Inkastoo qarniyo la yaqaannay kaniinigan, haddana weli si qoto dheer uma aysan baarin saynisyahannada. Halkan kasii akhri.
Erdoğan oo la kulmay Abdel Fattah el-Sisi iyo Maxamed Bin Salmaan
Xigashada Sawirka, Reuters
Madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan ayaa kulan fool-ka-fool ah
la qaatay Madaxweynaha Masar Abdel Fattah es-Sisi, kulankaas oo qeyb ka ahaa
shir madaxeedka madaxda G20 ee ka dhacay dalka Hindiya.
Waxa uu ahaa kulankii ugu horeeyay ee rasmi ah oo ay
yeeshaan labada hoggaamiye tan iyo markii ay is gacan qaadeen markii uu furmay
koobka adduunka Qatar bishii November 2022.
Labada dal ayaa in muddo ah qaadayay tallaabooyin
diblumaasiyadeed si ay caadi uga dhigaan xiriirkii xumaaday sanadkii 2013-kii.
Agaasinka Isgaarsiinta ee Madaxtooyada ayaa shaaca ka qaaday
in intii uu socday kulanka looga hadlay xiriirka labada dal, kordhinta baaxadda
ganacsiga, iskaashiga cusub ee dhanka tamarta, iyo arrimaha gobolka iyo
caalamka.
War saxaafadeedka, ayaa lagu sheegay in Erdogan uu farta ku
fiiqay waa cusub oo xiriir la leh magacaabista safiirada, isagoo muujiyay inuu
aaminsan yahay in xiriirka labada dal uu gaari doono heerka ay mudan yihiin
sida ugu dhaqsiyaha badan.
Erdogan ayaa sidoo kale magaalada New Delhi kula kulmay
dhaxal-sugaha Boqortooyada Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan.
Sisi ayaa u hambalyeeyay Erdogan kadib doorashadii May.
Ankara iyo Qaahira waxay kordhiyeen xiriirkooda
diblomaasiyadeed ilaa heerka safaaradda inta lagu guda jiro hannaanka caadiga
ah ee bilaabmay 2021.
Kumuu ahaa dhaqtarkii nabadoonka ahaa ee Gaalkacyo lagu dilay?
Milatariga Soomaaliya oo sheegay in tobonnaan ka tirsan dagaalamayaasha Al-Shabaab lagu dilay weerarkii ay saaka ku soo qaadeen Awdheegle
Xigashada Sawirka, AFP
Qoraalka sawirka, Dagaalamayaasha Al-Shabaab
Faahfaahin dheeraada ayaa ka soo baxaysa dagaal khasaare badan dhaliyay oo saaka ciidamada Dawladda iyo kuwa Al-Shabaab ku dhexmaray degmada Awdheegle ee Gobolka Shabeellada Hoose.
Saraakiisha Miltariga Soomaaliya oo ay soo xiganaysay warbaahinta Dawladda ayaa sheegay in ka badan 20 dagaalame la dilay, iyadoo maydadka qaar ay wali yaalaan goobihii lagu dagaalamay.
Illo wareedyo madaxbannaan ayaa iyana BBC-da u sheegay in tiro ku dhaw toban askari ay ka dhinteen ciidamada Dawladda.
Sawirrada maydad la sheegay inay yihiin xubno ka tirsan Al-Shabaab oo saaka weerar ku qaaday degmada Awdheegle ayaa lagu baahiyay barraha bulshada.
Koox aad u hubeysan oo ka tirsan Al-Shabaab ayaa saaka dagaal ku qaaday degmada Awdheegle oo ka tirsan Gobolka Shabeellada Hoose.
Kooxda weerarka qaaday ayaa dhawr jiho magaalada ka weerartay, iyadoo ciidamada dawladduna ay kala hor yimaadeen iska caabin xoog leh.
Dad ku sugan Awdheegle ayaa BBC-da u sheegay in dagaalku bilowday abaare afartii Aroornimo, isagoo socday dhawr saacadood.
Gudoomiyaha Gobolka Shabeellada Hoose Maxamed Ibraahim Barre ayaa BBC-da u sheegay in ciidamada Dawladdu ay dib u waabiyeen kooxdii weerarka soo qaaday, isla markaana ay ka dileen tiro aad u badan.
Mustaqbalka Odegaard Sancho Salah iyo ciyaartoy kale iyo heshiisyada laga yaabo in ay saxiixaan
Xigashada Sawirka, Getty Images
Borussia
Dortmund ayaa bilawday qorsheheeda ku aadan inay la wareegto ciyaaryahanka
Manchester United, Jadon Sancho, oo 23 jir ah, Janaayo sanadka soo socda,
haddii ay kooxdiisa is fahmi waayaan.(the Sun ayaa sidaasi qortay)
Arsenal ayaa
dadaal ugu jirta inay sii waddo wadahadalada ay kula jirto ciyaaryahanka khadka
dhexe ee reer Norway Martin Odegaard, oo 24 jir ah, kaasoo ku saabsan qandaraas
cusub. (Fabrizio Romano ayaa daabacay)
Real Madrid
ayaa raadineysa 23 jirka khadka dhexe ee reer Argentina Julian Alvarez oo ka
tirsan Manchester City. (Files via, goals)
Agaasimaha
Pro League ee Saudi Arabia, Michael Emenalo, ayaa sheegay inaysan albaabada ka xiran
doonin dadaalka ay ugu jiraan inay soo
qaadaan weeraryahanka Masar ee ka ciyaara Liverpool, kaas oo ah Mohamed Salah,
oo 31 jir ah. (Sky Sports ayaa qortay)
Manchester
City ayaa la xiriirtay goolhayaha Sifani Alejandro Balde, kaasoo ka ciyaara
Barcelona, waa 19 jir, wuxuu isku dayayaa inuu saxiixo qandaraas cusub oo
dhacaya 2028. (Fabrizio Romano ayaa qoray).
