Muslimiinta Caalamka oo u dabaaldagaya munaasabadda Ciidul-Adxa

Tebin toos ah

Tebin toos ah

  1. Ra’iisal wasaare Boris Johnson oo farriin gaar ah u gudbiyey dadweynaha reer Ukraine

    Ra'iisal wasaaraha Ingiriiska ee xilka baneynaya oo warbixin ka dhageysanaya sargaal ciidan
    Qoraalka sawirka, Ra'iisal wasaaraha Ingiriiska ee xilka baneynaya oo warbixin ka dhageysanaya sargaal ciidan

    La taliyaha madaxweynaha Ukraine, Mykhailo Podolyak, ayaa farriin uu kusoo gudbiyey barta twitter-ka uga mahad celiyey inuu yahay Boris Johnson mas’uulkii ugu horeeyey ee yimaada Kyiv ee dalka Ukraine, inkastoo weerraro gantaallo ah ay ku socdeen magaalada.

    La taliyaha ayaa carabka ku dhuftay in ra’iisal wasaare Johnson uu safka hore kaga jirey taageerada loo fidinayo dowladda Ukraine, gaar ahaan dagaalka ay kula jiraan Ruushka.

    Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelensky, oo la lahaa xiriir dhaw tan iyo markii dalkiisa duullaanka lagu soo qaadey ra’iisal wasaaraha Ingiriiska ee is casilay, ayaanan wali ka hadli is casilaadda Boris Johnson.

    Maamulka Moscow, ayaa soo dhoweeyey is casilaadda Boris Johnson, maadaama uu taageero weyn u ahaa shacabka iyo dowladda Ukraine.

    Ra’iisal wasaare Boris Johnson, ayaa safar ku tagey Ukraine markii uu dagaalka ku bilowday, isagoo umuujiyey taageero weyn, oo ka badan kuwa aymuujiyeen dalalka kale.

    Ra’iisal wasaare Boris Johnson, ayaa farriinta uu u direy reer Ukraine ay tahay in dagaalka ay kula jiraan Ruushka, aaney iyagu kaliya aheyn, oo ay la garab yihiin kaalmo waliba.

    Johnson, ayaa mar walba ku cel celin jirey inuu taageero nooc waliba ah la garab taagan yahay dadka reer Ukraine.

  2. Mas’uuliyiinta dowladda Ruushka oo u dabaal degaya iscasilaadda Boris Johnson

    Ra'iisal wasaaraha Ingiriiska ee xilka baneynaya iyo Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky

    Xigashada Sawirka, Dowladda Ukraine

    Qoraalka sawirka, Ra'iisal wasaaraha Ingiriiska ee xilka baneynaya iyo Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky

    Aqalka Kremlin-ka ee magaalada Moscow, ayaa si adag u weerarey ra’iisal wasaaraha Ingiriiska ee xilka ka dagaya Boris Johnson.

    Boris Johnson, ayaa si joogta ah u taageerayey dagaalka Ukraine ay kula jirto ciidanka Ruushka ee kusoo duuley dalkooda.

    Afhayeenka Madaxweyne Putin, Dmitry Peskov, ayaa sheegay in Mr Johnson, aanu jecleyn runta, iyaguna aaney jecleyn.

    Wuxuu intaa raaciyey in uu rajeynayo in dad xirfad yaqaana, oo ku xeeldheer wada hadalada iney la wareegi doonaan maamulka London.

    Dhanka kale, afhayeen u hadley wasaaradda arrimaha dibadda ee Ruushka, Maria Zakharova, ayaa saxaafadda u sheegtay in Mr Johnson uu ku lumiyey xilkiisii dhibaato uu isagu bilaabay.

    Waxey intaa ku dartey afhayeenadda, in ubucda waxa socda ay tahay in aanu qofna isku dayin inuu dumiyo Ruushka.

  3. Ra’iisal wasaaraha Ingiriiska oo shaaciyey inuu is casilay

    Ra'iisal wasaaraha Ingiriiska ee xilka baneynaya Boris Johnson
    Qoraalka sawirka, Ra'iisal wasaaraha Ingiriiska ee xilka baneynaya Boris Johnson

    Ra’iisal wasaaraha Ingiriiska, ayaa shaaciey inuu ka dagay xilka ra’iisal wasaarenimo.

