TOOS: Dagaal culus oo ka socda Gobolka Bakool

Ku soo dhawaada BBC Somali

Tebin toos ah

  1. Ninka Soomaaliga ah ee la sheegay in uu guryaha ku xareeyay kumanaan qof oo Jarmal ah

  2. Maxaad ka taqaan suugaanta dameeraha ee ka hadlaysa sida aan loo maamusin?

  3. Daawo: Sidee buu u dhacay Sunaamigii xaaqay Libya

  4. Cuntooyinka u daran caafimaadka ilkaha ee aan maalin kasta cunno

  5. Maxaadan ogeyn oo ka dhacay Liibiya?

  6. "Horay u cune gadaal uma cuno" Shariif Xasan oo farriin u diray madaxweyne Laftagareen

  7. Muxuu yahay heshiiska hubka Nukliyeerka ee Soomaaliya saxiixday?

  8. Sida shaashada Telefishinka guriga kuu yaal uu kuu basaaso

  9. Maxay yihiin ciidamada weeraray Dawlad Deegaanka Soomaalida ee ay sheegeen inay Soomaliya leedahay?

  10. Gaalkacyo: 'Hadii la idilo waxaan ahay midka dilkiisa aan laga shalayneyn ee lagu faanayo'

  11. Sida Gabdhaha Soomaalida kubadda Kolayga uga faa'iidday dhulgariirkii Morooko

  12. Waa Imisaa Tirradda dagaalyahanada Kooxda Al-Shabaab?

  13. Dhageyso: Faahfaahinta shirka siyaasiinta Koonfur Galbeed ee Nairobi ka socda iyo waxa looga hadlayo

    Magaalada Nairobi, waxaa shir uga furmay siyaasiinta ka soo jeeda deegaannada Koonfur Galbeed ee Soomaaliya, waxaana ay ka wada hadlayaan arrimo ku saabsan sidii deegaannadaas looga saari lahaa al-Shabaab iyo jaha-wareerka ka taagan doorashada maamulka Koonfur Galbeed.

    Mas'uuliyiin kala duwan oo horrey u soo qabtay xilal sare sare ayaa shirkaan qayb ka ah.

    Qoraalka Codka, Siyaasiinta Koonfur Galbeed oo Nairobi ku shiraya
  14. Saaxiibbayaal tebineennii tooska ahayd waa naga intaa tan iyo kulan keenna dambe nabad gelyo.

  15. Dagaallo iyo duqeymo culus oo ka dhacay Sudan

    Sudan

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Rabshadihii ugu xumaa ee hal mar ah tan iyo markii uu dagaalku ka bilowday Sudan shan bilood ka hor, ugu yaraan afartan qof ayaa lagu dilay duqaymo xagga cirka ah oo lagu garaacay suuq ku yaalla koonfurta Khartoum.

    Hay'adda samafalka caafimaadka ee Dhakhaatiirta aan xuduudda lahayn ayaa sheegtay in shaqaaluhu ay isku dayeen in ay badbaadiyaan nolosha dadka ay soo gaareen dhaawacyo aad u daran.

    Dadka deegaanka ayaa ciidanka ku eedeeyay in ay u adeegsadeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee loo yaqaan Drones-ka si ay u beegsadaan suuqa.

    Waxa uu ku yaallaa meel dadku ku badan yihiin oo magaalada ah halkaas oo ay ku sugan yihiin dagaalyahanno ka tirsan ciidamada gurmadka degdegga ah.

    Milateriga ayaa beeniyay inay beegsadeen dadka rayidka ah.

    Sidoo kale dagaallo culus ayaa ka dhacay deegaanka Ceel-Fasher ee gobolka Daafuur, waxaana ka dhashay qasaare badan oo soo gaaray dad rayid ah Sabtidii.

    Qaramada Midoobay waxay sheegtay in ku dhawaad ​​shan milyan oo qof ay ku barakaceen Suudaan tan iyo markii uu dagaalku billowday bishii Abriil.

  16. Waa kuma Fu'aad Khalaf oo hadda ka mid ah hogaanka sare ee Al-shabaab?

  17. Maxay tahay sababta Hindiya ay u baddaleyso magaca dalkeeda?

    India

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qodobka koowaad ee dastuurka wuxuu dhigayaa "Hindiya, taas oo ah, Bharat, waa midowga dowladaha."

    Inkasta oo magaca waddanku ahaa Bharat, Hindiya had iyo jeer waxay doorbidi jirtay qoraallada Ingiriisiga.

    Laakiin gudaha Hindiya, xukuumadda Narendra Modi ayaa beddeleysa dhaqankan.

    Erayga "madaxweynaha Bharat" ayaa loo adeegsaday martiqaadka shirka G-20.

    War saxaafadeed ku saabsan shir-madaxeedka ASEAN-India, Narendra Modi waxaa loogu yeeraa Ra'iisul Wasaaraha Bharat, ma aha Ra'iisul Wasaaraha Hindiya.

