You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.

Take me to the main website

Boqollaal qof oo ku dhintay duqeyn ka dhacday cusbitaal ku yaalla Qasa iyo xaaladihii ugu dambeyay

Ku soo dhowaada tebinta tooska ah ee maanta

Tebin toos ah

  1. Sidee bay duufaannada qorraxdu u saamayn karaan qalabka tiknoloojiyada ku shaqeeya

    Maalin ay cadceeddu aad u kulalayd bishii agoosto 1972, xilli ay beegnayd dabayaaqada dagaalkii Vietnam, ayaa tobanaan miinooyinka maraakiibta loo dhigo oo yaallay xeebaha Hai Phong ee waqooyiga Vietnam waxay bilaabeen inay qarxaan digniin la’aan.

    Marso 1989, danab aad u xoog badan ayaa soo raacay fiilooyinka korantada, wuxuuna dabka ka jaray gabi ahaanba gobolka canada ee Quebec.

    1859, sidoo kale danab ayaa soo raacay fiilooyinka qalabkii isgaarsiinta ee xilligaas la adeegsan jiray "Telegraph”, kaasoo dab kiciyey.

    Saynisyahannadu waxay aaminsan yihiin in xilliyadaas kala duwan wixii dhacay ay ahaayen wax ka dhashay cimilada hawada sare, taasoo awood u leh inay khalkhal weyn galin karto maxaddadaha korantada iyo tiknoloojiyada, sida telefoonnada iyo internetka.

    Saynisyahannada hadda jira waxay haystaan qalab aysan haysan jirin kuwii qarniyaal ka hor noolaa, waana xogta dayax-gacmeedyada ay soo diraan oo aad u horumarsan, taasoo keenaysa in la sii saadaaliyo cimilada hawada sare ayda oo sax ah.

    "Haddii saadaasha cimilada hawada sare uu yahay mid aan sax ahayn , duufaannada hawada sare waxay keeni karaan inay khalkhal galiyaan hawsha dayax gacmeedyada, kala go’ku yimaada isgaarsiinta, xogta jihooyinka oo khaldanta marka la isticmaalayo GPS, iyo in dhulka ay ka kacaan danabyo saamayn aad u ba’an ku yeesha goobaha krantada iyo dhuumaha shidaalka” ayuu yiri Prof. Robertus von Fay-Siebenburgen, oo madax ka ah mashruuc la xiriira saadaasha cimilada hawada sare ee jaamacadda Sheffield, UK.

    Isagoo la shaqaynayey saynisyahanno kale ayuu isku xirayey hawl ku saabsanayd sidii loo horumarin lahaa ku kalsoonaanshaha barnaamijyada lagu saadaaliyo cimilada hawada sare, ayadoo la qiyaas dabaylaha ay qorraxdu ka soo afuufto meel dhulka aa duga fog, kuwaasoo markii hore aan waxba laga ogaan jirin.

    Firfircoonida qorraxda ayaa marna aad u sarraysa marna hoosaysa. 11kii sanaba mar ayey firfircoonidaas meesha ugu sarraysa gaartaa, waana markaas marka ay qorraxdu soo afuufto dabaylaha loo yaqaano (CME). Dabaylahaas waxaa la socda qurubyo Plasma ah oo danabaysan.

  2. Israa'iil oo waraaqo digniin ah ku daadisay magaalada Gaza

    Ciidamada Israa’iil ayaa waraaqo ka soo daadiyay hawada sare ee magaalada Gaza. fariinta ku qoran waxay uga digaysaa dadka deggan inay " isla markiiba" u qaxaan koonfurta Gaza.

    Israa’iil ayaa olole xooggan oo dhanka cirka ah ka wadda Qaza oo ay ku dhinteen in ka badan 1,500 oo qof. Waxa ay diyaar u tahay weerar dhulka ah oo si weyn loo filayo in lagu weeraro Xamaas.

  3. Injineerka ay Xamaas magaciisa ku dul qortay diyaardaheeda

    Maxamed AL-Zawari wuxuu inta badan ku noolaa dalal kala duwan intii aanu noqon Ingineer aan caadi ahayn. Noloshiisa waxay u dhexeysay xarig iyo cadaadis, ilaa la dilay 2016-kii.

