War deg deg ah, Aaway saaxiibadii Iiraan ee Shiinaha iyo Ruushka?
Iyadoo UK ay u ogolaatay Washington in ay u isticmaasho saldhigyadeeda hawada "difaaca" weerarrada inta lagu guda jiro dagaalka Maraykanka iyo Israa'iil ee Iiraan, ayaa waxaa indhaha lagu hayaa taageerada ay Tehran dibadda ka heli karto.
Ruushka iyo Shiinaha labaduba waxay xiriir diblomaasiyadeed, ganacsi iyo mid militari la leeyihiin Jamhuuriyadda Islaamiga ah, laakiin khilaafka hadda jira ayaa diiradda saari doona ilaa inta ay doonayaan inay taageeraan.
War deg deg ah, Gantaal ka yimid Iiraan oo ku dhacay saldhigga cirka Mareykanka ee Qadar
Qadar ayaa lala beegsaday labo gantaal oo nooca balaastikada
oo ay soo tuureen Iiran, sida uu sheegay wasiirka wasaaradda difaaca ee
dalkaas.
Mid ka mid ah gantaallada waxaa qabtay nidaamyada difaaca
cirka ee Qadar, halka kan kale uu ku dhacay saldhigga cirka Mareykanka ee Al
Udaid – oo ah saldhigga ugu weyn ee Mareykanka ee gobolka.
Qatar ayaa sheegtay in aysan jirin wax dhimasho ah.
War deg deg ah, Daawo Muuqaal muujinaya qunsuliyadda Mareykanka ee Dubai oo dab ka holocayo
Tan iyo markii weerarada Mareykanka iyo Israa’iil oo isku dhinac ah ay bilaabmeen Sabtidii, Iiran
ayaa bilowday taxane weeraro ah oo lagu qaaday saldhigyada Mareykanka iyo
xulafadiisa guud ahaan gobolka.
Sawirro ay xaqiijisay BBC Verify ayaa muujinaya dhismaha
qunsuliyadda Mareykanka ee Dubai oo dab ka holcayo ka dib markii (drone) ku dhacday
fiidnimadii Talaadada.
Mid ka mid ah muuqaallada, oo laga duubay isgoys dhowr mitir
u jira qunsuliyadda, ayaa muujinaya waxa u muuqda drone ku dhacaysa qunsuliyadda, halka mid kale uu
muujinayo dab ka holcaya gudaha dhismaha iyo qiiq madow oo cirka isku shareeray.
Isaga oo la hadlayay wariyeyaasha habeenkii xalay, Xoghayaha
Arrimaha Dibadda Mareykanka, Marco Rubio, ayaa xaqiijiyay in drone lagu duqeeyay
“meel baabuur la dhigto” oo ku xigta dhismaha qunsuliyadda.
“Dhammaan shaqaaluhu waa la tiriyay,” ayuu yiri Rubio, isaga
oo intaa ku daray: “Waxaan nasiib wanaagsan u helnay, dabcan, laakiin
safaaradahayaga iyo xarumaha diblomaasiyadeed waxay si toos ah weerar ugu
jiraan nidaam argagixiso.”
Qoraalka Muuqaalka, Dab ka kacaya agagaarka qunsuliyadda Mareykanka ee Dubai ka dib markii lagu qaaday weerar
War deg deg ah, Dalalka muwaadiniinta ku xayirmay dagaalka iyo waxa ay samaynayaan
Boqortooyada Ingiriiska (UK) ma aha dalka keli ah ee
diyaarinaya in dib loogu celiyo muwaadiniinta ku xayiran dibadda dalkooda.
Halkan waxaa ku qoran waxa waddamada kale ay ka sheegeen xaaladda:
Australia
Wasiirka Arrimaha Dibadda, Penny Wong, ayaa sheegtay in
Australia ay wadahadallo la leedahay shirkadaha diyaaradaha si ay u caawiyaan
115,000 oo muwaadiniin Australian ah oo ku xayiran Bariga Dhexe, laakiin in la
sameeyo daad-gureyn ay adkaan doonto iyadoo qayb badan oo hawada gobolka ah ay
xirantahay.
Faransiiska
Sarkaal ka tirsan dowladda Faransiiska ayaa sheegay in ku
dhawaad 400,000 oo muwaadiniin Faransiis ah ay saameysay xaaladda. Ka dib
markii lagu booriyey inay iska diiwaangeliyaan nidaamka "Ariane" ee
Wasaaradda Arrimaha Dibadda, in ka badan 25,000 ayaa iska diiwaangaliyay, ayuu
sarkaalku sheegay.
