Muslimiinta Caalamka oo u dabaaldagaya munaasabadda Ciidul-Adxa
Tebin toos ah
Tebin toos ah
Muxuu yahay qorshaha madaxweyne Xasan Sheekh ku wajahayo Alshabaab?
Xigashada Sawirka, ,
Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxmuud, oo ka hadlayey machadka SETA ayaa sheegay in ugu dambayn ay dawladdu la xaajoon doonto balse xilligan aysan Soomaaliya joogin marxalad ay kula xaajooto ururka Al-Shabaab.
Madaxweynaha ayaa intaas ku daray in dawladdu albaabada u fursayso xubnaha ka tirsan Al-Shabaab ee doonaya in ay ka haraan gacan ka hadalka iyo fikirka xagjirka ah.
Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in dawladdu ay doonayso inay saddex siyaabood ku wajahdo Al-Shabaab, kuwaasi oo kala ah mid milatari, mid fikir, iyo mid dhaqaale.
"Dukaamo loo xiray maxaad ugu adeegteen haween aan xijaabnayn"
Xigashada Sawirka, FARS
Masuuliyiinta Iiraan ayaa xiray saddex maqaayadood
oo lagu qaxweeyo oo ku yaalla bartamaha magaalada Qom, sababtoo ah haweenka
macaamiisha ah ma xirneyn indho-shareerka, sida ay sheegtay warbaahinta
maxalliga ah.
"Saddex maqaayadood oo lagu qaxweeyo
ayaa lagu xiray Qom sababo la xiriira xad-gudubyo badan, oo ay ku jiraan
indho-shareerka haweenka iyo arrimo kale," ayaa lagu yiri bayaan ay soo
saareen Ilaalada Kacaanka Iiraan, oo lagu daabacay wargeyska Hamshari.
"Milkiilayaasha maqaaxiyaha waxaa u
yeeray booliiska ka hor inta aan tallaabo sharciga waafaqsan laga qaadin,"
ayaa lagu daray qoraalka.
Magaalada Qom, oo ah magaalo ay Shiicadu u qadariyaan inay tahay goobta
ay aaminsan yihiin inuu soo laaban doono imaamka laba iyo tobnaad ee Shiicada
Islamka, ayaa ku taal meel 150 kilomitir koonfurta ka xigta caasimadda Tehran.
Maxay kawada hadleen hoggaamiyeyaasha Itoobiya iyo Sudan ee maanta Nairobi ku kulmay?
Xigashada Sawirka, ,
Raysal wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, iyo hoggaamiyaha
Sudan, Abdel Fattah al-Burhan, ayaa ka wada hadlay sidii loo qaboojin lahaa xiisadda
ka taagan xuduudda lagu muransan yahay ee labada dal oo dhawaan dagaallo ku
dhex mareen ciidamada labadaas dal.
Abiy Axmed ayaa sheegay in labadooda hoggaamiye ay
yeesheen wadahadal lagu xallinayo khilaaf kasta oo labada dal u dhexeeya.
Labada hoggaamiye ayaa ku kulmay caasimadda Kenya, ee
Nairobi halkaas oo ay uga qayb galeen shir-madaxeedka IGAD
Midowga Afrika, UN-ka iyo IGAD ayaa dhamaantood ka
dhawaajiyay walaaca ay ka qabaan xiisadda u dhexeysa Itoobiya iyo Suudaan.
Saraakiisha Khartoum ayaa ku eedeeyay ciidanka Itoobiya
in ay 7 askari oo Suudaani ah ka qabteen deegaanka lagu muransan yahay ee
Al-Fashaga. Addis Ababa ayaa beenisay eeddaas.
Somaliland: Xabsiga Mandheera oo laga siidaayey siyaasiyiin iyo suxufiyiin muddo ku xirnaa
Xigashada Sawirka, ,
Waxaa goor dhaweyd xabsiga laga soo daayay siyaasiin iyo suxufiyiin sida la sheegay xabsiga Mandheera ee Somaliland ugu xirnaa arrimo siayasadeed.
