Soomaaliya oo ku dhow in ay ka mid noqoto Dallada Bulshada Bariga Afrika

Tebinta tooska ah ee BBC Somali News

Tebin toos ah

  1. Haween la kufsaday isla markaana muqaallo laga duubay oo caro iyo hadal heyn badan ka dhex dhalisay Hindiya

    Hindiya

    Xigashada Sawirka, IncIndia

    Maxkamada sare ee dalka Hindiya ayaa sheegtay in ay aad uga xumaatay kufsiga la sheegay in lagula kacay haweenka gobolka waqooyi bari ee Manipur intii lagu guda jiray rabshadihii isir ee halkaasi ka dhacay bishii May.

    Faragelinta maxkamada ayaa timid kadib markii baraha bulshada lagu soo bandhigay muuqaal muujinaya labo haween ah oo ka soo jeeda qowmiyada laga tirada badan yahay oo ay qaawan yihiin isla markaana ay fal fool xun ku sameynayaan kooxo burcad ah.

    Muuqaalkan ayaa gudaha India ka dhaliyay caro baahsan.

    Raiisel wasaare Narendra Modi ayaa dhacdada ku tilmaamay mid ceeb ah.

    Waxay ahayd fakarkiisii ​​ugu horreeyay ee uu ka bixiyo xaaladda Manipur tan iyo markii ay isku dhaceen beelaha Meitei iyo Kuki horaantii bishii May.

  2. Hoggaamiyaha calooshood u shaqeystayaasha Wagner oo fariin u diray dalal Afrikaan ah

    Yevgeny Prigozhin

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Aasaasaha shirkadda gaarka ah ee militariga Ruushka ee Wagner, Yevgeny Prigozhin, ayaa u sheegay warbaahinta Afrique Media TV in calooshood u shaqeystayaasha ay sii wadi doonaan shaqada ay ka hayaan dalal ka tirsan Afrika.

    "Waxaan sii wadeynaa inaan ka shaqeyno dhammaan dalalkii aan ka bilownay howlaha ama aan hadda shaqo ka wadno," ayuu ku yiri wareysi uu bixiyay.

    "Haddii caawinta kooxda Wagner looga baahan yahay meel kasta si loola dagaallamo burcadda iyo argagixisada iyo ilaalinta danaha dadka dalalkan, waxaan diyaar u nahay inaan si degdeg ah u bilowno si aan u gudano hawshan ka dib markii aan ku heshiinno shuruudaha." Ayuu yiri Prigozhin.

    Waxa uu intaa ku daray "ma jirin, mana dhici doonto in la dhimo barnaamijyadayada Afrika".

    Hadalkiisa ayaa daba socday warar la isla dhex marayay oo ku saabsan suurtagalnimada ka bixitaanka calooshood u shaqeystayaasha Wagner ee dalalka Mali iyo Jamhuuriyadda Afrikada dhexe.

    Wararka hadal haynta dhaliyay ayaa soo shaac baxay kadib markii Mr Prigozhin uu 24-kii Juune muddo kooban kacdoon ka sameeyay Ruushka.

    Kooxaha u dooda xuquuqda ayaa ku eedeeyay calooshood u shaqeystayaasha Wagner inay xadgudubyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha ka geysteen Mali iyo meelo kale.

  3. Gobolka Gambella ee dalka Itoobiya oo bandow lagu soo rogay

    .

    Maamulka gobolka Gambella ee galbeedka dalka Itoobiya ayaa soo rogay bandow habeenkii ah kadib markii dad badan lagu dilay rabshado hor leh.

    Bandowga ayaa mamnuucaya dhaqdhaqaaqa inta u dhaxaysa toddobada habeenimo ilaa lixda subaxnimo.

    Dowlad goboleedku ma aysan shaacin tirada khasaaraha balse waxa ay wacad ku mareen in ay la xisaabtami doonaan "mas'uuliyiinta la sheegay in ay ku lug leeyihiin falalkaan.

    Sida laga soo xigtay warbaahinta gudaha, rabshadaha ayaa billowday horraantii toddobaadkan waxayna ka dhaceen dhowr aag. Ilo-wareedyo ku sugan xarunta gobolka ee Gambella, ayaa sheegay in ganacsigii xirmay.

