Drogba iyo Eto'o oo dhaleeceeyay 'dhaqaatiir soo jeediyay in Afrika lagu tijaabiyo tallaalka cudurka Corona'

Tebinta tooska ah

Tebin toos ah

  1. Hawlgalka Midowga Yurub ee tababarka Soomaaliya oo dad karantiilay

    Saddex qof oo ka tirsan Hawlgalka Midowga Yurub ee tababarka Soomaaliya ayaa haatan la karantiilay kaddib markii looga shakiyay fayraska Corona, sida uu barta Twitter-ka ku sheegay hawlgalkaasi.

    Lama ogo in saddexdan lagu karantiilay gudaha Soomaaliya maadama aan la sheegin goobta.

    Hawlgalka Midowga Yurub wuxuu sidoo kale xaqiijiyay in Soomaliya aan laga helin cudurka Corona.

    Dowladda Soomaaliya waxay shalay xaqiijisay in dalka uusan soo gelin cudurka Corona balse ay jiraan afar qof oo Soomaali ah oo ka yimid dhinaca Shiinaha oo lagu karantiilay garoonka diyaaradaha ee Muqdisho.

  2. War deg deg ah, Kenya oo laga helay kiiskii ugu horreeyay ee fayraska Corona

    Wasiirka caafimaadka ee dalka Kenya, Mutahi Kagwe, ayaa goor dhaweyd shaaciyay in qof qaba xanuunka Corona laga helay dalkiisa.

    Haweeneyda cudurka lagu arkay ayaa la sheegay inay ka timid Maraykanka, soona martay London.

    Wasiirka ayaa sheegay in haweeneyda ay hadda xaaladeeda caafimaad wanaagsan tahay, laguna sii heyn doono cisbitaalka ilaa iyo inta ay ka caafimaadeyso.

    Dowladda Kenya ayaa sheegtay inay dabagal ku samayn doonto dhammaan dadkii la kulmay haweeneydaasi tan iyo markii ay soo laabatay.

  3. Kenya oo baareysa eedeymo la xiriira dhiig dalkeeda laga xaday oo Soomaaliya lagu iibiyay

    Wasiirka caafimaadka ee Kenya oo ka hadlay eedeymaha dhiigga sida sharci darrada ah loo geeyay Soomaaliya
    Qoraalka sawirka, Wasiirka caafimaadka ee Kenya oo ka hadlay eedeymaha dhiigga sida sharci darrada ah loo geeyay Soomaaliya

    Dowladda Kenya waxay sheegtay inay socdaan baaritaanno ay ku waddo eedeymo la xiriira in dhiigga lagu deeqo shacabka dalkaas si sharci darro loogu iib geeyo dalka Soomaaliya.

    Wasiirka caafimaadka Kenya Mutahi Kagwe ayaa sheegay in saraakiil ka tirsan dowladda ay ku lug lahaan karaan howlaha la xiriira dhiigga Kenya laga xado ee lagu iibiyo Soomaaliya.

    Wasiirka wuxuu sidoo kale sheegay in haddii saraakiisha lagu caddeeyo in dhiigga si sharci darro ah ay u geeyeen Soomaaliya la xiri doono isla markaana la maxkamadeyn doono.

    Waa markii ugu horreysay ee Kenya ay qirato in keydkeeda dhiigga uu yahay mid yar oo aan dabooleyn baahida.

    Mana jiro wax war ah oo kasoo baxay dowladda Soomaaliya oo ku aadan eedeymahan.

    Adeegyada keydka dhiigga ee Kenya waxaa 15-kii sanno ee lasoo dhaafay maalgelineysay dowladda Mareykanka inkasta oo sannadkii lasoo dhaafay uu Mareykanka deeqda dhiigga ah joojiyay, wixii xilliggaas ka dambeeyay dalkaas wuxuu la daalaa dhacayay xoojinta keydka dhiigga.

  4. Ciyaartooyda kooxda Real Madrid oo la karantiilay

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Ciyaartooyda kubadda cagta iyo koleyga ee ka tirsan kooxda Real Madrid ayaa loo diray in iskood isu karantiilaan kaddib markii ciyaartooy ka tirsan kooxdan ka dhisan Spain laga helay cudurka Corona.

