Soomaaliya oo ku dhow in ay ka mid noqoto Dallada Bulshada Bariga Afrika
Tebinta tooska ah ee BBC Somali News
Tebin toos ah
Ethiopia oo oo dib usoo celisay isticmaalka baraha bulshada

Xigashada Sawirka, AFP
Ethiopia ayaa u ogolaatay dadka reer itoobiya inay isticmaalaan baraha bulshada sida Facebook, Telegram, TikTok iyo YouTube markii ugu horeysay muddo shan bilood ah.
Joojinta ayaa la soo rogay 9-kii bishii February ee sanadkan kadib markii ay xiisad ka dhex aloosantay kaniisada Orthodox ee Ethiopia iyo dowladda.
Kaliya kuwa haysta software-ka shabakada gaarka loo leeyahay (VPN) ayaa geli karayey aaladaha warbaahinta bulshada – Taas oo qiime dheeri ah ugu kaceysay.
Kaniisadda Ortodokska ayaa bishii February ay soo wajahday kala qaybsanaan kadib markii qaar ka mid ah wadaadada sare ee ka soo jeeda gobolka Oromia ay sheegeen in ay doonayaan in ay sameeyn ku yeelatay ganacsiga , qaar kale ayaa sheegay in khasaaruhu uu intaasi ka badanyahay.
Talaabadan ayaa dhalisay isku dhacyo dhimasho iyo dhaawac sababay, balse dadaal dhex dhexaadin ah oo ay sameysay dowladda ayaa hadda xiisada lagu dhameeynayaa.
Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay maamulka oo ku aadan go’aanka xayiraada laga qaaday.
Degaano ka tirsan gobolka waqooyi ee Tigray, halkaas oo ay ka jireen colaado laba sano jirsocday oo bishii November ee la soo dhaafey lasoo gabagabeeyay ayaa weli aan internetka laga isticmaalin.
Yurub oo kuleyl daran la daaladhaceeyso

Xigashada Sawirka, Getty Images
Heerkulka Yurub ayeey aad ugu ugu badanatahay in uu gaaro halkii abid ugu sarreeysay oo ah 48.8C (119.8F) kaas oo horey looga diiwaan geliyay qaaradda.
Halka heerka ugu sarreeya ee rasmiga ahi aanu ahaan doonin dhawr saacadoodoo kaliya -halka ugu sarreeya ee ilaa hadda la diiwaangeliyey waa Sicily, halkaas oo meerkurigu uu gaaray 46.3C.
Heerkulka ugu sarreeya abid ee gobolka Catalonia ee Spain, ayaa si ku meel gaar ah lu dhaafiyay diiwaankii hore , iyadoo tirada la diiwaangeliyay ay tahay 45.2C. Wakaaladda Cimilada ee Meteocat ayaa kusoo warameysa in 31 xarumood oo ku yaala gobolka laga soo sheegay in kuleylku sare u kacay oo uu gaary 43C.
Hay’adda saadaasha cimilada Faransiiska ee Météo-France ayaa sidoo kale kusoo warameeysaa heerkul sare oo aan hore loo arag oo ka jira dooxooyinka bariga Pyrenean.
Heerkulka ugu sarreeya Yurub ee la diiwaan geliyo oo ah 48.8C ayaa laga diiwaan geliyay Sicily laba sano ka hor.
Wakaaladda hawada sare ee Yurub ayaa todobaadkii hore saadaalisay in heerkulku uu gaari doono 48°C jasiiradaha Sicily iyo Sardinia.
Trump oo sheegay in uu filayo in la xiri doono baaritaanka federaali ee rabshadihii 6-dii January

Xigashada Sawirka, Reuters
Madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in uu filayo in lagu xiro baaritaan ka federaali ah oo ku saabsan rabshadihii 6-dii Janaayo 2021 ka dhacay Capitol iyo ee mucaradadii looga hortagayo natiijada doorashada 202okii
Qoraal uu soo dhigay baraha bulshada ayuu ku sheegay in ay kusoo wargeliyeen guddiga gaarka ah Jack Smith habeenimadii Axadda in uu bartilmaameed u yahay baaritaankooda.
Mr Trump waxa uu soo dhigay in loo sheegay in uu u warramo xeerbeegti weyn, "taas oo mar walba la macno ah xarig iyo dacwad".
Guddiga gaarka ah ayaan si degdeg ah uga jawaabin su'aalaha warbaahinta.
Eedayntan oo kale ayaa noqonaysa tii saddexaad ee Mr Trump lagusoo oogo , dambiyo ay ku jiraan 37 dacwadood oo ay kooxda Mr Smith ku soo oogeen bishii June iyagoo ku eedeeyay madaxweynaha inuu si khaldan u maamulay dukumentiyo sir ah.
Mr Trump ayaa sidoo kale dacwad lagusoo oogay New York inuu been ka sheegay diiwaanka lacagihiisa ganacsi ee 2016 uu siiyay jilaagii weynaa ee aflaanta haweeneyda lagu magacaabo Stormy Daniels. Waxa lagu wadaa in dacwaddaas la soo taago bisha March ee soo socota,
Maxay ka wadahadleen Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweyne Cali Guudlaawe