Jarmalka
Dowladda Jarmalka ayaa sheegtay in warshadaha dalxiiska ay
mas’uul ka yihiin soo celinta inta badan 30,000 oo muwaadiniin Jarmal ah oo ku
xayiran gobolka, isla markaana dib-u-soo-celinta ciidanka ay tahay xalka ugu
dambeeya oo keliya.
Talyaaniga
Diyaarad kireysan oo ugu horreysay oo sidday 127 muwaadiniin
Talyaani ah oo ku xayiran Oman, ama halkaas laga keenay Dubai, ayaa ka degtay
garoonka diyaaradaha Fiumicino ee Rome habeenimadii Isniinta. Safarka Rome soo
gaaray ayaa u mahadceliyay safaaradda Talyaaniga caawimaadda ay siisay.
Spain
Isbaanishku wuxuu bilaabay daad-gureynta muwaadiniintiisa ee
Bariga Dhexe, sida uu sheegay Wasiirka Arrimaha Dibadda Jose Manuel Albares
Talaadadii.
Mareykanka
Waaxda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa Isniintii ku
baaqday in Maraykanka ay si degdeg ah uga baxaan in ka badan toban waddan oo
Bariga Dhexe ah, laakiin weli ma aysan shaacin duulimaadyada dib-u-soo-celinta.
War deg deg ah, Duqaymihii u dambeeyay ee dhacay halka lala beegsaday iyo cidda fulisay
Xigashada Sawirka, EPA
Qoraalka sawirka, Nidaamka difaaca hawada ee Israa’iil, Iron Dome, ayaa qabtay gantaallo ku dul dhacayay Tel Aviv.
Iiraan
Milatariga Israa’iil wuxuu sheegay in Iiraan ay ka
jawaabaysay taxanaha cusub ee weerarada. Saacadihii ugu dambeeyay, Israa’iil
waxay bixisay digniin, iyadoo ka digtay gantaallo ka yimaada dhanka Iiraan.
Lubnaan
Israa’iil waxay sidoo kale sheegtay inay la socotay
gantaallo laga soo riday dhanka Lubnaan, halkaas oo weerarada Israa’iil ay ku
beegsanaysay Xizbullah. Gantaallada iyo rasaasta waa la qabtay, mana jiraan
warar degdeg ah oo sheegaya khasaaro nafeed, sida ay Israa’iil sheegtay.
Shixnadaha/Badeecadaha badda
Xarunta Hawlaha Ganacsiga Badda ee Boqortooyada Ingiriiska
(UKMTO) waxay sheegtay inay heshay warbixin ku saabsan “rasaas aan la aqoon” oo
ku dhacday markab xeebta Fujairah, Imaaraadka Carabta.
Waxaa la sheegay in rasaastu waxyeelo gaarsiisay birta
markabka, laakiin “ma jirto dab ama biyaha gudaha u galay”. Shaqaalaha markabka
waa nabad qabaan, waxaana baaritaan ku socda, sida UKMTO sheegtay.
Kuwait
Gabar 11-jir ah ayaa dhimatay ka dib markii rasaas kusoo
dhacday hareeraha guryaha deegaanka ah ee Kuwait, sida uu sheegay afhayeen u
hadlay Wasaaradda Caafimaadka ee dalkaasi. Afhayeenku wuxuu intaa ku daray in
afar xubnood oo qoyska ka tirsan, oo ay ku jirto hooyadeed, la geeyay isbitaal.
War deg deg ah, Dowladdaha Khaliijka oo sheegay in Iiraan ay ka gudubtay khad cas
Xigashada Sawirka, reu
Qoraalka sawirka, Dekedaha Jebel Ali ee Dubai ayaa dab qabsaday ka dib markii qashinka gantaal la qabtay uu ku dhacay.
Dowladaha Khaliijka ayaa isu arka inay dhexda ka galeen
safka hore ee dagaalka ugu dambeeyey ee Bariga Dhexe, waxaana ka muuqata caro
ay ka qabaan arrinkaasi.
