You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.

Take me to the main website

Boqollaal qof oo ku dhintay duqeyn ka dhacday cusbitaal ku yaalla Qasa iyo xaaladihii ugu dambeyay

Ku soo dhowaada tebinta tooska ah ee maanta

Tebin toos ah

  1. Iiraan iyo Sacuudiga oo markii ugu horeysay ka wada hadlay xiisadda Falastiiniyiinta iyo Isaa'iil

    Dhaxal sugaha boqortooyada Sacuudiga, Maxamed Bin Salmaan ayaa waxaa uu telefoonka kula hadlay, madaxweynaha Iiraan, Ibrahim Raisi.

    Warbaahinta dlalka Iiraan iyo Sacuudiga ayaa sheegaya, in hogaamiyeyaasha labada dal ay ka wada hadleen xiisadda falastiiniyiinta iyo israa’iil.

    Waa wadahadalkii ugu horeeyay ee telefoonka ku dhex maray, tan iyo markii la sii amba qaaday xiriirka diplomaasiyadeed bishii Maarso.

    Waxaa ay labada dhinac ka wada hadleen baahida loo qabo in la soo afjaro danbiyada dagaal ee ka dhanka ah falastiin, waa sida ay hadalka u dhigeene.

    Dhaxal sugaha, wuxuu carrabka ku adkeeyay, in boqortooyada ay sameyneyso dadaallo suurtagal ah oo ay kula xiriireyso dhammaan dhinacyada caalamka, iyo kuwa gobolka si loo joojiyo weerarada isa soo taraya ee Qaza.

    Sidoo kale, waxaad aqrisan kartaa:

  2. War deg deg ah, Deg deg: Xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka oo la kulmayo madaxweynaha Falastiin

    Madaxweynaha Falastiin, Maxamuud Cabbaas, ayaa jimcaha la kulmi doona xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka, Antony Blinken, sida uu sheegay Xuseen Al-Sheekh, oo ah xoghayaha guud ee guddiga fulinta ee ururka xoreynta Falastiin (PLO).

    Hoggaanka siyaasadeed ee Falastiin ayaa waxaa si weyn ugu kala qaybsan, xisbiga Fataax ee Maxamuud Cabbaas ee Daanta Galbeed iyo ururka Xamaas oo ay iska soo hor jeedaan ee maamula marinka Gaza.

    Xoghayaha arrimaha dibedda ee Mareykanka, Antony Blinken, ayaa la filayaa in saacadaha soo socda uu gaaro Israa’iil, si uu taageero ugu muujiyo dalka iyo dadkaba, kadib weeraradii Xamaas ee Sabtida.

    Dhanka kale, madaxweynaha Mareykanka, Joe Biden, ayaa ka dalbaday Israel inay u hogaansanto xeerarka dagaalka ay kula jirto xamaas.

    Biden wuxuu sheegay inuu fahamsan yahay carada dad ka reer israail, wuxuuse weydiistay xukuumadda inay xushamayso mabaadii’ida cahdiga Geneva.

  3. Boqolaal kun oo qof oo ka barakacay Qasa iyadoo Israa'iil iyo Masar ay xireen meelaha laga baxo

    Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in ka badan 340,000 oo qof oo ku nool Qasa ay khasab ku noqotay inay guryahooda ka cararan, iyadoo dhanka kalena ay israa’iil sii waddo inay garaacdo dhulkaas.

    Tallaabadan ayaa jawaab u ah weerarki dhiiggu ku daatay ee xamaas ay qaadday Sabtidii.

    Israa’iil iyo masarba waxay xireen meelaha laga baxo, taas oo ka dhigan in aanay baxsan karin Falastiiniyiinta Qasa.

    Dhanka kale, madaxweynaha Mareykanka, Joe Biden, ayaa ka dalbaday Israel inay u hogaansanto xeerarka dagaalka ay kula jirto xamaas.

    Mr Biden wuxuu sheegay, inuu fahamsan yahay carada dadka reer israa'iil, wuxuuse weydiistay xukuumadda inay xushamayso mabaadii’ida cahdiga Geneva.

    Warbixinnada kale ee aad akhrisan karto:

  4. Maxaan ka naqaan hubkii dagaalkii Labaad ee xamaas ay kaga gudubtay difaaca Israa’iil

  5. Israa'iil ma sii ogeyd in weerar ku soo socdo: Xog Sirdoon

  6. Dagaalyahan kasta oo Xamaas ah waa 'nin dhintay' - Netanyahu

    Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in dagaalyahan kasta oo ka tirsan Xamaas uu yahay “nin dhintay,” kaddib shirkii ugu horreeyay ee dowladda cusub ee degdegga ah ee dagaalka dartiis looga aaasaasay dalkaas uu ka jeediyey.

    Mr Netanyahu iyo hoggaanka mucaaradka ah ee Benny Gantz - oo ahaa taliyihii hore ee ciidamada - ayaa sameeyay gole wasiirro dagaal ah Arbacadii, iyaga oo dhinac iska dhigay xafiiltankooda siyaasadeed.