    Boris Johnson, ayaa waxaa maalmihii ugu danbeeyey cadaadis uu uga imanayey xubnaha xisbigiisa ee Conservative-ka.

    Wuxuu u mahad celiyey dadweynaha Ingiriiska, maadaama ay ku aaminneen jago aad heerkeedu u sarreeyo.

    Isagoo hadalka sii wata markii uu ku dhawaaqayey is casilaadda, Boris Johnson, ayaa ku nuux nuux sadey inuu sii heyn doono jagada ra’iisal wasaarenimada, inta mid kale laga dooranayo.

  4. Boris Johnson oo iska casilaya xilka raysul wasaaraha Ingiriiska

    Boris Johnson

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Raysul wasaaraha Ingiriiska ayaa lagu wadaa in uu maanta gelinka dambe ku dhawaaqo qorshihiisa iscasilaadda, inkastoo uu xilka raysul wasaaraha sii heyn doono ilaa deyrta sanadkan. Wuxuu sidoo klae iska casilayaa xilka hoggaamiyaha xisbiga Konserfatifka.

    Afhayeen u hadlay Aqalka Lambar 10 ee looga arrimiyo Ingiriiska ayaa yiri: "Raysul Wasaaruhu wuxuu maanta dalka siin doonaa warbixin."

    Johnson wuxuu la hadlay Sir Graham Brady, oo ahaa guddoomiyaha guddiga Konserfatifka 1922, si uu ugu sheego go'aankiisa, sida ay shegeen ilo ku dhow dhow xafiiskiisa.

    "Raysul wasaaraha ayaa la hadlay Graham Brady, waxaana ay isku raaceen inuu xilka banneeyo, ayna tahay markii hoggaamiye cusub uu imaan lahaa," ayay ilo-wareedka ku daraysaa.

    Tan iyo waaberigii maanta waxaa sii kordhay cadaadiska lagu saarayo inuu Johnson banneeyo xafiiska raysul wasaaraha. Waxaa 24 saac gudahood isugu xigxigsaday tiro is-casilaad ah.

    Xoghayihii Waqooyiga Ireland Brandon Lewis ayaa noqday wasiirkii ugu horreeyay ee subaxnimadii iscasila, isagoo sheegay in arrimuhu ay dhaafeen heer wax laga qaban karo.

    Xoghayaha cusub ee waxbarashada Michelle Donelan ayaa sidoo kale iscasishay. Waxay sheegtay inay "ka codsatay" raysul wasaaraha inuu iscasilo.

    Wax ka yar nus saac kaddib, waxaa soo baxay warka sheegaya in Johnson uu aqbalay inuu iscasilo.

    Tartan loo galayo hoggaanka Konserfatifka ayaa dhici doona xagaagan, waxaana imaan doona raysul wasaare cusub marka uu qabsoomo shirweynaha xisbiga bisha Oktoobar ee sanadkan.

    Boris Johnson wuxuu noqday raysul wasaare bishii Luulyo 2019, kaddib markii uu ku guulaystay tartan hoggaamineed oo adag. Wuxuu guul taariikhi ah ka soo hoyay doorasho guud shan bil xilligaas kaddib.

    Wuxuu ku guuleystey doorashadii isagoo ballan-qaaday ka bixista Ingiriiska ee Midowga Yurub “Brexit". Laakiin dowladdiisa waxay la kulantay dhacdooyin dhaliyay muranno isdabajoog ah bilihii la soo dhaafay., ugu yaraan baaritaan booliisku ku sameeyay xisbiyada Downing Street inta lagu gudajiro xiritaanka.

  5. Kuuriyada Koonfureed oo heegan galisay ciidankeeda si ay uga hortagaan Kuuriyada Waqooyi

    ,

    Xigashada Sawirka, ,

    Madaxweynaha Kuuriyada Koonfureed Yoon Seok-yeol ayaa heegan galiyay ciidamada dalkiisa si ay si adag uga hortagaan daandaansi kasta oo kaga yimaada Kuuriyada Waqooyi. Arrintan ayaa timid ka dib markii madaxweynaha cusub uu kulan la yeeshay madaxda saree e ciidamada dalkaas.

    Kuuriyada Waqooyi ayaa dhawaan sameysay dhowr tijaabo oo gantaallada riddada dheer iyo kuwa ridada gaagaaban, taas oo walaac gelisay Kuuriyada Koonfureed.