    Gobolkan oo xuduud la leh Koonfurta Suudaan ayaa waxaa bilihii lasoo dhaafay ka dhacayay rabshado soo noqnoqday.

    Bishii May, ugu yaraan toddobo qof ayaa la sheegay in la dilay in ka badan tobanna waa lagu dhaawacay dagaal ka dhacay magaalada Gambella. Sanadkii la soo dhaafay waxaa magaalada weerar ku qaaday dagaalyahano ka tirsan mucaaradka gobolka Oromiya iyadoo tobaneeyo lagu dilay.

  4. Arrin ka mamnuuc ah madaxtooyada Ruushka si loo ilaaliyo amniga Putin

    Vladimir Putin

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Vladimir Putin

    Si loo ilaaliyo amniga madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin telefoonnada casriga ah ayaa laga ilaaliyaa aqalka Kremlin-ka, taasoo ah tallaabo qayb ka ah sugidda amniga Putin.

    Madaxweynaha Ruushka qudhiisa ayaa xaqiijiyay in uusan isticmaalin qalabka casriga ah ee isgaarsiinta.

    Sanadkii 2020-kii ayuu wareysi uu siiyay Wakaaladda Wararka ee Ruushka, TASS, ku sheegay in haddii uu rabo inuu la xiriiro qof uu isticmaalo telefoon rasmi ah oo loogu talo galay.

    Balse xaqiiqada ku aaddan in madaxweynaha uusan isticmaalin qalabkaas waa in uusan kalsooni ku qabin internet-ka.

    Horay ayuu mar u sheegay in internet-ku uu yahay "Mashruuc ay leeyihiin CIA" - oo ah hay'adda sirdoonka Mareykanka. Dadka u dhashay Ruuhska ayuu ka codsaday in aysan waxba ka raadinin Google maadaama uu u arko in Mareykanku ay la socdaan xogta la galiyo adeeggaas.

    Isbadallada lagu sameeyay amniga madaxweynaha Ruushka kuma eka oo kaliya kuwa ku saabsan dhinaca weerarrada, balse dhinacyada cuntada iyo caafimaadka ayaa ka mid ah waxyaabah aadka looga taxaddaro.

  5. Toogasho ka dhacday New Zealand oo ay ka furmayaan ciyaaraha koobka adduunka haweenka

    Weerar ka dhacay dalka New Zealand

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, Weerar ka dhacay dalka New Zealand

    Ra’iisul wasaaraha dalka New Zealand ayaa sheegay in furitaanka ciyaaraha kubadda cagta ee haweenka ay sidi qorshuhu ahaa uga furmi doonaan magaalada Auckland saacadaha soo socda, inkastoo toogasho ay dad ku dhinteen ay ka dhacday magaalada.

    Chris Hipkins ayaa sheegay inaysan jirin khatar amni oo sidaa u sii weyn. Dabley hubeysan ayaa labo qof ku toogtay goob dhismo ah oo ku dhow halka ay degan yihiin kooxaha qaar.

    Ninka weerarka geystay oo la rumeysan yahay inuu ahaa nin afar iyo labaatan jir ah oo ka shaqeynayay goobta dhismaha ayaa isna dhintay.

    Ilaa afartan kun oo taageerayaal ah ayaa la filayaa inay u daawasho tagaan garoonka Eden Park, halkaasoo New Zealand ay wajihi doonto Norway.

  6. Dal dadkiisa kula taliyay in Eeyaha kabo loo galiyo

    Booliska Zurich waxay kula talinayaan dadka xayawaanka leh inay hubiyaan in dhulku kulul yahay,

    Xigashada Sawirka, STADTPOLIZEI ZÜRICH

    Qoraalka sawirka, .

    Booliska magaalada Zurich ee Switzerland aya ka codsaday dadka eeyaha leh in ay kabo uga galiyaan kulaylka xad dhaafka ah ee dalkaas ka jira.

