Drogba iyo Eto'o oo dhaleeceeyay 'dhaqaatiir soo jeediyay in Afrika lagu tijaabiyo tallaalka cudurka Corona'

Tebinta tooska ah

Tebin toos ah

  1. Al Shabaab iyo dowladda oo ku dagaallamay Shabeellaha Hoose

    .

    Labo weerar oo culus ayay saaka kooxda Al-Shabaab ku qaaday xerada milatariga Soomaaliya ee deegaanka Ceel Saliini oo ku dhaw lambar lixdan iyo degmada Qoryooley.

    Weerarka koowaad ayay ku qaadeen xerada Ceel Saliini, iyagoo ku bilaabay weerarkooda baabuur walxaha qarxa lagu soo raray oo lagu qarxiyay xerada dibadeeda kadibna waxa bilowday dagaal culus oo muddo dhawr saacadood ah socday.

    Al-Shabaab oo weerarka soo qaaday ayaa sheegtay inay qabsadeen xerada ciidamada isla markaana ay dagaalka ku dileen 15 askari kuna furteen shan gaari oo tikninko ah iyo saanad hub ah.

    Haseyeeshee milatariga Soomaaliya ayaa sheegay inay iska caabiyeen weerarka Alshabaab ee Ceel Saliini isla markaana ay dileen 11 ka tirsan kooxda weerarka soo qaaday.

    Illaa hadda ma jiro war madax bannaan oo ka hadlaya khasaaraha ka dhashay dagaalka Ceel Saliini marka laga soo tago sheegashada labada dhinac.

    Dhinaca kale isla Kooxda Al-Shabaab waxay weerar ku qaaday degmada Qoryooley kaas oo u muuqday mid looga hortagayay in loogu gurmado ciidamada milatariga ee dagaalku ku qabsaday Ceel Saliini.

    Waxayna bilowgiiba qarax ku burburiyeen buundada magalaada laga soo galo ee ku taala koonfurta degmada kadibna waxay isku dayeen inay qarxiyaan buundada labaad waxaase ka hor istaagay ciidanka oo uma suurta galin inay fuliyaan qaraxaasi inuu gaaro buundada sida ay BBC-da u sheegeen dad ku sugan Qoryooley.

    Illaa hadda ma cadda khasaaraha ka dhashay iska hor’imaadyada ka dhacay Qoryooley.

  2. Wadaad diimeed ku baaqay in aanan la guursan gabdhaha aan aqoon cunto karinta

    Baadari caan ka ah dalka Nigeria ayaa Isniintii ku baaqay in aanan la guursan haweenka aan aqoon cunto karinta, hadalkan ayaa caro ka dhaliyay gudaha dalka Nigeria.

    Baadarigan oo lagu magacaabo Enoch Adeboye ayaa hogaamiya kaniisadda ugu weyn Nigeria.

    Dadka isticmaala baraha bulshada ayaa si weyn uga carooday hadalka kasoo baxay baadariga ee ah in ragga aysan guursan gabdhaha aan aqoon cunto karinta.

    "Wiilasheydow, ha guursanina haweenka aan aqoon cunta karinta, waxaa looga baahan yahay inay garaneyso shaqada guriga iyo cunto karinta sababta oo ah mar kasta ma awooddid in aad cunto kasoo cuntid dibadda" ayuu yiri baadariga oo qoraalkan soo dhigay bartiisa Twitter-ka.

    Ka bood X boggan
    Oggolow X macluumaadka

    Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

    Digniin: BBC macluumaadka ku qoran bog kale masuul kama ahan

    Dhammaadka X boggan

  3. Xoghayaha arrimmaha dibadda ee Mareykanka oo gaaray Itoobiya

    Xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka oo gaaray Addis Ababa

    Xigashada Sawirka, AFP

    Qoraalka sawirka, Xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka oo gaaray Addis Ababa

    Xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka, Mike Pompeo ayaa gaaray dalka Itoobiya halkaas oo uu kulan kula qaadanayo ra’iisul wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed.

    Waxaana lagu wadaa inay ka wadahadlaan arrimaha nabadgalyada gobolka iyo ismari waaga u dhexeeyo Masar iyo Itoobiya kaas oo ku saabsan muranka ka dhashay dhisidda biyo xireenka weyn ee laga dhisayo Webiga Nile.

    Mareykanka wuxuu waday dadaallo uu ku dhexdhexaadinayo Masar iyo Itoobiya, Masar waxay si weyn ugu tiirsan tahay biyaha Webiga Nile isla markaana waxay ka casbi qabtaa in biyo xireenka ay Itoobiya dhiseyso uu fursad u siiyo in inta badan ay la wareegto biyaha.

  4. Carruur dhimatay kaddib markii ay cuneen doolsho sumeysan

    Labo carruur ah ayaa ku dhimatay dalka Uganda halka 11 kalena loola cararay isbitaal kaddib markii ay cuneen doolsho lagu dubay saliid sumeysan, sida laga soo xigtay wargeyska The Daily Monitor.

    Carruurtan waxay kasoo jeedaan hal qoys ah oo ku nool deegaanka Budumba ee dhaca galbeedka Uganda.

