Drogba iyo Eto'o oo dhaleeceeyay 'dhaqaatiir soo jeediyay in Afrika lagu tijaabiyo tallaalka cudurka Corona'

Tebinta tooska ah

Tebin toos ah

  1. Shacabka Baardheere oo ka argagaxay dilal xalay ka dhacay halkaas

    .

    Rag hubaysan oo la tuhunsan yahay inay yihiin Al-Shabaab ayaa xalay saddex nin oo ahaa gudoomiyayaal xaafadeed ku dilay gudaha magaalada Baardheere ee gobolka Gedo.

    Dadka deegaanka ayaa BBC-da u sheegay in laba kamid ah raggaasi ay xilliga la dilayay hayeen xilalkaasi, halka midka kalena uu horay u ahaa gudoomiye xaafadeed.

    Mid kamid ah raggaasi ayaa la gawracay, halka labada kalena xabbad lagu dilay.

    Ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda dilalkaasi, balse qaar kamid ah dadka deegaanka ayaa sheegay in qaabka loo fuliyay ay muujinayaan astaamaha Al-Shabaab.

    Magaalada ayaa hadda waxaa si kumeelgaar ah gudoomiye uga ah sarkaal ka tirsan ciidamada Soomaaliya, xilli gudoomiyaheeda uu soo magacaabay maamulka Jubaland uu ku maqan yahay caasimadda Muqdisho.

    Ciidamada AMISOM ee dalka Itoobiya ayaa ku sugan magaaladaasi uu maro webiga Jubba.

    Bartamihii bishii September ee sanadkii 2019-kii ayay ahayd markii Al-Shabaab ay saddex qof oo mar ka tirsaan jiray maamulka degmada Beled Xaawo ee isla gobolka Gedo ay halkaa xilli habeen ah ku dileen. Dadkaasi waxaa ku jirtay qof dumar ah.

  2. Shacabka Cameroon oo ka carooday hadal uu yiri madaxweynaha Faransiiska

    .

    Dadweyne careysan ayaa dibadbaxyo ka dhigay safaaradda Faransiiska uu ku leeyahay caasimadda dalka Cameroon ee Yaoundé, waxay ka careysnaayeen hadal kasoo baxay madaxweynaha Faransiiska oo ay ku tilmaameen inuu ku aflagaadeeyay madaxweyanaha Cameroon, Paul Biya.

    Waxay arrintani ka dambeysay kaddib markii baraha bulshada lagu baahiyay muuqaal muujinaya madaxweyne Emmanuel Macron oo sheegayo in madaxweynaha Cameroon uu ku cadaadiyay inuu xabsiga kasii daayo hogaamiyaha mucaaradka dalkaas Maurice Kamto.

    "Waxaan toddobaadka dambe u yeeraya madaxweyne Paul Biya, waxaan saareynaa cadaadis xooggan si xaaladda loo dejiyo" ayuu Macron u sheegay mid kamid ah dadka u doodo xuquuqul insaanka.

    Madaxweynaha Faransiiska wuxuu sheegay in Cameroon ay ka taagan tahay dhacdooyin ka dhan ah xuquuqul insaanka isla markaana aan la aqbali karin.

    Wuxuu hadalkiisa imaanaya maalmo uun kaddib markii 22 qof oo rayid ahaa ay dabley ku labisneyd dareeska militariga ku dishay tuulada Ngarbuh oo ku taal waqooy galbeed dalkaas.

  3. Barasaabka magaalada Maka oo amar ku bixiyay in lasoo xiro gabar fanaanad ah

    .

    Xigashada Sawirka, ASAYEL SLAY

    Saraakiisha dalka Sucuudiga waxay amar ku bixiyeen in lasoo xiro gabar fanaanad ah kaddib markii la baahiyay hees ay qaaday oo ay ku amaaneyso haweenka ku nool magaalada Maka.

    Waxay fanaanadda heesta ku sheegtay in haweenka Maka ay yihiin 'kuwo awood leh oo qurxoon'.

