Soomaalida ayaa si weyn u isticmaasha khudaarta toonta, inta
badan waxaa lagu darsadaa cuntada, waana khudrad caan ku ah in loo adeegsado
arrimo caafimaad.
Toonta waxay kamid tahay khudaarta ugu da'da weyn ee dunida
laga beerto, geedka toonta waa mid adkeysi badan oo in muddo ah soo jiray,
waxay bahwadaag yihiin sida basasha, basaaska iyo kuwa kale.
Waxa ay leedahay caraf gaar ah, weyna ka soocan tahay
khudaarta kale. Waxay leedahay dhadhan gooni ah, dadka qaarna ma jeclo
dhadhankeeda xitaa iskuma dayi karaan inay ruugaan. Waxaad arkeysaa dad badan
oo cuna toonta ama cabba biyaha laga sameeyo gaar ahaan qofka marka uu hergeb
ku dhaco ama in loo adeegsado dawo ahaan.
Waxa sida weyn loo isticmaalo waa xiddidada geedka toonta,
hashii toon waxay ka kooban tahay qeybo yar yar oo gaaraya 20.
Nafaqada laga helo toonta
Toonta waxaa laga helaa nafaqooyin fara badan oo waxtar u
leh banii'aadanka, waxaana kamid ah:
Tamarta u wanaagsan jirka banii'aadanka oo lagu qiyaasay
4Kcal / 16KJ. Waxay dadka ka caawisaa jir dhiska waxaana ku jirta maaddada
borootiin. Toonta waxaa kale oo laga helaa maddooyinka karbohaydraytyada ah iyo
macdanta Potassium-ka ee isku dheelitirta shaqada unugyadeenna jirka.
Faa'idada ay caafimaadka u leedahay toonta
1. Waxaa ku jira maaddooyin caafimaadka u wanaagsan
Toonta waxaa laga helaa maaddo la yiraahdo allicin-maadadan
waa midda toonta u yeesha dhadhanka gaarka ah, waxay ka qeyb qaadataa xoojinta
caafimaadka, waxay yareysa gaaska ku dhaca caloosha ama xiidmaha, inta badan
maadada allicin waa waxa horseeday in si weyn loo adeegsado toonta. Dad badan
waxay riiqaan toonta iyagoo dawo ahaan u adeegsanaya.
2. Waxay yareysaa halista wadno xanuunka
Cilmi-baarisyo badan oo la sameeyay waxaa diiradda lagu
saaray awoodda toontu u leedahay inay yareyso cudurrada wadnaha iyo caawinta
maareynta heerarka kolestaroolka. Daraasado dhowr ah waxay sheegeen in toonta
ay yareyso in (unugyada ku lug leh xinjirowga dhiigga) ay ku uruuraan xiddidada
halbowlaha qaada dhiigga, waxay ka dhigan tahay in toonta ay ka hortagto
xinjijowga dhiigga, sidaas darteedna waxay yareysaa halista cudurka wadno
xanuunka. Toontu waxay sidoo kale hoos u dhigi kartaa halista dhiig karka iyada
oo loo marayo awoodda ay u leedahay inay ballaariso xididdada dhiigga, taasoo u
horseedeysa in dhiiggu uu si xor ah uu jirka banii'aadanka ugu dhex socdo.
3. Waxay ka hortagtaa Kansarka
Toonta waxaa ku jira walxo Sulphur ah oo lagu sameeyay
daraasado, waxaana la ogaaday inay ka hortagaan unugyada kansarka iyo
burooyinka kansarka ah, inkasta oo saameynta toonta ku leedahay ka hortagga
Kansarka aan si buuxda loo xaqiijin, waxaana loo baahan yahay cilmi baarisyo
ballaaran oo lagu sii faahfaahinayo arrintani.
4. Waxaa lagula dagaallamaa caabuqyada iyo feyraska
Toonta waxaa in muddo ah loo adeegsan jiray in lagula
dagaallamo caabuqyada ka dhasha bakteeriyada, feyraska iyo Fungi. sidoo kale waxaa
lagu daweeya cudurrada ku dhaca maqaarka iyo qaniinyada cayayaanka gaar ahaan
toonta qoyan iyo tan saliidda laga sameeya.
5. Waxay xoojisaa awoodda lafaha banii'aadanka
Daraasado la sameeyay ayaa lagu ogaaday in toonta ay ka
hortaggo lafo burburka, waxayna sare u qaaddaa hormoonka oestrogen ee dumarka.
Sidoo kale cilmibaarista waxaa lagu ogaaday in dadka isticmaalay toonta ee uu
ku dhacay xanuunada lafaha in xooggaa ay ku reysteen.