You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.

Take me to the main website

Boqollaal qof oo ku dhintay duqeyn ka dhacday cusbitaal ku yaalla Qasa iyo xaaladihii ugu dambeyay

Ku soo dhowaada tebinta tooska ah ee maanta

Tebin toos ah

  1. Raysal wasaaraha UK oo shir gudoomin doona shir degdeg ah

    Raiisel wasaaraha UK Rishi Sunak ayaa marti galin doona kulan degdeg ah oo loo nyaqaan 'Cobra' kaas oo looga hadlo xaaladaha degdeg ah ee gudaha ama gobolka ka jira. Shirka ayaa dhici doona galinka dambe ee isniinta iyadoo ay socdaan rabshadaha ka socda Israel iyo Gaza ka dib weerarkii Xamaas.

    Isaga oo ka hadlayay munaasabad ka dhacday Nottinghamshire, Sunak ayaa sheegay in muuqaallada ka imaanaya Israa’iil ay ahaayeen “wax laga naxo” Xamaasna ay geysanayaan falal argagixisanimo.

    Sunak wuxuu sheegay inuu "si dhow" ula shaqeynayo Israa'iil si uu u caawiyo muwaadin kasta oo British ah oo ku sugan waddanka.

    Waxa uu intaa ku daray in taageero kasta oo ay u baahan tahay uu siin doono Israa’iil, isagoo isla markaana sheegay inay xulafo adag yihiin.

    Xafiiska Arimaha Dibada ee UK ayaa ka taliyay dhammaan safarada maraka laga reebo kuwa lama huraanka ah ee gobolka.

  2. Kooxda Xamaas: 4 qof oo lahaysteyaal ah ayaa ku dhintay duqeymaha cirka ee Israel

    Duqaymo dhanka cirka ah oo ay Israel xalay iyo saaka ka fuliyeen Qaza ayaa waxa ay ku dileen 4 lahaysteyaal ah,oo ay kooxda Xamaas haysteen,sida uu sheegay afhayeen u hadlay kooxdaasi.

    Si dhab ah looma oga tirada dadka ay gacanta ku hayaan Xamaas, kuwaas oo lagu qafaashay Israa’iil, balse milatariga Israa’iil ayaa saaka sheegay in ay ahaayeen “tobaneeyo qof”.

  3. Wasaarada caafimaadka Gaza oo sheegtay in 511 qof ay ku dhinteen weerarada Israel

    Wasaaradda caafimaadka ee Gaza ayaa sheegtay in 511 qof ay ku dhinteen, 2,750 kalena ay ku dhaawacmeen, kadib gantaallada Israa’iil ay ku garaacday marinka Qaza tan iyo Sabtidii.

    Israa'iil ayaa sheegtay inay duqaynayso bartilmaameedyada Xamaas ee Gaza ka dib weerar aan hore loo arag oo Sabtidii lagu qaaday shacabka Israa'iil iyo isbahaysigooda oo ay geysteen dabley Falastiiniyiin ah oo ka soo galay deegaanka, iyagoo rasaas ku furay waddooyinka iyo bulshada dhexdeeda.

  4. Meydadka dagaalyahanada Xamaas oo weli dhulka daadsan

    Warbixinta wariyaha BBC-da ee Koonfurta Israel Jonathan Beale

    Waxaan aragnay meydadka dagaalyahannada Xamaas oo weli dhulka daadsan - oo looga tagay inay qurmaan - si ka duwan dhibanayaashooda Israa'iil oo waa hore loo qaaday aqoonsi iyo aas.

    Waxaan daawanay iyadoo darawal Israa’iili ah uu joojiyay gaarigiisa si uu u qaado dhagax si uu ugu tuuro meydka hal dagaalyahan oo Xamaas ah oo dhintay. Caro ayaa ka qaraxday labada dhinac ee xadka.

    Iyadoo ciidamada Israa’iil ee sida wanaagsan u qalabaysan iyo kuwa tababbaran ay isku dayayaan inay baabi’iyaan haraadiga dagaalyahannadii weerarka qaaday, Xamaas waxay sii wadaa inay gantaallo badan ku garaacdo xuduudda – habeen iyo maalin.

    Difaaca hawada casriga ah ee Israa'iil - oo loo yaqaan Iron Dome - ayaa shaqaynaya wakhti dheeraad ah. Ma awoodin inay ka hortagaan gantaal kasta oo Gaza laga soo tuuro.

  5. Askarta Israel oo isku rasaaseeyay xadka ay la wadaagaan Lebanon

    Afar ka mid ah askarta Israel ayaa ku dhaawacmay israsaaseyn dhexmartay isla koox kale oo ka mid ah ciidamadooda.