    Waa maxay Bharat?

    Suugaanta Hindida, gobolka u dhexeeya buuraha Himalayan iyo badaha waxaa lagu magacaabaa Bharatvarsh.

    Bharata wuxuu ahaa boqorka Hastinapura, bariga Delhi, waxaana loo arkayay inuu yahay boqor caadil ah oo qabsaday dalka oo dhan.

    Qoraalka Hinduuga ugu da'da weyn, Rig Veda, Bharata waxaa loo adeegsaday magaca bulshada.

    Macnaha Bharata ee Sanskrit sidoo kale macnaheedu waa dhul nafaqo leh.

    Dowladda Hindiya ayaa ku doodeysa in magaca dalkaas oo loo beddelo Bharat ay la macno tahay in laga guuro gumeysigii Ingiriiska ee soo maray.

    "Isticmaalka Bharat waa mawqif weyn oo ka soo horjeeda maskaxda gumeysiga," ayuu yiri wasiirka waxbarashada Hindiya Dharmendra Pradhan.

    Si kastaba ha ahaatee, magaca Hindiya waxaa la isticmaalayay in ka badan 2 kun oo sano.

  18. Ururka dhakhaatiirta Soomaaliyed iyo kan Puntland oo war kasoo saaray dilkii Dr. Zakariye Cabdi Jaamac

    Dr. Zakariye Cabdi Jaamac

    Xigashada Sawirka, Facebook

    Ururka dhakhaatiirta Soomaaliyeed ayaa war qoraal ah kasoo saaray dilkii Allaha u naxariistee magaalada Galkacyo loogu geystay Dr Zakariye Cabdi Jaamac.

    Ururka ayaa ku baaqay in caddaalad loo helo dilka dhakhtarka oo sida la sheegay loo dilay aano qabiil.

    Qoraalka ururka kasoo baxay ayaa u qornaa sidatan, “Ururka Dhakhaatiirta Soomaliyeed wuxuu halkaan tacsi uga dirayaa dhamaan Umada Soomaaliyeed gaar ahaan bahda caafimaadka ehelkii iyo qaraabadii uu ka geeriyooday Dr Zakaria Abdi Jama oo lagu dilay magaladda Gaalkacyo. “

    “Waxaan bulshada Somaaliyeed, Maamulka Puntland iyo Dowladda Somaliyeed ka codsaneynaa in gacan ku dhiiglayaashii ka dambeeyay falkaan wuxushnimada ah la soo hor istaajiyo caddaaladda.”

    Dableyda hubeysan ayaa Dr Zakariye ku dhex dilay isbitaalka gudihiisa xilli u uku guda jiray howlihiisa shaqo.

  19. Lahcen "Xaaskeyga iyo afar carruur ah ayaan ku waayay dhul gariirka nolol oo dhan ayaan nacay"

    Marooko

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Dhulgariirkii ka dhacay buuraha Atlas ee dalka Marooko dad badan ayaa ku waayay eheladooda.

    Lahcen waxaa saameyn ku yeelatay dhacdada xanuunka badan ee dalka Marooko kadib markii xaaskiisa iyo afar carruur ah oo uu dhalay ay ku dhinteen masiibadan.

    "Wax walba waa iga waayay, hadda ma jiraan wax aan sameyn karo, waxaan rabaa inaan ka tago adduunka oo dhan murugo darteed," ayuu u sheegay AFP.

    Xasna, oo sidoo kale ka mid ah dadka deegaanka, ayaa tiri "Tuulada oo dhan waxay u barooranayaan caruurtooda oo dhintay".

  20. Xilliga Antony uu kusoo laabanayo Manchester United kadib eedeyntii jirdilka jacaylkisii hore

    Antony

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Garabka Manchester United Antony ayaa aqbalay inuu dib u dhigo ku soo laabashadiisa kooxda "si uu wax uga qabto eedeymaha" weerarka la sheegay in uu ku qaaday gabadh ay xiriir wadaag ahayeen.

    23-sano jirkaan ayaa lagu waday inuu ku soo laabto tababarka isniintii kadib markii laga saaray xulka Brazil ee isreebreebka Koobka Adduunka ee Bolivia iyo Peru. Laakiin United ayaa sheegtay in xiddigan ay isku afgarteen in uu dib u dhigo soo laabashadiisa ilaa amar dambe si arrintan wax looga qabto.

    Antony wuu diiday dhammaan eedeymaha.

    Waxaan Manchester United kula heshiiyey in aan fasax qaato inta aan wax ka qabanayo eedeymaha la ii soo jeediyay”, ayuu yiri.

    "Waxaan rabaa inaan ku celiyo inaan wax dambi ah lahayn waxyaabaha la igu eedeeyay, waxaana si buuxda ula shaqayn doonaa booliiska", ayuu sii raaciyay.