Drogba iyo Eto'o oo dhaleeceeyay 'dhaqaatiir soo jeediyay in Afrika lagu tijaabiyo tallaalka cudurka Corona'

Tebinta tooska ah

Tebin toos ah

  1. Taliyaha guud ee ciidammada Talyaaniga oo uu ku dhacay Corona

    Taliyaha guud ee ciidammada Talyaaniga, Salvatore Farina ayaa kamid noqday dadka uu ku dhacay caabuqa Corona kaddib markii uu cudurkaas ku baahay Talyaaniga.

    Salvatore Farin wuxuu sheegay in xaaladdiisa caafimaad ay wanaagsan tahay isla markaasna uu is karantiilay.

    Tirada dadka u dhintay caabuqa Corona gudaha Talyaaniga ayaa sare u kacday, maalin gudaheed wuxuu ku dhacay ilaa 133 qof, sida ay sheegeen saraakiisha dalkaas.

    Waxaa dalka Talyaaniga ka socdaa dadaallo lagu xakeymanayo Corona, Ra'iisul wasaare Giuseppe Conte wuxuu ku dhaawaqay in la xirayo Iskuulada iyo goobaha kale ay dadka isugu yimaadaan guud ahaan dalka.

    Madaxa Ha'yadda Caafimaadka Adduunka Tedros Adhanom ayaa bogaadiyay tallaabooyinka Talyaaniga uu xayiraad ugu soo rigay magaalooyinka qaar si looga hortago Corona.

    Talyaaniga ayaa ah meesha ugu badan ee uu saameeyay Corona marka laga soo tego Shiinaha, waxay ku dhaw yihiin dadka uu ku dhacay ilaa 7,400 qof.

  2. 'Shan qof oo ku dhaawacantay qaraxa ka dhacay Tunisia'

    Ugu yaraan 5 qof ayaa ku dhaawacantay qarax ka dhacay agagaarka safaaradda Mareykanka uu ku leeyahay magaalada caasimadda ah ee Tunis, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee AFP oo soo xiganeyso mid kamid ah warbaahinta gudaha.

    Wararka waxay sheegayaan in qofka weerarka fuliyay uu saarnaa mooto.

    AFP ayaa baahisay sawirrada goobta uu weerarka ka dhacay.

    .

    Xigashada Sawirka, AFP

  3. War deg deg ah, Qarax ka dhacay safaaradda Mareykanka ee Tunisia

    Qarax ayaa ka dhacay agagaarka safaaradda Mareykanka uu ku leeyahay magaalada caasimadda ah ee Tunis.

    Qof isa soo miidaamiyay ayaa isku qarxiyay halkaas, sida laga soo xigtay wakaaladda wararka ee Reuters.

    Wasaaradda arrimaha gudaha Tunisia ayaa xaqiijisay qaraxa.

  4. Kenya oo shaaca ka qaaday goobaha halista ugu jiro inuu ka dilaaco Corona

    Goobaha ay inta badan tegaan dalxiisayaasha oo laga digay inuu ka bilowdo Corona

    Xigashada Sawirka, AFP

    Qoraalka sawirka, Goobaha ay inta badan tegaan dalxiisayaasha oo laga digay inuu ka bilowdo Corona

    Kenya ayaa shaaca ka qaaday goobaha halista ugu jiro inuu ka dilaaco caabuqa Corona, waxaana deegaanadaas kamid ah magaalooyinka xeebta ku yaal ee Mombasa iyo Kilifi, maadama halkaas ay dad badan u dalxiis tegaan, sida ay ku warrantay warbaahinta gudaha.

    Magaalada caasimadda ah ee Nairobi ayaa kamid ah meelaha laga digay inuu ka bilowdo Corona maadama uu ku yaal garoon caalami ah.

    Madaxa ka hortagga cudurrada ee Kenya, Daniel Langat ayaa sheegay in deegaannada kale ee laga casbi qabo ay kamid yihiin gobollada galbeedka iyo waqooy bari.