    Israsaaseynta saaxiibtinimo ayaa ka dhacay meel u dhow xadka Lebanon ay la wadaagto Israel, halkaas oo ay xiisad ka taagan tahay.

    War kasoo baxay Israel ayaa lagu sheegay in ciidamada saldhigoodu yahay Shtula ay xabad ku fureen gaari ciidan oo ku socday si dheereysa islamarkaas na kasoo gudbay goob lagu hubiyo gawaarida.

    Waxa uu shilkan dhacay aroortii maanta. Dib baa laga ogaaday in gaariga uu yahay mid ay leeyihiin militariga Mareykanka, iyada oo ay halkaas ku dhaawacmeen afar askari oo saarneyd.

    Warbixino dheeraad ah oo la xiriira dagaalka Xamaas iyo Israel

  6. War deg deg ah, Isreal oo ku dhawaaqday in ay go'doomin galineyso Marinka Qasa

    Wasiirka difaaca Israa’iil Yoav Gallant ayaa sheegay in uu amar ku bixiyay in “go’doomin buuxda” lagu sameeyo marinka Qasa: “Koranto la’aan, cunto la’aan iyo shidaal la’aan.

    Israel ayaa maamushaa hawada sare ee Qasa iyo xeebteeda, waxayna xaddiddaa cidda iyo badeecadaha la soo galinayo xuduudaheeda.

    Sidoo kale, Masar ayaa maamusha cidda ka soo baxda iyo kuwa soo gala xadka ay la wadaagto Qasa

  7. War deg deg ah, Qaraxyo xooggan oo laga maqlayo Qudus

    Ciidamada difaaca Israel ayaa sheegay in laga maqlayo hawada magaalada Qudus iyo guud ahaan dhulka Israel, dhawaqa wax loo maleynayo codka gantaallada iyadoo laga soo ridayo dhanka Qasa.

    Ugu yaraan saddex qarax ayaa laga maqlay magaalada Qudus.

    Ilaa hadda ma cadda in qaraxyadaan ay yihiin gantaallo soo dhacay, ama ay qabteen difaaca Israel.

  8. Dagaalka Qasa oo wali socda iyo dalal muwaadiniintooda ka daad gureynaya halkaa

    Iyadoo Qasa maalinkii saddexaad uu ka socda dagaalka u dhaxeeya ciidamada Israel iyo Falastiiniyiinta, ayaa dalal badan oo caalamka ah waxay isku dayayaan in dadkooda ay halkaa ka soo saaraan.

    Diyaarad ka soo duushay Tel Aviv kuna socotay Seerbiya ayaa maanta gaartay dalkaas, waxaana safaaradda Serbia ay sheegtay in duulimaad kale oo dad lagu soo qaadayo la qorsheeyay.

    Romania, Wasiirka arrimaha dibadda ayaa sheegay in boqollaal qof laga soo daad gureynayo gudaha Israel.

    Thailand ayaa Iyana sheegtay in ay diyaarineyso gargaar degdeg ah oo loo fidiyo dadka ka jooga Israel si halkaa looga soo badbaadiyo.

    Kazakhstan ayaa sidoo kale isu diyaarineysa in ay soo daabusho muwaadiniinteeda halkaa ka jooga, sida ay sheegtay wasaaraddeeda arrimaha dibadda.

    Saaka Poland ayaa xaqiijisay in diyaaradii ugu horeysay ee ka timid Israel ay dib ugu soo laabatay dalkeeda, iyadoo ay saarnaayeen dad rayid ah.

    Xafiiska Arimaha Dibada ee UK ayaa ka digay dhamaan safarada aan muhiimka aheyn ee loo aadayo Israel.

  9. Daawo: Muuqaalo cusub oo muujinaya duqeymaha Israel ee Qasa oo ay duubeen weriyeyaasha BBC

  10. Kumanaan qof oo ku barakacay duqeymaha Israel

    Qaramada Midoobey ayaa sheegtay 123,538 oo qof oo ku nool Qasa ay ka barakaceen guryahoodii cabsi ay ka qabaan badqabkooda .

    Xafiiska isku xirka arrimaha bini-aadanimada ee hay’adda OCHA ayaa intaas ku daray in 73,000 oo qof ay hooy ka dhigteen iskuullo.

    Cadnaan Abuu Hasna oo ah afhayeenka hay’adda Qaramada Midoobey u qaabilsan qaxootiag Falastiinyiinta ee UNRWA, ayaa sheegay in la filayo in tirada dadka barakacaya ay sii kororto.

    "Waxaa ka jirta koronto dugsiyadan, waxaan siinaa cunto, biyo nadiif ah, taageero nafsi ah iyo daaweyn," ayuu yiri.