    Axadii, Xamaas waxay u magac dartay diyaaradihii is-miidaaminta ahaa ee ay adeegsatay intii uu socday dagaalkii ay Israa’iil kula jirtay Marinka Gaza iyo nawaaxigeeda “Al-Zawari”.

    Ma aha markii ugu horreysay ee dhaqdhaqaaqu doorto in magaca Al-Zawari loo bixiyo hubka daaha laga qaaday.

    Bishii May ee sanadkii 2021kii, waxay Xamaas ku dhawaaqday diyaarado aan duuliye lahayn oo loogu magac daray injineerkan u dhashay Tunuusiya.

    Waa kuma Maxamed Al-Zawari, muxuuse yahay xiriirka kala dhaxeeyay Xamaas?

    Maxamed AL-Zawari wuxuu ku dhashay Magaalada Isfax ee Tunisia dabayaaqadii 1967dii. Wuxuu ka soo jeeda qoys xaga diinta ku xeeldheer, wuxuu bartay diinta iyo Iskoolo maadiya intabada.

    Yaraantiisu wuxuu ku biiray dhaqdhaqaaq diimeedka la yiraahdo Al-Naxda oo afkaar ahaan raacsanaa Ururka Muslim Brotherhood.

    Dhaqdhaqaaqiisii ​​ardaynimo ee xarakadu waxay keentay in la xidho dhawr jeer intii uu xukunka hayay madaxweynihii hore ee Tunisia, Zine El Abidine Ben Ali, Al-Zawari wuxuu xubin ka ahaa hoggaanka ururka guud ee ururka ardayda Tuniisiya ee magaalada Isfax.

    Sanadkii 1991 wuxuu Al-Zawari u baxsaday Liibiya, halkaas oo ku qaatay lix bilood ka dibna wuxuu uga safray dalka Siiriya oo uu mudo dheer ku sugnaa. Wuxuuna ku guursaday haweenay Siiriyan ah.

    Al-Zawari waxa uu lix sano qaxoontinimo ku joogay dalka Suudaan, ka dibna waxa uu u wareegay Sucuudiga oo uu joogay muddo bil ah, ka hor inta aanu dib ugu noqon Suuriya oo uu ka soo shaqeeyay shirkad dayactir ah.

  4. 'Waxaan wiilkayga ku dhiirigeliyay inuu weeraro Israa'iil'

    Dibadbaxyo lagu taageerayo Gaza ayaa maanta laga soo abaabulay guud ahaan dalka Lubnaan, ururka Xisbullah – oo ah cududda militari ee ugu awoodda badan dalkaasi, iyadoo Xamaas ay ku baaqday in la mideeyo dhammaan dalalka Carabta.

    Xerada qaxootiga Falastiiniyiinta ee Burj al-Shemali, oo ku taal koonfurta Lubnaan, ayaa dadku waxay isu diyaarinayaan Dibadbax dhaca galabta.

    Xeradan ayaa waxaa gacanta ku haya kooxo kala duwan oo falastiiniyiin ah oo uu ka mid tahay Islamic Jihad.

    Azab Mousa, oo 45 jir ah, ayaa sheegtay inay "ku faanayso" wiilkeeda, Xamza oo 22 jir ah, ayna "ku dhiirigelisay" inuu sii wado weerarka. "Wuxuu ii sheegay waxa uu sameyn doono ... waxaan istaagay dhinaciisa waxaanan hubiyay inuusan quusan doonin," ayay tiri.

    "Haddii aan lahaan lahaa 10 wiil, waxaan u diri lahaa dhamaantood inay sidaas oo kale sameeyaan, sababtoo ah waxaan u baahanahay inaan dib u soo ceshano dhulkeena."

    Qoyskan ayaa sanadkii 2011 ka yimid dalka Lubnaan, iyagoo ka yimid dalka Suuriya, ka dib markii uu dagaalka sokeeye ka bilowday halkaasi, waligoodna ma aysan tagin meesha ay ugu yeeraan Falastiin.

  5. Waa kuma Nageeye Cali Khaliif, maxay se dowladdu ka tiri?

  6. Sawirro:Dadka reer Gaza oo ka qaxay guryahooda

    Waxaan aragnaa sawirro dheeraad ah oo soo baxaya dadka magaalada Gaza oo guryahoodii ka soo guraya, ka dib digniin ka timid Israa'iil oo ah inay u guuraan koonfurta.