    Barasaabka magaalada barakeysan ee Maka ayaa sheegay in heesta ay qaadday fanaanadda lagu magacaabo Asayel Slay ay fadeexad ku tahay dhaqanka iyo caadooyinka ka jiro magaalada.

    Barasaabka magaalada Maka Khaalid Al Feysal ayaa khamistii amar ku bixiyay in xabisga loo taxaabo dadkii ka dambeeyay in muuqaalka heestaas la faafiyo.

    Wuxuu sheegay in tallaabadan ay kasoo horjeedo dhaqanka shacabka ku nool magaaladaas.

  4. Ra'iisul wasaare loo heysto dilka xaaskiisa oo maxkamad kasoo hor muuqday

    Ra'iisul wasaare Thomas Thabane xilli uu ku sugnaa maxkamadda
    Qoraalka sawirka, Ra'iisul wasaare Thomas Thabane xilli uu ku sugnaa maxkamadda

    Ra'iisul wasaaraha Lesotho, Thomas Thabane ayaa kasoo hor muuqday maxkamad ku taal dalkaas si loo dhageysto eedeymaha ah inuu ku lug lahaa dilka xaaskiisii hore.

    Weriye BBC ka tirsan ayaa sheegay in Thabane uu welwelsanaa markii uu ku sugnaa maxkamadda xilli ay garab fadhiday xaaskiisa haataan Maesaia oo ah marwada koowaad ee dalkaas.

    Waxaa dib loo dhigay dhageysiga dacwadda loo heysto ra'iisul wasaaraha si garsoorayaasha ay u heli waqti ay ka go'aan ka gaari karaan in hogaamiye xilka hayo loo maxkamadeyn karo falal dil ah ama in kale.

    Xaaskiisii hore Lipolelo Thabane ayaa la toogtay sannadkii 2017-kii labo maalmood uun ka hor inta aan xilka loo caleemo saarin ra'iisul wasaaraha.

  5. Garsoore lagu eedeeyay inuu caawinayay qof loo heysto falal dil ah oo la qabtay

    .

    Xigashada Sawirka, AFP

    Garsoore u dhashay dalka Kenya ayaa xabsiga loo taxaabay kaddib markii lagu eedeeyay inuu caawinayay haweeney looga shakiyay dilka seygeeda kaddib markii meydkiisa laga helay mid kamid ah haamaha biyaha.

    Garsooraha oo lagu magacaabo Sankale ole Kantai kama uusan hadlin eedeynta ah in uu xiriir la lahaa haweeneyda lagu tuhunsan yahay dilka.

    Bishii September ee sannadkii lasoo dhaafay ayay aheyd markii seygeeda, Tob Cohen oo ahaa ganacsade u dhashay Holland la waayay halka jaan iyo cirib uu dhigay muddo labo bilood.

    Xaaska oo lagu magacaabo Wairimu ayaa sheegtay in wax lug ah aysan ku laheyn dilka seygeeda isla markaana hadda uu kiiska yaallo maxkamad.

    Garsooraha ayaa jimcihi la xiray, waxaana lagu sii daayay damaanad, waxaana la filaya in toddobaadkan uu kasoo hormuuqdo maxkamad.

  6. Tiro dad ah oo ku dhaawacmay isu bax lagu taageerayay Abiy Axmed

    Ra'iisul wasaare Abiy Axmed

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Ra'iisul wasaare Abiy Axmed

    Ugu yaraan 29 qof ayaa ku dhaawacmay weerar lagu qaaday isu bax siyaasadeed oo lagu taageerayay ra'iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed kaas oo ka dhacay bartamaha Itoobiya, sida laga soo xigtay taliyaha booliska dalkaas.

    Isu baxaas ma uusan joogin ra'iisul wasaare Abiy Axmed.

    Booliska waxay sheegeen inay qabteen 6 qof oo looga shakiyay inay ka dambeeyeen weerarka ka dhacay magaalada Ambo.