    Yoon ayaa ololihiisii doorashada ku ballan qaaday in uu geyn doono cutubyo dheeri ah oo ka mid ah nidaamka ka hortagga gantaalaha ee Maraykanka “THAAD” waxa uuna muujiyay sida uu uga caga jiidayo in uu weeraro horudhac ah ku qaado Kuuriyada Waqooyi haddii ay jirto khatar ku soo fool leh.

  6. "Shiinaha oo doonaya inuu dayaxa xoog kula wareego"

    ,

    Xigashada Sawirka, ,

    Shiinaha ayaa dhaleeceeyay digniino ka soo yeertaay madaxa hay'adda hawada sare u qaabilsan Maraykanka ee NASA oo ku andacoonayay in Beijing laga yaabo inay la wareegto dayaxa taasoo qeyb ka ah barnaamij militari.

    Zhao Lijian, oo ah afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee Shiinaha, ayaa u sheegay wariyeyaasha isniintii in Shiinuhu uu si adag uga soo horjeestay "hadallada mas'uuliyadda darrada ah" ee maamulaha NASA Bill Nelson.

    Nelson, oo madax ka ah wakaaladda hawada sare ee Mareykanka, ayaa u sheegay wargeyska Jarmalka ee Bild wareysi la daabacay Sabtidii in uu ka walaacsan yahay hamiga hawada sare ee Shiinaha.

    Shiinaha oo tobankii sano ee la soo dhaafay kor u qaaday xawliga barnaamijkiisa hawada sare, ayaa sahaminta dayaxa diiradda saaray.

  7. Booliiska shan dal oo Yurub ah oo ugaarsanaya dadka wax tahriibiya

    ,

    Xigashada Sawirka, PA Media

    Mas’uuliyiinta Jarmalka ayaa sheegay in booliska shan dal oo Yurub ka tirsan ay Talaadadii billaabeen howlgal ballaaran oo ka dhan ah kooxaha dadka wax tahriibiya, isla markaana ay fuliyeen hawlgal dad lagu soo qabqabtay.

    Booliska magaalada Osnabrück ee waqooyi-galbeed ee Jarmalka oo lagu tiriyo xarunta dadka wax tahriibiya ayaa sheegay in booliska Belgium, Britain, France, Netherlands iyo Jarmalka ay weerareen dhowr goobood subaxnimadii Arbacada.

    Bayaan uu soo saaray, booliiska ayaa wuxuu ku tilmaamay in ilaa 900 oo booliis ah la geeyay Jarmalka oo keliya, waxayna baareen 36 goobood waxayna xireen 18 tuhmaneyaal ah hawlgal ay sameeyeen Booliska Yurub "Europol" iyo hay'adda garsoorka ee Midowga Yurub "Eurojust".

    Ilaha garsoorka Faransiiska ayaa sheegay in hogaamiyayaasha burcadda la rumeysan yahay inay saldhigyo ku leeyihiin Ciraaq, Afgaanistaan ​​iyo Eritrea

  8. Muxuu yahay heshiiska cusub ee maanta ay kala saxiixdeen Soomaaliya iyo Turkiga?

    ,

    Xigashada Sawirka, Villa Somalia

    Madaxweynaha Soomaaliya iyo dhiggiisa Turkiga ayaa maanta ku kulmay magaalada Ankara ee xarunta dalka Turkiga.

    Kulanka ayaa sida uu sheegay agaasimaha warfaafinta ee madaxtooyada Soomaaliya, Cabdulqaadir Cali Dige waxaa looga wadahadlay qodobbo ay ka mid yihiin arrimaha dhaqaalaha, amniga, iyo ganacsiga.

    Agaasimaha warfaafinta ayaa BBC-da u sheegay in kulan gaar ah oo labada madaxweyne ay yeesheen looga wada hadlay arrimo ay ka mid yihiin dardargelinta ganacsi ballaalaran oo dhexmara labada dal.

    Wuxuu sidoo kale sheegay in dowladda Turkigu ay dhul siin doonto safaaradda Soomaliya ay ku leedahay dalkaas, dhulkaas oo safaaraddu ay dhawaan dhisan doonto.

    Heshiiskan oo ay qalinka ku duugeen sii hayaha wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya iyo wasiirka deegaanka Turkiga ayaa ah heshiiska kaliya ee ilaa iyo hadda labada dhinac ay qalinka ku duugeen.