    Kuwa isku dayaya inay badbaadaan waxaa ka mid ah carruur. Ku dhawaad ​​kala bar dadka Gaza waxay ka hooseeyaan 18 jir.

  7. War deg deg ah, Shaqaale ka tirsan safaarada Israel oo lagu weeraray magaalada Beijing

    Shaqaale ka tirsan safaaradda Israa’iil ee magaalada Beijing ayaa la weeraray, sida ay sheegtay wasaaradda arrimaha dibadda ee Israa’iil.

    Muuqaal argagax leh oo lagu faafiyay baraha bulshada oo loo maleynayo inuu ka dhashay dhacdada - oo BBC-da aysan xaqiijin - ayaa muujinaya nin lagu weeraray mindi isagoo waddada maraya.

    Weerarkii maanta oo Jimco ah dhacay ayaan ka dhicin dhismaha safaaradda, waxaana la baarayaa sababta ka dambeysay, sida ay sheegtay wasaaradda arrimaha dibadda Israa’iil.

    "Shaqaaluhu waxa lagu daweynayaa cisbitaal, xaaladdiisuna way deggan tahay," ayaa lagu yiri bayaanka.

  8. Golaha Ammaanka oo shan tallaabo ugu hanjabay dadkii ku lugta lahaa dagaalka Laascaanod

    Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa farriin u diray dadka ku lugta lahaa dagaalkii Laascaanood ku dhex maray ciidamada Somaliland iyo ciidan beeleed ay dowladda Hargeysa ku tilmaamtay inay argagixiso yihiin.

    Golaha oo adeegsanaya qaraarka 1844 ee 2008dii ayaa sheegay inay tilaabo ka qaadi karaan dadka qeybta ka ahaa dagaalka oo horseeday dil iyo kufsi, dugsiyo iyo isbitaalo la waxyeeleeyay, afduub iyo barakicin.

    Qaraarkaas ayaa faahfaahinaya shan talaabo oo laga qaadi karo dadka loo adeegsado. Waxaa ka mid ah in dadka liiskaas kusoo baxa lagu soo rogo xayiraad socod, iyo in hantidooda la xayiro, si gaar ah lacaga ugu jira bankiyada.

    Hay'addaha iyo dowladaha waxaa laga hakiyaa tababarka ciidan, kaalmada dhaqaale ee dibeda laga helo, iyo xayiraad dhanka hubka ah.

  9. Israa'iil oo looga digayo adeegsiga hub halis ku ah dadka

    Hay’adda xuquuqda aadanaha ee Human Rights Watch ayaa sheegtay, in isticmaalka kiimikada phosphorus ee meelaha ay dadku ku badan yihiin ay xad gudub ku tahay waajibaadka sharciga ah si looga fogaado waxyeelo soo gaarta dadka rayidka ah.

    Hay’addu waxay warbixinteda ku eedeysay ciidanka Israa'iil adeegsiga hubkan howlgaladooda Qasa iyo Lubnan, Kiimikadan ayaa sababta dhaawacyo halis leh iyo kuwo waqti dheer ahaan kara kuwa aan laga bogsan.

    Mar wax laga waydiiyay eedaymaha loo soo jeediyay, milatariga Israa’iil waxa ay sheegeen, in aanay hadda ka warqabin adeegsiga hubkaas ee Gaza.

    Hubkan halista ah waa walxo kiimiko ah, oo ku jira madaafiicda, bambooyinka iyo gantaallada, kuwaas oo holca marka ay la falgalaan Ogsajiinta.

    Falcelinta Kiimikadan waxay abuurtaa kulayl aad u daran oo gaaraya 815-degree Celsius, waxayna soo saartaa iftiin iyo Qiiq cad oo qara weyn kaas oo loo isticmaalo ujeedooyinka militariga,si loogu dhunto howlgalada gaarka ah.

  10. War deg deg ah, Qaar kamid ah dadkii ay Xamaas ka qafaalatay Israa’iil oo la dilay

    Ugu yaraan 13 qof oo isugu jira Israa’iilyiin iyo ajnabi oo Xamaas ku heysay Qasa ayaa lagu dilay weeraro xaga cirka ah oo ay soo qaadday Israa’iil afar iyo labaatankii saac ee u dambeeyay, sida ay sheegtay garabka Xamaas.