    Taliyaha booliska gobolka Oromada, Ararsa Merdesa ayaa sheegay in bambo gacmeed lagu weeraray isu soo baxa, sida laga soo xigtay wakaaladda wararka ee dowladda Itoobiya.

    Itoobiya waxaa sare u kacay qalalaasaha siyaasadeed xilli la filayo dalkaas inay ka dhacdo doorasho bisha Agoosto ee sannadkan.

    Bishii Juun ee sannadkii 2018-kii ayay aheyd markii bambo gacmeed lagu weeraray isu soo bax siyaasadeed oo lagu taageerayay Abiy Axmed kaas oo ka dhacay magaalada Addis Ababa, waxaana dhacdadaas ku dhintay 2 qof.

  7. Mahathir Maxamed oo xilka iska casilay

    Mahathir Mohamad

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Mahathir Mohamad

    Ra'iisul wasaaraha dalka Malaysia Mahathir Maxamed ayaa warqaddiisa istiqaalada u gudbiyay boqorka dalkaas.

    Iscasilaadda Mahathir Maxamed ayaa noqotay mid lama filaan ah, waxaa uu jiraa da'da 94, waxaana lagu tiriyaa in uu yahay hogaamiyaha ugu da'da weyn caalamka.

    Iscasilaaddiisa ayaa imaaneysa xilli ay soo baxayaan wararka sheegayo inuu sameyn rabay isbaheysi cusub oo uusan ku jirin ninka la filayay inuu xilka kala wareego Anwar Ibraahim.

    Wuxuu ahaa raysal wasaare, iyo madaxa isbahaysiga BN, muddo 22 sano ah, laga soo bilaabo 1981 ilaa uu xilka ka degay 2003.

    Anwar wuxuu ku-xigeen u ahaa Mahathir balse xiriirkooda ayaa xumaaday markii shaqada laga ceyriyay Anwar sannadkii 1998-kii kaddib markii uu soo dhexgalay muran siyaasadeed.

    Mahathir Maxamed ayaa sannadkii 2018-kii mar kale loo dhaariyay raysal wasaaraha Malaysia kaddib markii uu si aan la fileyn ugu guuleystay doorashada, 15 sano kaddib markii uu xilka ka degay.

  8. Safiirka Soomaaliya ee Shiinaha oo ka hadlay xaaladda ardeyda ku sugan Shiinaha

    Ardeyda Soomaaliya ee wax ka barta dalka Shiinaha ayaa sheegay inay dareemayaan cabsi iyo kelinnimo kaddib markii Fayraska Corona uu ka dillaacay dalkaasi.Ardeydani ayaa BBC-da u sheegay inaysan dowladoodii aysan ka helin tageero, sida in laga soo daad gureeyo dalkaasi maadaama ay dowlado badan muwaadiniintooda kala soo baxeen Shiinaha.

    Haddaba si cabashada ardayda wax uga weydiinno ayaa wariyaha BBC-da Cabdiraxmaan Cali Dhimbiil ayaa khadka telefoonka kula xidhiidhay safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Shiinaha, Danjire Cawaale Cali Kulane.

  9. Ra'iisul wasaaraha Lesotho oo isaga baxay dalka xilli la filayay in lasoo taago maxkamad

    Thomas Thabane

    Xigashada Sawirka, AFP

    Qoraalka sawirka, Thomas Thabane

    Ra'iisul wasaaraha Lesotho Thomas Thabane ayaa ku guuldareystay maanta inuu kasoo hormuuqdo maxkamad ku taal dalkaas, waxaana loo heystay dilka xaaskiisii hore.

    Wiilkiisa ayaa sheegay in ra'iisul wasaaraha uu isaga cararay dalka balse uu xaalad caafimaad u aaday dalka Koonfur Afrika.

    Maesaiah Thabane oo ah xaaska ra'iisul wasaaraha ayaa sidoo kale loo heysta dilka xaaskii lala qabay.