Arrintan ayaa timid ka dib markii salaadiin ka mid ah kuwa Somaliland ay dhexdhexaadiyeen xukuumadda iyo xisbiyada mucaaridka.
Mid ka mid ah salaadiinta hawshan qaybta ka qaadatay oo BBC-da la hadlay ayaa sheegay in siiddaynta maxaabiista ka dib ay berri kulmi doonaan xisbiyada mucaaridka iyo xukuumaddu.
Si kastaba ha ahaatee waxaa waayadaan dambe taagnaa khilaaf ka dhashay doorashada oo u dhexeeyey xukuumadda iyo mucaaradka. lamana oga in dadaalladan ay soo afjari doonaan xurguftii dhinacyada u dhaxaysay.
Muxuu Turkigu ka yeeli doonaa raashinka "la soo xaday " ee Saaran markabka Ruushka
Turkiga ayaa sheegay in laga yaabo in
uu iibiyo 7 kun oo tan oo galleey ah oo saarnayd Markab laga leeyahay Ruushka
oo dhammaadkii toddobaadkii hore uu Turkigu qabtay.
Markabka ayaa ka soo shiraacday deked
ku taal dalka Ukraine oo haatan ku jirta gacanta Ruushka, waxaana Ruushka lagu
eedeeyey in uu hanti ka xaday dhulka Ukraine ee uu qabsaday.
Eedeymaha xatooyada ayaa waxaa si
joogta ah u beeniyey Ruushka, balse waxa uu carrabka u ku dhuftay "Dhoofinta"
galleyda, wuxuuna ku andacooday in Bariga Dhexe uu suuq uga helay.
La-taliyaha madaxweynaha Turkiga ayaa
BBC-da u sheegay in haddii baaritaannadu ay caddeeyaan in galleydaas la soo xaday,
uu Turkigu gelin doono suuqa caalamiga ah isagoo wakiil ka ah Ukraine.
Khilaaf ka dhashay markii tiro xildhibaanno ah lagu dhaariyay gudaha baarlamaanka Koonfur Galbeed
Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.
Digniin: BBC macluumaadka ku qoran bog kale masuul kama ahan
Dhammaadka X boggan
Saraakiisha caafimaadka ee dalka Yemen ayaa sheegay in ugu yaraan shan qof ay ku dhinteen halka soddon kalena ay ku dhaawacmeen qarax ka dhacay bakhaar la dhigo hubka.
Qaraxa ayaa sababay in dhismo labo dabaq ahaa uu burburo balse shaqaalaha gurmadka ayaa ku guuleystay in qaar ka mid ah dadkii ka badbaaday qaraxa ay kasoo saaraan burburka.
Ilaa hadda lama oga sababta ka dambeysay qaraxa.
Xabbad joojin laba bilood ah oo dalka oo dhan ka dhaqangashay oo lagu soo joojinayo dagaalka dabo dheeraday ee Yemen ee u dhexeeya fallaagada Xuutiyiinta ee ay Iran taageerto iyo xoogagga dawladda ee Sucuudigu hoggaamiyo ayaa lagu wadaa inay sii socoto illaa horraanta bisha soo socota.
Xigashada Sawirka, Getty Images
Qoraalka sawirka, Hubka ayaa ku baahay dalka Yemen
Mauricio Pochettino oo ka tagay kooxda PSG
Xigashada Sawirka, Getty Images
Qoraalka sawirka, Mauricio Pochettino
Kooxda Paris St-Germain ee ka dhisan
dalka Faransiiska ayaa xaqiijisay in uu kooxda ka tagay Mauricio Pochettino oo
tababare ka ahaa halkaas muddo 18 bilood ah.
Muddo bil ah ayaa laga war sugayay xaaladda
ninkan oo la lahaa kooxda ayuu isaga tegi rabaa.