    Booqashada wafdiga madaxweyne Xasan Sheekh ee Turkiga ayaa maanta ku ekayd iyagoo dib ugu laaban doona Soomaaliya sida uu BBC-da us heegay agaasimaha warfaafinta ee madaxtooyada Soomaaliya.

  9. Raysal wasaare diiday in uu iscasilo iyadoo ay ka soo horjeesteen xubno badan oo ka mid xisbigiisa.

    ,

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Ra’iisul Wasaaraha Britain, Boris Johnson, ayaa difaacay booskiisa, iyadoo ay jiraan baaqyo ka imaanayay qaar badan oo ka tirsan xisbigiisa oo ku baaqayay in uu xilka ka dago.

    Mr Johnson ayaa su'aalo ka jawaabayay baarlamaanka dhexdiisa markii ugu horeysay tan iyo markii in ka badan 12 xildhibaan oo ka tirsan xisbiga Conservative-ka ay iska casileen xilalkoodii, iyadoo sidoo kalena ay iscasileen laba wasiir oo sare.

    Mid ka mid ah wasiirrada iscasilay, oo ahaa xoghayihii caafimaadka, Sajid Javid, ayaa baarlamaanka u sheegay in dhibitaadu ay ka bilaabatay xagga sare oo uusan filayn in wax isbaddal ah uu yimaado.

    si kastaba ha ahaatee Mr Johnson, ayaa sheegay in dowladdiisu ay wax ka qaban doonto dhaqaalaha, wuxuuna ku adkeystay in shaqada uu sii wadi doono.

    Hoggaamiyaha xisbiga mucaaradka ah ee shaqaalaha, Keir Starmer, ayaa sheegay in Britain ay hadda u baahan tahay isbeddel xukuumadda lagu sameeyo.

  10. Kulan dhexmaray madaxda mucaaradka Somaliland iyo madaxweynaha

  11. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo oo digniin u diray Rwanda

    Ciidamada Congo ayaa wadaa howlgallo ka dhan ah kooxaha hubeysan ee ka dagaallama bariga DRC

    Xigashada Sawirka, AFP

    Qoraalka sawirka, Ciidamada Congo ayaa wadaa howlgallo ka dhan ah kooxaha hubeysan ee ka dagaallama bariga DRC

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo ayaa ka digay in dalkiisa uu qarka u saaran yahay in uu dagaal la galo dalka ay deriska yihiin ee Rwanda xilli uu sii xumaanayo xiriirka ka dhexeeyo labada dal.

    “Haddii Rwanda ay sii wado daandaansiga aysan indhaha ka dadan doonin, ma nihin dad tabar daran” ayuu yiri Félix Tshisekedi oo u warramayay wargeyska kasoo baxa UK Financial Times.

    Wuxuu ku eedeeyay Rwanda inay taageereyso fallaagada M23.

    Madaxweynaha Rwanda Paul Kagame wuxuu marar badan beeniyay inay taageero u fidiyaan fallaagadaas.

  12. Hawlgal shan wadan ka qayb qaateen oo lagu soo qabtay 130 magafayaal ah

  13. Carruur gaajo ugu dhimatay Itoobiya

    Hay'adda dowladda u qaabilsan arrimaha gargaarka ayaa sheegay in gargaar ay gaarsiiyeen deegaanka

    Xigashada Sawirka, AFP

    Qoraalka sawirka, Hay'adda dowladda u qaabilsan arrimaha gargaarka ayaa sheegay in gargaar ay gaarsiiyeen deegaanka

    Ugu yaraan 13 carruur ah ayaa gaajo ugu dhimatay koonfurta Itoobiya kadib macluusha ka dhalatay abaaraha iyo colaadda saameysay gobolka, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta ku sugan halkaas.

    Sarkaal ku sugan degmada ayaa xaqiijiyay in carruurta ay gaajo u dhinteen.

    Mas’uuliyiinta waxay sheegayaan in sare ay u kacday tirada carruurta la daalaa dhacayo nafaqo darrada, waxaana cisbitaalka deegaanka la jiifiyay in ka badan 240 carruur ah.

  14. Xasan Sheekh Maxamuud oo la kulmay Erdogan

    Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa dalka Turkiga kula kulmay madaxweynaha dalkaas Recep Tayyip Erdoğan.

