War deg deg ah, Israel oo sheegtay in la helay meydka 1,500 oo ururka Xamaas ka tirsan
War degdeg ah: Millateriga Israel ayaa sheegay in la helay meydka 1,500 oo qof laga helay Israel iyo aagga marinka Qasa.
Waxa intaas ku dareen inuu gebogabo ku dhowyahay daadgureynta qowmiyadda Isarel ee ku sugnaa meel u dhow Qasa.
Wadaaradda difaaca Israel ayaa sheegtay inay bedeshay baaqa ay u direen Falastiiniyiinta doonaya inay ka baxaan Qasa.
Waxaa ay marka hore sheegeen in dadku ka baxaan hal marin oo ay maamusho Masar, balse haatan waxaa lagu soo warramayaa in la xiray marinkaas.