Soomaaliya oo ku dhow in ay ka mid noqoto Dallada Bulshada Bariga Afrika

Tebinta tooska ah ee BBC Somali News

Tebin toos ah

  1. Degmooyinka ay Al-Shabaab weli ka taliyaan, iyo waxa ku gaarka ah

  2. Musuqmaasuqa aduunka iyo kaalinta ay Soomaaliya ka gashay

    khariiradda musuqa caalamka

    Xigashada Sawirka, Transparency

    Ha'adda caalamiga ah ee la dagaalanka musuqmaasuqa ee lagu magacaabo (Transparency International) ayaa soo saartay warbixinteeda sannadlaha ah ee dowladaha caalamka iyo heerarkooda musuqmaasuq.

    Warbixintan oo ku salaysan sannadkii lasoo dhaafay ayaa Soomaaliya gelisay kaalinta ugu hooseysa oo ka dhigan in Soomaaliya tahay dalka ugu musuqmaasuqa badnaa sannadkii 2022.

    dalka ugu dhibacaha sareeya xagga musuq la'aanta ayaa haystaa 90 dhibcood waana dalka dhaca woqooyiga Yurub ee Denmark halka Soomaaliya ay haysato 12 dhibcood oo kaliya.

    Waxaa Soomaliya kaalmaha hoose kula jira dalka Suuriya iyo Koonfur Suudaan oo isagu sannadkan sare u kacay laba dhibcood halka Soomaaliya ay hal dhibic hoos ugasoo degtay halkii ay joogtay sannadkii 2021.

    inkasta oo ay jiraan dalalka qaar oo kaalmaha isla galay Soomaaliya ayaa gashay kaalinta 180-aad oo aysan cidan kula jirin.

    Tani waxay kusoo aadaysaa iyadoo maxkamadeyn ay ku socoto saraakiil dowladeed oo loo haysto musuqmaasuq.

  3. Muxuu yahay erayga ku qoran baasaboorka Soomaaliya ee muranka dhaliyey?

  4. Madaxweynaha Somaliland oo cafis u fidiyey maxaabiis

    Muuse Biixi Cabdi

    Xigashada Sawirka, XAMJSL

    Qoraalka sawirka, Muuse Biixi Cabdi

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbannaanida ee Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa “wareegto madaxweyne Cafis Guud ugu fidiyey maxaabiista dembiyada fudud ku xukuman” ee xabsiyada Somaliland ku xiran.

    Maxaabiista cafiska loo fidiyey ayaa tiradooda lagu sheegay “388 (Saddex Boqol, Siddeed iyo Siddeetan) maxbuus” sida lasoo dhigay barta Facebook ee afhayeenka Muuse Biixi “munaasibadda curashada sannadka cusub ee Islaamka awgeed,” ayaa lagu yiri qoraalka.

    Maxaabiista cafiska loo fidiyey ayaa lagu tilmaamay in ay yihiin, kuwa “dembiyada fudud ku xukuman ee xabsiyada dalka ku xidhan.”

    “Cafiskani saamayn kuma laha xuquuqda madaniga ah iyo raadka ciqaabeed ee ka dhalanaya dembiyadda ay ku xukunnaayeen. Waxa cafiskan fulinaya Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka.” Ayaa lasii raaciyey qoraalka.

  5. Sharcigu muxuu ka qabaa in eedeysane maxkamad jooga wajigiisa la baahiyo?

  6. Iran oo dalbatay in lasoo gacan geliyo kuwa Quraanka gubay

    Ayatollah Cali Khamenei

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, Ayatollah Cali Khamenei

    Hoggaamiyaha Ruuxiga ah ee Iran, Ayatollah Cali Khamenei, ayaa Sabtidii sheegay in loo baahan yahay in dadka Qur’aanka kariimka ah xumeeya ay la kulmaan “ciqaabta ugu daran” isagoo ka dalbaday Sweden inay u soo gacan geliso dadkaas si loogu maxkamadeeyo dalalka Islaamka, sida ay ku warrantay warbaahinta dawladda Iran.