    Hay'adda warbaahinta dawladda ee SRF waxay sheegtay in booliska magaalada uu qaday olole loogu magac daray "Hot Dog", iyadoo dadka eeyaha leh lagu barayo sida ay saaxiibadooda afarta lugood leh uga badbaadin lahaayeen dhulka sibirka ah ee aadka u kulul, kaasoo cagaha ka xanuujin kara.

    Cimilada aadka u kulul ee Yurub ayaa micnaheedu wuxuu yahay in Switzerland ay ku jirto mid ka mid ah xagaagii ugu kululaa ee soo mara tan iyo sannadkii 1864, ayadoo heerkulku uu gaaray 30C darajo. Waxaa kaloo la sheegay in qaybo dalka ka tirsan ay abaar ka dhacday.

    Sida laga soo xigtay Michael Walker oo ah afhayeenka booliska magaalada Zurich, 30C darajo marka heerkulku uu yahay, kulaylka sibirka dhulka wuxuu gaari karaa 50-55C, kaasoo xanuujin kara xayawaanka.

    "Marka uu eey ku dul socdo laami kulul, lugaha ayuu ka guban karaa - waa sida qof bani'aadan ah oo soconaya isagoo cagacad" ayuu ku yiri SRF.

    Booliska Zurich waxay kula talinayaan dadka xayawaanka leh inay hubiyaan in dhulku kulul yahay, ka hor inta aysan dibadda u kaxayn.

  7. Dhageyso: Dibadbaxyada la filayo in maalintii labaad ay ka dhacaan Kenya

    Kenya

    Xigashada Sawirka, AFP

    Qoraalka sawirka, Bannaanbaxyad Kenya

    Ugu yaraan saddex qof ayaa lag waramayaa in ay ku dhinteen dibadbaxyadii shalay ka dhacay dalka kenya ee looga soo horjeeday canshuur kordhinta iyo kor u kaca qiimaha maciishadda.

    Tobannaan qof oo kale ayaa la dhigay cusbitaallada kuwaas oo ku dhawaacmay dibadbaxyadii rabshadaha watay, iyadoo xabsiga la dhigay in ka badan saddex boqol oo qof maalintii ugu horreysay dibadbaxyo mucaaradku ku baaqeen in ay socdaan ilaa jimcaha barri ah.

    Mucaaradka Kenya ayaa maalintii labaad wali ku adkeysanaya in ay sii wadayaan bannaanbaxyada, iaydoo dowladduna ay sharci darro ku tilmaantay muddaharaadyada.

    Qoraalka Codka, Mucaaradka Kenya oo ku adkeysanaya in ay sii wadayaan bannaanbaxyada
  8. Dad ka careysan gubitaanka Kitaabka Qur'aanka Kariimka ah oo dab qabadsiiyay Safaaradda Sweden ee dalka Ciraaq

    Booliska magaalada Baqdaad ee caasimadda dalka Ciraaq ayaa biyaha laga tuuro tubooyinka u adeegsaday boqollaal dibadbaxayaal ah oo xoog ku galay safaaradda Sweden ee ku leedahay dalkaas oo qaybo ka mid ah ay dab qabadsiiyeen.

    Waa markii labaad oo dhismahan weerar lagu qaadayo tan iyo markii Kitaabka Qur’aanka Kariimka ah lagu gubay bannaanka masaajid ku yaalla magaalada Stockholm ee dalka Sweden bishii la soo dhaafay.

    Wasiirka arrimaha dibadda sweden ayaa cambaareeyay weerarka lagu beegsaday safaaradooda Ciraaq, iyadoo Sweden ugu baaqaday dowladda Ciraaq ilaalinta diblumaasiyiinta halkaa ka jooga.

    Shaqaalaha Safaaradda ayaa la sheegayaa in ay bad qabaan. Dowladda Ciraaq waxay sheegtay in lala xisaabtami doono dadka ka dambeeya weerarka lagu qaaday Safaaradda Sweden ee Ciraaq.

  9. Ururrada aan dowliga ahayn ee Sweden kuna sugan Afghanistan oo cabasho muujiyay

    Ururada aan dowliga ahayn ee Sweden ee ku sugan dalka Afgaanistaan ayaa sheegay in ay hakiyeen qaar ka mid ah howlahoodii kadib amar kasoo baxay Taliban oo lagu hakiyay dhaqdhaqaaqyada Sweden ee dalkaasi.

