Muslimiinta Caalamka oo u dabaaldagaya munaasabadda Ciidul-Adxa

Tebin toos ah

Tebin toos ah

  1. Mareykanka oo war ka soo saaray wariyihii Al Jazeera ee la toogtay Shariin Abuu Caqiil

    Shariin Abuu Caqiil

    Xigashada Sawirka, EPA

    Qoraalka sawirka, Wariyaha Al-jaziira ee la toogtay

    Mareykanka ayaa sheegay in rasaastii lagu dilay Wariye Shariin Abuu Caqiil oo u shaqeyneysay Al Jazeera ay aad u burburtay sidaa darteedna ay adag tahay in go'aan laga gaaro iney xabadda ka soo dhacday dhanka Israa'iil ama Falastiiniyiinta.

    Natiijada hordhaca uu Mareykanka soo saaray ayaa u badineysa iney xabbadda ciidamada Israa'iil soo rideen balse si aan ula kac eheen u rideen ayna haleeshay Shariin Abuu Caqiil.

    Dilka loo geystay wariyaha caanka ee Al Jazeera waxaa ka dhalatay argagax iyo caro xooggan.

    Falastiiniyiinta ayaa dilka Shariin ku eedeeyey ciidamada Israa'iil. Halk ay Tel-Aviv dhankeeda sheegtay inaan la joogin xilligi la gaari lahaa ciidamada Israa'iil iney Shariin dileen.

    Shariin Abuu Caqiil oo muddo dheer wararka kasoo tabinaysay Daanta Galbeed ayaa, xilliga la tooganayey si toos ah u tabinaysay iska hor imaad ay ciidamada Israa'iil ku lug lahaayeen oo ka dhacay halkaasi, waxaana la sheegay in ay rasaas kaga dhacday madaxa.

    Sida ay tabisay Aljazeera, wasiiradda arrimaha dibedda Qatar ayaa falka Israa'iil ku tilmaamtay fal argagixiso oo uu qaran maalgalinayo.

  2. Ciidamada Ruushka oo u ruqaansaday galbeedka Ukraine

    Kolonya ka mid ah ciidamada Ruushka

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Mas’uul sare oo dowladda Ukraine ka tirsan ayaa BBC u sheegay in ciidamada Ukraine ay sameysanayaan dhufeysyo ay isaga caabbiyaan weerarrada ciidamada Ruushka ee u soo dhaqaaqay galbeedka dalka Ukraine, kadib marki uu burburay saldhiggi ay ku lahaayeen Lysychansk.

    Serhai Haidai oo ah Barasaabka gobolka Luhansk uu Ruushka haysto wuxuu sheegay ciidamada Ukraine xilligi ay banneeynayeen aaggi ay horay ugu sugnaayeen wax dhibaata ah la kulmin.

    Wuxuuna intaa ku daray Ruushku iney doonayeen Lysy-chansk iney dhulka ku daraan iyaga oo meel fog ka soo duqeynayey, isaga oo beeniyey iney jirin ciidamo Ukraine oo la hareereeyey.

    Telefiishiin afka dowladda Ruushka ku hadla ayaa soo bandhigay madaxweyne Viladmiir Putin oo ku amraya wasiirkiisa gaashaandhigga (Sergei Shoigu) inuu dagaalka ka dhanka ah Ukraine la sii wado.

  3. Shidaal la'aan soo wajahday magaalooyinka waaweyn ee Itoobiya

    Qof gaari shidaal ku shubayo

    Magaalooyinka waaweyn ee dalka Itoobiya oo ay ka mid tahay caasimadda Addis Ababa waxaa soo wajahday shidaal la'aan baahsan kaddib marki ay dowladdu sheegtay iney la noqoneyso lacagihii ay shidaalka ku kabeysay.

    Qorshaha ay dowladda kula noqoneyso lacagihi ay shidaalka ku kabeysay oo dhowr waji ka kooban wajigii ugu horreeyey wuxuu dhaqan galayaa dabayaaqada toddobaadkan.

    Gaadiid Safaf dhaadheer ugu jira si ay shidaal u helaan ayaa lagu arkayaa magaalooyinka waaweyn.