Iiraan ayaa ka jawaabtay duqeymihii cirka ee ay Mareykanka
iyo Israa’iil ay fuliyeen, iyadoo qarxisay boqolaal gantaallo iyo diyaarado aan
duuliye lahayn oo ku wajahan deriskeeda Carabta — iyadoo bartilmaameedsatay
saldhigyo milateri oo Mareykanku ku leeyahay dhulkooda, iyo sidoo kale
kaabayaasha rayidka iyo tamarta.
Tallaabadan waxay ku beegsaneysaa sumcadda Khaliijka sidii
meel ammaan ah, hodan ah oo loo safro, dalxiis lagu tago, iyo maaliyad lagu
shaqeeyo, isla markaana carqaladeynaysa warshadaha saliida iyo gaaska ee
muhiimka u ah gobolka.
Dagaalkan waa mid aan dowladaha Carabta dooneyn oo ay isku
dayeen inay ka hortagaan. Su’aashu waxay tahay inay ku dhici doonaan in lagu
soo jiido, iyadoo la tixraacayo waxa ay ugu yeereen weerarrada “khayaanada” ah
ee Iiraan.
Xaaladda Bariga Dhexe oo si degdeg ah isu beddeshay,
subaxnimadii Arbacada iyada Israa’iil ay qabatay gantaallo laga soo tuuray Iiraan,
isla markaana Sacudi Carabiya waxay ku dhawaaqday inay qabatay laba gantaal oo
nooca kruuska iyo diyaarado aan duuliye lahayn (drones).
Dhanka caalamka, Waaxda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka
ayaa sheegtay inay abaabuleyso duulimaadyo lagu soo saarayo muwaadiniinteeda
gobolka, tallaabo ka tarjumeysa welwelka sii kordhaya ee ku saabsan xaaladda
ammaanka ee sii xumaanaysa.
Dhinaca dhaqaalaha, qiimaha saliida ayaa sii waday kororka,
iyada oo walaac laga qabo carqaladeynta sahayda, gaar ahaan iyadoo laga hadlayo
khataraha suurtagalka ah ee maraakiibta marin-biyoodka Hormuz, oo ah meel
muhiim u ah tamarta adduunka.
Xaaladdan, Reuters ayaa sheegtay in ilo wareedyo
ah ay sheegeen in Saudi Aramco ay baareyso wadooyin kale oo laga dhoofiyo
saliida marin-biyoodka Hormuz, iyadoo la diyaarinayo wax kasta oo carqalad ah.
Dhinaca siyaasadda, Madaxweyne Donald Trump ayaa sheegay in
Iiraan si xooggan loo garaacay, isla markaana keydka gantaallada ee dalka uu
gabaabsi yahay.
War deg deg ah, Askartii ugu horreysay ee Mareykan ah ee ku dhimatay colaadda Iiraan oo la aqoonsaday
Xigashada Sawirka, US Army Reserve Command
Qoraalka sawirka, Ciidamada dhintay ee Maraykanka ee la aqoonsaday
Ciidamada Mareykanka ayaa magacaabay askartii ugu horreysay
ee ku dhimatay colaadda u dhaxaysa Mareykanka-Israa'iil oo isku dhinac ah iyo Iiraan.
Lix askari ayaa dhintay markii “nidaam diyaaradeed oo aan
duuliye lahayn” uu ka baxsaday difaacyada cirka si uu u garaaco xarun amar ku
taal Port Shuaiba, Kuwait, Axaddii.
Taliska Dhexe ee Mareykanka ayaa markii hore sheegay in
saddex askari ay ku dhinteen weerarka, laakiin mas’uuliyiinta ayaa Isniintii
xaqiijiyey in tirada dhimashada ay laban laabantay, kadib markii hal qof uu u
dhintay dhaawacii iyo laba mayd oo kale lagu helay burburka.
War deg deg ah, Qadar oo xabsiga dhigtay unugyo looga shakisan yahay jaajuusnimo
Wakaaladda wararka ee dowladda Qadar ayaa ku sheegtay in
ciidamada ammaanka ee dalka ay “si guul leh u burburiyeen laba unug” oo la
xiriiriyay Ciidanka Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah (IRGC) isla markaana ay
xabsigeeda dhigeen xubnahooda Arbacadii subaxnimo.
Wakaaladda wararka ayaa sheegtay in toddobada ka mid ah
dadka la tuhunsan yahay ay ahaayeen “wakiillo fulinayey howlgallo sirdoon si ay
u ururiyaan macluumaad ku saabsan kaabayaasha muhiimka ah iyo xogta milateri ee
dalka.”
