystayaal kale ayaa laga gudbiyay xadka Qasa kaddib dagaalkii ugu adkaa ee Israa’iil la kulanto tan iyo dagaalkii Yoomu kibuur.

    Ugu yaraan 250 Israa’iiliyiin ah ayaa la dilay kaddib markii dagaal isugu jira cir, bad iyo dhul ay Xamaas ku qaaday gudaha Israa’iil. In ka badan 1,000 qof oo kale ayaa la soo weriyay inay ku dhaawacmeen, iyadoo illaa 3,000 oo gantaal lagu riday gudaha Israa’iil sida laga soo xigtay milatariga.

    Sidoo kale 230 reer Qasa ah ayaa ku dhintay weerar aargoosi ah oo Israa’iiliyiintu ka gaysteen gudaha magaalada Qasa sida laga soo xigtay saraakiisha magaalada.

  14. Arooryo suuban saaxiibbayaal, ku soo dhawaada tabinta tooska ah ee BBCSomali.com oo aan ku eegi doono warrarka iyo dhacdooyinka hadda ka dhacaya dunida.

  15. Intaas waxaa inoogu eg tebinteenii tooska ahayd oo maanta ilaa caawa aan diiradda ku saaraynay dagaalka Israel iyo Qasa. Berri aroortii ayaan halkaas idiinkasii wadi doonnaa tebinta tooska ah, inta ka horeysase, hoos u deg si aad uga bogato wararkii ku dhaafay ee maanta.

    Axmed Yuusuf Cadceed: Kulanti dambe Akhyaareey

  16. Dagaal beeleed ay dad ku dhinteen oo ka dhacay Buuhoodle

    Dagaal u dhexeeya laba beelood ayaa ka dhacay bali biyood u dhow magaalada Qori-lugud oo ka tirsan degmada Buuhoodle ee gobolka Togdheer.

    Dagaalkan ayaa waxaa ku dhintay dad ka badan toban ruux oo labada dhinac ah halka dhaawac intaas ka badan uu jiro, sida ay goobjoogayaal halkaasi ku sugan noo xaqiijiyeen.

    Keyse Maxamuud Cali, gudoomiyaha Bulshada Rayidka ayaa noo sheegay in dagaalku ka bilaabmay saaka Balli lagu magcaabo Maskax Buqle oo xoola dhaqato isku fara saareen kaas oo markii danbe isu bedeley dagaal gaadiidka qoryaha xambaarsan laysu adeegsadey.

    Maqribkii caawa ayaa la sheegay in uu si iskiis ah u joogsaday dagaalku , waxaana la sheegayaa in isu ciidansi xoogleh uu haatan socdo.

    Dagaalkan ayaa laga cabsi qabaa in uu ku sii baaho degaano badan maadaama ay jiraan xiisad colaadeed oo ka dhex taagan Somaliland iyo SSC oo labada dhinac ee haatan dagaalamaya ay ka soo kala jeedaan.

  17. War deg deg ah, Gantaalla hor leh oo lagusoo ganay Israel iyo tirada dhimashada oo sare u kacday

    Tirada dhimashada iyo dhaawaca ee Israa’iil kaoso gaaray weerarka ayaa sare u kacday, kaddib gantaal ay Xamaas soo ganeen, sida uu sheegay weriyaha BBC ee ku sugan Qudus.

    Weriyaha BBC ee Qudus, Muhannad Tutanji, ayaa sheegay in tirade Israa’iil uga dhimatay ay gaartay 150 iyo dhaawac 1,000 qof ah, oo ay ku jiraan kuwo uu xaalkoodu liito, waxaana la filayaa in khasaaruhu kordho.

    Wuxuu intaa raaciyay in magaalada Qudus ay dhibaato badan soo gaartay kadib 150 gantaal oo looga soo ganay dhanka Gaza.

    Weriyeheenna ayaa sheegay in ciidamada Israa’iil ay dib u qabsadeen dhowr saldhig milatari oo ay saakay gacanta ku hayeen Xamaas.

  18. Faafaahin kasoo baxaysa qarax gaari oo ka dhacay magaalada Beled-xaawo

    Wararka ka imaanaya magaalada Beled-xaawo ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in halkaasi uu galabta ku qarxay gaari ay wateen xubno ka tirsan ciidanka dawladda.

    Saddex dhimasho oo mid ka mid ah uu dhaawac u geeriyooday iyo laba dhaawac ah ayaa lasoo weriyey.

    Lama sheegin wax khasaare ah oo kasoo gaaray dadka shacabka ah, welina ma aysan ka hadlin masuuliyiinta iyo laamaha amaanka midna.

    Qaraxa ayaan weli la hubin inuu ahaa mid gaariga loogu xiray saraakiisha oo watay gaari shacab iyo in uu wadada ku aasnaa.

  19. Xamaas oo ku dhawaaqday "Guul weyn" oo ay ka gaartay weerarkii maanta

    Madaxa xafiiska Siyaasadda ee dhaqdhaqaaqa Xamaas, Ismaaciil Xaniyah ayaa sheegay in ururku “uu gaaray guul weyn” kadib markii weerar balaaran oo aan la fileynin ay Israel kagasoo qaadeen dhanka marrinka Qasa, kaas oo isugu jira gantaallo tira badan, weerar dhanka dhulka ah iyo qabsashada Israa’iiliyiin isugu jira ciidan iyo shacab labadaba.

    Ismaaciil ayaa khudbad lagasii daayey telefishanka Falastiin ee Al-Aqsa ka yiri, “Waxaan qarka u saarnnahay guul weyn oo dhanka Gaza ah”.

    Wuxuu kusii daray: “waa bes markan, waana in wareegga sare u qaadidda kacdoonka la dhamaystiro, iyada oo la qaadayo dagaallo lagu xoreynayo dhulka iyo maxaabiista ku xiran xabsiyada Israel,”

  20. Daawo Falastiiniyiin hubaysan oo gawaari ku galaya gudaha magaalada Sderot

    Kooxda Xamaas ee Falastiin ayaa dhinacyo kala duwan kasoo qadday weerarka, iyaga oo isku dayey inay dhanka badda kasoo galaan Israel, halka kuwa dhulka la arkayo in ay u suurta gashay inay galaan magaalooyinka qaar.

    Dadka Israel ee magaalada Sderot ayaa guryaha ku dhuumanaya iyaga oo ka baqaya in ay dhibaato kasoo gaarto dagaalka iyo kooxaha soo galay gudaha magaalada.