    Dad gaaraya 2.3 oo malyan oo reer Falastiin ah ayaa ku nool Qasa. Ka hor duqeynta Israel ayaa Sabtidii u digtay dadka halkaa ku nool oo ay ku war gelisay in ay isaga baxaan aaggaas.

  11. Tirada falastiiniyiinta ku dhintay duqeymah Isreal oo korortay

    Tirada dadka ku dhintay duqeymaha Israel ee Marinka Qasa ayaa sare u kacday oo gaartay 493 qof sida uu warbaahinta u sheegay wasiirka caafimaadka ee maamulka Falastiiniyiinta.

    Tirada dadka iyaguna ku dhawaacmay duqeymahan oo dhacay saacadihii la soo dhaafay ayaa gaartay2,751.

  12. Dad meydad ka raadinayay goob weerar ka dhacay oo iyagii la toogtay

    Dad gargaar-fidiyaal ah ayaa la toogtay iyagoo meydad ka raadinaya goob weerar lagu qaaday xilli bandhig faneed uu ka socday.

    Halka caawiyaasha meydadka ka raadinayeen goobta bandhigga muusiga ee Supernova, ayaa lagu dilay ugu yaraan 260 qof Sabtidii, waxaana la joojiyay baadigoobkii meydadka sababtoo ah "waxaa ka socday rasaas"

    Yossi Landau, oo ah taliye ka tirsan kooxda iskaa wax u qabso ee Zaka, ayaa sheegay in kooxdiisu oo ka kooban 25 ay ilaa hadda ka soo saareen 162 mayd goobtii ay xafladdu ka dhacaysay, balse "wax intaas ka badan ma aysan heli karin".

    "Waxaan ku shaqeynaa dab, markaas waa inaan ka baxno meeshaas," Landau ayaa u sheegay barnaamijka maanta ee BBC.

    Kooxda mutadawiciinta ah oo ah 600 oo xubnood ayna tababareen ciidanku, waxay ka shaqeeyaan sidii ay dib ugu soo uruurin lahaayeen dhammaan xubanaha meydadka si qofka loo aaso.

    Muuqaal la soo duubay Sabtidii ayaa muujinayay dadkii xafladda oo kala yaacaya markaas uu bilowday weerarka Xamaas ay ku qaadday Israel

  13. Dad u dhashay Mauritius oo ku xayiran magaaladII uu ku dhashay Nabi Ciise CS

    Tobaneeyo dad ah oo u dhashay dalka Mauritius ayaa ku go'doonsan Beytlaxam oo ah halkii u uku dhashay Nabi Ciise CS, ka dib iska horimaadkii ugu dambeeyay ee u dhaxeeya kooxda Falastiiniyiinta ee Xamaas iyo Israel, sida ay sheegtay wasaaradda arrimaha dibadda.

    Dadka go’doonsan waxaa ku jira 36 xubnood, oo badi ka socda kaniisadda Katooliga ee St-Hélène ee magaalada labaad ee ugu weyn Curepipe.

    Waxay sheegeen dadka go’doonsan in xaalkoodu uu yahay mid deggena isla markaana ay hadda degganyihiin hoteel ku yaalla Beytlaxam.

    Makhribnimadii Axadda ayay ahayd in ay diyaarad ka raacaan halkaa oo ay ku laabtaan Turkiga.

    Si kastaba ha ahaatee, shirkado badan oo diyaaradeed ayaa baajiyay duullimaadyadii wixii ka dambeeyay weerarka milatari ee Xamaas ay ku qaadeen Israel.

  14. Daawo: Gantaalada Xamaas oo ku hoobanaya Israel iyo habka uu uga jawaabyo hannaanka difaaca gantaallada ee Israel

    Muuqaal: Hannaanka difaaca gantaallada ee Israel ayaa mashquul ah gantaalada kooxda Xamaas ay rideysa awgood. Waxaa la maqlayaa wiish cod dheer oo digniin ah bixinaya kadib duqeymo Xamaas oo kusoo hoobtay magaalada Ashkelon xalay.

  15. Halka & dadka qorsheeyey weerarka xamaas ee Israa'iil

    Abaabulka ayaa sida la sheegayo socday muddo sanooyin ah, waxaana lagu ansaxiyey kulan ka dhacay magaalada Beyruut ee dalka Lubnaan todobaadkii hore kaasoo ay ka qayb galeen xubno ka tirsan Xamaas iyo Xisbullah, sida uu qorayo wargayska the Wall Street Journal.Sii Akhri

  16. Reer Israel oo is barbardhigay weerarka Xamaas iyo kii Mareykanka ka dhacay 11-kii September

    Saacadihii la soo dhaafay, laba sarkaal oo ka tirsan militariga Israel ayaa weerarradii Sabtidii ka dhacay Qasa waxay barbar dhigayeen weerarradii 11-kii September ee lagu qaaday Mareykanka.