    Dowladda Itoobiya ayaa qiimaha shidaalka lagu iibiyo muddo dheer kabeysay balse hadda waxay dowladda u muuqataa iney arrinkaa ka laabatay.

    Lemmeesaa Tulu oo ka tirsan wakaaladda shidalka iyo tamarta Itoobya wuxuu sheegay bilihii May iyo June iney shidaalka dalka dowladda ku kharash gareysay $268 malyan oo doolar.

  4. Turkiga oo wajahaya sicir-bararkii ugu xumaa muddo 24 sano ah

    Suuq

    Xigashada Sawirka, GETTY IMAGES

    Sicir-bararka dalka Turkiga ayaa gaadhay heerkii ugu sarreeyey muddo 24 sana ah.

    Qiimeynti ugu dambeeyey ee la sameeyey ayaa muujinaysa in sicir-bararka bishii June uu sare u kacay ilaa iyo 78.6%, marka la barbar dhigo isla bishaa sannadkii hore.

    Qiimaha gaadiidka iyo guriyeynta ayaa ahaa meelaha sicir-bararka xooggiisa laga dareemayo.

    Dowladda Turkiga ayaa dhamaadkii sanadkii hore billaawday sicir bararka iney wax ka qabata, balse xaaladda waxaa sii huriyey dagaalka Ukraine ka qarxay iyo sare u kaca ku yimid qiimaha badeecadaha.

    Falanqeeyayaasha qaar ayaa aaminsan in tirooyinka rasmiga oo aan la shaacin ay dhibaatada uga sii dartay.

  5. Dab ka kacay buuraleyda gobolka Sanaag

    Dabka ayaa ka kacay deegaanka Gaacidh oo ka mid ah buuraleyda Gobolka Sanaag ayaa lagu soo warramayaa in uu baabi'iyay dhirta halkaas.

    Wararka waxay sheegayaan in dabkan shaley ka kacay meel udhow buurta Daalo uu ilaa iyo haatan socdo iyadoo dhir badan ay gubatay.

    Baraha bulshada waxaa qabsaday sawirrada keymo gubanayo.

    Keymaha uu dabka qabsaday

    Xigashada Sawirka, Baraha bulshada

    Qoraalka sawirka, Keymaha uu dabka qabsaday
  6. Putin oo farriin u diray ciidamadiisa ku sugan jiidda hore ee dagaalka Ukraine

    Vladimir Putin

    Xigashada Sawirka, Russian Pool

    Qoraalka sawirka, Vladimir Putin

    Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa u hambaleeyay ciidamada Ruushka ee ‘xoreeyay’ gobolka Luhansk ee bariga Ukraine.

    Kulanka laga baahiyay teleefishinka oo uu la yeeshay wasiirka gaashaandhigga, wuxuu Putin sheegay in ciidamada ku lug lahaa howlgalkaas ay tahay inay nastaan halka ciidamada kale ee militeriga ah ay tahay inay sii wadaan dagaalka.

    Putin wuxuu sidoo kale abaalmarinta ‘halyeeyada Ruushka’ guddoonsiiyay labo janaraal oo hoggaaminayay howlgalka.

    Ruushka ayaa Axaddii ku dhawaaqay in uu gacanta ku dhigay guud ahaan gobolka Luhansk iyo magaalada muhiimka ah ee Lysychansk.

  7. Maxaa ka jira in militeriga Uganda uu tababar siinayay TPLF?

    Warkan ayaa bishii May kasoo shaac baxay baraha bulshada ee Itoobiya.

    Xigashada Sawirka, AFP

    Qoraalka sawirka, Warkan ayaa bishii May kasoo shaac baxay baraha bulshada ee Itoobiya.

    Ciidamada Uganda ayaa beeniyay warar sheegayo inay isku dayayeen inay xasilooni darro ka abuuraan dalka Itoobiya iyagoo tababar iyo taageero u fidinayay dagaalyahanada TPLF ee dagaalka kula jirta dowladda Itoobiya tan iyo sanadkii 2020-ka.

