Puntland oo shaacisay cidda ka dambeysa xiisadda Garoowe
Maamulka Puntland ayaa dowladda federaalka Soomaaliya ku eedeeyay xiisadda ka taagan magaalada Garoowe. Wasiirka war-faafinta Puntland Maxamuud Caydiid Dirir ayaa BBC-da u sheegay in abaabulka iyo isku dibaridka howshaan ay leeyihiin dowladda Soomaaliya iyo mucaaradka Puntlnad.
Wasiir Maxamuud Caydiid Dirir ayaa arrimahaan uga warramay wariyaha BBC-da Xasan Sheekh Cumar.