    Guddiga Sweden u qaabilsan Afgaanistaan ayaan faah faahin ka bixin inta ay le’eg tahay shaqadoodii hakadka la geliyay balse waxa ay sheegeen in ay raadinayaan ogolaansho si ay dib ugu bilaabaan howlahooda sida ugu dhaqsiyaha badan.

    Maamulka Daalibaan ayaa todobaadkii hore sheegay in dhammaan dhaqdhaqaaqyada Sweden ay ka wadaan Afgaanistaan ay tahay in ay joojiyaan si ay uga jawaabaan gubista kitaabka Quraanka Kariimka ah ee Stockholm bishii hore.

  10. Daawo: Sida loosoo badbaadiyay nin iyo eygiisa muddo labo bilood ah badda kudhex noolaa

    Badmaaxe Australian ah oo lagu magacaabo Tim Shaddock iyo ey ayaa la badbaadiyay kadib laba bilood oo ay badda ku jireen

    Badmaaxii Australia Tim Shaddock iyo Eygiisa Bella ayaa dib ugu laabtay dhulka qalalan kadib markii ay muddo ku jireen badda.

    Mr Shaddock oo 51 jir ah oo deggan Sydney iyo eygiisa ayaa ka ambabaxay Mexico iyaga oo ku sii jeeday French Polynesia bishii April, balse doontii ay wateen ayaa waxaa waxyeello u geystay duufaan dhowr toddobaad jirtay.

    Waxaa todobaadkan badbaadiyay dooni nooca yaryar ah kadib markii diyaarad helicopter ah aragtay.

    Qoraalka Muuqaalka, Australian sailor Tim Shaddock and dog rescued after two months at sea
  11. Haweenka Afghanistan oo sameeyay dibad bax ay ku diiddanyihiin goobaha is qurxinta ee laga xiray

    Afghanistan

    Xigashada Sawirka, CONTRIBUTOR

    Haweenka Afgaanistaan ​​ayaa sameeyay mudaaharaad naadir ah oo ay kaga soo horjeedaan go'aanka Taliban ay ku xirtay goobaha qurxinta dumarka.

    Haweenka ayaa ku qeylinayay "Shaqo, Rooti iyo Cadaalad" xilli ay isugu soo bexeen magaalada caasimadda ah ee Kabul.

    Ilaalada Taalibaan ayaa ku jawaabey baasuukaha biyaha, qaar ka mid ah dibadbaxayaasha ayaa sheegay in sidoo kale loo adeegsaday qoryaha daran doorriga u dhaca.

    Xuquuqda haweenka ayaa si isa soo taraysa loo xaddiday tan iyo markii ay talisyada Taliban ku soo noqdeen xukunka 2021.

    Ku dhawaad ​​50 haween ah ayaa ka qeyb qaatay dibadbaxa Arbacadii, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee AFP.

    Taalibaan ayaa siisay meheradaha hal bil laga bilaabo 2da Luulyo in ay xiraan kumanaan goobaha qurxinta ee dalka oo dhan.

    Waxay sheegeen in xirashada burukada iyo baalasha indhaha iyo suniyaha lajaro ay ka soo horjeedaan diinta Islaamka, waalidiintuna ay ku lumiyaan qarashaad badan goobaha quruxda marka ay lammaanuhu is guursanayaan.

    Xiritaanka dhammaan goobaha lagu qurxiyo qurxinta waxay horseedi doontaa inay shaqadooda waayan illaa 60,000 oo haween ah sida ay sheegtay rugta ganacsiga ee Afgaanistaan.

    Goobaha lagu qurxiyo haweenka ayaa markii ugu dambeysay la xiray markii Taliban ay xukunka heysay intii u dhaxeysay 1996 iyo 2001 iyadoo dib loo furay markii Taliban xukunka lagala wareegay.

