You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.

Take me to the main website

Boqollaal qof oo ku dhintay duqeyn ka dhacday cusbitaal ku yaalla Qasa iyo xaaladihii ugu dambeyay

Ku soo dhowaada tebinta tooska ah ee maanta

Tebin toos ah

  1. War deg deg ah, Milatariga Israel oo qirtay in askar iyo dad rayid ahba laga qabsaday

    Afhayeen u hadlay ciidamada difaaca Israa'iil ayaa xaqiijiyay in "askar iyo dad rayid ah" ay afduubteen maleeshiyaad. Milatarigu ma xaqiijin inta ay dhan tahay tirada askarta ama dadka rayidka ah ee la qabtay.

    Hase yeeshee saraakiisha Israa’iil ayaa beeniyay wararka sheegaya in la afduubtay Jeneraal ka tirsan ciidamada Difaaca Israa’iil (IDF).

    Xamaas waxay ku andacoonaysaa inay qabatay 53 "maxaabiis dagaal ah" balse IDF kama bixin tafaasiil dheeraad ah oo sax ah.

  2. War deg deg ah, Tirada dhimahsda Israel oo sare u kacday

    Hay’adaha gargaarka degdega ah ayaa sheegay in tirada dhimashada Israa’iil ee ka dhalatay weerar lama filaan ah oo ay ku qaadday kooxda Falastiiniyiinta ee Xamaas ay gaadhay 70 qof.

    Adeegga caafimaadka degdega ah ee Magen David Adom wuxuu leeyahay "waxaanu cusboonaysiinaynaa tirada dhimashada oo gaadhay ilaa 70 qof, iyo boqollaal dhaawacyo halis, dhexdhexaad ah iyo kuwo fudud isugu jira".

  3. Kuwait oo si kulul uga hadashay dagaalka u dhexeeya Falastiin iyo Israel

    Kuwait ayaa walaac xoogan ka muujisay xaalada ka taagan marinka Gaza iyo dhulka la heysto ee Falastiin, waxayna ku eedeysay Israel inay mas’uul ka tahay xasaradihii ugu dambeeyay ee ka dhacay marinka Gaza iyo dhulka la heysto ee Falastiin, taasi oo ku timid xadgudubyada joogtada ah iyo weeraro ay geysteen maamulka gumeysiga Israa’iil ee ka dhanka ah Masjidka barakaysan, sida lagu sheegay bayaanka.

    Wasaaradda arrimaha dibadda ee Kuwait ayaa xaqiijisay inay beesha caalamka, gaar ahaanna golaha ammaanka ka codsatay inay la wareegaan mas’uuliyadda, joojinta rabshadaha socda, ilaalinta shacabka walaalahooda ah ee reer Falastiin, lana joojiyo dhaqamada kicinta ah ee maamulka gumeysiga, gaar ahaan kuwa socda hadda, ku xad gudubka xurmada Masjidka barakeysan ee Al-Aqsa iyo siyaasada dhul balaarsiga

  4. Faysal Cali Waraabe oo ku hanjabay in ay Laascaanood dib ula wareegayaan

  5. Sucuudigu muxuu ka yiri dagaalka ka socda Israel iyo Qasa

    Boqortooyada Sucuudiga ayaa ku baaqday "in si degdeg ah loo joojiyo" xiisadda u dhexeysa Israa'iil iyo Falastiiniyiinta, lana tix geliyo "ilaalinta rayidka."

    Wasaaradda arrimaha dibadda ee Sucuudiga ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay, “Boqortooyada Sacuudi Carabiya waxay si dhow ula socotaa xaaladda aan la fileyn ee u dhaxaysa tiro ka mid ah kooxaha falastiiniyiinta iyo ciidamada guumaysiga Israa’iil,” ee ay “ka dhasheen rabshadaha halkaas ka socda socda”.

    Waxay ku baaqday "in si degdeg ah loo joojiyo colaadda u dhexeysa labada dhinac, la ilaaliyo rayidka la isna xakameeyo."

    Boqortooyadu waxay dib u xustay "digniinteeda soo noqnoqota ee ku aaddan khatarta ka dhalan karta gumeysiga sii socda ee Israel, duudsiga dadka Falastiiniyiinta xuquuqdooda, iyo ku celcelinta daandaansiga joogtada ah ee ka dhanka ah xurmada."

    Waxa uu beesha caalamka ugu baaqay "inay dhaqaajiyaan geeddi-socod nabadeed oo horseeda xal laba dawladood ah" oo nabadda gobolka laga hirgeliyo.