    "Dhammaan culumada Islaamka waxay isku raaceen in kuwa qur'aanka xumeeya ay mudan yihiin ciqaabta ugu daran... Waajibka dowladdaas (Sweden) waa inay u gacangeliso dambiilaha nidaamka garsoorka dalalka Islaamka," ayuu Khamenei ku yiri hadal ay baahisay warbaahinta dowladda Iran.

  7. Farsamadii yaabka lahayd ee uu ku fakaday duuliyihii Soomaaliga ahaa ee dagaalka lagu qabtay

  8. Faa'iidooyinka cajiibka ee aadan ka ogeyn isticmaalka babaayga

    Babaay

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Babaaygu waa khudrad cajiib ah oo caafimaad badan. Waxaa ku jira maadooyin antioxidants ah oo yareeya bararka cudurradana la dagaalama isla markaana qof ka caawiya inuu u ekaado qof da'diisa ka yar.

    Nafaqooyinka babaayga ku jira

    Kaloori, Kaarbohaydareed, Fiber, Borotiin, Vitamin C, Vitamin A, Vitamin B9, Potassium, calcium iyo Magnesium.

    Faa'iidooyinka caafimaad ee babaayga. Halkan kasii akhri

  9. Gabadh loo haysto in ay aflagaadeysay Nabi Maxamed NNKH oo culimadu ay dalbadeen in la dilo

    Mauritania

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Ardayad dhigata dugsiga sare ee Mauritania ayaa loo xiray in ay qortay warqad loo arkay in ay aflagaadeysay Nebi Muxamed NNKH imtixaankii jaamacadeed ee bishii hore.

    Warbaahinta gudaha ayaa sheegtay in mas’uuliyiinta diintu ay dalbadeen in dil lagu xukumo haddii gabadhan yar oo aan magaceeda la sheegin lagu helo dambiga aflagaado ah oo ay maxkamadda isla markaanna lagu caddeeyo.

    Mauritania waxa ay xoojisay sharciyada cayda ee diinta iyo Nabiga NNKH, iyaga oo dhigaya ciqaabta dilka ah ee Muslimiinta "ku jeesjeeska ama aflagaadeeynta Alle ama Nabiga NNKH, ayaa haddii ay toobad keenaan". Waxa ay noqon kartaa in laga qafiifiyo ciqaabta ama aan la dilin.

    Warbaahinta Pan-Arab ee al-Qudus al-Caraby ayaa sheegtay Arbacadii in ardaydu ay ka soo jeeddo magaalada Atar ee waqooyi-galbeed.

  10. Hadalkii laga qoray ninkii Soomaaliga ahaa ee sheegay in uu Tupac Shakur ku arkay Soomaaliya geeridiisa kadib

    Shakur

    Xigashada Sawirka, Google

    Booliska Mareykanka ayaa shaaciyay inay bilaabeen baaritaan hor leh oo la xiriirka kiiska 'dilka' fanaan Mareykan ah oo toddobo iyo labaatan sano kahor dhacay. Fanaankan oo la yiraa Tupac Shakur ayaa la sheegay in 'geeridiisa kadib' mar lagu arkay Soomaaliya, iyadoo oo loo malaynayo in uu halkaas ku dhuumanayo. Dad u dhow fanaanka ayaa horey BBC ugu sheegay inay tuhun ka qabaan in Tupac uu nool yahay oo uusan geeriyoon.

    Booliska Mareykanka ee gobolka Nevada ayaa helay fasax ay ku baari karaan guri laga shakiyay oo la la xiriirinayo 'dilka aan baaritaankiisu marna ba dhammaan' ee Tupac. Gurigaas ayaa ku yaal deegaanka Las Vegas, halkaas oo lagu toogtay fanaankan 1996dii. Boolis faahfaahin dheeraad ah kama aysan bixin baaritaanka oo ay ku sheegeen in uu weli qabyo yahay. Shakur ayaa ahaa 25 sano jir markii lagu toogtay jid ku yaal Las Vegas. Halkan kasii akhri

  11. Sida daanyeerkaan loo maleynayay labka uu si lama filaan ah ugu dhalay

    Daanyeerka gorillah

    Xigashada Sawirka, COLUMBUS ZOO / TWITTER

    Ilaalada mid kamida xarumaha xayawaannada lagu xanaaneeyo ee gobolka Ohio ayaa la yaabay markii ay arkeen daanyeer dhalay oo ay moodayeen in uu lab yahay muddo 4 sano ah.