    Lipolelo, oo 58 jir ahayd ayaa toogasho lagu dilay laba maalin kahor doorashadii 2017, kahor inta uusan Thabane noqon ra'iisul wasaare.

    Waxaa lagu cadaadinaya ra'iisul wasaare Thabane in sida ugu dhaqsiyaha badan uu xilka uga dego balse khamistii ayuu sheegay inuu iscasili doono bisha July.

    Ra'iisul wasaaraha kama uusan hadlin eedeymaha loo jeediyay.

  10. Munaasabad guur wadareed ah oo loo sameeyey dadka baahiyaha gaarka ah qaba oo lagu qabtay Muqdisho

    Magaalada Muqdisho waxaa lagu qabtay guur wadareed oo ay soo qaban qaabiyeen xarunta Guryasamo, waxaa loo guuriyay shan dhalinyaro ah isugu jiray afar wiil iyo gabar oo qaarkood araga naafo ka ah, xaflad aroos oo ay kaso qayb galeen boqolaal qof ayaa loo qabtay dhalinyaradan, dad badan ayaana soo dhaweeyay arrintan.

    Wariyaha BBC da ee Muqdisho Bella Sheegow ayaa warbixintan ka diyaarisay.

    Qoraalka Muuqaalka, Muunasabadda guur wadareedka ee lagu qabtay Muqdisho
  11. Shacabka Uganda oo bilaabay inay 'cunaan ayaxa'

    Shacabka ku nool degmada waqooyiga taal ee Kitgum ee dalka Uganda ayaa bilaabay inay cunaan ayaxa baabi'iyay beerahooda, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee Uganda.

    Waxaa shacabka ku qasbay inay cunaan ayaxa in dhalagii kasoo go'i jiray beerahooda uusan jirinba maadama aysan cunto kale heysan, sida ay sheegtay warbaahintaas.

    Balse qaar kamid ah shacabka Uganda ayaa walaac ka muujinayaa caafimaadkooda sababta oo ah dowladda Uganda waxay waddaa dadaallo ay sun ku buufineyso ayaxa.

    Shacabka waxay sheegayaan in biyo ay ku burinayaan ayaxa isla markaasna ay qalajinayaan si loo cuno.

    Wargeyska the Observer ayaa barta Twitter-ka soo geliyay sawirrada dadka cunayo ayaxa.

    Ka bood X boggan
    Oggolow X macluumaadka

    Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

    Digniin: BBC macluumaadka ku qoran bog kale masuul kama ahan

    Dhammaadka X boggan

  12. Liibiya oo kumannaan Geel ah kasoo daabulatay Australia

    Geela laga soo daabulay Australia

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, Geela laga soo daabulay Australia

    Waxaa dekedda Liibiya laga daadgureeyay ilaa 3,000 oo Geel ah kaddib markii madaafiic lagu weeraray dekedda.

    Geelan ayaa laga soo daabulay dalka Australia.

    Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa ku warrantay in Geela laga soo dejiyay dekedda loona waday dhinaca magaalada ku taal galbeedka ee Zawiya, halkaas oo saaka la geeyay.

    Qaar kamid ah Geela ayaa lagu dhacay gudaha Liibiya, sida laga soo xigtay Reuters.

    Dowladda Australia ayaa horraantii sannadkan bilowday toogashada In ka badan 10,000 oo geel ah Australia, gaar ahaan dhinaca koonfureed ee dalkaas, ka dib markii ay dadka biyaha ku ciriiriyeen xilli ay jiraan kuleyl daran iyo abaar baahsan.

    Waxaa lasoo xigtay mid kamid ah ganacsatada oo sheegayo in maleeshiyaad hubeysan ay ka dhaceen 125 kamid ah Geela laga soo daabulay Australia.

    Muuqaalka Geela Australia ee la geeyay Tripoli ayaa si weyn loogu baahiyay baraha bulshada.