    Warkan ayaa bishii May kasoo shaac baxay baraha bulshada ee Itoobiya.

    Afhayeenka militeriga Uganda Felix Kulayigye ayaa bartiisa Twitter-ka ku sheegay in waxbo kama jiraan ay yihiin wararka sheegayo in Uganda ay xasilooni darro ka abuureyso gudaha Itoobiya.

    Waxaa toddobaadkii lasoo dhaafay baahay war lagu daabacay website kasoo baxa dalka New Zealand oo sheegayay in saraakiil sare oo ka tirsan ciidamada Uganda iyo saraakiil kale lagu eedeeyay inay garwadeen ka ahaayeen tababar TPLF loogu fidinayay degmada Masaka ee dhacda bartmaha Uganda.

    Saraakiisha sare ee lagu xusay warbixinta waxaa kamid ah wiilka uu dhalay madaxweynaha Uganda General Muhoozi Kainerugaba, ahna taliyaha ciidamada dhulka Uganda kaas oo sanadkii 2021-ka bartiisa Twitter-ka soo dhigay qoraal uu ku taageerayay ciidamada TPLF oo uu ku tilmaamay ‘waalalaheen’.

    Ma kala cada in warkan uu ahaa in mid run ah ama inuu yahay dacaayad.

    Website-ka lagu qoray warbixinta oo la yiraahdo Scoop, ma uusan xaqiijin ilaha uu kasoo xigtay warbixinta ama in warbixinta been ama sax tahay.

    Uganda waxay faraha la gashay colaadaha ka taagan bariga iyo Geeska Afrika oo dhan. Ciidankeeda ayaa hadda dagaal kula jira koox fallaago ah oo asal ahaan ka soo jeeda Uganda oo ka dagaallanta bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo.

    Uganda waxay ciidamo ka joogaan Soomaaliya kuwaas oo qeyb ka ah howlgalka Midowga Afrika ee ka dhanka ah Al Shabaab.

    Uganda waxay dagaal la gashay ciidamada Rwanda ee ku sugnaa Bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo horraantii 2000.

  8. Ciyaaraha xiisaha leh ee ka socda Dowlad Deegaanka Soomaalida

    Waxaa todobaadyadii u dambeeyay magaalada Jigjiga ee xarunta dawlad deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya ka socday tartanka cayaaraha kubadda cagta ee gobollada ku yaalla deegaankaasi.

    Tartankaasi ayaa hadda maraya heerka afar dhamaadka ama semi-finalka, waxaana isugu soo haray gobollada, Erer, Jarar, Faafan iyo Qoraxeey.

    Haddaba waxaa tartankaasi la socday oo warbixintan inooga soo diyaariyay wariye Ismaacii Ibraahim Buurgaabo.

  9. Muxuu yahay sawirka baahay ee ku saabsan weerarkii ka dhacay Denmark?

    Sawir muujinaya ninka lagu tuhmayo in uu geystay weerarkii ka dhacay Denmark

    Xigashada Sawirka, Mahdi al Wazni

    Qoraalka sawirka, Sawir muujinaya ninka lagu tuhmayo in uu geystay weerarkii ka dhacay Denmark

    Waxaa soo ifbaxaya sawir muujinayaa ninka hubeysan ee lagu tuhmayo inuu geystay weerarkii lagu qaaday xarun lagu dukaameysto oo ku taalla caasimadda Denmarka.

    Wuxuu sawirka muujinayaa ninka oo ku labisan sarwaal tuuta ah iyo funaanad madow oo garbaha go’an xilli uu sitay wax u muuqday qori.

    Sawirkan oo laga soo jaray muuqaalka muujinaya ninka oo sita qoriga oo dhowr jeer joogsaday goobta ka hor inta uusan weerarin xarunta.

  10. Libaax-badeed sababay in la xiro xeebaha Masar

    libaax-badeed

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Libaax-badeed

    Dowladda Masar ayaa xirtay qaar kamid ah xeebaha loo dalxiis tego kadib markii libaax badeed uu labo qof ku dilay xeebaha dalkaas.