    Magaca gorilaha da'da yar waa Sully, waxaana lagu hayay beerta Xayawaanka ee Columbus Ohio ilaa 2019-kii.

    Ilaaliyaha Solly ayaa ku qoray bogga beerta xayawaanka khamiistii in ilmuhu u muuqdo mid "caafimaad buuxa" iyo in Solly ay u muuqato "hooyo cajiib ah."

    Masuuliyiinta xaruntan xayawaanka lagu xanaaneeyo ayaa sheegay in Sully ay caafimaad qabtay 4-tii sano ee la soo dhaafay oo aysan waligeed u baahneyn baaritaan caafimaad, sababtaas awgeedna ay ku khaldameen in si sax ah loo ogaado jinsigeeda.

    Sida ay sheegeen, inkasta oo daanyeerka loo yaqaanno gorillaha ay uur qaadi karaan da'da 8 jir ama wax ka badan, way adagtahay in la ogaado jinsigooda kaliya iyada oo la eegayo muuqaalkooda ilaa ay ka gaarayaan 10- illaa 12 sano.

    Ilaaliyeyaasha gorilla waxay sheegeen in aanay waligood dareemin uurka Sully, oo ay u malaynayeen inuu yahay "lab".

    Mas’uuliyiinta beerta Xayawaanka ee Columbus Ohio ayaa ku dhawaaqay in cunugan uu yahay cunuggii 34-aad ee ku dhasha beerta xayawaanka tan iyo 1956-kii, wuxuuna "qeyb ka yahay dadaallada ilaalinta gorilla" ee beerta xayawaanka.

    Baaritaanka DNA-da ayaa la rabaa in laga qaado ilmaha hadda dhashay si loo go'aamiyo cidda aabuhu yahay.

  12. Dalalka Islaamka oo si weyn uga carooday kitaabka Qur'aanka oo markii labaad lagu gubay dal Yurub kamida

    Qur'aan

    Xigashada Sawirka, Google

    Kadib markii koox ka soo horjeeda Muslimiinta ay kitaabka Qur’aanka kariimka ah Jimcihii shalay ku gubeen magaalada Copenhagen ee caasimadda dalka Denmark ayaa waxaa soo baxaya in muslimiintu ay aad uga caroodeen dhacdadala midka ah tii ka dhacday Sweden, waxayna ugu baaqeen in maamulku ka hortagaan falalka nacaybka ku dhisan ee soo noqnoqda.

    Kooxda xagjirka ah ee loo yaqaan "Danske Patrioter" ayaa kitaabka barakeysan ku gubay afaafka hore ee safaarada Ciraaq ee Copenhagen.

    Dunida Islaamka ayaa si weyn uga soo horjeestay iyagoo jeediyay cambaareyn iyo caro, waxana ka mid ah Turkiga, Urdun, Falastiin, Sacuudiga, Marooko, Ciraaq, Iiraan, Pakistan, Senegal, Marooko, iyo Mauritania, kuwaas oo ka careysan in Qur’aanka la gubay.

    Iyadoo kumannaan kun ay dibadbaxyo ka dhigeen Pakistan iyo Ciraaq, Marooko ayaa dib u yeertay ergaygeeda u fadhiya Sweden.

    Jawaabta, Iran waxay dib u dhigtay magacaabista safiirka cusub ee Sweden.

    Sweden ayaa cadaadis ba’an kala kullantay dalalka Muslimka ah ee ku aadan ansixinta ku xadgudubka qur’aanka kariimka ah.

    Maalintii Khamiista ayuu ra’iisul wasaaraha Ciraaq amar ku bixiyay in safiirka Sweden laga eryo Ciraaq, isla markaana mas’uulka Ciraaq laga saaro Sweden.