  6. War deg deg ah, Tirada dhimashada ee Qasa oo sare u kacday

    Tirada Falastiiniyiinta lagu dilay weerarka dhanka cirka ah ee lagu qaaday Qasa ayaa gaartay 198, sidaas waxaa sheegay saraakiisha caafimaadka ee Qasa.

  7. Mareykanka oo war cusub kasoo saaray xaaladda Israa'iil

    Xoghayaha Difaaca Mareykanka Lloyd Austin ayaa war kasoo saaray weerarrada Israa'iil ee ay Falastiiniyiintu ku qaadeen.

    "Waxaan si dhow ula soconayaa waxa ka soo kordha Israa'iil. Sida ay nooga go'an tahay xuquuqda Israa'iil ay isku difaaceyso waa mid meesheeda ah, waxaana tacsi u dirayaa qoysaska dadka ku dhintay weerarradan arxan darrada ah ee shacabka lala beegsaday," ayuu yiri.

    "Maalmaha soo socda waxay Waaxda Difaaca la shaqeyn doonto Israa'iil si loo hubiyo in Israa'iil ay hesho waxa ay u baahan tahay inay shacabkeeda uga difaacdo rabshadda iyo argagixisannimada aan kala sooca lahayn."

  8. Maxaan ka ognahay Maxaabiista ay Falastiiniyiintu qabsadeen

    Telefishinka Israa’iil ee Reshet 13 ayaa ku warramaya in kooxo Falastiiniyiin ah ay maxaabiis Israa’iiliyiin ah ku hayaan magaalada Ofakim ee koonfurta dalkaasi, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Reuters.

    Tani waa mid ka mid ah warbixintii ugu horeysay ee aan ka helnay warbaahinta Israel ee ku saabsan xaaladda, ka dib markii ay baraha bulshada ku baahday in mintidiin Falastiiniyiin ah ay maxaabiis ahaan u qabsadeen.

    Muuqaalo aan la xaqiijin oo la soo dhigay baraha bulshada ayaa u muuqda kuwa muujinaya Falastiiniyiinta oo maxaabiis ahaan u qabsanaya dad rayid ah una kaxaynaya dhanka Qasa.

    Maamulka Israa’iil ayaa sheegay in aysan arrintan wax jawaab ah ka bixin doonin, iyadoo BBC-da aysan ilaa hadda xaqiijin karin wararkaasi.

    Si kastaba ha ahaatee, afhayeen u hadlay Xamaas ayaa Aljazeera u sheegay in “aysan ahayn la haystayaal – waa maxaabiis dagaal”.

    Waxa ay tirada maxaabiista ay qabsadeen ku sheegeen 57 qof.

  9. Dhimashada ka dhalatay weerarka ay Israel ku aar gudatay oo la shaaciyey

    Duqeymo ay Israel ka fulisay marrinka Qasa, ayaa lagu dilay 161 qof halka ku dhawaad 1,000 kalena ay ku dhaaacmeen, sida lagasoo xigtay masuuliyiinta Israel.

    Israel ayaa goor sii horeysay sheegtay inay duqeymo ku bilowday bartilmaameedyo ku yaal Qasa si ay jawaab uga bixiso weerarka gantaalada ee saaka lagu kediyey.

    Wararka kasoo kordha halkan ayaad kala socon doontaan.

  10. Xisbullaah oo ka hadashay weerarka ay Xamaas ku ekaysay Israel

    Kooxda Xisbullah ee ka dagaalanta dalka Lubnaan ayaa sheegtay in ay si dhow ula socoto xaaladda Gaza oo ay si toos ah ula xiriirayso hoggaanka iska caabinta ee Falastiiniyiinta.

    Waxay ugu yeertay weerarrada Xamaas "jawaab adag oo ku aaddan xadgudubka Israa'iil iyo farriin ku socota kuwa doonaya inay xiriirkooda Israa'iil caadi ka dhigaan".

    Kooxdan ayaa si weyn uga soo horjeeda Israa’iil waxayna dagaal la galeen sannadkii 2006-dii.

    Xisbullah waxay ku tiirsan tahay taageerada militari iyo dhaqaale ee Iran.

  11. War deg deg ah, Adegga degdagga ah ee Israel ayaa xaqiijiyey dhimashada 40 qof

    Adeegga degegga ah ee Israel ayaa hadda xaqiijiyey dhimashada 40 Israeliyiin ah oo ka dhalatay weerarka gantaalada ee lagasoo ganay Qasa.

    Waxa ay sheegeen inay sii wadaan dedaalada caafimaad iyo in ay dadka u daabulaan ibitaalada.

  12. War deg deg ah, Wararkii u dambeyay ee Israel Khasaaraha dhimasho iyo dhaawac oo kordhay

    Saraakiisha Israa’iil ayaa goor sii horreysay ku sheegay in tirada dadka ku dhintay dalkaas ay gaarayaan 22 qof, iyadoo boqolaal qof ay ku dhaawacmeen weerar aan horay loo arag oo ka dhacay Qaza.