    Wargeyska ayaa sidoo kale ku warramay in carruurta ay iyagu karsadeen doolshada sumeysneyd balse ay ku khaldameen maaddo sun ah oo horseeday inay ku kariyaan doolshaha.

    Sunta ay saliidda ahaanta u adeegsadeen carruurta ayaa waxaa lagu buufiyaa beeraha khudaarta, sida uu ku warramay wargeyska.

    Ka bood X boggan
    Oggolow X macluumaadka

    Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

    Digniin: BBC macluumaadka ku qoran bog kale masuul kama ahan

    Dhammaadka X boggan

  5. Muxuu Muuse Biixi ka yiri "tegitaanka" Farmaajo ee Hargeysa?

    Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi
    Qoraalka sawirka, Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda Iskeeed ugu dhawaaqday madaxbanaanida ee Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa soo dhaweeyay raalli gelintii madaxweyne Farmaajo uu u jeediyay Somaliland balse waxa uu meesha ka saaray in Farmaajo uu booqasho ku tego Hargeysa.

    "Madaxweynaha Soomaaliya imaanaya Somaliland, horta waa hadal heyn, laakin hadal heyntaaba xun, madaxweynaha Soomaaliya , Maxamed Cabdullaahi, tallaabo wanaagsan buu qaaday marka uu yiri raalin gelin baan bixinay, laakin wuxuu ku dilay markuu yiri waan imanayaa Hargeysa," ayuu yiri Muuse Biixi oo jeedinayay khudbad sannadeedka.

    Wuxuu sidoo kale sheegay in Soomaaliya ay ka shaqeysay cunaqabateyn dhaqaale oo lagu soo rogo Somaliland.

    "Waxaa kamid ah inay dagaal la gasho oo ay xiriirka u goyso dowlad kasta iyo ha'yad kasta oo xurmeyso ama maamusta Somaliland"

    Madaxweyne Muuse Biixi wuxuu sidoo kale ka dhawaajiyay in Soomaaliya ay heshiin karaan waa haddii ay qaddariyaan go'aanka shacabka Somaliland iyo gooni isu taagooda.

    .
  6. IGAD iyo dowladda Soomaaliya oo shir kusoo gabagabeeyay Muqdisho

    Shirka wadatashiga ee IGAD iyo dowladda Soomaaliya oo maanta lasoo gabagabeeyay
    Qoraalka sawirka, Shirka wadatashiga ee IGAD iyo dowladda Soomaaliya oo maanta lasoo gabagabeeyay

    Dawladda Federaalka iyo Urur Goboleedka IGAD ayaa maanta magaalada Muqdisho ku soo gabagabeeyay shir wadatashi ah oo ku saabsanaa hannaanka ilaalinta nabad gelyada iyo wado shaqeynta heer gobol ee wadamada saaran Badda Cas iyo Gacanka Cadan.

    Shirka oo socday muddo labo maalmood ah ayaa kooxda ka socotay IGAD waxay uruurisay aragtida dawladda Soomaaliya ee ku aadan istiraatiijiyadeeda ku aadan nabadda iyo wadashaqeynta dallalka gobolka.

    U qeybsanaha madaxweynaha Soomaaliya ee arrimaha Isbahaysiga Badda Cas iyo Gacanka Cadan Balal Maxamed Cusmaan ayaa BBC u sheegay in marka ay soo dhamaadaan la tashiyada lala sameynayo dawladdaha gobolka la soo saari warbixin dhameystiran oo ku aadan arrimaha looga hawlgalayo.

  7. Bariga Afrika: Qiimaha yaanyada oo sare u kacay

    Qiimaha yaanyada oo sare u kacay

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Qiimaha yaanyada oo sare u kacay

    Qiimaha lagu kala iibsado khudradda yaanyada ayaa sare u kacay dalal ka tirsan bariga Afrika, waxaana dalalkaas kamid ah Kenya, Uganda iyo Tanzania.

    Inta badan yaanyada waxaa laga sameeya maraqa, waxaana sare u kaca qiimaheeda loo aaneeyay roobabka mahiiganka ah ee ka da'y gobolka.

    Wuxuu hoos u dhac ku yimid wax soo saarka beerihii laga soo saari jiray yaanyada taasoo dhalisay in beeraleyda ay dabuuli waayaan baahida suuqa.

    Magaalada Nairobi ee dalka Kenya, xabaddii yaanyada aheyd waxaa lagu kala iibsanayaa qiimo ilaa 5 iyo 7 jeer ka badan kii hore.

    Dad badan ayaa cabasho ka muujiyay arrintani, waxayna codsadeen khudaar kale oo ay ku beddalan karaan yaanyada maadama aysan gooyi karin.

  8. Ururka Taliban iyo Mareykanka oo heshiis horudhac ah gaaray

    Saraakiisha Taliban ee horraantii sannadka ku sugnaa Moscow

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, Saraakiisha Taliban ee horraantii sannadka ku sugnaa Moscow

    Warka ka soo baxay Taliban ayaa xaqiijinaya hadal uu horay u sheegay sarkaal sare oo Maraykan ah kaasoo tilmaamay in heshiis hordhac ah laga gaaray colaadda Afghanistan.