    Dadakaas ayaa la sheegay in lagu dilay shan goobood oo ay bartilmaameedsadeen ciidamada Israa’iil, sida ay sheegeen kooxda al-Qassam ee garabka milatari ee dhaqdhaqaaqa Xamaas.

    Xamaas ayaa af duubatay ilaa 150 qof markii ay sabtidii weerar ku qaadday Israa’iil, waxayna ka digeen inay dili doonaan hadii ay Israa’iil weerar ku beegsato shacabka reer Falastiin iyagoo aan u digin.

    Shalay, Israel waxay ku hanjabtay inay siideyn doonin biyaha iyo korontada ay ka jartay Qasa, ilaa laga soo daynayo dadka u qafaalan Xamaas.

  11. Madaxweynaha Soomaaliya oo la kulmay hogaamiyaha deegaannada SSC

    Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya, Xassan Sheekh Maxamuud, ayaa xarunta madaxtooyada kulan kula qaatay hoggaamiyaha deegaannada SSC, Cabdiqaadir Axmed Firdhiye, oo maalmahaan Muqdisho ku sugnaa.

    Kulanka waxaa sidoo kale qayb ka ahaa raysal wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, iyo mas’uuliyiin ka tirsan hay’adaha kale ee dowladda.

    Waxaa uu Cabdiqaadir Axmed Firdhiye warbixin madaxda ka siiyay xaaladihii ugu dambeyay ee SSC iyo caqabadihii ka dhashay dagaalladii halkaa ka dhacay.

    War kooban oo lagu baahiyay bogga Villa Somalia ayaa lagu sheegay, in madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu u sheegay hoggaamiyaha deegaannada SSC, in dadka deegaannadaas looga baahanyahay in ay ka shaqeyaan nabadda, wada noolaashaha iyo xasiloonida.

    Wararka kale ee la xirriira Laascaanood:

  12. Maraykanka iyo wadamo kale oo ka digaya weeraro argagixiso oo ay qaado al Shabaab

  13. Sheekh Umal oo lagu dhibay su'aalo la xirriira garkiisa iyo wixii uu ka yiri

    Waxaa muddooyinkii u dambeeyay falcelin weyn ka dhalatay isbadal muuqaal ahaneed oo lagu arkay Sheekh Maxamed Cabdi Umal oo kamid ah culimada Soomaaliyeed.

    Hadal haynta ayaa ka dhalatay markii Sheekha la arkay iyadoo garkiisa uusan ahayn sidii hore, wuxuuna uga jawaabay si kaftan ah.

    Sheekha oo su'aashan jawaabteeda la weydiiyay ayaa sheegay in dad badan ay muddooyinkii u dambeeyay ku dhibeen su'aashaas wuxuuna isagoo ka jawaabaya ka hadlay mas'alada xiiridda garka isagoo sheegay in garka la xiiro si guud ay tahay xaraam.

    'Su'aashaas jawaabteeda waxaa weeye, aniga garkeyga inaan xiiro waa ka qaalisanyahay, mana gaabiyo, mana xiiro, laakin garkan gaabtay xaga minalaahi buu ka gaabtay', ayuu yiri Sheekha.

    'Wax aniga ficilkeyga ku yimid ma aha, waana jeclaan lahaa inuu garkeyga sidiisa iigu soo laabto, xittaa mararka qar waxyaabha garka soo saara ayaan marsadaa si uu iigu soo noqdo', ayuu intaasi raaciyay.

  14. Somaliland oo fartay in taageero loo muujiyo Falastiin

    Wasaarada Diinta iyo Awqaafta ee jamhuuriyadda gooni isu taageeda ku dhawaaqday ee Somaliland ayaa warqad ay soo saartay, waxay imaamyada masaajida fartay in khudbada jimcaha maanta duco iyo taageero loogu muujiyo shacabka reer falastiin.

    Waxay sheegeen inay shacabkaas ugu duceynayaan, inuu Alle ka dul qaado dhibaatada isugu jirta dhimashada iyo dhaawaca ee ay wajahayaan iyo dabcan cunaqabateyn dhan walba ah oo haysata.

    Saaladda jimcaha manta kadib, ayaa la filayaa in lagu dhaqaaqo tallaabadan.

  15. Mia Khalifa oo shaqada looga eryay taageerada Xamaas

    Wargeyska Playboy ee laga leeyahay dalka Mareykanka ayaa sheegay, inuu shaqada ka eryay atiriishada caanka ah ee la yiraahdo Mia Khalifa, maadaamada sida ay sheegeen ay baraha bulshada a taageero ugu muujisay weerarka ay Xamaas ku qaadday Israel.