    Labo haween ayuu libaax badeedka ku weeraray xeebaha Badda Cas xilli ay dabbaalanayeen.

    Mas’uuliyiinta Masar ayaa sheegay in haweeney kasoo jeeday dalka Austria ay u geeriyootay dhaawac kasoo gaaray dhacdada.

    Sidoo kale libaax badeedka wuxuu dilay haweeney u dhalatay Romania oo ku sugneyd xeebaha Masar.

    Waxay dhibaatadan ka dhacday xeebaha gobolka Hurghada halkaas oo ay ku badan yihiin dalxiisayaasha tega Masar.

  11. Halkan ka daawo: Booliska Mareykanka oo 60 xabadood ku ridaya nin madow ah

    Qoraalka Muuqaalka, Booliska Mareykanka oo 60 xabadood ku ridaya nin madow ah

    Booliska Mareykanka ayaa baahiyay muuqaal ku saabsan nin madow oo ay booliska ku ridayaan 60 xabadood.

    Arrintan waxay ka dhacday magaalada Akron ee gobolka Ohio xilli booliska ay ceersanayeen ninka madowga ah.

    Booliska waxay rumeysan yihiin in Jayland Walker, 25 ayaa markii hore rasaas ku furay booliska halka saraakiisha ay naftooda u baqeen xilliggaas habeen ah 27-dii Juun ee bishii hore.

    Jayland Walker ma uusan hubeysneyn markii uu ka cararay booliska xilli uu kaxeynayay baabuurkiisa balse booliska ayaa markii dambe sheegay in gaarigiisa ay ka dhex heleen bastoolad.

    Duqa magaalada Akron ayaa shacabka ugu baaqay inay dulqaad iyadoo dibadbaxyo looga soo horjeedo dilkan ay ka bilowdeen halkaas.

  12. Magaalo ku taalla gobolka Mudug oo ku dhaw in ay xabaalanto

  13. Booliska Denmark oo war kasoo saaray ninkii weerarka ka geystay Copenhagen

    Weerarka ka dhacay caasimadda Denmark

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Weerarka ka dhacay caasimadda Denmark

    Booliska Denmark ayaa sheegay in aysan jirin caddeymo muujinayo in weerar argagixiso uu ahaa toogashadii ka dhacday mid kamid ah xarumaha lagu dukaameysto ee ugu weyn dalkaas.

    Booliska waxay sidoo kale sheegeen in ninka looga shakisan yahay weerarka uu ahaa nin qaba xanuunada dhimirka taas oo horey loogu sheegay.

    Nin hubeysan ayaa saddex qof ku dilay magaalada Copenhagen .

    Nin 22 jir ah ayaa la xiray oo lagu eedeeyay weerarka kaas oo argagax ku abuuray dadkii wax ka iibsanayay suuqa Field ee koonfurta magaalada Copenhagen.

  14. Maxay ka wadahadli doonaan Xasan Sheekh iyo Recep Tayyip Erdogan?

    Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud ayaa lagu soo dhaweeyay Turkiga

    Xigashada Sawirka, Villa Somalia

    Qoraalka sawirka, Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud ayaa lagu soo dhaweeyay Turkiga

    Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray dalka Turkiga, kaddib markii uu casuummaad rasmi ah ka helay dhiggiisa Turkiga ee Recep Tayyip Erdogan.

    Labada madaxweyne ayaa si gaar ah ugu wada hadli doona xiriirka diblumaasiyadeed ee u dhaxeeya labada dal, in la adkeeyo iskaashiga dhaqaalaha iyo amniga ee ka dhaxeeya labada dowladood iyo waxyaabo kala.

    Afhayeenka madaxtooyada ayaa BBC-da u sheegay in madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo madaxweyanaaaha Turkiga ay ka wadahadli doonaan arrimo ay kamid yihiin xoojinta iskaashiga labada dal, arrimaha amniga, diblumaasiyadda iyo mid dhaqaaleba.

    Madaxweyne Xasan ayaa inta uu ku sugan yahay Turkiga la filayaa in uu booqdo xerada lagu tabbabaro ciidamada Soomaaliya ee halkaa tababarka u joogo.