    Warbaahinta maxalliga ah ayaa hadda ku warramaysa in tirada ay korortay oo ay gaartay ugu yaraan 40 dhimasho ah iyo in ka badan 700 oo dhaawac ah.

    Tiradaas ilaa hadda ma aysan xaqiijin saraakiishu. Wixii kasoo kordha halkan ayaan idiinkusoo gudbin doonnaa.

  13. Daawo taangi ay Israel leedahay oo Qasa lagu qabtay

    Waxaa soo baxay muuqaal la sheegay in uu muujinayo Falastiiniyiin ku dul boodaya taangi ay Israa’iil leedahay oo ay qabsadeen Ururka Xamaas.

    Isla muuqaalkan oo ay heshay wakaaladda wararka ee Reuters, ayaa sidoo kale muujinaya malayshiyo ku dhex kaxaynaya wax la sheegay in uu yahay gaadhi milatari oo ay Israa’iil ka qabsadeen.

    Afhayeenka milatariga Israa’iil ayaa diiday inuu ka hadlo warar sheegaya wariyeyaal Israa’iiliyiin ah oo ay Xamaas qabsadeen, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Reuters.

    BBC si madaxbanaan uma xaqiijin muuqaalka.

  14. Madaxweyne Erdogan muxuu ka yiri weerarka lama filaanka ah ee lagu qaaday Israel

    Qaar ka mid ah madaxda caalamka ayaa ka falceliyey weerarka lama filaanka ah ee saaka lagu ekeeyay Israel, waxaana ka mid ah Madaxweynaha Turkiga.

    “Isxakamayn ayaan ugu baaqaynaa dhincayada oo dhan,” ayuu madaxweyne Erdogan ka yiri shir ka dhacayey magaalada Ankara oo ay lahaayeen xisbigiisa AK. “Waa inay ka dheeradaan falalka qallafsan,” ayuu yiri.

  15. War deg deg ah, Israel oo sheegtay in ay jawaab ka bixisay gantaalada lagu harqiyey maanta

    Ciidamada difaaca Israa’iil ee loo soo gaabiyo (IDF) ayaa sheegay in ay ilaa hadda weerar ku qaadeen 17 xarumood oo milatari ah iyo afar xarumood oo ay Xamaas ku leeyihiin baraha bulshada.

    BBC ma aysan xaqiijin sheegashadaas, balse IDF ayaa horay u sheegtay in ay duqaymo ku billowday bartilmaameedyada Marinka Gaza si ay uga jawaabto gantaallada lagusoo harqiyey Israa'iil.

  16. Wasiirka difaaca Israa’iil oo sheegay in Xamas ay gashay khalad aad u weyn

    Wasiirka difaaca Israa’iil ayaa sheegay in Xamaas ay bilaabeen dagaal ka dhan ah Israa’iil.

    Yoav Gallant ayaa bayaan uu soo saaray ku yiri: “Xamas waxay saaka samaysay khalad weyn, waxayna bilaabeen dagaal ka dhan ah dawladda Israa’iil”.

    Wuxuu intaas ku daray in ciidamada IDF ay "goob walba kula dagaalamayaan cadowga" iyo "Dowladda Israa'iil ay ku guuleysan doonto dagaalkan".

  17. Sawirro Ka dib gantaallo lagu soo ganay Israa'iil

  18. War deg deg ah, Dagaalka oo weli ka socda saldhigga Zikim oo ah saldhig tababar oo ay leeyihiin ciidamada difaaca Israa'iil

    Gabagabdii hadalkooda, afhayeenka milateriga Israa'iil wuxuu sheegay in dagaalku uu weli ka socdo isgoyska Erez ee xuduudka iyo sidoo kale saldhigga Zikim - oo ah saldhig tababar oo ay leeyihiin ciidamada difaaca Israa'iil.

  19. Golaha wasiirada amniga Israa'iil oo kulmi doona 1-da duhurnimo.

    Golaha wasiirada amniga ee Israa'iil ayaa shir ka yeelan doona 1-da duhurnimo ee waqtiga maxaliga ah ee ku saabsan weerarka lama filaanka ah ee Xamaas, xafiiska ra'iisul wasaaraha ayaa sidaas yidhi.

    Kahor kulanka, Ra'iisul Wasaare Benjamin Netanyahu ayaa saraakisha la yeelan doona kulan xaalada lagu qiimaynaya.

  20. 'Taliye Shub' oo fasiraad ka bixiyay khudbadii uu jeediyay ee hadal haynta dhalisay