    Kenya ilaa haatan lagama soo sheegin qof uu ku dhacay caabuqa Corona ee ku baahay dalal badan.

  5. Sacuudiga oo dib u furay Xarameynka

    Malaayin muslimiin ah ayaa Sacuudiga kusoo gutaa waajibaadka Xajka

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Malaayin muslimiin ah ayaa Sacuudiga kusoo gutaa waajibaadka Xajka

    Dowladda Sacuudiga ayaa dib u furtay Xarameynka kaddib markii halkaas ay ka socdeen howlo lagu buufinayo xaramka iyo masjidka Nebiga ee ku yaal Madina si looga hortaggo caabuqa Corona, sida uu ku warramay telefishinka dowladda ee Al-Akhbaariyah.

    Ma kala cadda in muslimiinta loo ogolaaday inay kusoo cumreystaan halkaas ama in kale.

    Sacuudiga ayaa dhawaan muslimiinta dalalka dibadda ka mamnuucay cumrada xilli ay jirto cabsida laga qabo Corona, go'aankaas oo sidoo kale saameeyay shacabka Sacuudiga kaddib markii la xiray Xarameynka.

  6. War deg deg ah, Koonfur Afrika oo lagu arkay qofkii ugu horreeyay ee uu ku dhacay caabuqa Corona

    Qofkii ugu horreeyay ee uu ku dhacay caabuqa Corona ayaa lagu arkay dalka Koonfur Afrika, sida uu shaaca ka qaaday wasiirka caafimaadka.

    Wasiirka wuxuu bartiisa Twitter-ka ku sheegay in la xaqiijiyay subaxnimadii saaka in qofkaas uu qabo cudurka Corona.

  7. Ronaldinho oo la xiray isagoo baasaboor been abuur ah ku safraya

    Ronaldinho

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, Ronaldinho

    Ciyaaryahankii hore ee xulka qaranka ee Brazil Ronaldinho ayaa lagu qabtay dalka Paraguay kaddib markii lagu eedeeyay inuu dalkaas kusoo galay isaga oo adeegsanayo baasaboor been abuur ah, sida ay sheegeen mas'uuliyiinta.

    Booliska Paraguay ayaa qabtay Ronaldinho iyo walaalkiis xilli ay ku sugnaayeen huteel ku yaalla magaalada caasimadda ah ee Asuncion.

    Wasiirka arrimaha gudaha Paraguay ayaa warbaahinta ESPN Brazil u sheegay in haatan la baarayo Ronaldinho.

    Wasiirka wuxuu sidoo kale sheegay in aysan ku khaldaneyn qabashada Ronaldinho balse xaaladdiisa ay kala shaqeynayaan mas'uuliyiinta si loo xaqiijiyo dambiga loo heysto.

    Bishii July ee sannadkii 2019, waxaa lagu soo warramay in Ronaldinho lagala noqday baasaboorada dalalka Brazil iyo Spain kaddib markii uu bixin waayay canshuurta.

    .

    Xigashada Sawirka, FISCALIA PARAGUAY, ON FACEBOOK

    "Waa in aan qaddarinaa maadama uu yahaya ciyaartooy caan ah balse waa in la xushmeeyaa sharciga, qofka aad rabtid ahaaw, sharciga wuu ku qabanaya" ayuu yiri wasiirka arrimaha gudaha Paruguay, Euclides Acevedo.

    Ronaldinho oo 39 jir ah ayaa labo jeer loo aqoonsaday ciyaaryahanka ugu wanaagsan dunida, wuxuu u safray Paraguay si uu soo shaac bixiyo buug iyo olole uu ugu doodayo in la ilaaliyo xuquuqda carruurta kasoo jeedo qoysaska saboolka ah.

    Ronaldinho ayaa sanadihii 2004-tii iyo 2005-tii ku guuleystay ciyaaryahanka sannadka ee ugu wanaagsan dunida, waxay xulkiisa qaranka Brazil ku guuleysteen Koobkii Adduunka ee sannadkii 2002-dii, xilliggaas oo ay Brazil u wada dheeli jireen Ronaldo iyo Rivaldo.