Mo Faarax oo ordaya markii ugu dambeysay iyo waxa xiga ee uu yeeli doono
Kulanka Ankara iyo wixii ay ka wada hadleen Shariif iyo Farmaajo
Wax ka ogow calaamaddaha bilowga ah ee cudurka Kansarka oo haddii la ihmaaliyo khatar galin kara noloshaada
Xigashada Sawirka, Getty Images
Qoraalka sawirka, Caalamaddaha Kansarka
Marka ay dadku maqlaan erayga Kansar, waxa durba ku soo dhacaya cudur khatar badan oo aan laga kicin. Laakiin tan iyo dhammaadkii todobaatameeyadii waxa sedex jibaarmay dadka ka badbaaday, iyadoo sababta lagu sheegay hindisaha la hal abuuray ee baaristiisa, xaqiiqadu waxay tahay in bukaanno badan ay ka badbaadi karaan waxyeellada cudurka haddii xili hore la iska baaro oo la ogaado.
Dhibaatada waxa lagu sheegay in aynaan muhiimad siin dhakhtarka, waxan ogaan karnaa calaamaddaha bilowga ee cudurka haddii xili hore la sameeyo baaris.
Sida laga soo xigtay cilmi baaris ay sameysay hay’adda daraasaadka kansarka ee UK, kala bar dadka Biritishka ah ayaa la ogaaday in wax uun calamaaddo ah oo cudurka ah lagu arkay, laakiin kaliya 2% ayaa isaga shakisnaa.
Katrina Whittaker oo ah cilmi baare ka tirsan jaamacadda London, isla markaana hoggaaminaysay daraasaddan ayaa sheegtay: “Dadku waa inaanay u malayn inaan dhiiragalinano in shaki iyo waswaas ku dhaco balse in dadku ka fikiraan caafimaadkooda xili kasta, isla markaana aan laga xishoon in dhakhtarka loo tago.”
Haddaba halkan ka eeg 10 calaamaddood ee aad uga shakin karto in cudurka kansarka uu jiro
1-Miisaankaaga oo yaraada
2-Qandho
3-Daal
4-Maqaarka oo isbadalla
5-Calool xanuun
6-Nabarro aan bogsanayn
7-Dhiigbax
8-Boog jirka ah
9-Wax cunista oo qofka dhibta
10-Qufac joogta ah
Falcelinta ka dhalatay hadalkii Faarax Macallin oo loo arkay in uu ku baaqayo 'afgembi ciidan'
Gudoomiyaha Gobolka Shabeellada Hoose Maxamed Ibraahim Barre ayaa BBC-da u sheegay in ciidamada Dawladdu ay dib u waabiyeen kooxdii weerarka soo qaaday, wuxuna intaa ku daray inuu jiro khasaare labada dhinacba gaaray, laakiin aanay wali hayn xogta oo dhamaystiran.
Maraykanka oo qiray in dad rayid ah ay ku dhinteen, kuna dhaawacmeen weerarkii Arbacadii ka dhacay duleedka degmada Ceelgaras ee Gobolka Galgaduud
Qoraalka sawirka, Khariidadda Gobolk Galgaduud
War Saxaafadeed ka soo baxay Taliska Ciidamada Maraykanka ee Qaaradda Afrika ayaa lagu sheegay in 6-dii Septemper ciidamada qaranka ee Soomaaliya ay qaadeen weerar ka dhan ah argagixisada daafaha tuulada Ceel-Lahelay.
Maraykanka ayaa sheegay in baarista horudhaca ah ay sheegayso in sedex hoggaamiye oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab lagu dilay weerarka, nasiib darase ay jirto dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dad rayida.
Ciidamada Maraykanku kuma jirin hawlgalka, mana jirin duqeyn xagga cirka ah oo ay ku caawiyeen saaxiibadooda Soomaaliya ayaa lagu yiri war saxaafadeedka.
Laakiin waxa jirta bay yiraahdeen codsi Dawladda Soomaaliya uga yimid oo ahaa inay goobta ka qaadaan dhaawacyada dadka rayidka ah.
Maraykanka ayaa been ku sheegay warka Al-Shabaab ee ah in ciidamadooda ay laayeen dad rayid ah.