    Mr Gantz ayaa sheegay in la joogo "waqti dagaal" dowladda cusub ee la soo dhisayna ay diyaar u tahay "in ay dhulka ka tirtirto waxa loogu yeedho Xamaas".

  7. Xaalka oo weli cakiran xilli xaaladda gargaar ee guud ahaan deegaanka laga qaylo-dhaamayo

    Waa saqdii dhexe guud ahaan Israel iyo Gaza, xaalka deegaanka ayaa sidii u cakiran. Wararkii danbeeyey ee xaaladda ayaannu halkan ku soo koobnay:

    • Xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka Anthony Blinken ayaa ku sii jeeda Israa’iil. Waxa uu u sheegay saxaafadda ka hor inta uusan raacin diyaaradda geyn doonta halkaas, in Mareykanka uu siin doono Israel "wax walba oo ay u baahan tahay"
    • Mareykanka ayaa sidoo kale kala shaqeynaya Israel iyo Masar marin ammaan ah oo ay isticmaali karaan qaar ka mid ah dadka rayidka ah, sida Aqalka Cad baahiyey.
    • Kow iyo toban ka mid ah shaqaalaha Qaramada Midoobay ayaa lagu dilayGaza tan iyo Sabtidii, sida ay sheegtay hay'adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga Falastiin
    • Xarunta Korontada ee Qaza ayaa la xidhay goor sii horeysay ka dib markii Israel ay jartay sahaydii hadhaysanayd hadday tahay korontada iyo sidoo kale aasaasiyaadka ay ka mid yihiin dawooyinka, cuntada, shidaal iyo biaha.
    • Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa ku baaqay in sahayda muhiimka ah ee cunnada, shidaalka iyo biyaha loo ogolaado inay gaadhaan dadka rayidka ah, wuxuuna sheegay in loo baahan yahay "gargaar bini'aadanimo oo degdeg ah oo aan caqabad lahayn"
    • Dhimashada Israa'iil ee weerarrada Xamaas ayaa gaartay 1,200 - halka in ka badan 1,100 qof ay ku dhinteen duqeymaha Israa'iil ee Gaza.
  8. War deg deg ah, Warar sheegaya in laga shakisan yahay in hawada Israel laga soo galay dhanka Lubnaan

    Ciidamada difaaca Israa’iil ayaa ku sheegay bogga X, oo hore loo odhan jiray Twitter-ka, in ay heleen warbixino la xiriiraa in la tuhunsan yahay in Lubnaan laga soo galay hawada Israa’iil.

    Digniino ayaa laga maqlayay magaalooyin badan oo ku yaal waqooyiga Israa'iil, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Reuters.

    Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa sidoo kale soo xigatay warbaahinta Israa’iil ee Kan oo sheegtay in gantaallo ay ku soo dhaceen waqooyiga Israa’iil.

    Dhammaan dadka rayidka ah ee ku nool aagagga uu seeriga ka dhawaaqay ayaa laga codsanayaa inay galaan hoyga oo ay ku jiraan ilaa amar dambe, ayay tiri IDF.

  9. Qoys saddex fac is dhalay ee ay gacanta ku dhigeen Xamaas weerarkii Sabtidii

  10. War deg deg ah, Tirada muwaadiniinta Mareykanka ee ku dhintay Israel oo kor u dhaaftay 22

    Wasaaradda arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa xaqiijisay in ugu yaraan 22 muwaadiniin Mareykan ah lagu dilay weerarradii Xamaas ee Israa’iil Sabtidii.

    "Waxaan tacsi tiiraanyo leh u direynaa dhibanayaasha iyo qoysaska dhammaan dadka ay dhibaatadu saameysey," ayuu yiri afhayeen u hadlay waaxda arrimaha dibadda Mareykanka galabnimadii Arbacada.

    Tani waa kororka 14-ka qof ee la xaqiijiyay oo uu shalay sheegay Madaxweyne Biden.

  11. Wadamada aan muslinka ahayn ee taageeray Falastiin iyo wixii ay yiraahdeen

  12. War deg deg ah, Tirada dhimshada Gaza oo kor u kacday

    Dhimashada Gaza ee duqeynta Israel ka dhashay ayaa gaartay 1,100, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee Xamaas ee dhulkaas.

    Horay tirada guud ee dhimsashada ayay ku sheegtay inay aheyd 1,000.

    Sida laga soo xigtay tirooyinka cusub, oo lagu daabacay Facebook, wasaaraddu waxay sheegtay in tirada guud ee dadka dhaawacmay ay hadda marayso 5,339.

