You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.

Take me to the main website

Boqollaal qof oo ku dhintay duqeyn ka dhacday cusbitaal ku yaalla Qasa iyo xaaladihii ugu dambeyay

Ku soo dhowaada tebinta tooska ah ee maanta

Tebin toos ah

  1. Daawo: Qasa waa magaalo nooce ah? weriyihii hore ee BBC-da oo aqoon u leh ayaa sharraxaya

  2. Daawo gantaallo lagasoo ganayo Qasa oo ku wajahan koonfurta Israa'iil

    Muuqaalkan oo ay soo saartay wakaaladda wararka ee Reuters ayaa muujinaya gantaallo laga soo ganay Qaza wax yar ka dib 17:00 xilliga maxalliga ah oo ah xilliga ay Xamaas u qabatay inay Israa’iiliyiintu kaga baxaan Magaalada Ashkelon.

    Wariyaha BBC-da Alice Cuddy ayaa maqashay qaraxyo ka dhacay magaalada Ashkelon ee Israa’iil waqti isla xilligan.

  3. War deg deg ah, Magaaladii Israa'iil ee ay xamaas u digtay oo ay duqeymo ku bilowdeen

    Wariyaha BBC Alice Cuddy ayaa soo warisay in qarax uu ka dhacay magaalada Ashkelon-kadib hanjabaad kaga timid ururka Xamaas oo ku hanjabay inay weerari doonaan magaalada.

    Halkan waxaa ah khariidad muujinaysa halka ay magaaladu ku taal koonfurta Israa'iil - oo u dhow marinka Gaza, oo ah dhul ay falastiiniyiintu leeyihiin.

    Wasaaradda caafimaadka ee Qasa ayaa sheegtay in 830 Falastiiniyiin ah la og yahay in lagu dilay duqeymaha Israa’iil tan iyo Sabtidii.

  4. Sida uu Israa'iil jabka ugu gaaray weerarkii ugu weynaa ee Xamaas

  5. War deg deg ah, Xilligii ay xamaas u qabatay inay Israa'iiliyiintu kaga baxaan magaalada Ashkelon oo la gaaray

    Waxaa la gaaray xilligii ay Xamaas u qabatay dadka rayidka ah ee Israa’iil inay kaga baxaan magaalada Ashkelon ee gudaha Israa’iil.

    Shanta galabnimo oo hadda la dhaafay in ka badan 20 daqiiqo ayey u qabteen in ay magaalada uga baxaan dadk, wixii kasoo kordhana waan idinla socodsiin donna.

    Xamaas ayaa si gaar ah ugu hanjabtay inay weerari doonto magaalada Ashkelon ee Israa’iil si ay uga jawaabto weerarrada Israa’iil ee Qaza.

    Qoraal ay soo dhigtay Telegram, ayay Xamaas ku sheegtay in dadka deggan magaalada, oo dhanka woqooyi ka xigta Marinka Qaza, ay haystaan ilaa shanta galabnimo ee wakhtiga maxalliga ah inay kaga baxaan.

    In ka badan 4,500 oo gantaal ayaa horey looga soo tuuray Qaza tan iyo sabtidii, sida uu sheegay militariga Israa’iil.

  6. Masar oo xirtay marrinka kaliya ee ay dadka Qasa ku jira uga bixi lahaayeen go'doonka

    Masar ayaa hadda xirtay marinka laga gudbo ee Rafah sababo la xiriira duqeymo ay diyaaradaha Israa’iil ka geysanayaan aaggaas, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta deegaanka.

    Marinka Rafah waxa uu isku xiraa Qaza ilaa Masar kaas oo ah dariiqa kaliya ee looga baxo dhulka go'doonsan ee Qaza.

    Waxaa xusid mudan in inkasta oo isgoysku furnaa, haddana dadku waxay ku qasbanaadeen inay magacyadooda ku qortaan liiska si ay uga gudbaan.

    Masar ayaa ku eedeysay Israa'iil inay kala dooran siinaso dadka Falastiin inay ku dhintaan duqaymaha ama ka baxaan Qaza.

