You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.

Take me to the main website

Guddoomiyaha cusub ee Hiiraan oo ka hadlay qorshihiisa dagaalka al-Shabaab

Ku soo dhowaada tebinta tooska ah ee BBC

Tebin toos ah

  1. Madaxa hay’adda USAID oo cambareysay kooxaha iskuhaya Sudan

    Madaxa hay’adda Maraykanka u qaabilsan horumarinta caalamiga ah ee USAID ayaa cambaaraysay dhinacyada isku haya dalka Suudaan oo malaayiin qof ay u baahan yihiin gargaar balse aan la gaari karin sababo la xiriira xabbad joojinta marar badan la jebiyay.

    Mar ay wareysi siineysay BBC-da ,Samantha Power ayaa ugu baaqday mas'uuliyiinta rayidka ah ee Suudaan inay meesha ka saaraan carqaladaha maamulka ee hoos u dhigaya in gargaar lagaarsiyo dadka dhibaateysan.

    Waxay sidoo kale sheegtay inay kamurugeysantahay rabshada qowmiyadeed ee kajira Darfur awgeed ay dadka qaar ay u qaxaan dalka Chad markii afaraad.

  2. Zelensky oo sheegay in uu helay xogo sirdoon oo hor leh oo la xiriira warshada Nukliyeerka ugu weyn Yurub

    Madaxweynaha Ukraine ayaa sheegay in xogo sirdoon ah oo ay heleen basaasiinta dalkaas ay muujinayaan in Ruushka uu ka fikirayo in uu fal argagixiso ka sameeyo warshadda Nukliyeerka ee Zaporizhzhia ee la haysto.

    Madaxweynaha ayaa sheegay in waxayaabaha ay qorsheyneyso Moscow ay kamid yihiin inay sii dayaan shucaaca nukliyeerka.

    Waxa uu sheegay in faahfaahinta ay u gudbinayaan xulafada iyo hay’adaha caalamiga ah ee ay khusayso.

    Afhayeenka Kremlin-ka Dmitry Peskov ayaa arrintan ku tilmaamay waxaba kamjiraan isagoo sheegay in kormeerayaasha Nukliyeerka ee Qaramada Midoobay ay hadda tageen warshadda oo ah tan ugu weyn Yurub ayna ku qanceen wixii ay halkaas kusoo arkeen.

    Salaasadii, madaxa sirdoonka millatariga Ukraine ayaa ku eedeeyay ciidamada Ruushka inay qodayaan balliga qaboojiya warshaddan nukiliyeerka ah .

  3. Ilmo yar oo ku dhex dhashay Tareen isaga kala goosha caasimada Kenya iyo Mombasa

    Hooyo saarneyd tareen ukala goosha caasimadda Kenya ee Nairobi iyo magaalada xeebta ah ee Mombasa ayaa ilama yar ku dhex dhashay Tareena gudihisa.

    Dadka reer Kenya ayaa aad ugu farxay warkan ka dib markii shirkadda Tareenada ee Kenya ay sheekada ku wadaagtay baraha bulshada.

    Shirkadda qaran ee tareenada ayaa sidoo kale soo bandhigtay sawirro muujinaya mid ka mid ah shaqaalaha oo gacanta ku haya ilmaha yar.

    Nasiib wanaag dhakhtar iyo kalkaaliye caafimaad ayaa kamid ahaa dadka tareenka saarnaa waxayna hooyadaasi ka caawiyeen in ay si nabad ah u dhasho.

  4. Qaar kamid ah ilaalada madaxweynaha Kenya oo dhawaacmay

    Ugu yaraan laba ka mid ah ciidamada ilaalada madaxtooyada Kenya ayaa dhaawacmay kaddib markii gaari ay la socdeen uu kula qalibmay waddo ku taalla degmada Naivasha ee gobolka Rift Valley.

    Baabuurkan ayaa ka mid ahaa kolonyada gaadiidka madaxweynaha oo Arbacadii dib ugu soo laabtay magaalada caasimadda ee Nairobi, ka dib markii madaxweyne William Ruto uu ka qayb galay munaasabad lagu daah-furayay tartanka orodka gawaarida adduunka ee WRC Safari Rally ee kadahacaya Naivasha.

    Mr Ruto ayaa la sheegay in aanu saarneen baabuurka markii uu shilkaas dhacayay maadaama uu ku safray diyaarad kuwa qumaatig a ukaca ah.

    Ma cadda waxa sababay shilkan. Goob joogayaal ayaa warbaahinta gudaha u sheegay in darawalka uu isku dayay in uu ka leexdo waddo aad qaloocan.