  13. Gudoomiyaha Ismaamulka Mandheera oo sheegay in boqolkiisa 60 kamida mandheera ay maamulaan Al-shabaab

    Mandhera

    Xigashada Sawirka, Nation

    Guddoomiyaha ismaamulka Mandhera Maxamed Aadan Khaliif ayaa shaaca ka qaaday in boqolkiiba 60 kamida ismaamulka Mandhera ay gacanta ku hayaan Al-Shabaab.

    Maxamed ayaa sheegay in joogitaanka dagaalyahanada ay saameyn ku yeelatay adeegyadii kala duwanaa ee ka jiray qeybo ka mid ah gobolka.

    Waxa uu ka hadlay kulan looga hadlayay amniga oo lagu doonayay sidii wax looga qaban lahaa falalka amni darro ee Al-Shabaab ka wadaan gobolka Waqooyi Bari oo ay madaxdu ku baaqeen in loo istaago sidii looga hortagi lahaa.

    Shirka amniga ayaa waxaa ka qeyb galay guddoomiyeyaasha gobollada iyo guddiga sirdoonka ee gobolka oo ka kala socday afar gobol oo dhaca xadka Kenya iyo Soomaaliya.

    Hogaamiyayaasha deegaanada ay saameeyeen weerarada Al-shabaab ayaa ka wada hadlay weerarada sii kordhaya ee Al-Shabaab.

    Hoggaanka maamul goboleedyada Mandhera, Wajeer, Garissa iyo Lamu ayaa sheegay in kulanka ka sokow laga soo saaray go’aamo ku saabsan sida looga hortagi karo Al-Shabaab, ay ku baaqeen in bulshada laga wacyigeliyo sidii meesha looga saari lahaa waxyaabaha taageera kooxdan.

    Guddoomiye Maxamed ayaa sheegay in maamulkiisa uusan awoodin inuu u qabto adeegyada bulshada, sababo la xiriira Al-Shabaab oo ku sugan gobolka.

    Hogaamiyayaasha ayaa ku baaqay in la taageero dowladda si loola dagaallamo kooxda.

  14. Xiisadda gubista Qur'aanka: dibadbaxayaal kale oo kitaabka Qur'aanka ku gubay Denmark

    Denmark

    Xigashada Sawirka, AFP

    Xubno ka tirsan koox Islaam nacayb ku asteysan ah oo ku nool dalka Denmark ayaa gubay kitaabka qur’aanka kariimka ah iyo calanka Ciraaq, iyadoo ay dunida Muslimka ay caro ka muujiyeen gubitaanka qur’aanka kariimka ah oo ay Sweden ansixisay.

    Kooxda xagjirka ah ee lagu magacaabo Danske Patrioter ayaa jimcihii ku gubay kitaabka quraanka ah afaafka hore ee safaarada Ciraaq ee Copenhagen.

    Waxa kale oo ay wateen boor ay ku qoran yihiin hal-ku-dhigyo ka dhan ah diinta Islaamka, ka hor inta aanay gubin calanka Ciraaq iyo nuqul ka mid ah qur’aanka kariimka ah oo ay boolisku ilaalinayaan, sida ka muuqata muuqaallada ay ku faafiyeen baraha bulshada.

    Kooxdan ayaa sheegtay inay arrintan u sameeyeen si ay uga dhiidhiyaan weerarkii lagu qaaday safaaradda Sweden ee Baqdaad.

    Subaxnimadii hore ee Khamiista, dad Ciraaqiyiin ah ayaa xoog ku galay safaaradda Sweden ee Baqdaad, iyagoo dab qabadsiiyay.

    Wuxuu ahaa bannaanbax ay kaga soo horjeedaan kitaabka Quraanka Kariimka ah ee Islaamka ee 28-kii June lagu gubay Sweden.

  15. Nin looga shakiyay in uu xaday Rooti oo nafta la dhaafiyay

    Rooti

    Xigashada Sawirka, Google

    Waxaa la ogaaday in wiilkan dhalinyarada ah ay toorey ku ku dhufteen dhalinyaro kale ilaa uu ka geeriyoodo, iyadoo looga shakiyay inuu xaday rooti, ​​waxaana uu qabay xanuun dhanka maskaxda ah.