    Ka bood X boggan
    Oggolow X macluumaadka

    Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

    Digniin: BBC macluumaadka ku qoran bog kale masuul kama ahan

    Dhammaadka X boggan

  13. Mu'addin lagu tooriyay masaajid ku yaal London

    Masaajidka lagu weeraray mua'ddinka

    Xigashada Sawirka, @MURSHHABIB

    Qoraalka sawirka, Masaajidka lagu weeraray mua'ddinka

    Booliska magaalada London ayaa xabsiga u taxaabay nin isku dayay inuu dilo nin mu'addin ahaa xillii uu aadaamayay saaladda casar masaajid ku yaal bartamaha London.

    Ninka mu'addinka ah oo 70 jir ah ayaa si xun u dhaawacmay kaddib markii toori la geliyay balse saraakiisha caafimaadka waxay sheegeen in xaaladdiisa aysan halis ku jirin.

    Dadkii ku cibaadeysanayay masaajidka ayaa ka hortaggay ninka weerarka geystay isla markaasna waxay gacanta ku dhigeen ninka weerarka geystay ilaa uu booliska uu u yimaado.

    Maamulka masaajidka ayaa xaqiijiyay in mua'ddinka toori lala beegsaday xilli uu saaladda casar aadaamayay.

    Agaasimaha masaajidka, Axmed Al Debian ayaa sheegay in mu'addinka uu telefoon kula hadlay xilli uu jiifay isbitaalka isla markaana xaaladdiisa caafimaad ay wanaagsan tahay.

    Booliska waxay sheegeen inay sare u qaadeen howlgallada lagu sugayo amniga masaajidka.

    Ra'iisul wasaaraha Ingiriiska, Boris Johnson ayaa sheegay inuu ka xun yahay dhacdada isla markaana taageero u muujiyay dhibanaha.

    Duqa magaalada London, Sadiiq Khan ayaa dhankiisa sheegay in booliska ay xaqiijinayaan amniga masaajidka.

  14. Rwanda iyo Uganda oo maxaabis isweedaarsaday

    Dowladaha Rwanda iyo Uganda ayaa isweedaarsaday maxaabis u kala dashay labada dal xilli labada madaxweyne ay isku diyaarinayaan kulan Jimcaha dhici doono oo lagu xallinayo khilaafka diblumaasiyadeed ee hareeyay labada waddan kaas oo horseeday in la xiro xadka.

    Maxaabis u dhalatay Uganda oo gaareysay 20 oo ku xirnaa xadka Rwanda ayaa la sii daayay shalay kaddib markii Uganda ay sii deysay 13 qof oo u dhashay Rwanda, kuwaas oo u xirnaa eedeymo basaasnimo iyo inay ku lug lahaayeen dambiyo dhanka amniga ah.

    Waxaa arrintani xaqiijiyay wasiirka arrimaha dibadda Rwanda xilli uu qoraal soo dhigay barta Twitter-ka.

    Ka bood X boggan
    Oggolow X macluumaadka

    Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

    Digniin: BBC macluumaadka ku qoran bog kale masuul kama ahan

    Dhammaadka X boggan

  15. Wasiir kala garan weyday 'Switzerland' iyo 'Geneva'

    Wasiirka isgaarsiiinta Koonfur Afrika,Stella Ndabeni-Abrahams

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Wasiirka isgaarsiiinta Koonfur Afrika,Stella Ndabeni-Abrahams

    Waxaa dalka Koonfur Afrika si weyn looga hadal haya hadal si lama filaan ah uga soo baxay wasiirka isgaarsiinta dalkaas Stella Ndabeni-Abrahams kaas oo ahaa inay garan weyday in Geneva ay tahay caasimadda waddanka Switzerland.

    Wasiirka ayaa ka jawaabeysay eedeymo loo jeediyay xilli ay wareysi siineysay mid kamid ah warbaahinta dalkaas.

    Ndabeni-Abrahams ayaa lagu eedeeyay in lacagaha dadweynaha ay u adeegsatay munaasabad ay uga dabaal degayeen arooskooda kaddiba markii seygeeda ay u qaaday dalka Switzerland.