  8. Sacuudiga oo joojiyay in la booqdo Xarameynka

    .

    Xigashada Sawirka, AFP/GETTY IMAGES

    Shacabka Sacuudiga ayaa laga mamnuucay inay kusoo cumreystaan Xaramka cabsida laga qabo faafidda cudurka Corona awgii, sida ay sheegtay dowladda Boqortooyada.

    Bayaan kasoo baxay wasaaradda arrimaha gudaha oo lagu daabacay wakaaladda wararka ee Sacuudiga ayaa lagu sheegay in go'aanka muwaadiniinta dalkaas looga mamnuucay cumrada uu yahay mid kumeelgaar ah.

    Dowladda Sucuudiga waxay sidoo kale mamnuucday in booqasho lagu tego masjidka Nebiga ee ku yaal magaalada Madiina.

    Dhawaan ayay aheyd markii Sacuudiga uu Muslimiinta dibadda ka imanaya ka mamnuucay cumrada si looga hortaggo caabuqa Corona.

    Isniintii ayay aheyd markii Sacuudiga uu shaaca ka qaaday qofkii ugu horreeyay ee u ka dhacay cudurka Corona oo lagu arkay dalkaas, qofkaas ayaa ah muwaadin ka soo laabtay dhinaca Iiraan.

    Go'aanka lama filaanka ah ee kasoo baxay Boqortooyada Sacuudiga ayaa wuxuu walaac ku abuuray malaayin Muslimiin ah oo ku rajo weyn inay soo xajiyaan sanadkan.

    Malaayin Muslimiin ah ayaa Sacuudiga gaara bisha Ramadaan si ay uga soo cumreystaan goobaha barakaysan.

  9. Farmaajo iyo Uhuru oo telefoon ku wada hadlay

    .

    Xigashada Sawirka, VILLA SOMALIA

    Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo dhiggiisa Kenya, Uhuru Kenyatta waxay ku wada hadleen khadka telefoonka sii loo xalliyo xiisadda ka dhex taagan labada dal, sida laga soo xigtay xafiiska warfaafinta ee aqalka madaxtooyada.

    Waxay isku afgarteen in la sugo amniga xudduuda magaalooyinka Mandheera iyo Beled Xaawo.

    "Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweyne Kenyatta ayaa adkeeyay in amniga labada dal uu yahay mid isku xiran, loona baahan yahay in laga fogaado wax walba oo keeni kara isfaham darro" ayaa lagu yiri war saxaafadeedka.

    Waxay sidoo kale isku fahmeen in la sameeyo guddiyo ka kala socdo Soomaaliya iyo Kenya oo ka shaqeyn doono xallinta khilaafaadka.

    Arrintan waxay imaaneysa xilli Kenya ay sheegtay in Soomaaliya ay kusoo xadgudubtay dhulka Kenya iyo madaxbannaanideedaba.

    Kenya ayaa sheegtay in aysan wax jawaab ah ka bixinin ficilladaas ay ku eedeysay dowladda Soomaaliya, taas baddalkeedana "ay is xakameysay iyadoo eegeysa xiriirka soo jireenka ah ee dhaqanka iyo nabad ilaalinta ee u dhaxeeya labada dal"

  10. Masar oo daldashay nin si weyn loo doon-doonayay

    Hisham Ashmawi waxaa lagu qabtay Liibiya sannadkii 2018-kii

    Xigashada Sawirka, LIBYAN NATIONAL ARMY

    Qoraalka sawirka, Hisham Ashmawi waxaa lagu qabtay Liibiya sannadkii 2018-kii

    Xukuumadda Masar waxay daldashay, Hisham Ashmawi oo ahaa nin si weyn loogu raad joogay.

    Warbaahinta dowladda ayaa ku warrantay in saaka la dilay Hisham Ashmawi.