    Mia Khalifa oo ah Amerikaan balse ka soo jeeda Lubnaan, ayaa hore u jili jirtay filimaanta anshax xumada ah, balse waayihii u dambeeyay waxay kamid ahayd dadka ugu caansan ee dharka u xayeesiiya wargeyska.

    Qoraal ay ku taageereyso ururka Xamaas ayaa waxay soo dhigtay barteeda twitter-ka.

    ‘Hadii aad eegto xaaladda Falastiin, oo aadan Falastiin taageero u muujin, waxaad jirtaa dhanka qaldan’, ayay ku tiri qoraalka.

    Wargeyska ayaa shaaciyay shaqo ka joojinta Mia Khalifa, isagoo sheegay inuu soo af-jaray qandaraaskii ay u saxiixday.

    Wararka kale:

  16. Sidee u samaysan yihiin oo ay u shaqeeyaan godadka iyo marinada Xamaas ee dhulka hoose

  17. Daawo: CCTV-da oo qabatay haween ka cararaya weerar lagu qaaday deegaanka Kibuttz ee Israa'iil

  18. Israel oo isu diyaarineysa duullaan dhulka ah iyadoo falastiiniyiinta Qasa u qabatay muddo

    Israa'iil ayaa u sheegtay Qaramada Midoobay in dhamaanaba falastiiniyiinta ku sugan waqooyiga marinka Qasa ay tahay in ay halkaa ka baxaan oo ay aadaan ama u guuraan dhulka koofureed afar iyo labaatanka saacadood ee soo socda.

    Tiknikada israa’iil ayaa isku uruursanaya xuduudaha ay la leeyihiin marinka Qasa, ka hor inta aan la qaadin duullaanka dhinaca dhulka ee aadka loo filayo ee lagu bartilmaameedsanayo Xamaas.

    Afhayeen u hadlay Qaramada Midoobay ayaa waxaa uu sheegay in Qaramada Midoobay ay si adag u codsatay in amarkaas laga laabto, si looga baaqsado xalaad masiibo ay ka dhalan karto tallaabadaas.

    Warbixinada kale ee la xirriira qodobkan:

  19. Wargeys ka soo baxa UK oo sheegay in uu baahin doono sawirrada carruur reer Israel ah oo la dilay

    Wargeys ka soo baxa UK ayaa baahiyey in uu daabici doona sawirada caruur yar yar oo Israel ay sheegtay in ay dileen dagaalyahanada Xamaas saacadaha soo socda.

    Wargeyska Daily Telegraph ayaa boggiisa hore soo dhigay barta ay ku leeyihiinX, oo hore loogu yiqiin Twitter, habeenimadii Khamiista ee caawa. Waxay sheegteen in sawirrada, oo markii ugu horreysay lagu baahiyey akoonka Israa'iil ee barta X, lagu daabici doono daabacaaddeeda subaxnimada Jimcaha.

    Sawirradan lagu baahiyey barta @Israa'iil ee X, ayaanay BBC baahin doonin.

  20. Maraykanka: Bilyamaad doollar oo Iran u socday oo uu hakiyey sababo la xidhiidha Xamaas

    Warbaahinta Maraykanka ayaa ku warramaysa in heshiis lix bilyan oo dollar ah oo u dhexeeya Maraykanka iyo Iran la hakiyay xilli ay la xidhiidho tuhunka ah taageerada Iran ay siiso Xamaas.

    Ergada Iran ee Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in dowladda Mareykanka aysan ka bixi karin heshiiskaas, kaasoo lagu dhisay dalka Qatar, qeybna ka ahaa heshiis dhawaan la isku dhaafsaday maxaabiis.

    Warkan ayaa ka soo baxay shir albaabadu u xidhan yihiin oo uu qabtay sarkaal sare oo ka tirsan wasaaradda maaliyadda ee Maraykanka.

    Maamulka Biden ma xaqiijin mana beenin wararkaas. Lacagahan ayaa loogu talagalay waxyaababo ay ka kid yihiin sida cuntada iyo daawada, taas oo qorshuhuna aha in Maraykanka dabagal ku sameeyo sida loo isticmaalayo lacagtaas.