Wakaaladda wararka ayaa intaa ku dartay in saddex kale oo ka
mid ah dadka loo haysto falalka sirdoonka “lagu tababaray isticmaalka
diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drones).”
Wakaaladda wararka dowladda Qadar ayaa sheegtay: “Intii
baaritaanka socday, dadka la tuhunsan yahay waxay qirteen inay xiriir la
leeyihiin Ciidanka Ilaalada Kacaanka Iiraan waxayna sheegeen in lagu faray inay
fuliyaan howlgallo sirdoon iyo burburin.”
War deg deg ah, Dad ka qaxay Urdun oo gaaray Slovakia
Xigashada Sawirka, EPA/Shutterstock
Qoraalka sawirka, Dadka ayaa ka soo degaya duulimaad ay dowladda Slovak kaga soo qaaday Urdun iyaga oo ku sugan Bratislava
Iyada oo duqeymo ka socda Bariga Dhexe ay sii socdaan, dalal
badan oo ka baxsan gobolka ayaa diyaarinaya duulimaadyo dib loogu soo celinayo
muwaadiniintooda si ay ugu laabtaan guryahooda.
Sawirradan ayaa muujinaya dadka loo soo celinayo Bratislava
iyaga oo ka imanaya Urdun, duulimaadyadaas oo ay abaabushay dowladda Slovak.
Zuzana oo 53 jir ah ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u
sheegtay in seerinooyinka “hal mar iyo hal mar ay dhaqaajiyaan. Gantaallo ayaa
si toos ah inaga dul marayay. Xitaa qaar baan aragnay oo la toogtay.”
Anton, 23 jir ah, ayaa sheegay in digniinaha duqeymaha cirka
“ay noqdeen kuwo aad u xoog badan.”
“Gantaallada ma aanan arkin xitaa, waxay ahayd wax cabsi
leh, mana qiyaasi karo in si maalinle ah loo soo maro,” ayuu yiri.
War deg deg ah, Israa’iil oo qabatay gantaallo looga soo riday Iiraan
Xigashada Sawirka, EPA
Qoraalka sawirka, Nidaamka difaaca gantaallada ee “Iron Dome” ee Israa’iil ayaa sawirkan lagu arkayaa iyaga oo qabtay walax la soo tuuray habeenkii Talaadada.
Ciidamada Israa’iil ayaa sheegay inay Iiraan soo qaaday weerar
jawaab celin ah oo ay uga jawaabayso weerarada dhankooda ka imaanaya.
Saacadihii u dambeeyey, Israa’iil ayaa ku dhawaaqday
digniino, iyadoo ka digaysa gantaallo laga soo tuuray Iiraan.
Dhawaaqyada digniinta ayaa yeeray, waxaana dadka Israa’iil
lagu wargeliyey farriimo taleefannadooda gacanta ah oo lagu farayo inay galaan
meelaha gabaadka ah oo ay halkaas ku sugnaadaan ilaa amar dambe laga bixiyo.
Israa’iil waxay sidoo kale sheegtay inay la socotay walxo
gantaallo ah oo laga soo tuuray Lubnaan, halkaas oo duqeymaha Israa’iil ay ku
beegsanayeen Xisbullah.
Gantaallada iyo walxaha la soo tuuray waa la qabtay, mana
jirin warar degdeg ah oo ku saabsan khasaare naf ah, sida ay Israa’iil
sheegtay.
War deg deg ah, Markab lagu duqeeyay xeebta UAE, sida ay sheegtay hay’ad kormeerta badda ee UK
Xarunta Hawlaha Ganacsiga Badda ee Boqortooyada Ingiriiska
(UKMTO) ayaa sheegtay inay heshay warbixin ku saabsan “walax aan la garanayn”
oo ku dhacday markab ku yaalla xeebta Fujairah, Imaaraadka Carabta.
UKMTO waa hay’ad ay hogaan Ciidanka Badda Boqortooyada
Ingiriiska oo ka shaqaysa xiriirka u dhexeeya maraakiibta ganacsiga iyo
xoogagga militariga si loo xaqiijiyo ammaanka badda.
Waxay sheegtay in waxyeello ka soo gaartay markabka, laakiin
“aanay jirin dab ama biyo soo galay.”
Shaqaalaha markabka ayaa la sheegay inay badbaadeen, baaritaanno
ayayna wadaan maamulku, sida ay xustay UKMTO.