    Waxay arrintani horseeday in ciyaaraha horyaalka La Liga la hakiyo muddo 2 toddobaad ah.

    Wuxuu go'aan ka dambeeyay markii saraakiisha La Liga ay la kulmeen xiriirka kubadda cagta Spain iyo ururada ciyaaraha ee dalkaas.

    Dalka Spain in ka badan 2,000 qof ayuu ku dhacay feyraska Corona.

  5. Basaska Mandheera ee Nairobi aada oo maanta la joojiyay

    Sawir tusaale u ah weerarkii Baska ee Mandheera

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, Sawir tusaale u ah weerarkii Baska ee Mandheera

    Basaska ka baxa magaalada Mandheera ee aadda caasimadda Nairobi ayaa maanta la joojiyay amni darro ka taagan wada ay maraan awgeed.

    Shalay gelinkii dambe ayay ahayd markii dabley hubaysan ay ugu yaraan hal qof ku dileen bas marayay meel u dhaw deegaanka Rhamu ee Mandheera.

    Wararka ayaa intaa ku daraya in gaari kale oo dawo waday jidka loo galay, isla markaana dad lagu dilay.

    Booliska ayaa ku amray shirkadaha basaska inay nagaadaan inta laga xaqiijinayo ammaanka wadada.

    Xubno ka tirsan Al-Shabaab ayaa weerarro inta badan lagu beegsanayo dadka aan deegaanka u dhalay ka fuliyay deegaanno ka tirsan Mandheera.

  6. Afrika oo soo saareyso qalab si deg deg ah lagu ogaan karo Corona

    .

    Xigashada Sawirka, .

    Waxaa dalka Senegal lagu sameynayaa qalab si deg deg ah loogu ogaan karo cudurka Corona isla markaana loo adeegsan doono baaritaanada.

    Wuxuuna cudurka soo saaraya muddo 10 daqiiqo gudahood ama in kale.

    Qalabka haatan lagu sameynayo sheybaar ku yaal Dakar ayaa waxaa lagu wadaa inuu diyaar noqdo bisha June.

    Waxaa mashruucan iska kaashaday shirkad laga leeyahay Ingiriiska iyo macadka Pasteur de Dakar ee Senegal.

    Ku dhawaad 2 malyan oo qalabka ah ayaa sannadka kasta lasoo saari doonaa waxaan la gaarsiin doonaa guud ahaan qaaradda, sida lagu sheegay Website ay leeyihiin kooxda waddo mashruuca.

    Arbacadii, Ha'yadda Caafimaadka Adduunka waxay ku dhawaaqday in feyraaska Corona uu yahay saf mar.

    Cudurka Corona wuxuu ku baahay ilaa 114 waddan, wuxuu ku dhacay 118,000 qof halka ay u dhinteen in ka badan 4,200 qof.

  7. Mareykanka iyo Ingiriiska oo ciidammo looga laayay Ciraaq

    Xerada militariga ee Taji waxaa lagu tababaraa ciidammada Ciraaq

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, Xerada militariga ee Taji waxaa lagu tababaraa ciidammada Ciraaq

    Ra'iisul wasaaraha Ingiriiska Boris Johnson ayaa ku tilmaamay dilka loo geystay labo qof Amerikaan ah iyo sarkaal ka tirsan ciidanka Britain mid aan la aqbali karin.

    Waxaa Ciraaq lagu dilay mid kamid ah ciidammada Mareykanka, nin qanddaraasle ah oo Amerikaan ah iyo mid kamid ah ciidammada Ingiriiska xilli madfac lagu weeraray saldhig militari oo ay ku sugnaayeen ciidammada oo ku yaal agagaarka caasimadda Baqdaad.

    Ugu yaraan 12 qof ayaa ku dhaawacantay weerarka lala beesaday xerada militariga ee Taji ee ku taal waqooyiga Baqdaad halkaas oo ay ku sugan yihiin ciidammada isbaheysiga ee tababarka siiya kuwo Ciiraaq.