    "Aniga iyi seygeyga weligeen ma aanan tegin Switzerland, waxaan booqasho ku tegnay Geneva iyo New York, dabcan si aan usoo qabto shaqadii la iga filayay, arrintaas waa been" ayay tiri wasiirka oo ka jawaabeysay eedeymaha loo jeediyay.

    Stella Ndabeni-Abrahams waxaa wasiirka isgaarsiinta u magacaabay madaxweyne Cyril Ramaphosa sannadkii 2018-kii.

  16. Abiy Axmed oo lagu wareejiyay taaj qarnigii 18-aad laga xaday Itoobiya

    Taajika lagu wareejiyay ra'iisul wasaare Abiy Axmed

    Xigashada Sawirka, AFP

    Qoraalka sawirka, Taajika lagu wareejiyay ra'iisul wasaare Abiy Axmed

    Taaj laga xaday dalka Itoobiya qarnigii 18-aad ayaa ugu dambeyntii lagu wareejiyay dowladda Itoobiya kaddib 21 sanno oo Taajkan dib looga helay guri ku yaal dalka Netherlands.

    Nin u dhashay Itoobiya oo lagu magacaabo, Sirak Asfaw oo uu u qaxay dalka Netherlands dabayaaqadii toddobaatamadkii ayaa arkay nin Taajka ku sita boorsad, markiiba, wuxuu ogaaday in lasoo xaday.

    Maamulka guriga uu joogay ninkii sitay Taajka ayaa gacanta ku hayay isla markaasna ka shaqeeyay sidii dib loogu celin lahaa Itoobiya.

    Taajkan wuxuu kamid yahay taajajka dhifka iyo naadir ah ee laga helo dunida, waxaana ku xardhan astaanta masiixiyiinta.

    Ra'iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa barta Twitter-ka soo geliyay sawirro muujinayo isago lagu wareejinayo taajka, waxaana ku wareejiyay wasiirka ganacsiga iyo iskaashiga dalka Netherlands,Sigrid Kaag.

    Ka bood X boggan
    Oggolow X macluumaadka

    Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

    Digniin: BBC macluumaadka ku qoran bog kale masuul kama ahan

    Dhammaadka X boggan

  17. Iiraan: Labo qof ayaa u dhimatay cudurka Corona

    Mas'uuliyiinta waxay sheegeen in la xirayo jaamacadaha iyo Iskuulada ku yaal gobolka Qom

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, Mas'uuliyiinta waxay sheegeen in la xirayo jaamacadaha iyo Iskuulada ku yaal gobolka Qom

    Wasaaradda caafimaadka ee dalka Iiraan ayaa sheegtay in 2 qof ay u geeriyootay cudurka Corona sida ay muujinayaan baaritaano horudhac ah oo la sameeyay.

    Afahayeen u hadlay wasaaradda ayaa sheegay in labadaas qof ay ahaayeen dad da' ah isla markaana habka difaaca jirkooda uu ahaa mid nugul.

    Waxaana lagu daweynayay isbitaal ku yaal gobolka Qom.

    Ku-xigeenka wasiirka caafimaadka Iiraan, Qaasim Janbabaei ayaa weriyeyaal u xaqiijiyay in labada qof ee u dhintay cudurka ay u dhasheen dalkaas.

    Waa kiiskii ugu horreeyay ee cudurka Corona ee laga soo sheego gudaha Iiraan.

    Wakaaladda wararka ee dowladda ayaa ku warrantay in labadaas qof aysan ka safrin gudaha waddanka Iiraan ka hor inta aysan cudurka u dhiman.

    Waxay dowladda sheegtay in la xirayo dhammaan Iskuulada iyo jaamacadaha ku yaal gobolka Qom si looga hortaggo cudurka uu ku faafo halkaas.