Xigashada Sawirka, AFP
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehliyo Taliyaha Sirdoonka Somaaliya , Mahad Salaad ayaa maantay boqasho ku tagay magaalada jowhar gaar ahaana gegida diyaaradaha magaalada Jowhar halkaas oo ay kula kulmeen Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen .
Ilaa iyo hadda booqsahada madaxeynaha iyo waxa ay kawada hadleen si toos ah loogama waramin warbaahinta. Ilo ku dhaw madaxtooyada Hirshabeelle waxa ay BBCda u shegeen in Maadxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxeyne Cali Guudlaawe ay ka wada hadleen sedex qodob oo ay ka mid yihin :
Xal u helida Khilaafka ka tagaan Gobolak Hiiraan gaar ahaan khilaafkii ka dhashay xilka qaadistii Cali Jeyte oo isaguna ka hor yimid xil qaadistaas kuna dhawaaqay maamul gaara.
Colaad beeleedyo ka jira gobolka Shabeelada Dhexe iyo sidoo kale sidi dib loogu bilaabi lahaa dagaalka ka dhanka ah Alshabaab ee gobolka Sheabeelada dhexe.
Arimahaasi ayeey labada madaxweyne kawada hadleen maantay sida ilo ku dhaw madaxtooyada Hirshabeelle ay BBCda u sheegeen.
Madaxweynaha ayaa kulanka kadib dib ugusoo laabtay magalaada Muqdisho.
Maxay tahay gabadhii la sheegay inay TikTok isticmaaleysay ee lagu dilay Caabudwaaq?
Waa sidee xaaladda Laascaanood oo uu dagaal ka socdo?
Qoraalka Codka, Saakay ayuu dagaalka ka billowday magaalada Magaalada Laascaanood ayaa waxaa ka socda dagaal billowday saakay. Weriye Feysal Jaamac ayaa BBC uga warramay sida uu haatan xaalku yahay iyo khasaaraha ka dhashay.
Maxaad ka ogtahay Subxaanyada cusub ee laga helay Soomaaliya?
Xisbiga UCID oo gaashaanka ku dhuftay go’aankii dooarshada ee guddigga Doorashooyinka Somaliland

Xigashada Sawirka, BBC Somali
Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID ee Somaliland ayaa hadal qoraal ah oo uu soo saaray gaashaanka ku dhiftay hadalkii ay maalintii shalay guddigga Doorashooyinka Somaliland ay kasoo saareen doorshooyinka Somaliland.
Qoraalkan oo ay BBCdu aragtay ayaa waxa lagu sheegay in kadib markii shir ay iskugu yimaadeen guddiga fulinta UCID 18/07/2023 kaas oo lagu lafagurayey xaaladda guud ee dalka gaar ahaan go’aankii Guddigga Doorashooyinka ay kasoo saareen doorashooyinka Somaliland, ayeey guddiga fulinta UCID ku tilmaameen mid sharci darro ah oo aan wax kasoo qaad lahayn , waxayna intaasi ku dareen in go’aankaasi lagu diyaariyay meel ka baxsan Commisionka waa sida ay haadlak u dhigeene
Guddiga Fulinta UCID ayaa uga digay guddigga Doorashooyinka gaar ahaan garabka Muuse Biixi iyo xukuumada waa sida ay hadalka u dhigeene in ay qabtaan doorasho aan sharci ahayn waxayna ugu baaqeen in ay kusoo nqodaan xeeyndaabka sharciga.
In ka badan 100 dab damis ah oo isku dayaya inay xakameeyaan dabka Switzerland