    Lama ogo cidda weerarka geysatay balse Mareykanka ayaa horey ugu eedeeyay maleeshiyaad taageero ka helo Iiraan in weerar noocan ay horey u fuliyeen.

  8. Itoobiya oo qabatay hub sharci darro ah

    Saraakiisha sirddoonka Itoobiya waxay u sheegeen telefishinka dowladda Itoobiya inay qabteen koonteenar uu ka buuxo hub sharci darro ah oo lasoo marsiiyay dhinaca dekedda Jabuuti.

    Saraakiisha waxay sidoo kale sheegeen inay rumeysan yihiin in hubkan laga soo dhoofiyay dhinaca Turkiga isla markaana ay Itoobiya soo geliyeen kooxo caalami ah oo ka ganacsato hubka sharci darrada ah, sida laga soo xigtay warbaahinta.

    Hubkan waxaa ku jiray ilaa 18,000 bastoolad, waxaana qiimahiisu lagu qiyaasay 13 malyan oo doolar.

    Saraakiisha waxay ka dhawaajiyeen inay qabteen 24 qof oo looga shakisan yahay hubka. labo kamid ah dadkaas waxay u dhasheen Suudaan.

  9. Abiy Axmed oo laga “talageliyay” xiisadda Kenya iyo Soomaaliya

    Wasiirka amniga ee Kenya, Fred Matiang'i, ayaa sheegay inuu kulan la yeeshay Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed si ay uga xaajoodaan xaaladda ka taagan xuduudda dalkiisa uu la wadaago Soomaaliya.

    Beled Xaawo oo ah magaalada ay xaaladdu ka taagan tahay ayaa dhacda xuduudda saddex geesoodka ah ee ay wadaagaan Soomaaliya, Kenya iyo Itoobiya.

    Matiang'i ayaa bartiisa Twitter-ka ku qoray inuu doonayo “qaababka ay isaga kaashan karaan” Itoobiya sidii xal loogu heli lahaa dhibaatada xuduudda ka taagan.

    Ka bood X boggan
    Oggolow X macluumaadka

    Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

    Digniin: BBC macluumaadka ku qoran bog kale masuul kama ahan

    Dhammaadka X boggan

    Kulanka ayaa kusoo beegmay todobaad kadib markii ciidamada dowladda Federaalka iyo xooggag daacad u ah Jubaland ay ku dagaallameen Beled Xaawo.

    Axadii ayay ahayd markii uu Mr Matiang'I magaalada Muqdisho kula kulmay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaaji oo ay ka wadahadleen xaaladda xuduudda ka taagan.

    Soomaaliya ayaa dhawaan Kenya ku eedaysay inay faragelin ku hayso arimaheeda gudaha.

  10. Diyaarad dagaal oo ku burburtay Pakistan

    Diyaaradda waxay ku burburtay deegaan u dhaw magaalada Islamabad

    Xigashada Sawirka, AFP

    Qoraalka sawirka, Diyaaradda waxay ku burburtay deegaan u dhaw magaalada Islamabad

    Diyaarado dagaal oo ay leeyihiin ciidamada cirka ee Pakistan, ayaa ku burburtay meel u dhaw beer ku taala caasimadda Islamabad.

    War qoraal ah oo ka soo baxay taliska ciidamada cirka ee Pakistan ayaa lagu sheegay in diyaaradaas ay ku guda jirtay diyaargarowka ku aadan maalinta xorriydda ee dalkaas oo ku beegan 23 bishan Maarso.

    Booliska caasimadda Islamabad ayaa isku gedaamay halka ay ku dhacday diyaaradda oo aan ka fogeyn garoonka Jinnah.

    Ciidanka cirka ee Pakistan ayaa sheegay in duuliyihii diyaaradda, Noman Akram Shaheed uu ku dhintay shilka, waxaana milateriga dalkaas ay amreen in la sameeyo baaritaan ku aadan waxa dhacay.

    Waxaa baraha bulshada lasoo dhigay muuqaallo muujinaya diyaaradda oo dhaceyso, kadibna qiiq aya cirka isku shareeray. Muuqaaladaas ayaa u muuqday kuwa laga duubay dhismayaal ku ag yaala halka ay diyaaradda ku dhacday.