Mauricio Pochettino ayaa
hadda ka hor tababare usoo noqday kooxda ka dhisan Ingiriiska ee Tottenham.
Tababarihii hore ee kooxda Nice, Christophe
Galtier ayaa lagu wadaa in uu badalo ninkan u dhashay Argentine ee
haatan PSG ka tagay.
Pochettino wuxuu ka tagaya PSG
kadib markii uu u horseeday inay ku guuleystaan markii 10-aad horyaalka
Faransiiska.
Burcad hubeysan oo kusoo badaneysa Muqdisho
Xigashada Sawirka, Baraha bulshada
Qoraalka sawirka, Magaalada Mudisho
Waxa maalmihii dambe sii
kordhayay falalka burcadnimada hubeysan ee ay la kulmaan dadka dagan magaalada
Muqdisho, iyadoo dhacdooyin kale duwan oo qaarkood ay dhimasho keeneen la soo
weriyay dhawr iyo afartankii saacadood ee la soo dhaafay.
Rag hubeysan ayaa xalay
magaalada ku dilay marxuum la oran jiray Cusmaan Axmed Macow oo hormuud ka ahaa
kuliyadda dhaqaalaha ee Jaamacadda Horseed sida laga soo xigtay maamulka
Jaamacadda.
Habeen horena waxa loo dhacay xaafado ku yaala degmada
Hawlwadaag.
Dhinaca kalena xalay waxa
Muqdisho ka socday hawlgal balaaran oo xaafado dhawra ay ka wadeen ciidamada
amaanka, kuwaas oo lagu baadi goobayay burcadda hubeysan ee dhaca joogtada ah
ku haya dadweynaha magaalada.
War kasoo kordhay heshiskii qaadka Kenya ee Soomaaliya lagu fasixi rabay
Xigashada Sawirka, AFP
Qoraalka sawirka, Qaadka waxaa ku tiirsan dad badan oo Soomaali ah
Wasiirka beeraha ee Kenya,
Peter Munya ayaa BBC-da u sheegay in maanta aan la saxiixi doonin heshiis
ganacsi oo u dhaxeeya Kenya iyo Soomaaliya.
Madaama madaxweynaha
Soomaaliya uusan ka qeyb galin shirkaas ayaa waxaa dib loo dhigay saxiixa
heshiiska labada dal.
Heshiiskan wuxuu horseedi lahaa
in dib loo furo qaadkii ay Kenya u dhoofin jirtay Soomaaliya.
Heshiiskan ayaa lagu waday in
lagu saxiixo shir madaxeedka urur goboleedka IGAD ee ka dhacaya dalka Kenya,
iyadoo la filayay in la qaado xayiraadii saarneyd labadii sano ee u dambeysay
qaadkii Kenya.
Bishii Juun ayay aheyd markii
wasiirka beeraha Kenya uu shaaca ka qaaday in
wadahadalada u dhexeeya labada dal ay galeen qeybtii ugu dambeeysay si heshiis
looga gaaro in xayiraad ay Soomaaliya ka qaado qaadkii Kenya.
Soomaaliya ayaa hakisay qaadkii laga dhoofini jiray Kenya labo sannadood ka
hor oo ay taariikhda ku beegnayd 19-kii Maarso, ee 2020, iyadoo sabab looga
dhigayo xayiraadaha Covid-19.
Hakinta ayaa si kastaba ha ahaatee, aan marna la qaadin kadib markii uu soo
shaac baxay khilaaf diblumaasiyadeed oo u dhexeeya labada dal.
Mamnuuciddaasi ayaa horseedday in suuqa
maalinlaha ah ee qaadka uu lumiyo in ka badan 50 tan oo qaad ah oo markaas lagu
qiimeeyay in ka badan 20 milyan oo shilinka Kenya ah oo dhiganta ku dhowaad 200
oo kun doolar.