  12. Booliska Kenya oo sunta dadka ka ilmeysiisa u adeegsanaya dibad baxayaasha iyo suuqyada oo weli xiran

    Kenya

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Mas’uuliyiinta dalka Kenya ayaa la sheegay in ciidamada ammaanka ay geeyeen qaar ka mid ah magaalooyinka muhiimka ah, iyadoo ay dib u soo laabteen dibadbaxyo looga soo horjeedo maciishada qaaliga ah ee dalkaasi oo ay soo abaabulaan mucaaradka.

    Booliska ayaa sunta dadka ka ilmeysiisa ku kala eryay dad mudaaharaadayay oo ku sugnaa magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya, kuwaasoo sidoo kale dhagxaan ku tuuray dibadbaxa ayaa la qorsheeyay in uu socdo muddo sadex maalmood ah.

    Waxaa yar bannaanbax dadweyne ee caasimadda, halkaas oo dukaamo badan ay weli xiran yihiin.

    Sidoo kale waxaa la xiray iskuullada ku yaalla magaalooyinka Nairobi iyo Mombasa, iyadoo la raacayo amarka dowladda, lagnaa cabsi qabo in dibadbaxyada ay sii kordhaan oo ay saameyn ku yeeshaan ardayda.

    Dibad-baxayaasha ayaa xiray waddooyinka caasimadda iyo meelo kale oo dalka ah.

    Nakuru, booliska ayaa sunta dadka ka ilmeysiisa u adeegsaday kala eryidda dibadbaxayaasha oo waddooyinka xiray taayaro dab ahna kiciyay.

  13. Dalka ka tirsan Afrika ee lagu eedeeyay tacaddiga dadka Afrikaanka ah ee dalkaasi taga

    Tunisia

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Hay’adda caalamiga ah ee u ololaysa xuquuqda aadanaha ee Human Rights Watch ayaa ku eedaysay laamaha ammaanka Tunisia in ay “xadgudubyo halis ah” ku hayaan muhaajiriin Afrikaan madow ah oo isku dayaya inay Yurub galaan.

    Kooxda ololaha ayaa sheegtay in ay wareysatay in ka badan 20 muhaajiriin ah iyo magangalyo doon tan iyo bishii March.

    Todoba qof ayaa ka mid ahaa in ka badan 1,000 Afrikaan madow ah oo ay mas'uuliyiinta Tunisia ay eryeen ama si qasab ah ugu wareejiyeen gobollada xuduudka saxaraha ah ee dalkaas uu la wadaago Liibiya iyo Aljeeriya bishan.

    Madaxweyne Kais Saied ayaa ku eedeeyay soogalootiga rabshado iyo in ay wax ka beddeleen qaabkii dadka ee dalka.

    HRW waxay doonaysaa in Midowga Yurub uu hakiyo dhaqaalihii loogu talagalay in lagu celiyo muhaajiriinta.

  14. War deg deg ah, Safarkii Putin ee Koonfur Afrika oo baaqday si aan xabsiga loo dhigin

    Dowladda Koonfur Afrika ayaa sheegtay in madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin uusan ka qeybgali doonin shirka Brics ee dhacaya bisha Agoosto.

    Maxkamadda dambiyada caalamiga ah ee ICC ayaa horraan soo saartay amar lagu soo xirayo Mr Putin oo lagu eedeeyay dambiyo dagaal oo ka dhacay dalka Ukraine.

    Koonfur Afrika waa mid ka mid ah saxiixayaasha ICC, sidaas darteed waxa ay ku qasban tahay inay xirto haddii uu tago halkaas laakiin Koonfur Afrikana waxay dhexdhexaad ka noqotay colaadda Ukraine, taas oo waddanka galisay xaalad xun.

    “Heshiiska labada dhinac, Madaxweyne Vladimir Putin ee Xiriirka Ruushka kama qeyb geli doono Shir Madaxeedka, laakiin Xiriirka Ruushka waxaa matali doona Wasiirka Arrimaha Dibadda Mr Sergey Lavrov,” ayaa lagu yiri war saxaafadeed ka soo baxay afhayeenka Madaxweyne Ramaphosa.

    Madaxweyne Ramaphosa oo uu weheliyo, madaxda Brazil, India iyo Shiinaha ayaa ku sugnaan doona munaasabadda, oo ka dhacaysa Johannesburg.