    "Kooxaha gurmadka ayaa halka ay diyaaradda ku dhacday loo diray," sida lagu sheegay war qoraal ah oo ka soo baxay taliska ciidanka cirka.

    Afhayeen u hadlay ciidanka cirka ee Pakistan ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay inay qiimeynayaan khasaaraha ka dhashay diyaaradda.

  11. Uganda oo 500 kun oo doolar si khaldan ugu dirtay Shiinaha

    Wasaaradda maaliyadda Uganda ayaa ka codsatay safaaradda Uganda ee Shiinaha inay dib usoo celiso lacago si khaldan loogu diray Shiinaha kaddib markii la ogaaday in 10 jeer ka badan la diray lacagtii horey loo qorsheyay.

    Golaha wasiirada Uganda ayaa ansixiyay $61,800 doolar si loogu diro ardeyda u dhalatay dalkaas ee ku go'doonsan magaalada Wuhan oo ah goobta uu ka dilaacay caabuqa Corona ee dalka Shiinaha.

    Balse wasaaradda waxbarashada Uganda ayaa codsatay in $600,000 lagu taakuleeyo ardeyda ku sugan Shiinaha.

    Sarkaal ka tirsan wasaaradda waxbarashada oo uu soo xigtay wargeyska The daily Monitor ayaa sheegay in lacagta ay ansixiyeen golaha wasiirada isla markaana loo diray Shiinaha.

  12. Ciyaaryahanno ka tirsan Arsenal oo laga baqay inay qaadeen caabuqa Corona

    .

    Xigashada Sawirka, Getty

    Kulanka caawa dhexmari lahaa kooxaha Manchester City iyo Arsenal ayaa noqday kii ugu horreeyay ee laga baajiyo Horyaalka Ingiriiska caabuqa Corona awgii.

    Go’aankan ayaa la gaaray kadib markii ay cadaatay in qaar kamid ah ciyaartooyda Arsenal ay laba todobaad ka hor la kulmeen milkiilaha kooxda Olympiakos ee dalka Giriigga ka dhisan, Evangelos Marinakis, ninkaasi oo dhawaan laga helay caabuqa Corona.

    "Talada caafimaad ee aan helnay ayaa muujinaysa in ay aad u yartahay khatarta ah in ciyaaryahannadaasi uu ku dhacay caabuqa Corona," ayaa lagu sheegay qoraal ka soo baxay Arsenal.

    "Hase yeeshee waxa aan si adag u raaceynaa talada dowladda ee ah in qof kasta oo xiriir dhaw la sameeyay shakhsi qaba caabuqa uu is karantiillo muddo 14 maalmood ah oo ka billaabmeysa marka ugu dambeysay ee ay kulmeen, " ayuu sheegay naadiga Arsenal.

    Kooxda ayaa sheegtay in maadaama aysan ciyaartooydaasi ka qeyb qaadan karin kulanka caawa uu Horyaalka Premier League go’aansaday in ciyaarta la baajiyo.

    Arsenal ayaan shaacin magacyada ciyaartooyda la kulantay Mr Marinakis.

  13. Geri naadir ah oo laga baadigoobayo Kenya

    .

    Xigashada Sawirka, Hirola Conservation Program

    Waaxda duurjoogta Kenya ayaa ku raad joogta labo geri oo naadir ah oo markii ugu dambeysay lagu arkay duleedka magaalada Gaarisa ee gobolka Waqooy Bari, waxaana isa soo taraya walaaca ah in la dilay labadan geri.

    "Waxaan xaqiijin karnaa oo keliya in la dilay marka aan aragno raqdooda, deegaanka waa mid baaxad weyn meel kastana wey isaga gudbi karaan," ayuu u sheegay BBC afhayeenka waaxda duurjoogta ee Kenya, Ngugi Gecaga.

    Maamulaha seeraha Ishaqbini ayaa BBC u sheegay in koox ku raad joogtay geriga ay Talaadadii raqdiisa ku arkeen tuulo ku taal degmada Masalaani.