    Suheyl Shaheen oo ah afahayeenka Taliban ee ku sugan Doha ayaa sheegay in heshiiska qalinka lagu duugi doono dabayaaqada bishan.

    Dhinaca kale, madaxa fullinta ee dowladda Afqanistaan, Cabdullaahi Cabdullaahi ayaa sheegay in heshiiska uu bog cusub u yahay Afqanistaan isla markaana ay fusrad u tahay Talibaan oo ah inay doonayaan nabadda.

    Wadaxaajoodka u dhexeeya Maryakanka iyo Taliban ayaa muddo sanad ka badan ka socday dalka Qatar, balse bishii September ee sanadkii hore ayuu burburay kadib markii uu joojiyay madaxweyne Trump.

    Waxaa hadda billaaban doona qeybta ugu adag heshiiska.

    Waxaa todobaadkan la ogaan doonaa sida uu ururka Taliban u dhaqangelinayo qodobada heshiiska hordhaca ah, marka ay billaabato xabbad joojin todobaad qaadaneysa oo looga gol leeyahay in lagu dhimo colaadda.

    Haddii ay taasi meel marto, waxaa si rasmi ah loo kala saxiixan doonaa heshiiska oo dhamaystiran, kaasoo ay ku jiraan qeybo looga hadlayo sida ururka Taliban uu usoo afjarayo colaadda iyo qaabka ay dalkaasi uga bixi doonaan ciidamada Maraykanka.

    Ergayga Maraykanka u qaabilsan wadahadallada, Zalmay Khalilzad, ayaa bartiisa Twitter-ka ku qoray in howsha culayskeedu ay hadda billaabanayso.

    Waxaa la filayaa in wadahadallo adag ay dhexmari doonaan hoogaamiyayaasha Afghanistan, kuwaasoo la filayo inay dhawaan ka xaajoodaan heshiiska uu Maraykanka la galay Taliban.

  9. Jarmalka oo lagu qabtay 'koox weerari rabtay masaajid'

    12 qof oo looga shakiyay inay ka tirsan yihiin kooxda midigta fog ayaa Jimcihii lagu xiray Jarmalka

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, 12 qof oo looga shakiyay inay ka tirsan yihiin kooxda midigta fog ayaa Jimcihii lagu xiray Jarmalka

    Xubno ka tirsan kooxaha midigta fog ee dalka Jarmalka ayaa la xiray kaddib markii ay qorsheynayeen inay weeraraan masaajid, siyaasiyiin iyo dadka magangelyo doonka ah, sida laga soo xigtay warbaahinta gudaha ee dalkaas.

    Xubnahan oo gaarayo ilaa 12 qof ayaa waxay ka tirsan yihiin koox lagu magacaabo Der harte Kern, waxaana xabsiga la dhigay Jimcihii.

    Qof kale oo ka tirsanaa kooxdan ayay booliska ku raad joogaan, sida uu ku warramay wargeyska Welt am Sonntag.

    Jarmalka waxaa kusoo batay dadka taageero kooxaha midigta fog gaar ahaan waxaa laga taageera deegannada bariga dhaca.

    Mas'uuliyiinta Jarmalka waxay wadaan howlgallo lagu raadinayo dadka ka tirsan ururka midigta fog kaddib dilkii loo geystay siyaasi u dhashay dalkaas iyo weerarkii lagu qaaday goob ay ku cibaadeystaan dadka Yuhuudda ah sannadkii lasoo dhaafay.

  10. Suudaan oo diyaaradaha Israa'iil u ogolaatay inay maraan hawadeeda

    Diyaarad laga leeyahay Israa'iil ayaa markii ugu horreysay dhul martay hawada Suudaan

    Xigashada Sawirka, Nur Photo

    Qoraalka sawirka, Diyaarad laga leeyahay Israa'iil ayaa markii ugu horreysay dhul martay hawada Suudaan

    Israa'iil waxay sheegtay in diyaaradaheeda rakaabka ah ay bilaabeen inay dul maraan hawada waddanka Suudaan xilli ay heshiis ku saabsan arrintaas ay la galeen xukuumadda Khartuum.

    Ra'iisul wasaaraha Israa'iil, Benjamin Netanyahu, ayaa hogaamiyeyaal Yuhuud ah oo booqday u sheegay in diyaaraddii ugu horreysay ay Israa'iil leedahay Sabtidii ay martay hawada Suudaan taas oo ku wajahneyd koonfurta Amerika.

    Wuxuu sheegay in heshiiskaas ay u horseedi doonto in diyaardahooda ay saddex saac ka hor ay tegi karaan goobaha ay ku wajahan yihiin.

    Dowladda Suudaan, waxay horraantii bishan sheegtay inay heshiis horudhac ah ay ugu ogolaatay Israa'iil in diyaaradaheeda rakaabka ah ay mari karaan hawada Suudaan.

  11. Kulanti wacan akhyaarta halkan nagala socotaay kusoo dhawaada tebinta tooska ah.

    Waa Isniin taarikhda waxay ku beegan tahay 17-ka bisha Febraayo 2020.