    Hisham Ashmawi oo ahaa sarkaal ciidan ah ayaa lagu helay dambi ah inuu ku lug lahaa weeraro waaweyn oo uu kamid yahay weerar lagu dilay ciidammada Masar sannadkii 2014-kii.

    Waxaa lagu soo oogay dacwad ah inuu ka dambeeyay isku day lagu dili rabay wasiirkii arrimaha gudaha Masar Maxamed Ibraahim sannadkii 2013-kii.

    Hisham Ashmawi ayaa lagu qabtay dalka Liibiya kaddib markii ciidammada uu hogaamiyo Janaraal Khaliifa Haftar ay u gacan geliyeen Masar, maadama Janaraal Khaliifa Haftar iyo Masar uu ka dhexeeyo xiriir.

    Ashmawi oo sidoo kale loo yaqaano Abu Cumar Al Muhaajir wuxuu ka tirsanaa ciidammada militariga u qaabilsan howlgallada gaarka ah balse shaqada ayaa laga ceeyriyay markii la arkay inuu yahay qof mayal adag.

    Wixii xilliggaas ka dambeeyay, wuxuu ku biiray kooxda Jihaad-doonka ee ka dagaallanata gobolka Siinay.

  11. Iiraan oo xabsiyada kasii deysay kumanaan maxaabiis ah

    Cudurka Corona wuxuu Iiraan ku dilay dad gaarayo 77 qof

    Xigashada Sawirka, AFP

    Qoraalka sawirka, Cudurka Corona wuxuu Iiraan ku dilay dad gaarayo 77 qof

    Iiraan ayaa si kumeel gaar ah xabsiyada uga sii deysay in ka badan 54,000 oo maxaabiis ah si looga hortaggo caabuqa Corona si uusan ugu faafin xabisyada dalkaas.

    Gholamhossein Esmaili oo ka tirsan waaxda garooska Iiraan ayaa weriyeyaasha u sheegay in maxaabiista laga sii daayay xabsiyada kaddib markii la xaqiijiyay in aysan qabin caabuqa Corona.

    "Maxaabista u xiran dambiyada dhanka amniga oo lagu riday 5 sanno oo xarig ah lama sii deyn doono" ayuu yiri afahayeenka.

    Cudurka Corona wuxuu ku baahay gudaha Iiraan halkaas oo uu ku dilay ugu yaraan 77 qof muddo yar labo toddobaad.

    Talaadadii, wasiirka caafimaadka Iiraan wuxuu sheegay in tirada dadka la xaqiijiyay inuu ku dhacay Corona ay sare u kacday in ka badan boqolkiiba 50, hadda wuxuu ku dhacay gudaha Iiraan 2,336 qof inkasta oo la rumeysan yahay in tirada ay intaas ka sarreyso.

  12. Kumanaan ka barakacday dagaalladii ka dhacay gobolka Gedo

    Dagaalkii dhawaan ka dhacay Beled Xaawo

    Xigashada Sawirka, Jubbaland TV

    Qoraalka sawirka, Dagaalkii dhawaan ka dhacay Beled Xaawo

    Qaramada Midoobey waxay sheegtay in gobolka Gedo ay ka qaxeen dad lagu qiyaasay 56,000 qof kaddib dagaal dhawaan halkaas ku dhexmaray ciidammada dowladda iyo kuwa Jubbaland.

    Waxay sheegtay inta badan dadka ay ka barakaceen Beled Xaawo isla markaana ay aadeen dhulka miyiga iyo deegaanada kale ee ku teedsan.

    Qaramada Midoobey waxay ugu baaqday dhinacyada isku hayo gobolka inay ilaaliyaan ammaanka shacabka.

  13. Isgaarsiinta Mandheera oo hawada ka maqan

    .

    Wararka aan ka helayno magaalada Mandheera ee xuduudda la leh Soomaaliya ayaa sheegaya in tan iyo saqdii dhexe ee xalay uu hawada ka maqan yahay adeegga shirkadda Safaricom ee ugu weyn isgaarsiinta Kenya.