    Wuxuu intaas ku daray in rasaas ay ka muuqatay xayawaankaasi duurjoogta ah.

    Labada geri oo uu midabkooda cadaan yahay ayaa la waayay ku dhawaad 3 bilood ka hor, sida uu sheegay maamulka seerahaas.

    Waaxda duur joogta Kenya ayaan weli xaqiijin halka jaan iyo cirib ay dhigeen labada geri.

    Sanadkii 2017-kii ayay aheyd markii baraha bulshada si weyn loogu baahiyay labada geri aan horey noocooda loogu arag gobolka.

    Ka bood X boggan
    Oggolow X macluumaadka

    Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

    Digniin: BBC macluumaadka ku qoran bog kale masuul kama ahan

    Dhammaadka X boggan

  14. Dhalinyaro isu xilqaamay keydinta dhiigga Muqdisho

    Dhalinyarada waxay isu xilqaameen hirgalinta xarun deg deg ah oo lagu keydiyo dhiigga Muqdisho
    Qoraalka sawirka, Dhalinyaradan waxay isu xilqaameen hirgalinta xarun deg deg ah oo lagu keydiyo dhiigga Muqdisho

    Koox dhalinayaro ah oo ka baxay jaamacadaha magaalada Muqdisho ayaa hirgaliyay xarunta degdeg ah ee keydinta dhiiga oo loogu talagalay in si mudawacnimo ah dadka u bixiyaan dhiiga si loo daboolo baahiyaha dhiig ee ka jira isbitaalada Muqdisho gaar ahaan marka ay weerarrada iyo qaraxyadu dhacaan.

    Kooxdan ayaa goobaha dadku isugu yimaadaan iyo xarumaha waxbarashada ka sameeya olole dhiigga lagu weydiisanayo dadka inay ku deeqaan si loo keydiyo loona bixiyo xiliyada baahiyaha badan ee dhiig ay jiraan.

    Dr Axmed Cabdiqaadir Maxamad oo kamid ah dhalinyarada ka hirgalisay Muqdisho xarunta dhiiga lagu keydiyo ayaa BBC u sheegay in ololahan ay uga golleeyihiin in dhiig deg deg ah la helo gaar ahaan marka ay qaraxyada dhacaan iyo hooyada iyo dhalaanka u baahan gurmadka deg deg ah.

    "In baraha bulshada aan ka baafinno nooca dhiigga loo baahan yahay...waxaan kale dhiigga ku helnaa in olole aan geyno meelaha jaamacadaha ah oo ay ardeyda joogaan halkaas aan dhiig kasoo qaadno iyo meelaha ay munaasabadaha ka jiraan ee qeybaha kala duwan ee bulshada isugu yimaadaan" ayuu yiri Axmed.

    Wuxuu sidoo kale sheegay in dhiigga ay ku keydiyaan xarun kumeel gaar ah muddo bil ah si ay ugu wareejiyaan isbitaallada u baahan nooca dhiigga ay hayaan.

    Muqdisho ayaan lahayn Bangi dhiig oo weyn tan iyo markii ay burburtay dawladdii hore ee Soomaaliya 1991 kii.

  15. Masar oo in ka badan 100 qof ku riday xukun xabsi daa'in ah

    Maxkamad militari oo ku taal Masar ayaa 112 qof ku riday xukun xabsi daa'in ah kaddib markii loo heystay falal argagaxisinimo ah.

    Waxaan raggan lagu eedeeyay inay ku lug lahaayeen ilaa 14 weerar oo ay kamid yihiin weerar lagu qaaday barokontrool iyo isku day lagu dili rabay ku-xigeenka dacwad oogaha Masar.

    Waxaana lagu eedeeyay inay ka tirsanaayeen maleeshiyaadka Xamz oo ay dowladda u aragto garab ka tirsan ururka Ikhwaanul Muslimiin.

  16. Nin ka cararay isbitaal kaddib markii laga baari rabay Corona

    Wasaaradda caafimaadka Zimbabwe ayaa xaqiijisay in nin uu ka baxsaday isbitaal ku yaal Zimbabwe kaddib markii la doonayay in laga baaro caabuqa Corona.