    Tani waxaa xaqiijiyay qaar ka mid ah qaraabada iyo deriska Ebimotimi Freeborn Opuofoni.

    BBC-da ayaa ogaatay in xitaa aysan ahayn rooti la xaday, ee ay tahay qayb daqiiqda ka mid ah oo laga isticmaalo gobolka Bayelsa.

    Ebimotimi Freeborn waa qof u dhashay dalka Nigeria.

    Waligiis ma guursan, mana shqeyn jirin inkastoo uu ka qalin jabiyay jaamacada 2018, halkaas oo uu ganacsiga ku bartay Jaamacadda Lead City University ee Ibadan ee Gobolka Oyo.

    Ehelka iyo qaraabada, Kenneth Amewuga ayaa sheegay in Freeborn uu ahaa nin dadaal badan oo ka qalin jabiyay jaamacad isagoo helay natiijooyin aad u wanaagsan.

    Amewuga ayaa sheegay in uu la yaabay in dadka ay mindi la dheceen Freeborn ilaa dhimashadiisa, sababtuna ay tahay in uu wax qaatay.

    Qof kale oo ku nool meel u dhow halka ay wax ka dheceen, ayaa sheegay inuu maqlay Freeborn oo si aad ah u baryaya in la caawiyo.

    Geeridii Freeborn waxay ahayd mid aad ay uga muruugoodeen qoyskiisa.

    Mid ka mid ah walaalihiis oo lagu magacaabo Beauty Edisemi Opufoni, ayaa si murugo leh BBC-da ugu sheegtay in geerida walaalkeed ay ka xumaatay, ayna ku reebtay naxdin.

    Ciidamada Booliiska ee Bayelsa ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen saddex qof oo looga shakisan yahay inay ku lug lahaayeen dilka ninkaasi oo 32 jir ahaa.

  16. Biden oo magacaabay haweeneydi ugu horreysay ee hoggaamisa ciidamada badda ee Mareykanka

    Mareykanka

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Madaxweynaha Mareykanka Biden ayaa u magacaabay haweeney admiral ah in ay hogaamiso ciidamada badda ee Mareykanka waa markii ugu horeysay oo haweeney loo magacaabo in ay madax ka noqoto laanta ciidanka Pentagon-ka.

    Lisa Franchetti waa madaxii hore ee guutada 6-aad ee Maraykanka iyo ciidamada badda ee Maraykanka ee ku sugan Kuuriyada Koonfureed, waxayna sidoo kale soo noqotay taliye weerar qaadis diyaaradeed.

    Magacaabisteeda Mr Biden ayey tahay in ay ansixiyaan senate-ka Mareykanka.

    Hal xildhibaan ayaa hadda golaha guurtida ka hor istaagaya in ay xaqiijiyaan hoggaamiyeyaasha milatariga si ay uga mudaaharaadaan siyaasadda ilmo iska soo rididda milatariga.

    Haddii loo xaqiijiyo inay tahay Madaxa Hawlgallada Badda waxay noqon doontaa haweeneydii ugu horreysay ee xubin ka noqota kooxda caanka ah ee saraakiisha sare ee ciidamada kuwaas oo ka kooban Taliyeyaasha Isku-dhafka ah ee Shaqaalaha.

    Haweneyda 38-sano jirka ah, ayaa waxay ahayd haweeneydii labaad ee gaartay darajada Admiral-ka afarta-xiddigle ah.

    Bayaan uu soo saaray, Mr Biden waxa uu ku ammaanay waxa uu ugu yeeray "Khibradda ballaaran ee dhinacyada hawlgalka iyo siyaasadda labadaba" wuxuuna sheegay inay "mar kale samayn doonto taariikh" marka loo xaqiijiyo doorka cusub ee loo magacaabay.

