Sida ay BBC-da
u sheegeen dad ku sugan magaalada Qabridahar askari ka tirsan ciidamada
miltariga Itoobiya ayaa saaka ku dilay afar qof dhowr kalena ku dhawaacay
magaaladaasi Qabridahar ee xarunta Gobolka Qorraxeey ee Dowladda Deegaanka
Soomaalida
Dadka uu
askarigu laayay ayaa kala ahaa saddex rag ah iyo qof dumar ah, waxaana ka mid
ahaa gudoomiyaha xaafadda siddeedaad ee Maamulka magaalada Qabri Dahar.
Warar is khilaafsan ayaa kasoo baxaya sida uu u dhintay askariga dilka geystay iyadoo wararka qaar ay sheegayaan in uu is dilay halka kuwa kalana ay sheegayaan in la dilay.
Ma jiro ilaa
iyo hadda hadal ka soo baxay ciidamada militariga ee dalka balse waxaa dhawaan
Tv-ga dowladda deegaanka ka hadlay Hoggaanka Nabadgalyada ee DDS Dayib Axmed Nuur oo
sheegay in baadhayaal ka socda heer deegaan ay Qabridahar u direen si ay u
baadhaan falkan ay ka argagaxeen shacabka deegaanka.
Ma aha
markii ugu horreysay oo askari ka tirsan ciidamada amaanka ee dalka u xabad ku
furo dad rayid gudaha deegaanka Soomaalida.
Dhamaadkii
bishii Octoobar ee sanadkii tagay ayay ahayd markii askari ka mid ahaa ilaalada
gagida diyaaradaha ee magaalada Jigjiga uu ku dilay xildhibaan Juweeriya
Subcis.