  7. Masar oo xirtay Marinka Rafah duqeymaha Israa'iil awgeed

    Masar ayaa hadda xirtay marinka laga gudbo ee Rafah sababo la xiriira duqeymo ay diyaaradaha Israa’iil ka geysanayaan aaggaas, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta deegaanka.

    Marinka Rafah waxa uu isku xiraa Qaza ilaa Masar kaas oo ah dariiqa kaliya ee looga baxo dhulka go'doonsan ee Qaza.

    Waxaa xusid mudan in inkasta oo isgoysku furnaa, haddana dadku waxay ku qasbanaadeen inay magacyadooda ku qortaan liiska si ay uga gudbaan.

    Masar ayaa ku eedeysay Israa'iil inay kala dooran siinaso dadka Falastiin inay ku dhintaan duqaymaha ama ka baxaan Qaza.

  8. Halka & dadka qorsheeyey weerarka xamaas ee Israa'iil

  9. Maxaan ka ognahay tirada Israa'iiliyiinta ee ay Xamaas haysato

    Safiirka Israa'iil ee Qaramada Midoobay Gilad Erdan ayaa sheegay in tiradda la qafaashay tan iyo sabtidii ee isra'iiliyiinta ay tiro ahaan u dhaxayso 100 ilaa 150.

    Ciidanka Israa'iil ayaa sheegay inay la hadleen konton ka mida qoysaska dadkooda laga haysto,kuwo kalana ay la xiriiri doonaan.

    Xamas ayaa xalay ku hanjabbtay inay dili doonto maxaabiista ay ka hayaan Isra'iil hadii diyaaradoohu sii wadaan duqaynta cirka iyagoon digniin bixin.

    Dhinaca kale Xamaas ayaa sheegtay inaysan wax gorgortan ah ka gali doonin maxaabiista ay hayaan ilaa inta dagaalku ka joogsanayo.

    Ismaciil Xaniya madaxa siyaasada ee Ururka Xamaas ayaa sheegay inaysan wax wada xaajooda ka gali doonin maxaabiista ay hayaan hadii aan la joojin duqeymaha Israa’iil ay la beegsnayso goobaha rayidka.

  10. Sucuudiga oo taageeray Falastiin

    Dhaxal sugaha Sucuudiga Maxamed Bin Salmaan ayaa qadka taleerfanka kula hadlay madaxweynaha Falastin Maxamuud cabaas.

    Maxamed Bin Salmaan ayaa sheegay in dalkiisu uu "garab taagan yahay dadka reer Falastiin si ay u gaaraan xuquudooda aasaasiga ah " iyo in ay gaaraan nabad waarta.

    Waxa uu sidoo kale Cabbaas u sheegay inuu dhinacyada caalamiga ah iyo kuwa gobolkaba kala shaqayn doono si usan dagaalku u faafin.

    Waxaa xusid mudan in Xamaas oo ka talisay Qasa iyo Maxamuud cabaas oo madaxweyne ka ah daanta galbeed ay ku xifaaltamaan siyaasadda Falastiin.

    Hadalka Maxamed Bin Salmaan ayaa imaanaya kadib war horaan kasoo baxay Sucuudiga oo u ekaa mid looga fiirsanayo in taageero rasmi ah loogu muujiyo Xamaas.

  11. Daawo: Dagaal toos ah oo dhexmaraya Xamaas iyo Israel, iyo duqeymaha socda

    Dad ka badan 1,700 oo qof ayaa lagu dilay dagaalka iyo duqeymaha tan iyo markii ay Xamaas weerartay Israel sabtidii.

    Haddaba, daawo dagaal toos ah oo jidka ku dhexmaraya Xamaas iyo Israel iyo dad ka baxsanaya duqeymaha.