    "Tani waa 9/11," ayuu yiri Nir Dinar, " Way na heleen,"

    Gaashaanle dhexe Jonathan Conricus ayaa sidoo kale is barbardhigay weeraradii Xamaas iyo weeraradii waaweynaa ee Maraykanka ka dhacay isla markaana ay dadka badan ku dhinteen.

    "ilaa hadda, waa maalintii ay ugu xumayd taariikhda Israell. Weligeed ma dhicin in dad intaas le'eg oo Israeliyiin ah lagu dilo hal weerar," ayuu yiri.

  17. Tirada muwaadiniinta u dhashay Thailand ee ku dhintay Qasa iyo kuwo lagu afduubtay oo la shaaciyay

    Wasaaradda arrimaha dibadda ee Thailand ayaa sheegtay in 12 qof oo u dhashay dalka Thailand la dilay tan iyo markii Xamaas ay bilowday weerarada subaxnimadii Sabtida.

    11 kale ayaa la afduubay, siddeedna waa la dhaawacay.

    Mid ka mid ah shaqaalaha Thailand ayaa u sheegay BBC-da laanteeda af- Thai-ga inuu ku dhawaaday in la dilo Sabtidii.

    "Waxaan ku dhex gurguuranayay baabuur hoostiisa ka dibna Xamaas [dagaalyahan] ayaa iga soo saaray oo qoriga igu soo fiiqay," ayuu yiri.

    Waxaa jira ku dhawaad 30,000 oo ka soo jeeda Thailand oo ku sugan Israel, iyo ilaa 5,000 oo ku sugan Marinka Qasa.

  18. Daawo: Duqeymaha Israel oo ku dhacay meel u dhow weriyaha BBC ee Qasa toos hawada ugu jra

  19. Goobaha duqeynta lala beegsaday iyo sida wax uga dhaceen

    In ka badan 500 oo ah bartilmaameedyada Xamaas iyo Islaamiyiinta Jihad ee Marinka Qasa ayaa la duqeeyay habeen hore, sida ay sheegeen ciidamada cirka Israel.

    Warka ayaa intaa ku daraya in diyaarado dagaal iyo kuwa qumaatiga u kaca ee helikobteriska loo yaqaan, ay duqeeyeen bartilmaameedyada isla markaana sidoo kale madaafiic lagu garaacay goobahaas.

    Waxa ay sidoo kale sheegeen ciidamada cirka Israel in la duqeeyay todobo xarumood oo taliska Xamaas ay leeyihiin iyo xaruun kale oo ay leeyihiin ururka Islaamig Jihaad ee reer Falastiin.

    Saraakiisha caafimaadka Falastiiniyiinta ayaa sheegay in 413 qof lagu dilay Qasa tan iyo markii ay bilowdeen duqeymaha cirka ee Israel.

  20. Ciidamada Israel oo ka warbixiyay goobo ay bartilmaameedsadeen

    Fadlan aqriste haddii aad hadda ku soo biirtay boggaan, halkan waxad ka arqrisan kartaa wixii ka dhacay Qasa saacadihii la soo dhaafay.

    Ciidamada difaaca Israel ayaa subaxnimadii hore ee saaka warbixin kooban soo saaray iyagoo sheegay in ay weerareen ku dhawaad 1,000 bartilmaameed oo gudaha Qasa ku yaalla.

    Waxa ay intaa ku dareen in ay jiraan rag hubaysan oo Xamaas ka tirsan oo weli ka dagaalamaya toddobo ilaa siddeed goobood oo ku yaalla gudaha Qasa.

    Ciidamada Difaaca Israel ayaa sheegay in si taxaddar leh ay saaka u eegayaan xaaladda goobaha ay ku dagaallamayaan Xamaas.Ma jirto deegaameyn ka socota magaalooyinka waqooyiga Israel, laakiin dadku halkaa way isaga baxayaan.

    Ku dhawaad 1,100 qof ayaa la xaqiijiyay in ay kaga dhinteen Israel iyo Falastiinyiinta Qasa tan iyo markii ay bilowdeen weerarradu Sabtidii

    Qasa, duqeymo dhanka cirka ah oo Isreal ay ka gaysatay ayaa waxaa ku barakacay ku dhawaad 123,000 oo qof, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.

    Nala joog oo waxaan si joogto ah kuugu soo gudbin doonaa wixii hadba ku soo kordha xaaladdan