    Brics waa koox ka mid ah wadamada dhaqaalahoodu soo korayo kuwaas oo dadka qaar ay u arkaan bedelka kooxda G7 ee dhaqaalaha horumaray.

  15. Dhageyso: Xaafadda Islii oo la geeyay ciidamo tiro badan iyo sida xaalku yahay

    Xaafadda Islii ee magaalada Nairobi, waxaa maanta inta badan xiran suuqyada ganacsiga,iyadoo wararku ay sheegayan in la arkayo qaybo yar oo suuqyada ka mid ah oo furan.

    Waddooyinka ayaa haawanaya waxaana aad u yar socodka dadweynaha maadama guudahaan Kenya maanta laga cabsi qabo dibadbaxyo rabshado wata in ay dhacaan.

    Qaybo badan oo ka mid ah Islii waxaa la geeyay ciidamo badan oo ah kuwa ka hortaga rabshadaha, waxaana sidoo kale xiran iskuullada iyo dugsiyada qur'aanka.

    Cumar Ibraahim Xuseen oo ka tirsan guddiga ganacsatada Islii ayaa BBC-da u sheegay in xaafadda laga dareemayo cabsi la xiriirta waxa dhici doona haddii ay dibadbaxyadu soo gaaraan.

    Qoraalka Codka, Xaafadda Islii ayaa ka mid ah meelaha ay ka jirto cabsida bannaanbaxyada kenya ka dhacaya
  16. Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in ay fulisay weerar Shabaab looga dilay ciidamo badan

    Ciidamada Soomaaliya

    Xigashada Sawirka, SNTV

    Qoraalka sawirka, .

    Sida lagu baahiyay wakaaladda wararka Soomaaliya ee SONNA, howgal ciidamada dowladda federaalku ka sameeyeen deegaanka Ceel-qurac oo ku yaalla xadka u dhaxeeya gobollada Galguduud iyo Shabeelaha dhexe, ayaa lagu dilay in ka badan soddon ka tirsan Al-shabaab.

    Howlgalka oo ahaa mid qorsheysan ayaa la sheegay sidoo kale in ciidamada dowladdu kula wargeen hub iyo agab kale isla markaana ay burburiyeen saldhiga Al-shabaab ku lahaayen deegaanka.

    Marka laga soo tago sheegashada ciidamada dowladda, ma jiro warar si madax bannaan u xaqiijinaya sida ay halkaa wax uga dhaceen,mana jiro war ka soo baxay dhanka Al-shabaab.

  17. Askari Mareykan ah oo la xiray isagoo ka tallaabaya xadka Kuuriyada Waqooyi

    Askariga ayaa la xiray isagoo ka tallaabay xadka Kuuriyada Waqooyi

    Xigashada Sawirka, AFP

    Qoraalka sawirka, Askariga ayaa la xiray isagoo ka tallaabay xadka Kuuriyada Waqooyi

    Wararka ka imaanaya dalka Kuuriyada Waqooyi ayaa sheegaya in askari Mareykan ah ay ku xirtay xadka aadka loo ilaaliyo ee Kuuriyada Koonfureed isagoon heysan warqad ogolaansho ah.

    Askariga ayaa socdaal qorsheysan ku marayay dhulka ay maamusho Qaramada Midoobay, ee u dhaxeeya labada dal.

    Dhacdadan ayaa ku soo beegantay xilli aanu wanaagsaneyn xiriirka labada Kuuriya oo ka mid ah dalalka ugu go’doonsan adduunka.

    Muwaadiniinta Mareykanka waxaa sida caadiga ah lagula taliyaa inaysan halkaas tagin.

    Taliye sare oo ka tirsan ciidamada Mareykanka ayaa sheegay in aysan jirin wax xiriir ah oo ay la sameeyeen askariga.

    John Aquilino, oo ah taliyaha ciidamada Maraykanka ee ku sugan badda Pacific-ga ayaa intaa ku daray "in aysan wax xog ah wadaagin" Kuuriyada Waqooyi.

    Saacado ka dib markii la xiray askariga, waxa la riday labo gantaal oo balistik ah, iyadoo looga shakisanyahay Kuuriyada Waqooyi in ay ku riday badda.