  13. Milatariga Niger oo dalbaday in madaxa howlgalka qaramada midoobay uu dalkaas ka baxo

    Ciidamada Militariga ee la wareegay awooda dalka Niger ayaa dalbaday in madaxa howlgalka Qaramada Midoobay uu ku baxo muddo todobaatan iyo laba saacadood gudahood ah. Waxa ay ku eedaysay in uu ka dambeeyay si ay Niger uga looga hor istaago ka qayb galka shirkii golaha guud ee Qaramada Midoobay ee bishii hore (iyo sidoo kale shirar kale oo caalami ah).

    Hogaamiyaasha milatariga, oo bishii July afgambiyay madaxweynihii sida dimuqraadiga ah loo soo doortay ee Niger, Mohamed Bazoum, ayaa horay amar ugu siiyay ciidamada Faransiiska inay baxaan, waxayna eryeen safiirkii Paris.

    Talaadadii, Washington waxay si rasmi ah u sheegtay in afgambi uu ka dhacay Niger, lagana noqon doono gargaarka la siin jiray.

  14. War deg deg ah, Boqorka Britain oo ka hadlay weerarkii ay Xamas ku qaadday Israel

    Boqorka Britain ayaa ka mid ah shaqsiyaadkii ugu dambeeyay ee cambaareeyay falka Xamaas.

    Sida laga soo xigtay afhayeen u hadlay Qasriga Buckingham, Boqor Charles ayaa la sheegay inuu ka naxay oo uu cambaareeyay falalka waxashnimada ah ee argagixisanimada ee Israel lagula kacay.

    "Tani waa xaalad uu Boqorka aad uga walaacsan yahay, wuxuuna codsaday in xalaadda si isdaba joog ah loola socodsiiyo.

    "Fikirkiisa iyo ducadiisu waxay la jiraan dhammaan kuwa dhibaataysan, gaar ahaan kuwa lumiyay kuwa ay jecel yihiin, laakiin sidoo kale kuwa sida firfircoon ugu lug leh hadda."

  15. War deg deg ah, Austria oo war ka soo saaratay mid kamid ah 3 qof oo Australiya-Israa'iil ah oo laweysanaa

    Austria ayaa horay u sheegtay in saddex qof oo haysato dhalashada Austraia iyo Israel la la’yahay ka dib weerarkii Xamaas ay ku qaadday Israa’iil Sabtidii.

    Wasaaradda arrimaha dibadda ee dalkaas ayaa hadda soo saartay bayaankan: "Waa waajib murugo leh in aan ku dhawaaqno in mid ka mid ah saddexda muwaadin ee Australiya-Israa'iil ah ee la la'yahay la helay meydkiisa."

    Ma aysan sheegin magac iyo faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan labada qof kale ee la la'yahay.

  16. Maxaad ka taqaan kooxda ka awoodda badan Xamaas ee reer Israa'iil baqdinta ka muujiyeen?

  17. Xoghayaha Arimaha Dibada ee UK James Cleverly oo gaaray Israel

    Xoghayaha arrimaha dibadda UK James Cleverly ayaa gaaray Israa’iil, sida ay dowladdu sheegtay.

    "Xoghayaha arrimaha dibadda ayaa maanta u yimi Israa'iil si uu u muujiyo taageerada hagar la'aanta ah ee UK ay la garab taagan tahay dadka Israa'iil ka dib weerarrada argagixisada Xamaas," ayuu yiri afhayeen u hadlay.

    "Wuxuu la kulmi doonaa kuwa ka badbaaday weerarrada iyo hoggaamiyeyaasha sare ee Israa'iil si ay u qeexaan taageerada UK ee xaqa ay Israel u leedahay inay is difaacdo."

  18. Labo qof oo ku dhawacantay gantaalada Xamas

    Sida aan wararkeena hore ku sheegnay waxaa saaka laga maqlayay magaalada Ashkelon ee koonfurta Israa’iil dhawaaqa seeriga, iyadoo gantaalo laga soo ridayo Qaza.

    Hadda shaqaalaha gurmadka degdegga ah ayaa sheegay in laba qof la geeyey cusbitaal - nin 60 jir ah oo qaba dhaawacyo firir ah, iyo gabar 40 jir ah.

    Dhowr saacadood ka hor, MDA waxay sidoo kale sheegtay inay nin 40 jir ah oo qaba dhaawacyo firir ah u qaadday cusbitaal ku yaal aagga Sderot .

    Waxaad sidookale akhrisan karta:

  19. Waxa ay dowladda Soomaaliya ka tiri xiisada Falastiin iyo Israel

  20. Tirada dhimashada ka dhalaty weerarada Israel oo korodhay

    Waxaan hadda helnay warbixin ka timid wasaaradda caafimaadka Falastiin - waxay leedahay 1,055 qof ayaa la dilay in ka badan 5,100 oo qof kalena waa la dhaawacay tan iyo markii duqaymaha cirka ee Israa'iil ay bilaabeen Sabtidii.

    Wasaaradda caafimaadka ayaa sheegtay in ku dhawaad ​​60% dadka ku dhaawacmay Qaza ay ahaayeen haween iyo carruur.