    Dadka dhaawaca ah ayaa loo qaaday isbitaal halkaasi ku yaalla, si halkaasi loogu dabiibo.

  5. Al-shabaab oo ka hadashay cidda ay ku beegsadeen weerarkii Baardheere

    Iyadoo shalay gelinkii hore laba qarax ay ka dhaceen magaalada Baardheere ee gobolka Gedo ayaa warbaahinta tagaeerta Al-shabaab waxey ku warrantay in qaraxyadaas lala beegsaday ciidamo Itoobiyaan ah.

    Warka lagu baahiyay qaar ka mid ah baraha Internedka ee Al shabaab tagaeera ayaa lagu sheegay in qaraxa kowaad lala eegtay meel ay ku shirayeen ciidamo Itoobiyaan ah halka kan labaadna la sheegay in lagu bartilmaamedsaday ciidamo gurmad ahaan u tagay goobta wax ka dhaceen.

    Ma jirto cid si rasmi ah u xaqiijineysa sheegashada Al-shabaab, hase yeeshee BBC-du waxay ilaa iyo hadda fahamsantahay in qaraxyada lala beegsaday xaruun lagu tababarayay ciidamo Soomaali ah.

    Ilaa 7 qof oo askar iyo shacab isugu jira ayaa weeraradaas ku dhintay halka tiro intaa ka badana ay ku dhaawacantay.

  6. Dowladaha Soomaaliya iyo Mareykanka oo ka wadahadlay cunnaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya

    Madaxweynaha dalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, oo socdaal ku jooga dalka Mareykanka, ayaa mas’uuliyiintii uu la kulmay u sheegay in cunna qabateynta hubka ee saaran Soomaaliya ay caqabad ku tahay dib u dhiska ciidamada Soomaaliya, qorshaha la wareegidda amniga iyo la dagaallanka Al-shabaab.

    Qoraal lagu baahiyay bogga Facebook, ee madaxtooyada Soomaaliya (Villa Somalia) ayaa lagu sheegay in madaxweynaha oo la kulmay xoghayaha difaaca Mareykanka Lloyd J. Austin, uu ka dalbaday in Mareykanku Soomaaliya ku gacan siiyo xusul duubka ay ugu jirto sidii looga qaadi lahaa cunna qabateynta hubka ee dalka saaran.

    Madaxwyne Xasan ayaa rajo ka muujiyay in dowladda Mareykanku ay Soomaaliya ku garab istaagto olalaha Soomaaliya ay ka waddo Qaramada Midoobey ee arrintaan hubka la xiriira.

    Xoghayaha difaaca Mareykanka Lloyd J. Austin ayaa isana kulanka ka sheegay in dowladiisu ay diyaar u tahay sidii Soomaaliya ay uga gacan siin lahayd dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

  7. Dalalka ay saaran tahay xayiraad la mid ah tan hubka ee Soomaaliya

  8. Puntland oo ka hadashay cidda qaadeysa mas'uuliyadda dagaalkii ka dhacay Garoowe

    Waxaa socdo dedaallo nabadeed oo ay wadaan siyaasiin iyo madax dhaqameedka Puntland kuna saabsan sidii xal looga gaari lahaa xiisaddii sababtay in dagaal uu ka dhaco magaalada Garoow ee caasimadda maamul goboleedka Puntland.

    Haddaba halkaan ka dhageyso waraysi BBC-du la yeelatay wasiirka warfaafinta maamulka Puntland Maxamuud Caydiid Dirir.

  9. Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay sababta Axmed Madoobe ay ugu taageertay magacaabista maamulka Gedo

    Wasiirka arrimaha gudaha iyo dib u heshiisiinta dowladda federaalka Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi oo ka hadlayay maamulka cusub ee dhawaan madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) u magacaabay gobolka Gedo ayaa sheegay in maadama gobolkaasi uu ka mid yahay Jubaland ay dowladdu ku saxantahay in ay ku tagaeerto jubaland maamulka loo magacaabay.

    Wuxuu sheegay in dalku uu yahay federaal, ka wasiir ahaanna uu mowqifkiisu yahay midka dowladda,isagoo muujiyay in tillaabadaas sabab looga hor yimaado aaney muuqan.

    Wasiir Fiqi ayaa ka jawaabayay su’aal laga waydiyay khilaafka gobolka Gedo oo sii xoogeystay dhawaan kadib markii maamulka cusub loo magacaabay, kaas oo ay ka horyimaadeen siyaasiin ka soo jeeda gobolka.