    Tuuridda labadan gantaal, sida ay xaqiijiyeen militariga Kuuriyada Koonfureed, ayaa ku soo beegmaya xilli ay cirka isku sii shareereyso xiisadda ka taagan gacanka Kuuriya. Ma jirto wax calaamad ah oo muujinaya in gantaalladaasi ay xiriir la leeyihiin xarigga askariga.

  18. Madaxweynaha Koonfur Afrika oo ka digay in dalkiisa lagu xiro madaxweynaha Ruushka Putin

    Putin ayaa Koonfur Afrika uga qayb galaya shir caalami ah bisha Ogoosto ee soo aaddan

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Putin ayaa lagu casuumay shir ka dhacaya dalka Koonfur Afrika

    Madaxweyne Cyril Ramaphosa ayaa sheegay in isku day kasta oo lagu doonayo in lagu xiro madaxweyne Vladimir Putin marka uu booqdo Koonfur Afrika ay noqon doonto ku dhawaaqidda dagaal ka dhan ah Ruushka.

    Madaxweynaha Koonfur Afrika ayaa digniintan soo saaray toddobaadyo ka hor shir caalami ah oo ka dhacaya caasimadda Johannesburg, kaasoo uu lagu wado inuu ka qayb galo madaxweynaha Ruushka.

    Haddii Putin uu u safro meel ka baxsan dhulka Ruushka, waxa uu muteysan doonaa amarka lagu soo xirayo ee ay horey u soo saartay Maxkamadda ICC.

    Koonfur Afrika ayaa ka mid ah dalalka saxiixay heshiiska ICC, sidaas darteed waa inay gacan ka geysato xiritaanka Putin, sida uu qabo heshiiskaas.

    Si kastaba ha ahaatee, Koonfur Afrika, ayaa horey u diiday inay ka dhabayso fulinta heshiiskaa, iyadoo sannadkii 2015-kii ka dhaga adeegtay in ay gacan ka gaysato soo qabashada, Cumar Al-Bashiir, oo markaa ku sugnaa dalkeeda loona haystay dambiyo dagaal oo dalkiisa ka dhacay.

  19. Dhageyso: Xaalad adag oo ka taagan Ceelcadde iyo duqeymo dad rayid ah lala beegsaday

    Dad rayid ah oo ku dhaawacmay duqeyn habeen hore ay diyaarado ka geysteen deegaanka Ceelcadde ee gobolka Gedo, ayaa lagu wadaa in maanta la geeyo caasimadda Muqdisho si halkaa loogu dabiibo.

    Diyaaradaha oo aan si rasmi ah loo sheegin cidda leh ayaa duqeymaha ay geysteen todobaadyadii la soo dhaafay waxaa ku dhintay ugu yaraan laba qof oo rayid ah uuna kamid yahay wadaad si wanaagsan looga yaqaano deegaanka.

    Qaar kamid ah dadka deegaanka oo ka cabsi qaba duqeymaha ayaa u barakacay deegaannada miyiga ah ee kaabiga ku haya Ceelcadde.

    Qoraalka Codka, Dad rayid ah ayaa ku waxyeeloobay duqeymaha ka dhacay Ceelcadde
  20. Dhageyso: Wararkii ugu dambeyay xaaladda Kenya oo maanta la filayo in ay bannaanbaxyo ka dhacaan

    Goobaha waxbarashada ee magaalooyinka waaweyn ee dalka Kenya, ayaa maanta xiran iyadoo laga cabsi qabo rabshado ka dhasha dibedbax uu ku baaqay hoggaamiyaha mucaaradka Raila Odinga.

    Siyaasigan oo mar ra'iisal wasaare ka noqday Kenya ayaa doonaya in xukuumadda ay wax ka qabato sicir bararka taabtay guud ahaan shacabka dalka, iyo in meesha laga saaro canshuur kordhin ay samaysay dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne William Ruto.

    Taliyaha booliska Kenya ayaa sharci darro ku tilmaamay dibedbaxa uu ku baaqay mucaaradku.

    Qoraalka Codka, Goobaha waxbarashada ayaa la xiray cabsi laga qabo bannaanbaxyada awgeed