Xigashada Sawirka, Reuters
Qoraalka sawirka, Diyaarad Helicopter ah ayaa la arkayay iyada oo biyo u waddo dab keyn ka kacay oo buur geeskeeda ah Dab ka kacay kaymaha koonfurta Switzerland ayaa weli socda, iyada oo in ka badan boqol dab-damis ay hadda la dagaallamayaan sidii ay u xakameyn lahaayen. .
Dabka ayaa ka kacay galinkii dambe ee shalay meel u dhow tuulada Bitsch ee gobolka Valais wuxuuna u fiday si aad ah habeenimadii xalay, maamulka Deegaanka ayaa sheegay in dabka ay sii hurinayaan dabaylo aad u xooggan. In ka badan 200 oo qof oo degganaa tuulooyinka u dhow ayaa ammaankooda dartii loo daadgureeyay.
Dabka ayaa hadda ka kacaya dhul dhan 100 hektar, dhulka jooggiisu sareeyo oo ay adag tahay in gaadiidku galaan.
Diyaarado Helicopter ah oo ay ku jiraan Super Pumas oo ka tirsan ciidamada Swiss-ka ayaa biyo ku daadinaya dabka. Laakiin dabaysha iyo qiiqa ayaa howsha ka dhigtay mid aad u adag.
Rashford oo heshiis cusub la galay Manchester United

Xigashada Sawirka, ge
Ciyaaryahanka kubadda cagta Marcus Rashford ay, taas oo ka dhigeeyso weeraryahankan England u dhashay in uu noqdo ciyaartooyga ugu mushaarka badan horyaalka Premier League.
25 Jirkan ayaa heshiiskiisi hore uu dhacayey sanadka danbe . Rashford ayaa wadahadal kula jiray Manschester sidii loo kordhin lahaa qandaraaskiisa 12kii bilood ee ugu damnbeyay iyada oo kooxda ParisSaint-Germain ay isha ku haysay xaaldaada wadahadalka .
Warkan ayaa waxa uu guul weeyn u yahay Erik ten Hag tababaraha Manchester United kaas oo ka caawiyay Rashford xilli ciyaareedkiisiu ugu wanaagsanaa ee kooxda xilli ciyaareedkii lasoo dhaafay.
Rashford ayaa dhaliyay 30 gool 56 kulan oo uu saftay taas oo ka dhigeysa xilli ciyaareedkiisii ugu wanaagsanaa.
Kooxda PSG ee haysata Horyaalka Faransiiska ayaa lasoo weriyay inay usoo bandhigeen Rashford mushaar ka badan kan ay usoo bandhigtay Manchester United, laakin weeraryahankan ayaa doortay in uu doonayo in uu lasii joogo kooxda Manchester United oo uu caruurnimadiisii kusoo biiray .
Ciidamada Mareykanka oo malaayiin farriimo ah si aan ku talagal aheyn ugu diray saaxiibbada Ruushka

Xigashada Sawirka, GETTY IMAGES
Qoraalka sawirka, . Qalad dhacay awgiis,ayaa malaayiin E-maillo ah ciidanka Maraykanku direen xulufada Ruushka.
E-maillada oo loogu talagalay in lagu soo diro magaca ".mil" ee ay adeegsadaan ciidamada Mareykanka ayaa loo diray Mali, oo ku taal galbeedka Afrika iyadoo la adeegsanayo astaan ciwaan oo ah "ml".
E-maillada qaar ayaa sidoo kale ka koobnaa macluumaad xasaasi ah sida furaha sirta ah, diiwaannada caafimaadka, iyo qorshayaasha safarka ee saraakiisha sare.
Sida laga soo xigtay wargeyska Financial Times, oo markii ugu horreysay warkan sameeyay, ganacsadaha dhanka internetka ee Holland Johannes Zuurbier ayaa ogaaday arrintaan sida lama filaanka ah u dhacday 10 sano ka hor.
Zuurbier ayaa qandaraas kula jiray dowladda si ay u maamusho magaca Domain-ka Mali tan iyo 2013-kii, waxaana bilihii la soo dhaafay ay aruurisay tobanaan kun oo emaillo ah oo si khaldan loo diray.
Midkoodna ma laha calaamado sir ah, laakiin e-maillada waxa kale oo ka mid ahaa xogta caafimaadka, xarumaha ciidamada Maraykanka, diiwaannada maaliyadeed, qorshayaasha safarka ee saraakiisha sare, iyo qaar ka mid ah farriimaha diblomaasiyadeed, sida uu sheegay wargeysku.
Zuurbier ayaa warqad u qoray mas'uuliyiinta Mareykanka isagoo uga warbixinaya falkaan. Ganacsadaha reer Holland ayaa sheegay in qandaraaska uu kula jiro dowladda Mali uu dhici doono dhawaan, taasoo la micno ah in “khatarta ay tahay mid weyn.
Maali, maamulka militariga ayaa la filayay in uu la wareego maamulka domainka isniinta.Sarkaal ka tirsan wasaaradda gaashaandhigga oo ay BBC-da la xiriirtay ayaa xusay in arrintan la ogaaday oo si dhab ah loo qaatay.
Daawo: Gabadha loo aqoonsaday goolhayaha ugu fiican Afrika
Andile Dlamini oo ah gabar ka soo jeeda dalka Koonfur Afrika, ayaa loo aqoonsaday in ay tahay goolhayaha ugu wanaagsan qaaradda Afrika. Dhanka kale gabadhan ayaa leh xirfad kale oo dhanka fanka ah.
BBC-da ayaa Andile la kulantay oo warbixintaan ka diyaarisay.
Qoraalka Muuqaalka, Gabadha noqotay goolhayaha ugu wanaagsan Afrika Madaxweyne ku xigeenka Jubaland oo gaaray Luuq