    Waxaa haatan dalka Turkiga ka socda kulan u dhexeeya labada madaxweyne.

    Waxaa lagu wadaa inay ka wadahadlaan arrimo ay kamid yihiin xoojinta xiriirka iskaashi ee labada dal, ganacsiga, diblumaasiyadda iyo amniga.

    Madaxweynaha Soomaaliya ayaa maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa Turkiga isagoo casuumaad ka helay madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan.

    Madaxweynaha Soomaaliya oo lagu soo dhaweeyay Turkiga

    Xigashada Sawirka, Villa Somalia

    Qoraalka sawirka, Madaxweynaha Soomaaliya oo lagu soo dhaweeyay Turkiga
    .

    Xigashada Sawirka, Villa Somalia

  15. Nin 17 sano Talyaaniga ugu xirnaa dambi uusan gelin oo maanta Muqdisho lagu dilay

    Xaashi Cumar

    Xigashada Sawirka, Xaashi Cumar

    Qoraalka sawirka, Xaashi Cumar

    Xaashi Cumar Xasan oo ahaa nin Soomaali ah oo muddo 17 sano ah hadda ka hor ku xirnaa xabsi ku yaal Talyaaniga kaas oo lasoo daayay sanadkii 2016-kii ayaa maanta ku dhintay qarax ka dhacay magaalada Muqdisho.

    Wararka waxay sheegayaan in Xaashi Cumar qarax loogu xiray gaarigiisa.

    Xaashi Cumar oo haatan ka shaqeynayay arrimaha nabadda ayaa waxaa hadda ka hor lagu eedeeyay dil loo gaystay gabar wariye ahayd oo ka tirsanayd Telefishinka RAI ee dalka Talyaaniga iyo sawir qaade la socday sanadkii 1994.

    Maxkamad ku taal magaalada Perugia ee wadanka Talyaaniga ayaa horey u xukuntay lacag gaaraysa saddex milyan oo doolar oo magadhw ah Xaashi Cumar Xasan oo ah nin Soomaali ah oo muddo 17 sano dalkaasi ugu xirnaa dambi aanu galin oo ah dil laba saxafi oo Talyaani ah loogu geystey magaalada Muqdishu sanadkii 1994-kii.

    Xaashi Cumar ayaa bishii October ee sanadkii 2016-kii laga siidaayey xabsiga ka dib markii lagu waayey dambigii loo haystey, iyadoo la qiray in uu ahaa xabsi galin aan sharci ahayn.

  16. Isku dhac Muqdisho ku dhexmaray booliska Soomaaliya iyo burcad hubeysan

    Sawir Hore : Muqdisho
    Qoraalka sawirka, Sawir Hore : Muqdisho

    Booliska Soomaaliya ayaa sheegay in sedex burcad ah lagu dilay iskadhacyo dhexmaray ciidanka amaanka iyo rag hubeysan xili uu socday hawlgal lagu baacasnayo rag hubeysan oo waayadan dhac iyo boob ka waday degmooyinka magaalada Muqdisho.

    Askari boolis ah ayaa sidoo kale ku dhaawacmay iskahor’imaadyada xalay Xamar laga soo weriyay.

    Dhawr iyo Sodon qof ayaa iyana loo xiray tuhunno la xiriira inay ku lug leeyihiin falalka burcadnimo ee Muqdisho ku soo kordhay maalmahan dambe.

    Boolisku waxa kale oo ay sheegeen intii uu socday hawlgalku in lagu soo qabtay hub fudud oo ay isticmaalayeen kooxaha burcadda ah.

    Afhayeenka Booliska Soomaaliya Gaashaanle Cabdifitaax Aadan ayaa BBC-da u sheegay inay qabteen 36 qof oo lagu eedeynayo burcadnimada iyo inay ka gacansanayeen daroogada isla markaana ay baarayaan.

    Wuxuu intaa ku daray inay sii wadi doonaan howlgallada ka dhanka falalka burcadnimada ah.

  17. Abiy Axmed iyo hoggaamiyaha militeriga Suudaan oo ka wadahadlay dagaalka labada dal

    .

    Xigashada Sawirka, @AbiyAhmedAli

    Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo hoggaamiyaha militeriga Suudaan Janaraal Cabdel Fataax Al Burhaan ayaa ku heshiiyay si nabad ah loo xalliyo muranka in muddo ah ka taagnaa xuduudda labada dal ee horseeday dagaalka.

