Halkee ayuu haatan ku sugan yahay Putin?
Afhayeenka Vladimir Putin, Dmitry Peskov ayaa wakaaladda wararka ee TASS u sheegay in madaxweynuhu uu "ka shaqeynayo gudaha Kremlin" ee Moscow. Balse, iyadoo kooxda Wagner ay isku dayeyso inay gasho caasimadda, warar badan ayaa la isla dhex marayaa baraha bulshada.
Dadka qaar ayaa sheegaya in diyaaradda Putin - diyaaradda khaaska ah ee Il-96-300PU - ay ka tagtay Moscow abbaare 14:16 (11:16 GMT), ayna u jiheysatay waqooyi-galbeed, sida laga soo xigtay shirkadda daba galka ee FlightRadar.
Diyaaradda ayaa kaddib luntay oo la daba geli waayay mar ay mareysay meel u dhow magaalada Tver, oo waqooyi-galbeed ka xigta Moscow.
Balse, ma naqaan in Putin uu saarnaa diyaaraddaas iyo in kale.
Waxaan ognahay in Putin uu waqti badan ku qaato filladiisa Lake Valdai, oo ku taalla waqooyi-galbeed Moscow, si joogto ahna uguma noola caasimadda.