  12. Waa ayo hoggaamiyeyaasha Xamaas ee ay dooneyso Israel inay disho?

  13. Hogaamiyaha Iiraan: 'Gacanta ayaan ka dhuunkaneynaa kuwii weerarka soo qaaday'

    Hogaamiyaha ruuxiga Iiraan, Ayatollah Ali Khamenei, ayaa beeniyay eedeymaha loo soo jeediyay ee ah, in Iiraan ay ku lug lahayd weerarkii ay Xamaas Sabtidii ku qaadeen Israel.

    Balse, sida laga soo xigtay wakaaladda wararka ee Reuters, waxay qortay inuu yiri, 'gacanta ayaan ka dhuunkaneynaa kuwii qorsheeyay weerarka lagu qaaday Israel'.

    Hogaamiyaha Iiraan ayaa sheegay, in Israel ay leedahay mas'uuliyadda weerarkaas. Waa markii ugu horeysay oo uu hogaamiyahan ka soo muuqdo telefishan, tan iyo weerarkii dhacay Sabtidi ee u dhaxeeya Xamaas iyo Israel.

    Ayadoo uu meel adag marayo dagaalka uu ururka Xamaas ku qaaday Israa’iil, ayaa waxaa soo baxayay in Iiraan ay ka caawisay ururkaas weerarakaas aan la sii fileyn.

    Abaabulka ayaa sida la sheegayo socday muddo sanooyin ah, waxaana lagu ansaxiyey kulan ka dhacay magaalada Beyruut ee dalka Lubnaan todobaadkii hore kaasoo ay ka qayb galeen xubno ka tirsan Xamaas iyo Xisbullah, sida uu qorayo wargayska the Wall Street Journal.

  14. Duqeyn culus oo xalay iyo saaka lagu qaaday magaalooyin ku yaala Gobolka Jubada Dhexe

    Warrarka ka imaanaya koonfurta Soomaaliya ayaa sheegaya in xalay iyo saaka duqeyn xagga cirka ah lagu qaaday magaalooyinka Jilib, Saakow iyo Bu’aale.

    Dad ku sugan Jilib ayaa laga soo xigtay in illaa afar gantaal lagu dhuftay dhawr xafaadood oo magaalada ka tirsan. Mid kamid ah gantaalladaasi wuxu ku dhacay xarunta shirkadda korontada siisa Jilib, waxana ku dhintay qof ka tirsanaa shaqaallaha shirkadda.

    Dad ku sugan Saakow ayaa iyana laga soo xigtay in ay maqleen illaa afar gantaal oo ku dhacday magaalada, in kastoo ay sheegeen in aanay guryahooda ka bixin, isla markaana aanay garanayn halka bartilmaameedku ahaa iyo khasaarraha ka dhashay.

    Magaalada madaxda Gobolka Jubada Dhexe ee Bu’aale ayaa iyana la soo weriyay in illaa afar gantaal lagu weerarray, xog badanse lagama hayo khasarraha ay gaysteen.

    Warbaahinta Al-Shabaab ayaa sheegtay in duqeynta lagu qaaday Jubada Dhexe lagu bartilmaameedsaday goobbaha rayidka, laakiin ma jiro war madax bannaan oo xaqiijinaya warka Al-Shabaab.

    Wakaaladda warrarka u faafisa Soomaaliya ee SONNA ayaa sheegtay in ciidanka qaranka iyo saaxiibbada caalamiga ah ay duqeyn xagga cirka ah ku qaadeen xarumo ay ku sugnaayeen saraakiil iyo dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab oo ku yaala magaalooyinka Bu’aale, Saakow iyo Jilib, waxayna sheeggtay in duqeynta lagu naafeeyay Al-Shabaab.

    Wakaaladdu ma sheegin inta uu la egyahay khasaarraha ay gaysteen diyaaraddaha duqeeyay Jubada Dhexe, sidoo kale ma soo qaadin warrarka sheegaya in dad rayid ah ay wax ku noqdeen.

  15. Falastiiniyiin hor leh oo lagu dilay Daanta Galbeed

    Marka laga yimaado Qasa, waxaa lagu soo warramayaa in 17 falastiiniyiin ah lagu dilay isku dhacyada u dhaxeeya ciidamada Israel iyo ururka Xamaas tan iyo Sabtidii, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.

