Dibad-baxyo weli ka socda dalka Suuriya

Xigashada Sawirka, Reuters
Dibadbaxyada looga soo horjeedo dowladda Suuriya ayaa weli ka socda magaalada Sweida, iyadoo dibadbaxayaashu ay mar kale jeex-jeexeen sawirka madaxweyne Bashar al-Assad.
Mudaaharaadyada ayaa billowday saddex toddobaad ka hor ka dib markii la qaaday kaalmada shidaalka, taas oo sare u sii qaadaysa qiimaha maciishadda iyada halkaa ay ka jirto dhibaato dhaqaale.
Boqolaal qof ayaa mar kale isugu soo baxay fagaaraha Karama ee magaalada Sweida, waxayna ku dhawaaqayeen erayo ka dhan ah Madaxweyne Assad iyo nidaamkiisa.
Sweida waa magaalo madaxda gobolka ay ku badan yihiin beesha Druze ee Suuriya dega. Waxay ka badbaaday burburkii ugu xumaa ee dagaaladii sokeeye, laakiin sida meelo badan oo dalka ka mid ah waxaa ka jirta xaalad dhaqaale oo aad u liidata.















