Arag la’aanta kama hor istaagin inuu shahaadada ugu sarreysa qaato

Dr Jamaal Cabduqaadir

Xigashada Sawirka, JAMAL ABDULQADIR

Published

Magaciisa Waa Jamal Cabduqaadir. Waana Aabbe dhalay lix carruur ah.

1968-kii ayuu ku dhashay magaalada Adaabaa ee ku taalla bartamaha dalka Itoobiya.

Jamaal wuxuu sheegay arag la’aantu iney carruurnimadiisa la kowsatay balse uu ku dhalan.

Hase yeeshee, arag li’ida haysata kama hor istaagin inuu waxbarto oo weliba waxbarashada uu ka gaaro heerki ugu sarreeyey.

Shahaadada seddexaad ee loo yaqaanna PHD oo luuqadda Ingiriiska wuxuu dhawaan ka qaatay Jaamacadda Addis Ababa.

Jamaal wuxuu sheegay geeddi socodkiisa waxbarasho inuu ka soo billaabay dugsi qur’aan xilligi uu yaraa.

Heerka uu waxbarashada ka gaarayna uu qaybta ugu weyn uu ku leeyahay barashada qur’aanka oo labadiisa waalid carruurnimadiisa soo bareen.

Muddo 24 sana ah wuxuu macallin dhiga maddada Ingiriisiga uu ka soo ahaa kulliyadda macallimiinta ardayda baahiyaha gaarka ah qaba oo ku taalla magaalada Sebeta.

Jamaal waxaa kale uu sheegay maalmaha xusuusta gaarka ah noolashisa ku leh uu marnaba Illaawin iney tahay maalintii uu bartay mashiinka Braille-ka oo ay dadka aragga la’ wax ku qoraa.

“Braille-ka a sida wax looga qoro marki aan bartay ayaan ogaaday arag la’aanteydu iney iga hor istaageyn inaan wax barto,” ayuu yiri Jamaal Cabduqaadir.

Siduu aragga ku beelay?

Mashiinta Braille-ka ee ay dadka aragga la' wax ku qoraan

Jamaal wuxuu aragga waayey carruurnimadiisi.

“Maalin maalmaha ka mid ah aniga oo carruur la ciyaaraya da’deeduna ay 5 jir tahay, ayuu wiil yar isha qori iga geliyey wixi intaa ka dambeeyey ayaan aragga beelay,” ayuu yiri.

Waaliddiintiisa xilligaa waxay ula carareen isbitaal balse nasiib darro waxba lagama qaban karin oo dhakhaatiirtii waxay u sheegeen inuu sidaa aragga ku beelay.

“Waalidiinteyda arag la’aanta igu dhacday aad ayey ugu naxeen. Weliba aabbaheey ilaa aan qof weyn ka noqday wuxuu dhihi jiray wax weliba inaan waayo oo aad adigu arag hesho ayaan jeclaan lahaa,” ayuu yiri Jamaal.

Jamaal inkasta oo uu nasiib u yeelan inuu araggiisa u soo labto haddana wuxuu go’aansaday inuu  waxbarashada heer gaaro.

Waxbarashada caadiga ah iyo sida uu ku billaabay

Iskuulka uu Jamaal wax ka soo bartay

Xigashada Sawirka, Social Media

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Jamaal carruurta la da’da ahay marki ay waxbarasho u dareereen isaga nasiib uma yeelan inuu waxbarto maadaamaa deegaankii uu ku noolaa uu ka jirin dugsi loogu tala galay dadka aragga la’.

Waaliddiintiisa waxay go’aansadeen inta xal looga helayo inuu madrsa diini ah uu waxbarashadiisa ka sii wato.

Muddo kaddib wuxuu u soo safray magaalada Adaaba oo loogu sheegay macallin aragga la’ oo dugsi sare oo halkaa ku yaalla macallin ka ah.

Halkaa ayey ka billaabatay fursadda waxbarashada Jamaal oo waxaa qoraalka iyo wax akhriska baray macallinki uu u tagay isaga oo isticmaalaya mashiinta Braille-ka.

“Maalinta noolasheyda iigu farxadda badneyd waxay ahayd maalinta aan bartay inaan mashiinta Braille-ka wax ku qoro,” ayuu yiri Jamaal oo xusuusanayo dadaalka uu waxbarashada u soo maray.

Wixi inta ka dambeeyeyna wuxuu Jamaal fursad u helay inuu ku biiro dugsiga dadka aragga la’ looga talagalay ee ku yaalla sabataa halkaa ayuu waxbarashada ka sii watay.

24 Sano wuxuu soo ahaa macallin halka 5 sanana uu ahaa shaqaale xafiis dowladeed ka shaqeeya.

Jamaal Cabduqaadir wuxuu aaminsan yahay isagu maadaamaa ilaahey uu ku garab galay waxbarashada inuu heer sare ka gaaro, inuu doonaya carruurta yaryar ee aragga la’ inuu isagu u noqdo tusaale ay ku daydaan.

Sanadihi u dambeeyeyna wuxuu ku howlanaa cilmi baarisyo la xiriira xal u helidda dhibaatooyinka faraha badan ee haysta carruurta aragga la’.