Gudidii isugu jirtay odayaasha dhaqanka iyo
xubnaha ka tirsan golaha guurtida jamhuuriyadda gooni isu taageeda ku
dhawaaqday ee Somaliland, ayaa wararka Hargaysa ka imanayaa tibaaxayaan in
qudhoodii uu soo dhex galay khilaaf farsamo oo ku saabsan qaab dhismeedka
hogaanka gudidaa dhexdhexaadinta ah.
Weriyaha BBC-da Sidiiq Maxamed Burmad ayaa ka warramaya waxa u qabsoomay gudidaas khilaafkan haatan
soo baxaya ka hor.
Qoraalka Codka, Khilaafka siyaasadeed ee ka taagan Somaliland
Abiy Axmed: 'Waa in la ciribtiraa jabhadda Oromada'
Xigashada Sawirka, Getty Images
Qoraalka sawirka, Ra'iisul Wasaare Abiy Axmed
Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa xasuuq ku
tilmaamay weerarro lagu beegsaday dadka laga tiro badan yahay ee ku nool
galbeedka Itoobiya halkaas oo lagu dilay dad badan.
Abiy Axmed wuxuu wacad ku maray in la ‘ciribtiro’
fallaagada oromada ee OLF.
Wuxuu ku eedeeyay in kooxdan ay ka dambeysay colaadda.
Ilaa iyo hadda jabhadda Oromada kama aysan hadlin
eedeymaha loo jeediyay.
Dagaal ayaa subaxnimadii Isniinta ka bilowday degmada
Hawa Gelan ee ka tirsan gobolka, dagaalkaas oo socday muddo saddex saacadood
ah.
Weerraro hor leh ayaa
ka dhacay tuulooyin fogfog oo ku yaalla galbeedka gobolka Oromiya ee Itoobiya.
Dad badan ayaa ku dhintay, guryana waa lagu gubay sida ay goobjoogeyaal u
sheegeen BBC-da.
Way adag tahay in la
xaqiijiyo tirada dhabta ah ee dadka la dilay maaddaama aan wali la wada helin
meydadka dadka loo malaynayo in la laayay. Laakiin, waxaa laga yaabaa in ay kor
u dhaafto 150 qof oo ay ku jiraan carruur, sida ay sheegeen labo ka tirsan
goobjoogeyaasha.
Xigashada Sawirka, Getty Images
Qoraalka sawirka, Itoobiya waxaa ka dhacay dibadbaxyo looga soo horjeedo dilalka
Dabaylo aad u xoogan oo ku dhuftay deegaanno kamid ah Puntland
Waxaa maalmihii la soo dhaafay ka dhacaysay
qaybo ka mid ah deegaannada Puntland dabayl xaagaa waayeelka dhulkaa ku nooli
sheegeen in aanay taas oo kale arag.
Waa dabaylo xawaare sare ku socda sidoo
kalena ay ku ladhan yihiin habaaskii iyo wixii bacaad ah ee ay dul maraan oo ay
sitaan.
Waa dhul xaalufay oo geed celiyaa jirin iyo
geddiisee bal hadda sida ay dabaylahaasi dhul, dad iyo duunyaha u dhibeen waxa
ka waramay weriye Maxamed Xasan Dhalo.
Milateriga Suudaan oo war hor leh ka soo saaray xaaladda
Xigashada Sawirka, AFP
Taliyaha militeriga Suudaan Janaraal Cabdel Fataax Al
Burhaan ayaa sheegay in ciidanka ay waddada u xaari doonaan sidii loogu
dhawaaqi lahaa dowlad rayid ah.
Khudbad uu ka
jeediyay taleefishinka ayuu sheegay in ciidamada qalabka sida aysan hor istaagi
doonin isbedel dimuqraadi ah, ayna ka go’an tahay inay ka shaqeeyaan sidii
doorasho loo qaban lahaa.