    Lama ogga sababta ka dambeysa arinkaasi, shirkaduna weli kama aysan hadlin.

    Weriye ku sugan magaalada oo ay BBC-da la hadashay ayaa sheegaya inay jiraan warar sheegaya in weli qeybo kamid ah magaalada ay ku sugan yihiin askar ka tirsan ciidamada Jubbaland ee dhawaan laga saaray fariisinkii ay ku lahaayeen xuduudka.

    Weriyaha ayaa intaa ku daray in weli ay xiran yihiin iskuullada, shacabkuna aysan ku laaban xaafadaha uu saameeyay dagaalkii Isniinta dhacay.

    Waxaa xusid musan in anteenada Safaricom ee Mandheere ay hawada ka maqneyd intii uu socday dagaalkii Isniinta.

    Weli lama ogga halka ay ku sugan yihiin mas’uuliyiinta Jubbaland ee horkacayay ciidamada ku sugnaa xuduuda, kuwaas oo ay kamid yihiin madaxweyne ku-xigeen Maxamuud Sayid iyo wasiirka amniga Cabdirashiid Janan.

  14. Corona: Madaxweyne ku taliyay in lugaha la isku salaamo

    Madaxweyne John Magufuli oo doordibay in lugta uu ku salaamo siyaasi ka tirsan mucaaradka cabsi laga qabo Corona dartiis

    Xigashada Sawirka, State House Tanzania

    Qoraalka sawirka, Madaxweyne John Magufuli oo doordibay in lugta uu ku salaamo siyaasi ka tirsan mucaaradka cabsi laga qabo Corona dartiis

    Aqalka madaxtooyada Tanzania ayaa baahiyay sawir muujinaya madaxweyne John Magufuli oo lugta ku salaamayo siyaasi ka tirsan mucaaradka oo lagu magacaabo Macalin Seif Shariif Axmed.

    Madaxweynaha wuxuu doorbiday inuu lugta ku salaamo dadka si loo dhaqan geliyo tallaabooyinka ay shaaca ka qaaday wasaaradda caafimaadka dalkaas ee looga hortaggayo caabuqa Corona.

    Caabuqa Corona ayaa saameyn ku reebay dalal badan, wuxuu kasoo bilowday Shiinaha oo uu ku dilay in ka badan 3,000 qof.

    Dowladaha caalamka ayaa heegan ugu jiraa sidii looga hortaggi lahaa Corona.

    Qaaradda Afrika, dalalka kala ah Masar, Morocco, Tunisia, Nigeria iyo Senegal ayaa shaaca ka qaaday kiiskii ugu horreeyay ee caabuqa Corona.

  15. Pope Francis oo laga waayay caabuqa Corona

    .

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Baadariga ugu sarreeyo kaniisadda Catholic-ga Pope Francis, ayaa laga waayay cudurka Corona kaddib markii baaritaan caafimaad lagu sameeyay, sida ay ku warrantay warbaahinta Talyaaniga.

    Baadariga oo 83 jir ah , wuxuu fadhigiisu yahay dalka Talyaaniga.

    Pope Francis ayaa toddobaadkii lasoo dhaafay iska fogeeyay inuu la kulmo dadweynaha maadama uu dareemayay qabow.

    Talyaaniga ayaa waxaa si darran u saameeyay caabuqa Corona, in ka badan 2,000 qof oo ku nool dalkaas ayuu ku dhacay caabuqa halka 52 qof ay u geeriyoodeen.

  16. Sucuudiga oo lagu arkay qofkii ugu horreeyay ee uu ku dhacay Corona

    Cudurka Corona wuxuu gaaray Cumaan, Kuwait, Baxreyn iyo Ciraaq
    Qoraalka sawirka, Cudurka Corona wuxuu gaaray Cumaan, Kuwait, Baxreyn iyo Ciraaq

    Wasaaradda caafimaadka Sucuudiga ayaa shaaca ka qaaday in gudaha dalkaas lagu arkay qofkii ugu horreeyay ee uu ku dhacay caabuqa Corona.