    Bayaan kasoo baxay wasaaradda ayaa lagu sheegay in ninka baxsaday uu dhashay Thailand isla markaana uu safar ku yimid Zimbabwe.

    Waxaana lagu arkay qandho iyo qufac.

    Wasaaradda caafimaadka waxay sidoo kale sheegtay inay wadaan dadaallo looga hortaggayo caabuqa Corona si loo karantiilo dadka looga shakiyo cudurka.

    Ninkan baxsaday ayaa lagu wargeliyay booliska si gacanta loogu soo dhigo.

    Zimbabwe ilaa iyo haatan lagama soo tebin qof uu ku dhacay Corona balse kiisaska guud ahaan Afrika waxay gaarayaan ilaa 100 qof uu ku dhacay caabuqa,

    • Masar- 55
    • Algeria- 20
    • Koonfur Afrika- 7
    • Tunisia- 5
    • Senegal- 4
    • Morocco- 2
    • Cameroon- 2
    • Burkina Faso- 2
    • Nigeria- 2
    • Togo- 1
  17. Nigeria oo qofkii labaad laga helay cudurka Corona

    .

    Xigashada Sawirka, AFP

    Dowladda Nigeria waxay xaqiijisay qofkii labaad ee uu ku dhacay caabuqa Corona, waxaana qofkaas lagu arkay gobolka Ogun koonfur galbeed dalkaas.

    Weriyaha BBC ayaa kusoo warramaya in qofkan laga helay caabuqa uu kasoo jeedo Nigeria kaddib markii uu taabtay muwaadin u dhashay Talyaaniga oo labo toddobaad ka hor laga helay Corona gudaha Nigeria.

    Qofkan lagu arkay caabuqa Corona ayaa la karantiilay, waxayna dowladda Nigeria waddaa dadaallo ay ku baareyso qof kasta oo taabtay muwaadinka u dhashay Talyaaniga.

  18. Ha'yadda Human Rights Watch oo dhaliishay tallaabada Itoobiya ay hawada uga saartay Internerka gobolka Oromada

    Hay'adda u doodda xuquuqda aadanaha ee Human Rights Watch ayaa waxay dowaladda Itoobiya ugu baaqday inay dib u soo celiso Internetka iyo adeegyada mobile-ka ee tan iyo bishii Janaayo ka jarnaa qeyba ka mid ah gobolka ugu ballaaran dalkaas ee Oromia.

    Ra'iisul Wasaare Abiy ayaa bishii Febraayo sheegay in go'aankaasi loo qaatay arrimo ammaan awgood, maadaama aaggaas ay qulqulatooyin ka sameeyeen kooxo hubaysan.

    Dowladda Itoobiya ayaa in ka badan 8 jeer hawada ka saartay internet-ka tan iyo sanadkii 2018, markaasi oo uu xukunka la wareegay ra’iisal wasaaraha ku guulaystay abaalmarinta nabadda adduunka, Abiy Axmed.

    Waxaa kamid ahaa xilliyo ay dibedbaxyo socdeen iyo mar ay ardaydu u fadhiyeen imtixaanaadka dugsiyada sare, xayiraaddaasi oo socotay muddo todobaadyo ah.

    Hase yeeshee isgaarsiinta qeybaha galbeed ee Oromiya ayaa hadda hawada ka maqan muddo ka badan laba bilood.

    Sarkaal sare oo ka tirsan milateriga Itoobiya ayaa bishii February BBC-da u sheegay in isgaarsiinta jaran ay gacan ka siisay hawlgallada ka dhanka ah waxa uu ugu yeeray kooxaha burcadka ah.

    Hay’adda Human Rights Watch ayaa warbixinteeda maanta soo baxday ku sheegtay in xayiraadda ay meel ka dhac ku tahay xuquuqda dadka deegaannaadaasi, loona baahan yahay in si degdeg ah loo soo celiyo isgaarsiinta.