  18. Xildhibaan baarlamaanka Uganda geeyay dhalo uu ayax ka buuxo

    Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Uganda ayaa kalfadhiga baarlamaanka geeyay dhalo uu ka buuxo ayax, tallabadaas ayaa buuq ka dhalisay baarlamaanka.

    David Obala oo laga soo doorto deegaanka bariga ku yaal ee Ngora ayaa baarlamaanka la tegay dhalada uu ayaxa kasoo buuxiyay si uu ugu muujiyo dareenkiisa ku aadan eedeymaha loo jeediyay dowladda ee ah inay ka gaabisay dadaallada lagu xakameynayo ayaxa ku habsaday deegaanno ku yaal Uganda taas oo horseeday cabsida ah in ayaxa uu dhalin karo cunno gabaabsi.

    Xildhibaan Obala ayaa lagu qasbay inuu dhalada uu ka buuxay ayaxa ku wareejiyo saraakiisha amniga baarlamaanka kaddib markii xildhibaan oo arrintaas ka carooday.

    Wargeyska The Daily Monitor ee kasoo baxa dalkaas ayaa barta Twitter-ka soo geliyay muuqaalka xildhibaanka baarlamaanka la galay ayaxa.

    Ka bood X boggan
    Oggolow X macluumaadka

    Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

    Digniin: BBC macluumaadka ku qoran bog kale masuul kama ahan

    Dhammaadka X boggan

  19. Dabley 'weerar ku qaaday' bas marayay deegaan ka tirsan gobolka waqooy bari Kenya'

    .

    Ugu yaraan 3 qof oo rakaab ahaa ayaa ku dhintay weerar ay koox hubeysan ku qaaday bas kaaso baxay magaalada Mandheera ee gobolka waqooy bari Kenya, sida uu ku warramay wargeyska The Daily Nation.

    Xilligii uu weerarka dhacayay baska wuxuu marayay deegaanka Sarmaan ee ku yaal waqooyiga magaalada Mandheera.

    Maamulka shirkadda basaska ee Mooyaale Raha ayaa xaqiijiyay weerarka isla markaana sheegay in saaka baska ay dabley rasaas ku furtay xilli uu ku wajahnaa magaalada Nairobi, sida laga soo xigtay wargeyska.

  20. Erdogan oo hanjabaad hor leh u jeediyay ciidammada Suuriya

    Taangiyada dagaalka ee Turkiga oo dhawaan gaaray tuulada Matarim ee ku taal gobolka Idlib

    Xigashada Sawirka, AFP

    Qoraalka sawirka, Taangiyada dagaalka ee Turkiga oo dhawaan gaaray tuulada Matarim ee ku taal gobolka Idlib

    Madaxweynaha Turkiga ayaa sheegay in waqtiga uun uu ka xigo xilligii ay ciidammadiisa qaadi lahaayeen howlgal lagu joojin karo weerarada ay ciidammada Suuriya ay ka fuliyaan gobolka Idlib.

    Recep Tayyip Erdogan wuxuu ka digay inay ka go'antahay sidii uu u xaqiijin lahaa amniga deegaanada xadka ku yaal isla markaana uu u sugi amniga shacabka u dhashay labada dal ee degan halkaas.

    Wuxuu madaxweynaha ku hanjabay in ciidammada Turkiga ay gobolka Idlib ku qaadi doonaan weerar militari oo hor leh si u joojiyaan howlgalada ciidammada Suuriya kaas oo horseeday in gobolka ay ka qaxaan malaayin qof oo rayid ah.

    Hadalka madaxweyne Erdogan ayaa imaanaya xilli lagu guuldareystay wadahadallo u dhexeeyay Turkiga iyo Ruushka oo la doonayay in lagu soo afjaro dagaallada ka taagan gobolka Idlib.

    Xukuumadda Ankara waxay isku dayday in heshiis xabad joojin ah looga dhawaaqo gobolka balse dowladda Suuriya iyo Ruushka ayaa diiday heshiiska xabad joojinta ee la shaaciyay sannadkii 2018-kii.