  10. Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay war laga faafiyay agaasimaha hay'adda socdaalka iyo Jinsiyadaha

    Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ka hadashay warar baraha bulshada lagu baahiyay oo sheegayay in agaasimaha hay’adda socdaalka iyo jinsiyadaha Soomaaliya Cabdulqaadir Cilmi Cabdul uu dalka ka baxsaday.

    War ka soo baxay wasaaradda amniga gudaha ee Soomaaliya ayaa lagu beeniyay warkaas baxsashada ku saabsan.

    Qoraalka ka soo baxay wasaaradda ayaa lagu yiri, “wasaaraddu waxay caddeynaysaa in wax isbadel maamul ah aanu ka dhicin hay’adda socdaalka iyo jinsiyadaha,”.

    Bayaanka ayaa intaa ku daraya in Cabdulqaadir Cilmi Cabdul uu ku maqanyahay fasax uu ku wargeliyay wasaaradda amniga gudaha.

  11. Faahfaahin dheeraad ah oo ka soo baxaysa qaraxyadii Baardheere

    Wararka ka imaanaya magaalada Baardheere ee gobolka Gedo oo shalay ay ka dhaceen laba qarax ayaa sheegaya in saaka xaaladdu deggantahay isla markaana dadkii ku dhintay weerradaas halkaa lagu aasay.

    Cusbitaalka guud ee Baardheere, oo inta badan la geeyay dadkii qaraxyada ku dhawaacmay ayaa la sheegayaa in adeegyada uu bixiyo aaney dabooli karin baahiyaha caafimaad ee ay qabaan bukaannada halkaa la geeyay.

    Halkaan ka dhageyso wararkii ugu dambeyay

  12. Xubno ka tirsan macawisley oo dad ka afduubtay Al-Shabaab

    Qoysas loo malaynayo in ay ka tirsan yihiin kuwa Al-Shabaab ayey afduubteen qaar ka mid ah dadka deegaanka ee Macawisleyda loo yaqaan.

    Talaabadan oo u eg mid aargoosi ah ayaan ka waraysannay Cabdi taakow oo ka tirsan kooxda wax qafaalatay, wuxuuna sheegay in ay yihiin dadkani “qoysaska amiirada Al-shabaab”.

    Waxa uu sheegayb in ay dadkan ka kala keeneen meelo kala duwan sida Ceelbacad, Daaru-nicma iyo Caddaan-lexeey.

    Wuxuu ku sheegay sababta ay dadkan u afduubteen in ay ka dambeysay ka dib markii ay Al-shabaabku iyaga ka afduubteen dad tiradooda uu ku tilmaamay 36 qof,”dadkii deegaanka oo caruur iyo dumar ayey afduubteen.. Dad tiradoodu gaareyso ilaa 36 ayey deegaanka ka afduubteen,” ayuu yiri Cabdi Taakow.

    “Maadaama aysan wax xariir ah naga dhaxeynin, waxaan u samaynay xanuunka qoysaska la afduubanayo in ay dareemaan,” ayuu sii raaciyey. Wuxuuna shegay in dadka la ay Al shabaab afduubteen in ay ka dambeeyeen “amiirada Al-Shabaab ee deegaanka”.

    Dumarka iyo caruurta ay Macawisley qafaalatay ayey sheegeen in ay yihiin hooyooyin iyo ilmahoodii.

    Ma jiraan warar madax banana oo BBC u xaqiijin kara in ay Al-Shabaab dad ka afduubteen macawisleyda markii hore, balse warbaahinta maxalliga qaar ka mid ah ayaa sidaa sheegtay.

  13. Qarax hadda ka dhacay Isgoyska Shaqaalaha ee magaalada Muqdisho

    Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in goor dhoweyd uu qarax ka dhacay Isgoyska Shaqaalaha ee Muqdisho.

    Qaraxa oo ahaa mid lagusoo xiray mid kamida gawaarida raaxada ayaa waxa ku geeriyooday qofkii gaariga waday.

    Sido kale waxaa ku dhaawacmay ugu yaraan labo qof oo la sheegay in ay ka ag dhawaayeen halka uu qaraxu ka dhacay.

    Halkan kala soco wixii warar ah ee kasoo kordha.

  14. Madaxweynaha Ukraine oo sheegay in dagaalka Ruushka aysan ka gaarin heerkii ay rabeen

    Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelensky, ayaa sheegay in horumarka laga gaaray weerarka ka dhanka ah ciidamada Ruushka uu ka yaryahay sidii la rabay.

    Zelenysky ayaa muujiyay kalsoonida uu ku qabo guusha ugu dambeysa ee weerarka.