    Itoobiya ayaa isu diyaarinaysa doorasho guud oo lagu wado inay dhacdo dabayaaqada sanadkan, dad badan ayaana ka cabsi qaba in isgaarsiin la’aanta ay su’aal gelin doonto kalsoonida lagu qabi doono natiijada doorashadaasi.

  19. Ra’iisal wasaaraha Sudan oo ka badbaaday isku-day dil

    Cabdalla Xamduuk

    Xigashada Sawirka, EPA

    Qoraalka sawirka, Cabdalla Xamduuk

    Wararka ka imanaya Sudan ayaa sheegaya in Ra’iisal wasaare Cabdalla Xamduuk oo ka badbaaday isku-day lagu dili rabay.

    Telefishinka dowladda iyo xubin ka tirsan golaha wasiirada ee dalkaasi ayaa sheegay in kolonyo uu la socday ra’iisal wasaaraha lagu weerarray caasimadda Khartuum.

    Xaaska Mr Xamduuk ayaa website maxalli ah u sheegtay in la isku-dayay in la qarxiyo gaariga uu la socday ra’iisal wasaaraha.

    Waxa ay intaa ku dartay in uu badqabo oo uu fiican yahay. Ra’iisal wasaaraha ayaa la geeyay goob ammaan ah oo aan la shaacin.

    Saraakiisha waxay sheegeen in ra’iisul wasaaraha uu ka badbaaday isku day dil xilli kolonyo uu la socday lagu weeraray gudaha magaalada caasimadda ah ee Khartuum.

    Warbaahinta dowladda ayaa ku warrantay in kolonyada uu la socday ra’iisul wasaaraha Suudaan lala beegsaday qarax iyo hub culus.

    Sidoo kale warbaahinta ayaa soo bandhigtay sawirro muujinaya dhowr baabuur oo burburtay.

    Xafiiska rai’isul wasaaraha wuxuu sheegay in cidna aysan dhibaato kasoo gaarin weerarka.

    "Waxaan u xaqiijinayaa shacabka Suudaan in aan badqabo, xaaladdeyda caafimaad wey wanaagsantahay" ayuu yiri Cabdalla Xamduuk oo qoraal soo dhigay bartiisa Twitter-ka.

  20. Qofkii ugu horreeyay ee caabuqa Corona ugu geeriyooday Afrika

    Ninka u dhashay Jarmalka ayaa caabuqa u geeriyooday kaddib markii uu diiday in la geeyo qeybta lagu karantiilo bukaanada

    Xigashada Sawirka, AFP

    Qoraalka sawirka, Ninka u dhashay Jarmalka ayaa caabuqa u geeriyooday kaddib markii uu diiday in la geeyo qeybta lagu karantiilo bukaanada

    Nin u dhashay Jarmalka oo ku sugnaa Masar kaddib markii uu ku dhacay caabuqa Corona ayaa haatan u geeriyooday cudurka, waxaana la sheegay inuu yahay qofkii ugu horreeyay ee uu cudurka ku dilo Afrika.

    Ninkan oo 60 jir ah oo qaab dalxiis ah ku yimid Masar ayaa la geeyay isbitaal ku yaal Masar, wuxuu ka cabanayay 'qando iyo xanuun dhanka neef mareenka ah'

    Bukaanka ayaa geeriyooday markii uu diiday in lagu wareejiyo qeybta lagu karantiilo bukaanada.

    Sabtidii, wasaaradda caafimaadka Masar waxay shaaca ka qaaday ilaa 45 qof oo ku dhacay caabuqa Corona kuwaas oo saarnaa markab, tirada kiisaska Corona gudaha Masar waxay noqoneysaa 48 qof.

    Dadkii laga helay cudurka ee saarnaa markabka ayaa la karantiilay, waxaana la geeyay xarun ku taalla waqooyiga Masar.

    Kiisaska la xaqiijiyay ee caabuqa Corona guud ahaan Afrika,

    • Masar- 48
    • Algeria- 17
    • Senegal- 4
    • Koonfur Afrika- 3
    • Morocco- 2
    • Cameroon- 2
    • Tunisia- 2
    • Togo- 1
    • Nigeria- 1