War deg deg ah, Qatar ayaa sheegtay inay xirtay 10 qof oo lagu tuhunsan yahay inay basaas u ahaayeen Iraan
Wakaaladda wararka dowladda Qatar ayaa sheegtay in ciidamada
ammaanka Qatar ay “si guul leh u xireen laba unug” oo u shaqeynayay Ciidanka
Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah (IRGC) saacadihii hore ee Arbacada.
Toddobo ka mid ah tuhmanayaasha ayaa “loo xilsaaray hawlo
basaasnimo si ay u ururiyaan xog ku saabsan kaabeyaasha muhiimka ah iyo kuwa
milatari ee dalka,” ayay wakaaladdu sheegtay.
Saddex kale oo sidoo kale lagu eedeeyay basaasnimo ayaa
“lagu tababaray adeegsiga diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drone),” ayay
raacisay.
“Intii lagu jiray baaritaannada, tuhmanayaashu waxay qirteen
xiriirkooda Ilaalada Kacaanka Iiraan, waxayna sheegeen in loo igmaday inay
fuliyaan hawlo basaasnimo iyo falal lagu carqaladeynayo amniga,” ayay
wakaaladda wararka dowladda sheegtay.
Xigashada Sawirka, Getty Images
War deg deg ah, Sacuudiga oo sheegay inuu diyaar u yahay ka jawaabidda weerarada Iiraan
Xigashada Sawirka, Getty Images
Sacuudiga oo sheegay inay diyaar u yahay inuu ka jawaabo
weerarada Iiraan
Sida ay sheegtay wakaaladda wararka rasmiga ah ee dowladda,
Sacuudi Carabiya waxay qaadi doontaa dhammaan tallaabooyinka lagama maarmaanka
ah si ay u difaacdo amnigeeda una ilaaliso dadka deggan dalka.
Golaha wasiirrada boqortooyada ayaa adkeeyay “diyaargarowga
lagu abaabulayo dhammaan awoodaha” si loo taageero dalalka xulafada ah marka ay
ka jawaabayaan weerarro kasta oo suurtagal ah oo kaga yimaada Iiraan, sida lagu
sheegay bayaan ay soo saartay Wakaaladda Wararka Sacuudiga.
War deg deg ah, Xarun ay CIA ku leedahay Sacuudi Carabiya oo la duqeeyay sida warbaahinta Maraykanku sheegtay
Xigashada Sawirka, Getty Images
Saldhig ay leedahay Hay’adda Sirdoonka Dhexe ee Maraykanka
(CIA) oo ku yaalla safaaradda Maraykanka ee Sacuudi Carabiya ayaa la sheegay in
uu ku dhacay weerar diyaarado aan duuliye lahayn Isniintii.
Maraykanka iyo Sacuudi Carabiya labaduba waxay xaqiijiyeen
in laba drone ay ku dhaceen dhismaha safaaradda ee Riyadh, balse ma jirto wax
muujinaya in xarunta sirdoonka ay ahayd bartilmaameedka weerarka, sida ay
sheegtay Reuters.
Weerarka ayaa “burbur” ku sameeyay qayb ka mid ah saqafka
safaaradda, isla markaana qiiq ku “wasakheeyay” gudaha, sida lagu sheegay
digniin ka soo baxday Waaxda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka oo uu helay
wargeyska Washington Post.
Digniintaasi waxay kaloo sheegtay in safaaradda ay soo gaadhay “burbur dhismeed”, isla markaana shaqaalaha lagu amray inay “sii joogaan
goobtooda oo ay is-difaac ku ekaadaan,” sida ay tabisay Washington Post.
War deg deg ah, Xildhibaan Ingiriis ah ayaa sheegay in Britain ay tahay inay ka soo horjeesato weerarrada Mareykanka ee Iran
Xigashada Sawirka, Getty Images
Qoraalka sawirka, Emily Thornberry
Emily Thornberry, Guddoomiyaha Guddiga Arrimaha Dibadda ee
Golaha Commons ee UK, ayaa u sheegtay BBC’s The World Tonight in Britain
ay tahay inay “u istaagto waxa saxda ah” oo ay ka soo horjeesato weerarrada
Mareykanka ee Iran.