    Saraakiisha waxay sheegeen in qofka uu ku dhacay Corona uu yahay muwaadin u dhashay Sucuudiga oo ka yimid dhinaca Iiraan.

    Dalka Tunisia , waxaa lagu arkay qofkii ugu horreeyay ee qabo cudurka kaas oo ah muwaadin u dhashay Tunisia oo ka yimid dhinaca Talyaaniga.

    Dhanka kale, wasaaradda caafimaadka Urddun waxay shaaca ka qaaday kiiskii ugu horreeyay ee cudurka Corona kaddib markii laga helay qof u dhashay dalkaas oo kasoo safray Talyaaniga.

  17. Dagaalkii Beled Xaawo oo hadda joogsaday

    Waxaa goor dhaw joogsaday dagaal xooggan oo saaka ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwo taabacsan maamulka Jubbaland ku dhexmaray duleedka magaalada Beled Xaawo, gaar ahaan xuduudda ay la leedahay degmada Mandheera.

    Wararka ayaa sheegaya inuu jiro khasaaro labada dhinac ah.

    Weriye ku sugan magaalada Mandheera ayaa BBC sheegay inuu arkay dhaawacyo isugu jira dad rayid ah iyo askarta Jubbaland oo la geeyay cisbitalka weyn ee magaladaasi.

    Muuqaallo la soo dhigay baraha bulshada ayaa muujinaya dad shacab ah oo gudaha Beled Xaawo ku soo dhaweynaya ciidamada dowladda.

  18. Wararkii ugu dambeeyay ee dagaalka ka socda Beled Xaawo

    Magaalada Beled Xaawo
    Qoraalka sawirka, Magaalada Beled Xaawo

    Kusimaha gudoomiyaha gobolka Gedo, Cismaan Nuur Xaaji (Macalimuu) ayaa BBC-da u sheegay in ciidanka ka soo horjeeda ay hoobiyayaal ku garaaceen gudaha magaalada Beled Xaawo ayna guryo ku gubteen.

    Xiriir aan la samaynay dhanka kale ayaa noo suurageli waayay.

    Dagaalka ayaa weli ka socda aagga uu saaka ka bilowday iyadoo ay dad badan ka barakaceen qeybo kamid ah magaalada Mandheerea.

  19. Dagaal weli ka socda Beled Xaawo

    Dadka deegaanka ayaa BBC u sheegay in labada dhinaca haatan ay isku adeegsanayaan hub culus.

    Waxaana haatan socdaa dagaalka u dhexeeya ciidamada dawladda ee gacanta ku haya Beled Xaawo iyo ciidamada Jubaland ee jooga dhinca xuduudda Kenya.

    "Gancisgii waa xiran yahay, Iskuulaadkii maanta waaba la fasaxay markii hore ay saaka waxa dhacayeen.....waan arkayay hobiye guri ku dhacay dad shacab uu leeyahay dadka wuxuu gaarsiiyay ma aqaanno" ayuu yiri mid kamid ah odeyaasha magaalada Beled Xaawo oo BBC la hadlayay.

  20. War deg deg ah, Rasaas xooggan oo laga maqlayo Beled Xaawo

    Wararka aan ka helayno magaalada Beled Xaawo ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in xilligan uu dagaal ka socdo xuduudda ay degmadaasi la leedahay Mandheera, gaar ahaan aagga ay ku sugan yihiin ciidanka maamulka Jubaland.

    Rasaas xooggan ayaa la sheegay in laga maqlayo aaggaasi oo ay intii muddo ahba isku hor fadhiyeen ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Jubaland ee uu hogaaminayo wasiirka amniga ee maamulkaasi, Cabdirashiid Xasan Cabdinuur (Janan).

    Weli lama ogga khasaaraha ka dhashay dagaalka ka bilowday Beled Xaawo.

    Wixii faahfaahin ah halkan ayaan idiinku soo gudbin doonnaa.

    .