Janaraal Cabdel Fataax Al Burhaan wuxuu sheegay in ciidamada aysan hadda ka qeyb geli doonin wadahadallada lagu soo afjarayo qalalaasaha siyaasadeed ee dalka ka jira, iyadoo dadaallada wadahadallada ay garwadeen ka noqon doonaan kooxaha bulshada rayidka ah.Taliyaha militeriga wuxuu ka gaabsaday xilligga rasmiga ah ay xilka ku wareejin doonaan dowlad rayida ah.
Waa tanaasulaad aad u weyn oo ay ku dhawaaqeen ciidanka,
kuwaas oo la kulmay cadaadis badan oo kaga imaanayay dibad baxayaasha
dimuqraadiyad doonka ah oo dibadbaxyo joogto ah ka waday guud ahaan Suudaan.
The army seized
power in a coup last October after ousting the civilian-led government of Prime
Minister Abdalla Hamdok.
Militeriga
Suudaan ayaa afgembi kula wareegay awoodda dalka bishii Oktoobar ee sanadkii
hore kadib markii ay xilka ka tuureen Ra’iisul Wasaarihii dowladda rayidka aheyd
Cabdalla Hamdok.
Kulanti wacan kusoo dhawaada tebinta tooska ah oo aan idiin kuugu soo gudbinno wararkii ugu dambeeyay Soomaalida iyo Caalamka.
Xigashada Sawirka, File photo of a Chinese boat in the East China Sea
Japan ayaa cabasho rasmi ah u gudbisay Beijing, ka dib markii markab ay leeyihiin ciidamada badda Shiinaha uu ka shiraacday meel u dhow jasiiradaha ku yaal badda bari ee Shiinaha oo ay labada dal ku muransan yihiin.
Maraakiibta ilaalada xeebaha Shiinaha ayaa si joogto ah uga shiraacda meel u dhow jasiiradaha, oo loo yaqaan jasiiradaha Senkaku ay Tokyo u taqaanno Shiinahana uu u yaqanno Diaoyu.
Waxaa la rumeysan yahay tani iyo 2018-kii in marki ugu horreeyey maraakiibta Shiinaha ay aaggaasi soo galaan.
Beijing waxay sheegtay waxa ay sameysay iney yihiin kuwa sharci ah, sharcigana waafaqsan.
Dhanka kale, warbaahinta Japan ayaa sheegtay in markab ay leeyihiin ciidamada badda ee Ruushka lagu arkay meel u dhow jasiiradaha, inkastoo Tokyo aysan weli xaqiijinin wararkaasi.
Duufaan tan la mid ah dalka Iiraan waxay ku dhufatay 25-kii Bishii May ee sanadkan.
Waddamada Ciraaq, Kuweyt iyo Sacuudi Carabiya waxay sida oo kale sanadkan la kulmeen dufaan tan la mid ah inkasta oo heerkeeda uu gaarsiisneen tan ku dhufatay Iiraan.
Raysal wasaaraha Itoobiya ayaa Jabhadda Xureynta Oromada ee OLF ku eedeeyey iney markale xasuuq ka geysteen galbeedka dalkaasi.
Abiy Axmed oo bartiisa Twitter-ka farriin soo dhigay wuxuu sheegay Jabhadda OLF iney dad ku xasuuqeen galbeedka deegaanka Oromada.
Hase yeeshee, Abiy Axmed farriintiisa ma soo raacin tirada dadka uu sheegay iney Jabhaddu 'xasuuqday.'
Hase yeeshee, Xisbiga Mucaaradka ee 'BALDARAS', wuxuu sheegay tuulooyin ku yaalla galbeedka deegaanka Oromada iney Jabhadda OLF maanta ku xasuuqday boqollaal qof oo rayad ah.
Laba toddobaad ka hor deegaanka Gimbi ee ku yaalla galbeedka dalka Itoobiya waxaa lagu dilay boqollaal qof oo qowmiyadda Amxaarada ka soo jeeda.
IDowladduna tirada dadka halkaasi lagu dilay waxay ku sheegtay 330 qof, halka ay ila wareedyo madax bannanna tirada dhimashada ay gaarsiinayaan 600 oo qof.