  17. Guddoomiyihii hore ee Nigeria oo lagu amray inuu bixiyo $130m

    Nigeria

    Xigashada Sawirka, Metropolitan Police

    James Ibori, oo ahaa gudoomiyihii hore ee gobolka Delta ee dalka Nigeria, ayaa garsoore UK ah uu ku amray in uu soo wareejiyo £100m ($130m) oo lagu eedeeyay in uu xaday, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee Reuters.

    Ibori ayaa lagu helay dambiyo la xiriira wax isdaba marin iyo lacago la dhaqay sanadkii 2012.

    Kadib markii uu ku dhameystay qeyb ka mid ah xukunkii lagu riday xabsi ku yaala Britain waxa uu hadda dib ugu laabtay Nigeria.

    Garsooraha ayaa sheegay in Ibori ay ahayd inuu si degdeg ah u bixiyo lacagta ama uu mar kale wajihi doono xabsiga, Reuters ayaa tiri.

  18. Uganda:150 araday oo isbitaal loola carary

    UGANDA

    Xigashada Sawirka, TRT

    Mas’uuliyiinta dalka Uganda ayaa baaraya cunno la tuhunsan yahay inay ku sumoobeen arday ka dib markii 150 kamid ah loo qaaday isbitaal.

    Ardeydan ayaa la sheegay in ay ka cabanayeen calool xanuun kadib markii ay cuntadii makhrib ee Arbacadii ku qaateen dugsiga sare ee Nakanyonyi ee degmada Mukono ee bartamaha dalka Uganda.

    150-ka arday ayaa ku jiray isbitaal ku yaalla degmada, lamana diiwaangelin wax dhimasho ah, waxaana inta badan carruurta ay heleen daryeel caafimaad waxaan laga saaray isbitaalka, sida uu afhayeenka booliiska Patrick Onyango u sheegay warbaahinta.

  19. Nin xalay qisaas lagu fuliyay kadib markii uu haweeney ku dilay gudaha Mareykanka

    usa

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Gobolka Alabama ayaa sheegay in uu qisaas ku fuliyay nin horay u dilay qof dumar ah sanadkii 2001-dii, taas oo muujinaysa in uu dib u bilaabmay qisaasta la fuliyo iyadoo la adeegsanaya cirbado dilaa ah ka dib markii la hakiyay si dib loogu eego hababkan.

    James Barber, oo 64 jir ah, ayaa la sheegay in uu dhintay 1:56 subaxnimo ka dib markii cirbad halis ah lagu duray gudaha xabsiga koonfurta Alabama Jimcihii.

    Barber ayaa lagu helay dilka Dorothy Epps oo 75 jir aheyd.

    Dacwad oogayaasha ayaa sheegay in Barber, uu qirtay in uu ku weeraray Epps Dubo kadibna la baxsaday boorso ay laheyd.

    Xeer-beegtida ayaa 11-1 ugu codeeyay in ay ku taliyaan xukun dil ah, kaas oo uu xaakimku soo saaray.

    Waxay ahayd xukunkii ugu horeeyay ee Alabama laga fuliyo sanadkan ka dib markii uu gobolka joojiyay xukunada dilka ah sanadkii hore. Badhasaabka Alabama Kay Ivey ayaa ku dhawaaqay in xukunada dilka ah la joojiyay bishii Nofembar si loo sameeyo dib u eegis gudaha ah ee habraacyada.

  20. DAAWO:Haweeney si mucjiso ah uga badbaaday inay dhexda u gasho laba baabuur oo isku dhacday

    Qof lugeynayay oo ku sugnaa dalka Argentina ayaa waxaa sigay labo baabuur oo isku dhacay ka hor inta uusan u leexin jihooyin kala duwan ukala leexan.

    Shilkan ayaa dhacay xilli haweeneyda ay ka gudubtay isgoyska kuyaalla magaalada La Plata ee ka tirsan magaalada Buenos Aires ee dalkaasi.

    Maamulka deegaanka ayaa sheegay in haweeneyda iyo darawalada labada baabur aysan dhaawac halis ah soo gaarin.

    Qoraalka Muuqaalka, Argentina: Haweeney si mucjiso ah uga badbaaday inay dhexda u gasho laba baabuur oo isku dhacday