BBC-da oo aragtay cadeymo muujinaya meydadka looga tagay wadooyinka caasimada Sudan
BBC-da ayaa aragtay caddaymo taageeraya wararka sheegaya meydadka bannaannada yaalla ka dib rabshado ba'an oo kadhacay gobolka Darfur ee Suudaan kuwasi oo dhexmaray ciidammada Taageerada degdegga ah (RSF) iyo ciidammada Suudaan.
Waxaan xaqiijinnay laba muuqaal oo laga soo qaaday hal goob oo ku taal magaalada El Geneina oo la soo dhigay barta Twitter-ka horaantii bishan oo muujinaya maydad daadsan waddada.
Waxaan noo suura gashay inaan is barbardhigno dhismayaasha iyo walxaha ku jira fiidiyowyada iyo sawirrada dayax-gacmeedka ee laga qaaday El Geneina.
Si dhab ah looma xaqijiin karo marka fiidiyowyada la duubay ama cidda duubtay.