Xigashada Sawirka, SONNA
Qoraalka sawirka, Madaxweyne ku xigeenka Jubaland Madaxweyne ku xigeenka maamulka Jubland Maxamuud Sayid Aadan iyo wefdi uu hoggaaminayo ayaa gor dhawed gaaray degmada Luuq ee gobolka Gedo.
Waa markii ugu horreysay oo mas'uul xil sare ka haya Jubaland uu tago gobolka Gedo tan iyo markii uu bilowday khilaafka gobolkaasi ka taagan, marka laga reebo degmada Ceelwaaq oo ay horey u tageen mas'uuliyiin ka tirsan maamulka Jubaland.
Khilaafka Gedo ayaa u dhaxeeya qaar ka mid ah siyaasiinta gobolka iyo maamulka Jubaland, waxaana arrintaa sii huriyay maamulkii uu gobolka u magacaabay dhawaan madaxweyne Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).
Degdeg: Dagaal ka socda Laascaanood

Qoraalka sawirka, . Wararka ka imaanaya magaalada Laascaanood ayaa sheegaya in halkaa dagaal uu ka socdo kaas oo bilowday abbaaro sagaalkii iyo barkii subaxnimo ee saaka. Dagaalka ayaa ka dhacaya bariga magaalada oo ka mid ah goobaha ay isku hor-fadhiyeen ciidamada Somaliland iyo kuwa deegaanka.
Inkastoo weli dagaalku socdo,oo aan si dhab ah loo xaqiijin karin khasaaraha, haddana wararka aan ka heleyno magaalada ayaa sheegaya in cusbitaallada magaalada la geeyay dad dagaalka saaka ku dhaawacmay.
Wixii warar ah oo ku soo kordha dagaalka Laascaanood halkaan kala soco: bbcsomali.com.
Goobaha jimicsiga ma cayil raadis ayaad u tagtaa mise caafimaad raadis?

Xigashada Sawirka, GETTY IMAGES
Qoraalka sawirka, Goob jimicsi Tagista maalin kasta goobaha jimicsiga (gym-ka) waxay dadka qaar u arki karaan cayil raadis hase yeehee ujeedku wuxuu noqon karaa mararka qaar raadinta caafimaad iyo dheelitirnaan dhanka jirka ah .
Marka uu qofku cayilo ama buurto korararka dufanka ayaa la rumaysanyahay inuu u horseedi karo dhibaato caafimaad darro sida wadno xanuun sida ay sheegtay dhaqatarad ku takhakhustay cuddaradaan oo lagu magacaabo Clarissa Fujiwara kana tirsan urur ka shaqeeya arrimaha dhimista miisaanka jirka ee magaalada Sao Paulo, ee dalka Brazil.
Ma jirtaa cunto gaar ah oo lagu kordhiyo miisaanka?
Ma jiro liis gaar ah ama cuntooyin gooni ah ah oo ay tahay in la raaco si loo kordhiyo miisaanka. Haddiise la kordhiyo baruurta jirka waxaa dhanka kale kordhaya dhibaatada caafimaad darro.
"Waxa muujin kara farqiga waa tayada cuntada la isticmaalo iyo dhaqdhaqaaqa jirka ee la sameeyo," ayaa tiri Marcella Garcez, oo ah agaasimaha iyo barafasoor ka tirsan urur ka shaqeeya nafaqada ee dalka Brazil.
Balse ka hor inta aan la qeexin cuntada, waxa ugu muhiimsan tallaabooyinka la qaadayo waa in meesha laga saaro jiritaanka cudurada suurtagalka ah. "Baaritaan caafimaad ayaa ka hortagi karo in dhibaato ka sii daran ay dhacdo midda laga cararayo iyada oo aan bukaanku ogeyn," ayay tiri dhakhtarad Marcella Garcez.
Guddiga doorashooyinka Somaliland oo mar kale ka hadlay go'aankii shalay soo baxay
Guddiga doorashooyinka Soomaliland ayaa saaka soo saaray war ku saabsan go'aankii ay shalay ka gaareen doorashooyinka madaxtooyada iyo tan ururada.
Warqadda guddiga ayaa waxaa ka muuqanaya in shan ka mid ah xubnaha guddiga ay saxiixeen go'aanka, taasi oo muujineysa in ay ka maqanyihiin labada xubnood oo guddiga ka mid ah, kana socda dhanka mucaaradka.