Waxay tiri: “Waa inaan u istaagno waxa aan aaminsanahay iyo
waxa saxda ah. Aragtidayadu waa in weerarkan Iran aanu lahayn qorshe, mana aha
danaha Britain in la taageero, isla markaana si kasta uma waafaqsaneyn sharciga
caalamiga ah.”
“Vietnam kumaynaa lug yeelan, markaas waa maya (ayaan
dhahnay), imminka waa maya. Markaas waan saxsanayn, imminkana waan saxanahay,”
ayay tiri Thornberry, oo si joogto ah u dhaliilaysay hawlgalka Mareykanka ee
Iran tan iyo Sabtidii uu bilowday.
Hadallada xildhibaanka ayaa yimid saacado kadib markii
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu dhaliilay Ra’iisul Wasaaraha UK Sir
Keir Starmer, isagoo leh: “Tani ma aha Winston Churchill oo aan la
macaamilayno.”
War deg deg ah, Mareykanka ayaa aqoonsaday afar askari oo ku dhintay weerar ay Iiraan fulisay
Xigashada Sawirka, US Army Reserve
Qoraalka sawirka, Sawirada askarta
Milatariga Mareykanka ayaa hadda aqoonsaday afar ka mid ah
askartii ugu horreysay ee Mareykan ah ee ku dhintay dagaalka kala dhexeeya
Iiraan.
Askartan ka tirsanaa Kaydka Ciidanka Dhulka Mareykanka (US
Army Reserve), kana socday Taliska Taageerada 103aad ee Des Moines, Iowa, waxay
ahaayeen:
Kabtan Cody A. Khork, 35 jir, kana soo jeeda Winter Haven,
Florida
Sarreeye Koowaad Noah L. Tietjens, 42 jir, kana soo jeeda Bellevue, Nebraska
Sarreeye Koowaad Nicole M. Amor, 39 jir, kana soo jeeda White Bear Lake,
Minnesota
Sarreeye Declan J. Coady, 20 jir, kana soo jeeda West Des Moines, Iowa
Laba kale ayaa lagu dilay weerarkii Iiraan ku qaadday xarun
milatari oo ku taalla Kuwait Axaddii, balse weli lama shaacin magacyadooda.
Xoghayaha Difaaca ayaa Isniintii sheegay in xarun oo
Mareykan ah oo ku taalla Kuwait la la duqeeyay kadib markii weerar aargoosi ah
oo ay Iiraan soo qaaday uu ka baxsaday nidaamyada difaaca hawada.
Lixda dhimasho ayaa ah kaliya khasaaraha dhimasho ee ay
milatariga Mareykanku xaqiijiyeen tan iyo markii ay bilaabeen weerarrada ka
dhanka ah Iiraan iyagoo kaashanaya Israa’iil.
War deg deg ah, Ra’iisul Wasaaraha Canada ayaa ku baaqay in Maraykanka iyo Israa’iil ay “ixtiraamaan xeerarka caalamiga ah”
Xigashada Sawirka, Getty Images
Qoraalka sawirka, Mark Carney
Hadal uu jeediyay fiidnimadii Talaadada, Ra’iisul Wasaaraha Canada, Mark
Carney, ayaa ku celiyay taageerada dalkiisu u hayo howlgalka Maraykanka ee
Iiraan.
Wuxuu cambaareeyay weerarrada ay Iiraan ku qaadday rayidka iyo kaabeyaasha
rayidka ee Bariga Dhexe oo dhan.
Carney wuxuu sidoo kale ku booriyay “dhammaan dhinacyada, oo ay ku jiraan
Maraykanka iyo Israa’iil, inay ixtiraamaan xeerarka iskaashiga caalamiga ah.”
“Canada waxay ku baaqaysaa in si degdeg ah loo dejiyo colaadda, waxayna
diyaar u tahay inay gacan ka geysato gaarista yoolkan,” ayuu yiri.
Carney wuxuu intaas ku daray in wada-hadal diblomaasiyadeed, oo ay weheliso
go’aan adag oo lagu gaarayo xal siyaasadeed oo ballaaran, ay muhiim u yihiin
xallinta qalalaasaha iyo ka hortagga dagaal ka sii weyn.
“Rayidka aan waxba galabsan waa in la ilaaliyaa, dhammaan dhinacyaduna waa
inay ka go’naadaan helitaanka heshiisyo waara oo lagu soo afjarayo faafitaanka
hubka nukliyeerka iyo xagjirnimada argagixisada,” ayuu raaciyay.