Maraykanku ma sheegin tirada dadka rayidka ah ee goobta ku dhintay ama ku dhaawacmay, balse dadka deegaanka waxay BBC-da u sheegeen in haweeyney da’ ah iyo shan caruurra oo ay ayeeyo u ahayd inay ku dhinteen weerarka.
Xulka Kubadda Cagta Taliyaaniga oo mar kale niyad jab kala kulmay Xulka Woqooyiga Masadooniya.
Xigashada Sawirka, Getty Images
Qoraalka sawirka, Ciro Immobile waa goolkiisii 17-aad ee Xulka Taliyaaniga
Xulka Taliyaaniga ayaa niyad jab kale oo wayn kala kulmay Xulka Woqooyiga Masadooniya xili uu si xun ugu bilowday isreeb reebka Koobka Qaramada Qaaradda Yurub.
Weeraryahanka Xulka Taliyaaniga Ciro Immobile ayaa gool u dhaliyay Taliyaaniga daqiiqaddii 47-aad, balse waxa la barbarreeyay daqiiqaddii 81-aad ee dhammaadka ciyaarta.
Xulka Masadooniya ayaa Xulka Kubadda Cagta Taliyaaniga ka reebay ciyaarrihii Koobka Aduunka ee lagu qabtay Qadar, kaddib markii kulan ka dhacay magaalada Balermo ee dalka Taliyaaniga looga badiyay 1-0.
Tirada dadka ku dhintay dhulgariirka ku dhuftay Morooko oo kor u dhaaftay 2,000 oo qof
Xigashada Sawirka, Getty Images
Qoraalka sawirka, Janaaso lagu tukanayo ruux ku dhintay dhulgariirka
Tirada dhimashada dhulgariirkii xoogga badnaa ee ku dhuftay dalka Morooko ayaa kor u dhaaftay 2,000 oo qof, iyadoo tiro intaa la eg ay ku dhaawacantay.
Wasaaradda Arimaha Gudaha ayaa sheegtay in 1,400 oo qof ay qabaan dhaawacyo halis ah, waxayna dhibaatada ugu culus ay ka dhacday Koonfurta magaalada Marrakesh.
Dadka ayaa habeenkii labaad ku hoyanaya dhulka bannaan.
Dhulgariir cabirkiisu yahay 6.8 ayaa ku dhuftay Marrakesh iyo magaalooyin badan habeenimadii Jimcaha. Dhulka fog ee buuraleyda ah ayaa la soo weriyay inay dhulka la sinmeen.
Goobta udub dhexaadka u ah dhulgariirka ayaa lagu sheegay buurta atlas oo 71km (44 mile ) koonfur Bari ka xigta magaalada Marrakesh oo ah magaalo taariikh fog leh, kuna caana talxiisayaasha.
Laakiin sidoo kale waxa dhulgariirka laga dareemay magaalooyinka Kasabalanka, Cagadir iyo Essaouira.
Subax Wanaagsan Saaxiibbayaal, kuna soo dhawaada tabinta tooska ah ee BBCSomali.com
Wararkii ugu dambeeyay ee xaaladda Marooko
Mid ka mid ah fagaarayaasha ugu caansan Morocco, Jemaa el Fnaa, ayaa waxaa ku dhuftay dhulgariirkii.
Masjidka taariikhiga ah ee Jemaa el Fnaa laftiisa ayaa qeyb ka mid ah xalay dumay.
Halkan waxa aad ka arki kartaa khasaaraha soo gaadhay masaajidka , gaar ahaan minaarada.
Sawirro cusub oo laga soo qaaday goobaha uu dhul-gariirka saameeyay
Xigashada Sawirka, Melissa Davis
Xigashada Sawirka, Melissa Davis
Xigashada Sawirka, Melissa Davis
Sawirradan waxaa laga soo qaaday meel u dhow souk oo ku taal Marrakesh, oo u dhow albaabka Bab Laksour, dhulgariir ka dib.
Somaliland oo sheegtay in hogaamiye Al-shabaab ah uu soo galay Laascanood
Xigashada Sawirka, Social media
Wasaaradda arrimaha dibadda ee Jamhuuriyadda iskeed madaxbaanida ugu dhawaaqday ee
Somaliland, ayaa sheegtay in xaalad walaac leh ay ka jirta magaalada Laascaanood
War qoraal ah oo ay soo saareen ayay ku sheegeen in “Ku dhawaad 600 oo falaago ah oo uu
hogaaminayo Fu’aad Maxamed Qalaf (Shangole) oo ah horjooge caan ka ah al-Shabaab ayaa maalmihii la soo dhaafay gudaha u galay gobolka”.
Somaliland ayaa sidoo kale sheegtay in ujeedka Shangole uu yahay ah in
maleeshiyaadka deegaanka loo tababaro soo saarista walxaha qarxa iyo in
Al-Shabaab looga sameeyo saldhig ay ku yeeshaan buuraha Ceerigaabo, Sanaag.
Maamulka Laascanood oo aan la xiriirnay ayaa sheegay in warkaas waxba kamajiraan u yahay.
DAAWO:Afar fiidiyow oo muujinaya baaxadda burburka Marrakesh ee dhulgariirka Marooko