    “Waxaan labadeena ku heshiinay in labada dal ay isla meel dhigeen tallaabooyin iskaashi ah oo ay si nabad ah uga wada shaqeynayaan arrinta” ayuu yiri Abiy oo qoraal soo dhigay bartiisa Twitter-ka.

    Abiy wuxuu hadalkiisa sii raaciyay “Labadeena waxaana naga go’an wadahadal iyo in xal nabadeed lagu xalliyo arrimaha taagan”

    Hoggaamiyaha militeriga Suudaan ayaa dhinaciisa sheegay in kulanka uu ahaa mid miro dhal ah oo lagu guuleystay.

    Wadahadalladan ayaa imaanaya xilli dhawaan uu dagaal ka dhacay deegaanka Al Fashaqa oo ay ku muransan yihiin Suudaan iyoItoobiya.

    Suudan ayaa ciidamada Itoobiya ku eedeysay inay dileen isla markaana ay qabteen ciidamo u dhashay Suudaan balse Itoobiya ayaa warkaas beenisay.

  18. Kulan fool ka fool ah oo la filayo in ay isku soo hor fariistaan xukuumadda iyo mucaaradka Somaliland

    Ka dib kulankii ergadii dhexdhexaadinta xisbiyada mucaaradka ah iyo xukuumadda Jamhuuriyadda gooni isu taageeda ku dhawaaqday ee Somaliland ay la yeesheen madaxweyne Biixi shalay waxa gelinkii dambe la sii daayey siyaasiyiinta mucaaradka ka tirsanaa oo ku jiray xabsiga Mandheera arintaas oo salaadiinta waday ku sheegeen muujin niyad wanaag ah.

    Waxa hadaba sidoo kale la filayaa in ay saaka yeeshaan shir looga hadlayo arimaha cakiran sidiii looga gudbi lahaa xisbiyada mucaaradka ah iyo xukuumaddu suurtogalna ay tahay in madaxweynuhu ka qayb galo kulankaas.

    Hadaba khilaafkan taagan ee ku saabsan doorashooyinka iyo furista ururada siyaasiga ahi ma mid ku qotoma arimo sharci ah oo labada dhinac isku seegan yihiin baa mise waa khilaaf siyaasiya oo labada dhinac mid waliba isagu sheeganayo inuu sharcigii ku taagan yahay?

    Qareen Guuleed Axmed Jaamaca (Dafac) oo ka mid ah sharci yaqaannada Somaliland ayaa BBC-da uga warramay khilaafka.

    Qoraalka Codka, Khilaafka siyaasadeed ee ka taagan Somaliland
  19. Weerar lagu qaaday kolonyada madaxweyne Afrikaan ah oo muslim ah

    Muhammadu Buhari

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Muhammadu Buhari

    Koox hubeysan ayaa weerar ku qaaday kolonyo uu la socday madaxweyana Nigeria Muhammadu Buhari oo marayay gobolka uu kasoo jeedo ee Katsina ee dhaca waqooyiga dalkaas.

    Labo qof ayaa ku dhaawacmay weerarka kuwaas oo la socday saraakiisha ilaalada madaxweynaha, saraakiisha hab maamuska qaabilsan iyo warbaahinta, waxay kolonyada horudhac u ahaayeen safarka madaxweynaha, sida laga soo xigtay afhayeenka maaxweynaha Garba Shehu.

    Kolonyada ayaa ku wajahnaa magaalada Daura ee uu kasoo jeedo madaxweynaha , Buhari ayaa lagu wadaa in munaasabadda Ciidul Adxa uu dadweynaha halkaa kula dabbaaldego, dableyda ayaa rasaas ku furtay kolonyada.

    Militeriga ayaa iska caabiyay weerarka, sida ay sheegtay madaxtooyada.

    Katsina wuxuu kamid yahay gobollada dhaca waqooy galbeed Nigeria oo ay sida weyn u saameeyeen falalka dambiyeedka ay geystaan kooxaha burcadda ah.

    Dad badan ayaa lagu dilay gobolka halka kumanaanna la afduubay tan iyo sannadkii 2015-kii.

  20. Kulanti wacan kusoo dhawaada tebinta tooska ah oo aan idiin kuugu soo gudbinno wararkii ugu dambeeyay Soomaalida iyo Caalamka.