    Wuxuu qiray in xaaladdu aysan sahlaneyn, Milateriga Ukraine ayaa ka warbixiyay guulo laga gaaray gobolka Zaporizhzhia.

    wasiir ku xigeenka difaaca ee Kyiv Hanna Maliar ayaa sheegtay in isku dayga ciidamada Ruushka ay ku doonayaan in ay ku qabsadaan bariga ay sii socdaan.

    Ruushka ayaa sheegay in ciidamadooda ay iska caabiyeen weerarradii ka dhacay Zaporizhzhia ayna jabiyeen cutubyo ka tirsan Ukraine oo ku sugnaa deegaano u dhow Lyman.

    Labada dhinac ayaan weli si rasmi ah loo xaqiijinin sheegashadooda.

  15. Wareysi: Hanti dhowraha guud ee qaranka Axmed Ciise Guutaale oo ka hadlay malaayiin doolllar oo ka maqan qasnadda dowladda

    Xafiiska Hantidhowrka guud ee Qaranka ayaa sheegay in ay ka maqantahay khasnada dowlada malaayiin dollar kadib baaris uu Xafiiska Sameyay.

    qadka taleefanka oo aan kula xiriirnay hanti dhowraha guud Axmed Ciise Guutaale ayaa faah faahin ka bixiyay baaritaanka ay wadaan iyo warqadda ay soo saareen. Farax Lamaane ayuu u warramay.

  16. Dhageyso: Waa sidee xaaladda dadkii ka barakacay Garowe iyo halkii ay u barakeceen?

    Kadib dagaaladii shalay illaa xalay ka socday magaalada Garowe ee caasimadda Puntland waxaa jira dad ka qaxay magaalada u barakacay deegaano kale.

    Dadkaasi waxaa kamid ah Fartuun Maxamuud Jamac iyo qoyskeeda oo u barakacay magaalo ka baxsan Garowe.

  17. Dagaallo hor leh oo maanta ka dhacay caasimadda Suudaan ee Khartoum

    Iska horimaadyo culus oo u dhaxeeya dhinacyada isku haya Suudaan ee ku sugan caasimadda Khartoum ayaa dhacay, iyadoo ay dhamaatay muddo toddobaatan iyo laba saacadood ah oo xabad joojin lagu heshiiyay.

    Ciidamada iyo Xoogaga Gargaarka Degdegga ah ee RSF ayaa dagaalamayay muddo ka badan laba bilood, iyagoo burbur u geystay caasimadda, taasoo sababtay rabshado baahsan oo ka dhacay Daarfuur, waxaana ku barakacay in ka badan laba milyan iyo bar qof.

    Mid ka mid ah dadka u ololeeya aadanaha ee Waqooyiga Darfur ayaa sheegay in dunidu ay daawaneyso oo kaliya xad-gudubyada foosha xun ee dhacaya.

    Wuxuu sheegay in RSF ay dadka laayaan, isla markaana ay geystaan dhac, guryahana ay gubaan.

  18. Dhageyso: Doon ay saarnaayeen dalxiisayaal oo maalintii saddexaad maqan

    Doontan oo ay la socdeen dad dalxiisayaal ah isla markaana milyaneerro ah ayaa lumisay xiriirkii ay la lahayd markabkii hoggaaminayay Axadii.

    Ninka mas'uulka ka ah howlgalka samatabbixinta ee Waqooyiga Atlantic ayaa sheegay in ay si degdeg ah uga falceliyeen diyaaradaha ilaalada Canada oo qaadayay dhawaaqyo laga yaabo in ay ka yimaaddeen kuwa quusta ah ee maqan.

    Waxa la rumaysan yahay in ay sahayda ogsijiinta ee ay isticmaalayeen ka hartay hal maalin oo kaliya.

    Maraakiib badan oo wata qalab khaas ah ayaa u socda aagga raadinta, kuwaas oo ku fidsan kumanaan kiiloomitir oo isku wareeg ah iyo qoto dheer oo ku dhow afar-kun oo mitir.

  19. Wararkii ugu dambeeyay ee qaraxyada Baardheere iyo tirada Khasaaraha ka dhashay

    Faah faahinno dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qaraxyo maanta ka dhacay degmada Baardheere ee gobolka gedo.

    Qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa lagusoo warramayaa in qaraxu uu dhaliyay.

    Tirade dhimasha ayaa la sheegayaa in ay gaareyso illaa 8 ruux halka dhaawacana lagu sheegay 19 qof.

    Dhaawacyada ayaa loola cararay isbitaaladda magaalada Baardheere.

    Weerarka qaraxyada ah ayaa lagu beegsaday xerada ADC ee degmada Baardheere.

    Weerarrada qaraxyada ku billowday ayaa dhacay abbaare kow iyo tobanki barqonimo.

    Ururka Al-shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda weerradaasi.