Xigashada Sawirka, Guddiga doorashooyinka Somaliland
Qoraalka sawirka, . 
Xigashada Sawirka, Guddiga doorashooyinka Somaliland
Qoraalka sawirka, Qoraalka guddiga 
Xigashada Sawirka, Guddiga doorashooyinka Somaliland
Qoraalka sawirka, Qoraalka guddiga Maxey tahay doodda xubnaha guddiga doorashada ee mucaaradka Somaliland?
Xubnaha guddiga doorashooyinka ee jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbannaanida ee Somaliland ayaa isku khilaafay go'aan shalay uu soo saaray guddigaas oo lagu asteeyay xilliga ay dhacayaan doorashooyinka ururada iyo madaxtooyada.
Qoraal ka soo baxay guddiga ayaa lagu sheegay in doorashada ururada ay soo horreynayso, oo la qaban doono 28-ka bisha December ee sanadkan, halka tan madaxtooyada la qaban doono 13-ka bisha November 2024-ka.
Laba xubnood oo kamid ah guddiga isla markaana ka socda dhanka mucaaradka ayaa sheegay in go'aankaas aan loo dhameyn isla markaana uusan wax sharciyad ah ku qotomin.
Qoraalka Codka, Guddiga doorashada Somaliland oo isku khilaafay cayimaaddda waqtiga doorashada Macalin Soomaali ah oo wiil 'faraxumeeyay' oo xukun lagu riday

Xigashada Sawirka, .
Nin Somali ah oo madax ka ah mid kamid ah dugsiyada sare oo ku yaalla Garrissa ee woqoyi bari Kenya ayaa lagu xukumay 35 sano oo xarig ah kadib markii lagu helay dambiga ah in uu fara xumeeyay will yar oo uu macalin u ahaa.
Garsoore Shadrack Okute ayaa sheegay in uu go'aanka gaaray kadib markii uu dhageysaty dadka marqaatiyaasha ah.
Garsooraha ayaa sheegay in arrintan ay sidookale saameysay ardayga la sheegay in uu macalinka faraxumeeyay.
Qaar kamid ah kuwa u dhaqdaqaaqa dadka ayaa sheegay in talaabadan ay tusaale u noqon doonto dhamaan kuwa rajenaya in ay dambiyada noocan oo kale ah sameeyaan.
Shil ka dhacay dalka Itoobiya

Xigashada Sawirka, Getty Images
13 qof ayaa ku dhintay shil baabuur oo ka dhacay waqooyiga magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya. Dadkaas waxaa ka mid ahaa hooyo iyo afar carruur ah oo ay dhashay, oo kan ugu yar uu jiray hal sano, sida ay booliisku u sheegeen BBC.
Xaalada wadada ayaa la sheegay in ay liidato.
Shilkan ayaa yimid kadib markii gaari nuuca xamuulka ah oo siday hadhuudka bacriminta beeraha uu jiiray gaari yar kadibna uu ku dhacay labo gaari oo kale, sida uu sheegay taliyaha booliska deegaanka Dagam oo lagu magacaabo.
"In ka badan 20 sano oo aan booliis ahaa, weligey ma arag shil aad u xun midkan, soo saaridda meydadka ayaa sidoo kale ahayd mid aad u adag," ayuu sarkaalku ku daray.