    Dadka dhintay waxaa kamid ah afar carruur ah iyadoo sidoo kale ay dhaawacyo soo gaareen 295 qof. Daanta galbeed waa ay ka duwantahay Qasa kumana jirto gacanta ururka Xamaas.

    Dhaawacyada badanaa waxaa sababay isku dhaca dadka iyo ciidamada amaanka balse 23 qof oo kamid ah dadkaas waxaa ay dhinteen kadib weerar ay ku soo qaadeen Israel, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay..

  16. Maraakiibta Maraykanka ee Israa'iil taageeraya oo ay ku jiraan kuwo Soomaaliya ka hawlgalay

  17. Sawirro: Dhismayaal Qasa ku yaala oo ay duqeymo ku burburisay Israel

    Wasiirka caafimaadka Falastiin ayaa sheegay in Israel ay duqeynta si ula kac ah ugu bartilmaameedsatay gawaari gaar ahaan kuwa gurmadka degdegga ah iyo xarumo caafimaad.

  18. Daawo sida wax uga dhaceen bandhig heeso oo ay weerartay Xamaas

    Dadka heesaha jecel ee Israel ayaa isugu yimid bandhig heeso oo ka dhacayay dhulka banaan ee Koonfurta Israel. Laakiin wax yar kadib bandhig heesaha ayaa isu bedelay goob meydka iyo dhiigo daadsan yahay kadib markii ay soo weerartay Xamaas oo fulisay mid ka mid ah weeraradii ugu khatarsanaa ee lagu qaado Israel.

    Waxaa la helay meydad ka badan 260 qof, iyada oo weli la rumeysan yahay in dad kale oo intaas ka badan ay ku dhinteen weerarkaas, halka qaar kale na nolol iyo geeri midna lagu heyn.

  19. Ciyaaryahka u dheela Arsenal ee Israel taageeray oo dhaleeceyn wajahaya

    Ciyaaryahanka Khadka dhexe ugu dheela kooxda Arsenal ee u dhashay dalka Ukraine, Oleksandr Zinchenko, ayaa markii uu qarxay dagaalka Xamaas iyo Israel todobaadkan, waxaa uu durba bartiisa inshagram-ka soo dhigay qoraal ah ‘waxaan garab taaganahay Israel’.

    Zinchenko ayaa dhaleeceyn kala kulmay baraha bulshada, taas oo horseeday inuu markiiba uu meesha ka saaro qoraalkaas, wuxuuna akoonkiisa u bedelay mid isaga u qaas ah, taas oo ka dhigan in dadweynahaaysan arki Karin waxa uu soo dhigo.

    Ciyaartooygan ayaa aad u taageeri jiray dalkiisa Ukraine ee dagaalka kula jirta Ruushka, wuxuuna lacago u aruurin jiray dalkiisa isagoo ku sugan magaalada London.

    Arsenal weli kama aysan hadlin arrintaas. Dad badan oo caalamka ah ayaa cambaareynaya kooxda Arsenal, oo ay ku andacoonayaan inaysan ka falcelin qoraalkiisa.

    Arsenal ayaa hore isaga fogeysay ciyaaryahankii hore ee Arsenal, Mesut Ozil, sanadkii 2019-kii, kadib markii uu ka hadlay sida dowladda Shiinaha ay ula dhaqmeyso Muslimiinta dalkaas ee Uighur.

  20. Daawo: Gantaalada Xamaas oo ku hoobanaya magaalada Ashkelon ee Israel

    Xamaas ayaa tiro gantaalo ah ku riday magaalada Ashkelon ee koonfurta Israel. Halkan ka daawo muuqaalka isla xilliga ay soo dhacayaan gantaalada, kala cararka dadka oo ay ka mid yihiin weriyeyaasha BBC, iyo sidoo kale wiishka digniinaha bixiya ee Israel oo qeylo ku dhuftay